Video: Muqdisho: Adeegga caafimaad oo horumar weyn uu kusoo kordhay

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo maalinba maalinta xigta laga hergelinayo horumar aad loogu farxayo ayaa waxaa markan kusoo kordhay arrin cusub oo horumar dhinaca caafimaadka ah.

Dhaqaatiirta Muqdisho, ayaa markii ugu horeysay tan iyo bur bur waxa ay fuliyeen qalliin loo adeegsaday aaladda laysarka, oo ah habka ugu fudud ee qaliin loo sameeyo.

Isbitaalka Dr. Cusmaan Fiqi ee Muqdisho, ayaa qalliinka lagula sameeyey hooyo Soomaaliyeed, waxaana video-gan uu ka tusinaya qalliinka iyo dhaqaatiirta oo ka war-bixinaya.

HALKAAN KA DAAWO: