28.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Ciidamo fara badan oo ka tirsan DF oo ku geeriyooday Buur-Hakabo kadib…

0

Buurhakabo (Caasimada Online) Ugu yaraan shan ka tirsan ciidamada dowladda ay geeriyooday in ka badan tiradaasna waa ay ku dhaawacantay kaddib markii baabuur ay la socdeen uu ku rogmaday deeganka Jamaacada oo u dhow degmada Buurhakabo ee gobalka Baay.

Dad goobjoogayaal ah, ayaa Caasimada Online u sheegay in ay arkeen ciidamo fara badan meyd ah kuwaasoo la socday baabuur nooca Soomaalida ay u taqaano Cabdi Bilaha.

Waxaa sabab u ahaa gaarriga in uu rogmado markii darawalkii waday uu si xawaare leh uu ka xeeyay baabuurka deetana uu ka baxay waddada.

Ciidamada geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ayaa loo qaaday degmada Buurhakabo oo ay ku sii jeedeen ciidamada la socday baabuurka rogmaday.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay shilkan ka dhacay deeganka Jamaada oo u dhexeysa Shabeellaha Hoose iyo Buurhakabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: Magacaabista duqa MUQDISHO oo go’aan laga gaaray ugu dambeyntii

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa go’aan ku gaaray inuu guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho u magacaabo Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Xasan Maxamed Maxamuud (Muungaab), ilo-wareedyo jooga Villa Somalia, ayaa u sheegay Caasimada Online.

Inkasta, oo markii horeba ay Caasimada Online ku warrantay in Muungaab yahay ninka beddelaya, haddana madaxweyne Xasan Sheekh, wuu laba qalbiyeynayey.

Sida ay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in go’aankan uu la xiriir soo jeedin ka timid Wasiirka arrimaha guddaha Dowladda Federaalka, oo tixraaceyso soo jeedin hore oo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed uu Madaxweynaha ku ogolaaday isla markaana saxiixay soo jeedintaasi hore iyo mida danbe ee wasiirka cusub.

General Muungaab
General Muungaab

Warku wuxuu intaa ku darayaa in magacaabista Muungaab ee Guddoomiyaha gobolka iyo Duqa Muqdisho iney ka danbeysay wadatashiyo Madaxweyne Xasan Sheekh uu la yeeshay beesha Muddulood ee ugu tirada badan gobolka Banaadir.

Aqoonyahano iyo rag magac ku leh bulshada dhexdeeda ayaa mudooyinkii u danbeeyay tartan adag ugu jiray qabashada xilkaasi, inkastoo ay guuldareysteen xubnahaasi.

Wareegtada lagu magacaabay Muungaab ayaa xittaa la sheegay inay diyaarsan tahay oo ay saxiixeen Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Xasan Muungaab ayaa aad ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo amniga C/kariin Guuleed, waxaana lagu xantaa inuu ka tirsan yahay xisbiga Damjadiid ee kooxda talada awooda ku leh.

Macsalaamo Mudane Tarsan
Macsalaamo Mudane Tarsan

Guddoomiyaha xiligan haya jagadaasi Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa arintan wax badan ka og, inkastoo uusan ku qanacsaneyn, haddana waxaa lagu qanciyay in darajo kale loo magacaabi doono, gaar ahaan mid ka mid ah Safiirada dalalka miisaanka ku leh arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Tarsan ayaa xilkani mudo afar sano ah soo haayay, wuxuuna wax badan ka qabtay horumarka Muqdisho, inkastoo ay jiraan dhaliilo iyo amaan maamulkiisa mudan yahay.

Muungaab, waa nin Milatari oo aan nixin, taasi oo dada badan ay u arkaan waxa iminka looga baahan yahay gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Farmaajo oo ka hadlay arrimo xasaasi

0

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in ammaan darida ka jirta magaalada Muqdisho in ay sabab u tahay ballab qaadyada madaxda dowladda iyo laamaha ammanka in si ficil ah loo meel marin.

Farmaajo oo la hadlay Idaacadda maxaliga ee Kulmiye, ayaa caddeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay rabaan nabad oo ay u bisil yihiin, balse wuxuu yiri waxa ay le yihiin mas’uul ay la shaqeeyaan.

