Video: Muqdisho: Gabar lagu daray 80 jir oo fal laga naxo ku dhaqaaqday

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka dhacay dhacdo aad u xanuun badan, kadib markii gabar aadu da’ yar ay reerkeeda ku dareen nin oday ah oo da’diisa lagu sheegay 80 jir, ayada oo aan marnaba ogoleyn.

Gabadha, ayaa reerkeeda ka codsatay inay ka daayaan, balse waa laga diiday waxaana looga dhigay qasab, waxaana la sheegay in gabadhii ay iska soo tuurtay dabaq.

Gabadhhan ayaa la sheegay in loola cararay isbitaal, kadibna ay halkaasi ku geeriyootay

HALKAAN KA DAAWO: