Magaalo ku taalla Soomaaliya oo laga mamnuucay kooxda Takfiir

Jowhar (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas laga mamnuucday in ay ku noolaadaan kooxda Takfiirka loo yaqaano.

Go’aankan ayaa waxaa gaaray maxkamadda Jowhar, waxaana ay ku amartay in la soo qabto cid kasta oo ka tirsan culimada Takfiirka.

Maxkamadu waxa ay sheegtay in ay faafiyaan diin kale, oo aan ahayn tan islaamka sidda ay hadalka u dhigtay, waxaana laga mamnuucay guud ahaan in ay ku noolaan gobalka Shabeellaha Dhexe.

Tallaabadan ayaa daba socota markii toddobaadkii horre magaalada Jowhar laga qabqabtay culimada Takfiirka kuwaasoo ilaa hadda ku xiran saldhigga guud ee magaalada.

Magaalada Jowhar waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay sidda weyn ugu nool yihiin culimada Takfiirka oo ka dhaqan duwan Soomaalida kale.

Dadka yaqaana waxa ay lee yihiin waxaa ka mid ah dhaqanada ay lee yihiin Hilib ay iyaga gowricin ma cunaan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Gobalka Shabeellaha Dhexe iyo kan magaalada oo ku aadan amarkan looga mamnuucay in ay magalada ku noolaadaan culimadaas Takfiirka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com