Safiir Somaliyeed oo ku dhiiraday inuu Xasan dhaliilo kuna baaqo xilal qaadis

Doxa (Caasimada Online) – Safiirka Somalia u fadhiya dalka Qatar Cumar Idiris, ayaa ku dhiiraday inuu dhaliilo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, kadib weerarkii lagu qaaday Villa Somalia.

Cumar Idiris bartiisa Facebook ku qoray hadal dheer, wuxuuna ugu baaqay masuuliyiinta ammaanka inay si deg dega isu casilaan. Cumar Idiris wuxuu qoraalkiisa barta facebook ku yiri :-

ALLAHA U NAXARIISTO GEN. NUUR SHIRBOW, XOGHAYIHII JOOGTADA EE XAFIISKA RW. INDHA CASE IYO INTII KALEE DHIMATEY OO DHAN INTA DHAAWACA AHNA ALLAHA CAAFIYO.
Teeda kale waxa ugu yar ee la filan karayo dhacdadan ka dib waa iney is casilaan:
1- Wasiirka amniga qaranka.
2- Taliyaha Hay’ada Nabad Sugidda Qaranka.
3- Tan sadaxaad halkan beyd ee gabeyga ah ayaan ku cabirayaa:
Wey fashilantey Hey’adi mar kale, Fiqi ha loo doono.
omar-idiris
Ma ahan wax dhaca in safiir uu dhaliilo dowladda uu matalo, waana diblomaasiyad xumo, waxaana tani ay keeni kartaa in Cumar Idiris uu shaqadiisa ku waayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com