SAWIR: Ammaanka Muqdisho in faraha uu ka baxay tan ayaa caddeen u ah

Muqdisho (Caasimada Online) Ma ahan wax cusub in mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya uu isku liido ajnebi darajadiisa laga yaabo in ay hooseeso ama loo diro qof ay isku heer yihiin.

Waxaa marar badan dhacda, in wasiir, xildhibaan, diplomaasi reer galbeed ah lagu soo dhaweeyo garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo ay ku soo dhaweeyaan madaxda dowladda sida madaxweynaha.

Ma suurtagalin ilaa hadda mas’uul ku dhaha mas’uuliyiinta reer galbeedka noogu imaada xarumaha dowladda sidda Vila Somalia iyo goobo kale,marka laga reebo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ra’iisal wasaarihii dowladii KMG ah, kaasoo si cad ah ugu sheegay danjirihii QM u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Agustina Mahiga, balse waxaa iska ku dhacday in beesha caalamka ay ku kacaan isla markiina xilka ayaa laga tiriyay.

Madaxweynaha_oo_la_kulmay_Xubno_UK_1

Si kastaba, waxaa Khamiistii madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu garoonka diyaaradaha Muqdisho ugu tagay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Ingiriiska kaasoo magaalada booqasho ku yimaaday.

Ammaanka goobta uu xildhibaanka tagay oo ahayd xarunta AMISOM ee Xalane ayaad loo adkeeyay, saxaafadda waa loo diidday in ay goobjoog ka ahaadaan shirka jaraa’id marka laga reebo Raadiyaha dowladda.

Shir jaraa’id oo madaxweynaha iyo xildhibaanka ay qabteen, waxa ay ku sheegeen in ay ka hadleen siddii loo soo dhaweyn lahaa xildhibaanka iyo in Ingiriisku uu door muhiim ku lee yahay horrumarka iyo gacan siinta dowladda Soomaaliya.

Waxa ay arrintan muujineysaa in ammaanka goobaha dowladda ay ka arrimiso aaney la isku haleen karin, haddiiba xildhibaan baarlamaan heerkaas loo qiimeeyay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com