Wuxuu madaxda dowladda ugu baaqay in la yimaadaan hab dhaqan wadaniyadeed maadama nidaamka qabiilka aanu meel gaareynin.

Wuxuu kaloo ku baaqay in la daryeelo oo laga warqabo ciidamada dowladda xittaa saraakiisha xilalka laga qaaday.

“Haddii askariga Furunta horre ee dagaalka ku jirra uu arko saaxiibkiis oo si xun u dhaawacmay oo meel ku uray, wuxuu isweydiinaa maxaad u dagaallameysaa, taasina waa arrin dhabar jab ah” ayuu yiri Mudane Farmaajo.

Farmaajo ayaa sheegay haddii la rabo in wax la qabto in lala yimaado siyaasad ka badalan midda hadda ay ku shaqeyso dowladda.

“Waa in mas’uul kasta oo ka tirsan dowladda uu u shaqeyso si wadaniyad leh, waa in xildhibaanka uu ogaadaa in kursiga u ku fadhiyo uu ugu shaqeyo si wadaniyad ah balse aanu u shaqeyn qaab qabiil” ayuu yiri Farmaajo.

Waa hadalkii ugu cuslaa ee ra’iisal wasaaraha horre ee Soomaaliya uu Farmaajo u jeediyo dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

28-ka February: Maxaa kala haysta DF & Axmed Madobe (Maalin muhiim ah)

Muqdisho (Caasimada Online) – 28-ka bishan February, waa maalin muhiim u ah heshiiskii ay dowladda Somalia iyo maamulka Axmed Madoobe ku galeen magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia, oo 6 bilood ay u buuxsami doonto.

Heshiiskaasi oo soo af-jaray xiisaddii colaadeed ee gobollada Jubbooyinka, ayaa lagu saxiixay dhowr qodob, oo labada dhinac ay is-dhaafsadeen, hase yeeshee waxaan dhaqan gelin dhammaan qodobadii dowladda Somalia ay dooneysay.

Qodobka ugu weyn, ayaa ahaa in dowladda Somalia lagu wareejiyo gacan ku haynta dekedda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo, muddo lix bilood gudahood ah, taasi oo ku eg 28-ka bishan, maadaama heshiiska la saxiixay 28-kii August 2013.

Ilo xog ogaal, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Axmed Madoobe uu ku gacan seeray wareejinta dekedda Kismaayo iyo garroonka, mana cadda haddii labada maalmood ee harsan uu ku beddeli doono maankiisa.

Inkasta oo muddo uu kaga caga jiidayey arrintaas, ayaa Axmed Madoobe waxa uu si cad ugu sheegay Xasan Sheekh, markii uu Muqdisho kaga qeyb galay aaska allaha u naxariistee ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, Cabdi Risaaq Xaaji Xuseen.

Ma ahan kaliya qodobka dekedda, ee Axmed Madoobe waxa uusan sidoo kale fulin qodobo kale oo ay ka mid ahaayeen, in dowladda Somalia uu kala tashato magacaabista xubnaha maamulkiisa, in shir dib u heshiisiineed uu ku qabto magaalada Kismaayo iyo kuwo kale.

Waxaa iminka soo baxaya, in heshiiskaas xaqiiq ahaan looga adkaaday dowladda Somalia, oo ay muuqato in laga diblomaasiyad badiyey, oo ujeedku uu ahaa un in Axmed Madoobe aqoonsi uu helo.

Axmed Madoobe, ayaa shalay u kicitmay magaalooyinka Nairobi iyo Addis-Ababa, waxaana ilo-waeedyada Caasimada Online ee magaalooyinkaasi ay soo sheegayaan in sababaha ugu weyn ee socdaalka ay tahay in lagala hadlo heshiiska.

Taa macnaheedu maaha, in xukuumadaha Nairobi iyo Addis-Ababa ay Axmed Madoobe u sheegi doonaan inuu fuliyo heshiisyada, hase yeeshee waxaa la isku dayayaa in laga hortago xiisado dib usoo cusboonaada.

Caasimada Online oo la xiriirtay xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, waa ay diideen inay ka hadlaan heshiiska iyo waqtiga soo gaabanaya ee ka harsan lixdii bil ee lagu ballamay.

Axmed Madoobe qudhiisa, waxaa haysta caqabado kale oo ay ka mid tahay in isaga iyo ku xigeenkii Gen. Fartaag ay hadda isku dhacsan yihiin, ayada oo Video ay heshay Caasimada Online uu muujinayo in Fartaag laga reebay kullan Axmed Madoobe uu Kismaayo kula qaatay safiirka Britain ee Somalia.

Carrada Fartaag, waxa ay Axmed Madoobe uga dhiggan tahay luminta beesha Sade, oo markii horeba Fartaag u aragtay nin aan matalin, oo danihiisa gaarka ah ay riixayaan, taasina oo kasii dhiggan Kismaayo iyo loolan cusub.

Si kastaba, dowladda Somalia, waxa ay wadday dadaallo ay magaalada Kismaayo kaga saareyso ciidamada Kenya, taasi oo ay qeyb ahaan ku guuleysatay, waxaana gacan ka bixinta Kismaayo ee ciidamada Kenya ay DF siin kartaa fursad ay ku hesho ciidamo Amisom ah, oo Muqdisho u dhego furan.

Waxaa la wada dhowrayaa, warka kasoo yeeri doona dowladda Somalia, kadib 28-ka bishan, oo ku eg lixdii bilood ee looga ballan qaaday gacan ku haynta dekedda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo.

W/Q: Axmed Cali Sheekh
Tifaftiraha Caasimada Online

SHAACIN: Document Caasimada Online ay heshay oo mujinaya lacagta Somalia loogu tala galay 2014-ka (Waa imisa?)

0

Nairobi (Caasimada Online) – Document ay Caasimada Online kasoo xigatay Financial Trucking Service, oo ah hay’ad uruurisa xogta lacagta deeq bixiyayaasha caalamka ay siiyaan dalalka kale, ayaa muujinaya wax lagu sheegay gar gaarka Somalia loogu tala galay 2014.

Inta badan lacagta reer galbeedka ay sheegaan inay siiyaan Somalia, ma ahan mid muuqata oo la arka, sida tan Turkey-ga, hase yeeshee waxaa sanadkan Somalia gaari doono, haddaan raacno sida ay yiraahdeen lacag ku dhow 952 million oo dollar.

54% boqolkiiba, lacagtaas waxa ay ka iman doontaa, haddiiba ay dhacdo Midowga Yurub, oo bixinaya in ka badan 50 million oo dollar.

United Kingdom oo ku dhowaad 25 million oo dollar bixin doonta, ayaa macnaheedu yahay 27% deeqda Somalia lagu magacaabay in la siin doono sanadkan.

Waxaa kale oo dalalka bixinaya lacagtaas ka mid ah, Italy, Denmark, Kuwait, Switzerland iyo Japan.

Waxaa xiiso leh in Mareykanka, oo ah deeq bixiyaha ugu weyn dunida, uu Somalia ugu talagay 0 dollar.

Xusuusnow, Turkey-ga ayaa Somalia ku bixiyey 95 million dollar sanaddii 2012, oo ah in ka badan dhammaan dalalkaasi oo la isku geeyey, ayada oo 50 million oo ka mid ah si toos ah loo siiyey dowladda federaalka, halka inta kalena lagu bixiyey dib u dhiska iyo mashaariicda Muqdisho.

Halkan ka arg documents-ka oo dhammeystiran.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Xoghayihii wasaarada arimaha gudaha oo lagu toogtay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa faah-faahin laga helayaa dilka mas’uul ka tirsan wasaarada arrimaha gudaha oo loogu geestay xaafad ku taalla degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Ninkan oo lagu magcaabi jiray Maxamuud Maxamed Sheekh Sadiiq, waxa uu ahaa xog-hayihii wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana dishay haweeney uu qabay, sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Ninkan ayaa la sheegay in xaaskiisa ay ku toogastay baastoolad uu watay xilli uu jiifay, sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Waxaa kaloo wararka ay sheegayaan in ninkan uu qabay xaasas kale, oo xaley ayuu u hoyday xaafadda lagu dilay.

Ilaa hadda ma cadda sababta ay u dhisay sarkaalkan oo ka tirsanaa wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Baadiyow : Ammaanka Somalia waxaa gacanta loogaliyay ciidamo Ajnebi

0

Muqdisho (Caasimada Online) Cabdiraxmaan Macallin Cabdulaahi Baadiyow oo ah siyaasi wax badan ka og arrimaha Soomaaliya isla markaana sannadkii 2012-ka isku soo tagaay xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in ammaan darida ka jirta Muqdisho ay sabab u tahay markii la waayay ciidamo Soomaali ah oo ku filan lana door biday ciidamo Shisheeye in loo gacangaliyo.

Dr.Baadiyow ayaa tilmamaay in ammaanka Muqdisho in loo gacangaliyay ciidamo shisheeye, wuxuuna sheegay in taasi aaney horrumar muujineynin.

Wuxuu ku taliyay haddii la rabo in ammaanka Soomaliya, uu siddan iska badalo in loo dhiibo ciidamada dowladda isla markaana tababbar iyo khibrad la siiyo.

Mar la weydiiyay Baadiyow sidda lagu sugi karo ammaanka Muqdisho, wuxuu sheegay in ammaanka magaalada Muqdisho in lagu sugi karro in ay isla shaqeeyaan ciidamada ammaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Ammaanka waan u jeednaa meesha uu marayo cid looga sheekeenaayo malahan, waana in la sameeyaan wadashaqeyn ka dhaxeysa ciidamada iyo shacabka” ayuu yiri Dr. Baadiyow.

Hadalka Siyaasiga Baadiyow ayaa ku soo beegmaya iyadoo Jimcihii horre weerar xooggan lagu qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DHAGEYSO: Cabdi Weli Gaas: Somalia, Saddex meelood meel waa Puntland

0

Jigjiga (Caasimada Online) Madaxweynaha maamulka Puntland oo hadda ku sugan magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegay in dowladda Ethiopia iyo maamulka Puntland uu ka dhexeyo arrimo badan oo ay ka mid tahay dagaalka lagula jiro kooxaha aragixisada ee Soomaaliya ka dhisan.

Wuxuu sheegay intii uu ku sugnaa Addis Ababa in uu la kulmay madaxda dowladda fedaraalka Ethiopia oo ay ku jiraan ra’iisal wasaaraha, wasiirka arrimaha dibedda iyo kan gaashandhigga.

Wuxuu sheegay oo kale in dowladda Ethiopia iyo maamulka Puntland ay kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah oo ay kamid tahay iskaashi xagga ganacsiga iyo ciidanka.

Wuxuu sheegay marka loo dhigo Soomaaliya seddax qayb kamid ah ay tahay Puntland, siddaas darteed ay Puntland muhiim u tahay caalamka sidda uu yiri.

Mar la weydiiyay wax yaabaha uu u joogo magaalada Jigjiga, wuxuu sheegay in uu kulamo la qaadan doono madaxda dowlad deeganka Soomaalida Ethiopia isla markaana ay la kulmi doonaan Soomaali badan oo ku nool Jigjiga.

Dhinaca kale, hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba, Axmed Madoobe ayaa galabta u dhoofay magaalada Nairobi isagoona uga sii ambabixi doona magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia halkaasoo looga yeeray.

Puntland iyo maamulka KMG ah ee Jubba ayaa waxaa ka dhaxeya xiriir aad u weyn.

Halkan ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Video: Goormee ayaa kugu dambeysay MUQDISHO oo sidaan ah? (Daawo)

0

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo Sanado badan oo burbur ah kadib dib u heleyso nidaamkii Dowliga ahaa oo aan waayadaan lagu arkin Muqdisho.

Mar hadii aad daawato Muuqaalkani waxaa hubaal ah in aad arkeyso Muqdisho cusub oo aadan sanadahaan arag ee nala daawo muuqaalkani ku qiiro gelinaya.

HALKAAN KA DAAWO:

 

R/W Erdogan oo loogu baaqay in uu is casilo kaddib markii la ogaaday……

0

Ankara (Caasimada Online) Mucaaradka Turkiga ayaa ku kacsan xukuumada uu hoggaamiyo ra’iisal wasaare Recep Tayyib Erdogan.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka Tuyrkiga ee RPP, ayaaa ugu baaqay inuu is casilo ra’iisal wasaaraha dalkaas, kaddib markii ay soo bandhigeen cod laga duubay isaga iyo wiilkiisa oo ay uga hadlayaan sidii ay lacago tira badan u qarin lahaayeen.

Kaliye ma ahan xisbiga RPP axsaabta ku kacay, waxaa kaloo ku biiray xisbiga kale ee NAP, waxaana labadooda ay sheegeen in dowladdu lumisay sharciyadeedii, loona yahay in la baaro eedeymaha loo heesto.

Si kastaba, ra’iisal wasaare Recep Tayyib Erdogan ayaa ku gacanseyray codkaas la soo bandhigay, wuxuuna ku tilmaamay mid been abuur ah oo la soo dhoodhoobay.

Ra’iisal wasaare Erdogan waxaa kaloo uu  goodiyay in la ciqaabi doono kuwa mas’uulka codka sida qarsoodiga looga soo duubay isaga iyo wiilkiisa.

Dowladda Erdogan ayaa waxaa soo wajahay eedeymo ah inay ku lug leedahay masumaasuq ballaaran.

Xisbiga talada haya ee Erdogan ayaa arrintan ku tilmaamay shirqool looga soo horjeeda dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Istanbul

[email protected]

Fowsiya Yuusuf Xaaji : “Waxaa aniga & Xasan Sh dambiilayaal naga dhigay….”

0

Nairobi (Caasimada Online) Wasiirkii horre ee arrimaha dibedda Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa gaashanka u daruurtay warbixin ay qortay wakaalada wararka Reuters, taasoo ah ahay din ay ka mid ahayd xubno dowladda ka tirsan oo ku qasbay guddoomiyihii horre ee Baanka Soomaaliya, Yusra Abraar in ay Bangi ka furto magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka.

Marwo Fowsiyo oo hadda ku sugan Nairobi, ayaa VOA-da u sheegtay in warkaas uu yahay mid been abuur ah, lagana rabo Reuters caddeen isla markaana ay maxkamad la tiigsan doonto sidda ay hadalka u dhigtay.

Waxa ay sheegtay warbixinta Reuters lagu qoray aaney wax xiriir ah lagala soo sameeyn markii la daabacayay isla markaana ay ka been sheegeen Yusra Abraar qudheeda.

“Waxa ay dhaheen Bangiga laga furaayay Dubai waxaa la rabay in lagu xado lacagaha dowladda ay ka hesho beesha caalamka, anniga iyo madaxweynaha waxa ay naga dhigeen dad dabi ka galay dalka, arrintaas loogama hari doono waxaana loo hayaa caddeeymo” ayey turu

Waxaa kaloo ay sheegtay in ay xaq u lee dahay dowladda in Account ka furato meesha ay rabto, taasna aaney ahayn wax la qariyo, waana been aan sal lahayn” ayey tiri.

Wasiirkii horre ee arrimaha dibedda Somalia, ayaa tilmaamtay Reuters in ay maxkamad la tiigsan doonto oo ay qabsan doonto sharci yaqaaano si ay jawaab ugu hesho eedeenta loo jeediyay oo been ah sidda ay tiri.

Waxaa kaloo ay sheegtay in aanu ahayn xilliga la sheegayo wasiirka maaliyada, marka waa been abuur aan sal lahayn bay tiri Marwo Fowsiyo Yuusuf.

Fowsiyo Yuusuf ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee noqoto wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, waxaana lagu tilmaamay xilligii ay joogtay xafiiska in ay qabtay wax yaabo fara badan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Sawirro: Switzerland oo Soomaaliya ka caawineysa dhaqangalinta Fedaraalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda  Switzerland ayaa maanta oo Talaado sheegtay in ay dowladda Soomaaliya ku gacan siin doonto dhaqangalinta nidaamka fedaraalka oo ay dooneyso in ka hirgaliso dalka oo dhan.

Hadalkan ayaa waxaa sheegay danjiraha cusub ee dalka Switzerland u qaabilsan Soomaaliya Domanic,oo maanta madaxweynaha Soomaaliya uu ka guddoomay waraaqadihiisa aqoonsiga ah.

Wuxuu sheegay in dalkiisa uu lee yahay in ka badan 700 oo khibrad la xiriirta nidaamka fedaraalka, taasna ay uga faa’ideen karaan Soomaalida oo doonaya in ay nidaamkan hadda hirgaliyaan.

Madaxweyne Xasan ayaa uga mahad-celiyay Switzerland sida ay diyaarka ugu tahay xoojinta xiriirka labada dal.

Safiirka cusub ayaa ku wareejiyay madaxweyne Xasan dhambaal uu uga siday madaxda dalka Switzerland.

Wuxuu uga mahad-celiyay madaxweynaha sida uu uga aqbalay waraaqaha aqoonsiga safiirnimo, wuxuuna ballan-qaaday inay dowladdiisa ka caawin doonto Soomaaliya dib u dhiska dalka, horumarinta nidaamka federaalka iyo xasilinta dalka.

Waa markii ugu horreysay muddo 30 ah oo Switzerland ay safiir u soo magacowdo Soomaaliya.

swiss1swiss2swiss3swiss4swiss5swiss6

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

MUQDISHO oo laga hadal hayo dhacdo xannuun badan oo xalay ka dhacday

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa xaley ka dhacday dhacdo aad u xanuun badan, taasoo ahayd nin ku kuhubeysan tooreey oo  dilay Hooyo iyo Wiilkeeda, kaddib markii uu khilaaf soo dhex galay qoyska ninka wax dilay iyo qoyska la dilay.

Muranka ayaa la sheegay inuu ka billowday markii carruur ay kala dhaleen labada qoys uu dhex maray gacan ka hadal, deetana dagaalka ayaa ugudbay gacan ka hadlan in naf la gooyo.

Dhacdadan oo ka dhacday xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshid ayaa la sheegay in ninka uu is garab dhigay wiilka iyo hooyadiis deetana uu baxsaday.

Goobjooge ku sugan xaafadda ka dhacday shilkan ayaa sheegay in wiilka uu dhawaan ka qalin jabiyay Jaamacada SIMAD isla markaana uu ka shaqeyn jiray mid ka mid ah Xawaaladaha ku yaalla Muqdisho.

Wuxuu sheegay oo kale goobjoogaha in labada qoys ay daris ahaayeen kuwaasoo dhowr jeer uu dhex maray muran.

Hooyada ayaa la sheegay in ay kuu baxday ninka tooreyda watay oo xilligaas ay dagaalamayeen wiilkeeda, balse halbowlaha ayuu ka galiyay, wiilkan wuxuu uga dhuftay wadnaha, siddaas waxaa warbaahinta u sheegay adeerkood oo la dhan Axmed Jimcaale Maxamuud.

Labada qoys ayaa la sheegay in ay Jufo ahaan ay isku dhowaayeen.

Hooyada ayaa la oran jiray Asli Ciise Wardheere, wiilka waxaa la oran jiray Maxamed Jimcaale Maxamuud.

Maamulka degmadaas ayaa goobta gaaray waxaana ay soo arkeen meydka, iyagoona qoyska ku amaray in loo qaado xarunta CID-da si sawirro looga qaado.

Dhacdooyinka noocan oo kale waa kuwa aalaba ka dhaca Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

R/W Cabdi Weli oo $400,000 diyaarad ku kireystay + BF oo baaritaan ku haya

0

Muqdiso (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Somalia Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa lagu eedeeyay inuu lacag dhan afar boqol kun oo dollar ku kireeystay diyaarad ay leedahay Shirkadda Fly540 ee laga leeyahay dalka Kenya.

Ra’iisul wasaaraha wuxuu diyaaradiisa qaaskaa ugu safray dalalka Ethiopia, Jibouti, Kenya iyo Uganda iyadoo ugu dambeeyntii ku celisay Magaaladda Muqdisho.

Gudigga Baarlamaanka Somalia ee maaliyada ayaa falka nuucaasa ku sifeeyay ku tagrifal dhaqaale, waxayna tibaaxeen in lacagtaasi ay baaris ku sameen doonaan, sida xildhibaanno aan dooneyn in la magacaabo ay noo xaqiijiyeen.

Ra’isul wasaare Cabdi Weli oo ah dhaqaale yahan ka soo shaqeeyay Bankiga Islaamka wuxuu isticmaali karay Diyaaradaha ganacsiga halka uu kirreystay diyaarad qaas ah oo mudadii safaradiisa u tiil garoomada dalalka uu booqday, taasi oo lacag badan ku dallacday.

Xilli Kumanaan Somalia macluul la ildaran yihiin, sidoo kalena Ciidamadii Dowlada Mushaar la-aan ka cabanayaan waxa ay tani u muuqan kartaa takri fal dhaqaale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Daawo: Gabar Somali ah oo dhibaato & calool xumo ku nooleyd in ka badan 20 sano oo mar qura laga farxiyay

0

Gabar Soomaaliyeed oo dhibaato iyo calool xumo ku nooleyd in ka badan 20 sanandood ka dib dhaawac halis ah oo ka soo gaarey wajiga oo ay xabad uga dhacday ayaa waxaa la sheegay inay farxad la ilmeysay ka dib markii loo sheegay in qaliin dib loogu hagaajinaayo wajigeeda lagu sameyn doono.

Ayaan Maxamed oo ah gabar Soomaaliyeed oo 25 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay in ayadoo yar oo 2 sano jir ah ay xabad kaga dhacday wajiga, Gabadhaan Soomaalid ayaa wixii intaas ka dambeeyey waxaa nolosheeda soo wajahay dhibaato weyn iyo xanuun joogto ah iyadoona dhaqaatiirta Soomaaliyeed iyo kuwa Afrikaba ay wax ka qaban waayeen gabadhaas dhaawaceeda oo wajigeeda ka dhigay si qaab daran oo aan la eegi karin.

Gabadhaan Soomaalida ayaa dhawaantaan waxaa u suuro gashay inay soo gaarto dalka Australia si loogu sameeyo qaliin loogu hagaajinaayo wajigeeda ay mudada dheer ay ku qabtay dhibaatada weyn, gabadhaan Soomaalida ayaa la filayaa in dhawaantaan qaliin loogu sameeyo wajigeeda isbitaalka lagu magacaabo Wesley Hospital oo ku yaala magaalada Brisbane ee dalkaas Australia iyadoona ay dhaqaatiirtu sheegeen inay rajeyn doonaan inay wax weyn ka qabtaan wajiga gabadhaas Soomaalida ah.

Ugu dambeyntiina iyadoo gabadhaaas Soomaalida oo dhawaantaan lagu qali doono isbitaalka lagu magacaabo Wesley Hospital oo ku yaala magaalada Brisbane ee dalkaas Australia ayaa waxaa arintaas qeyb weyn ka qaatey haweeneyda lagu magacaabo Edna Adaan Ismaacil.

Gabadhaan Soomaalida oo markii hore uu wasiirka qaxootiga ee dalkaas Australia ninka lagu magacaabo Scott Morrison uu u diiday fiisihii ay dalkaas ku gali lahayd ka dib markii uu ku sheegay in dhaawaca gabadhaasi uusan ahayn mid nolosheeda qatar ku ah ayaa dalab ka yimid dad kor u dhaafaaya ilaa iyo 40,000 oo qofood ka dib waxaa loo ogolaaday gabadhaas in la siiyo dal ku galkii ama fiisihii ay ku gali lahayd dalka Australia iyadoona ay dhaqaatiirta iyo isbitaalkaasiba ay si bilaash ah ama lacag la’aan ah ay ku daaweynaayaan gabadhaas Soomaaliyeed.

Halkan ka daawo

Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
[email protected]

Muqdisho: Kooxo toogtay haweeney ka shaqeysa wasaarada caafimaadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa maanta barqadi waxa ay xaafada Xamar-jadiid ee degmada Wardhiigley ku dileen haweeney ka tirsanee howlwadeena wasaarada caafimaadka dowladda Soomaaliya.

Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Shariifo Yuusuf Maxamed, waxaa la toogtay xilli ay ka soo baxay gurrigeeda oo ay ku soo jeeda goobteeda shaqo.

Hooyo Shariifo oo 42-jir ayaa ka tagtay afar carruur ah, waxaana siddaas sheegay wiil ay dhashay oo la hadlay warbaahinta.

Wasaarada caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in haweeneydan ay ka tirsaneed saraakiisha wacyigalinta iyo bixinta Talaalka wasaarada.

Ma cada kooxda dishay haweeneydan, Soomaaliya ayaa tan iyo bishii May waxaa ka socday olole loogu jirro bixinta Talaalka dabeysha.

Waa dhacdadii labaad oo muddo ka yer 24-saac ka dhacday magaalada Muqdisho.

Xaley ayaey markii nin ku hubeysan tooreey uu ku dilay xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqashid Hooyo iyo Wiilkeeda, markii uu qoyskiisa iyo qoyska kale ay murmeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Meydka Jarmal laga helay BERBERA!!

0

Berbera (Caasimada Online) Taliska Ciidanka booliska ee magaalada Berbera, ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in Hotelka Mansuur laga helay meydka nin u dhashay dalka Jermalka.

Taliyaha ciidamada booliska, Cali Xeydh ayaa sheegay in ninkan oo ka tirsanaa hey’addaha gargaarka in meydkiisa laga helay qol uu ka daganaa Hotelka Mansuur, isagoona intaas ku daray in ay wadaan baaritaan ku aadan siddii lagu ogaan lahaa sababta uu isku dilay ninkan.

Meydka ninkan ayaa la sheegay in la dhigay Talaajad ku taalla magaalada Berbera, halkaasoo hadda ay ku sugan yihiin ciidamada ammaanka oo baaraya sababta uu isku dilay.

Somaliland waxaa ku sugan ajaaniib fara badan, kuwaasoo halkaas u xushay maadam ay ka aammaan fiican tahay Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Hargeysa: Carwo gaar u ah dumarka

0

Hargeysa (Caasimada Online) Magaalada Hargeisa, waxaa maanta oo Talaado ah si rasmi ah looga furay carwo ganacsi oo loo bixiyay Carwada Ganacsi ee Hal-abuurka Dumarka.

Daah-furka carwadan oo lagu qatay Hotelka Maan-Suur ayaa waxaa ka soo qayb galay 50 haween ah oo ganacsiyo kala duwan ku leh Hargeysa.

Wariyaha Caasimada Online ee Hargeysa, oo ka qaybgalay xafladda lagu daahfuryay ayaa sheegay in carwadan ay socon doonto dhowr cisho laguna soo bandhigo doono wax yaabo fara badan.

Dumarka ka soo qaybgalay bandhigga carwada waxaa ka mid ah dumar leh meherado lagu iibiyo qalabka guryaha, dharka haweenka iyo carruurta iyo meheradaha lagu qurxiyo haweenka.

Waxaa kaloo ka mid ah ganacsiga haweenku ku soo bandhigeen carwadan; khudaarta laga beero dalka oo badi haween ka ganacsadaan iyo qalabka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida.140225082205_hargeisa_women_fair_512x288_bbc_nocredit

Qaar ka mid ah dumarka soo bandhigay ganacsigooda ayaa sheegay in ujeedadu tahay sidii dumarka loogu dhiirragelin lahaa shaqada iyo ganacsiga oo shaqo abuur loogu samayn lahaa .

Carwadan ayaa ah tii ugu horreysay ee nooceeda oo kale ah ee lagu qabto Somaliland.

Caasdimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Xasan Sh: Askari ka tirsan DF Somalia oo aan mushaar qaadan ma jirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay shaaciyay ciidamada dowladda in joogto mushaarka loo siiyo, wuxuuna beeniyay wararka sheegaya in ciidamada dowladda mushaar la siin.

Wuxuu wararkaas ku tilmaamay kuwa dacaayado ah oo lagu wax yeeleenaayo hey’addaha ammaanka dowladda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in askari kasta oo ciidanka dowladda ka tirsan in bishii la siiyo 100 dollar oo mushaar ah iyo 60 dollar oo ah Garaamka raashiinkiisa.

“Mushaarka ciidamada joogta ayaa loo bixiyaa, waxaana la siiyaa askari kasta oo ka tirsan ciidanka 160 dollar oo ay ku jiraan 60 garaam oo ah raashin, markii horre garaamka wuxuu ahaa 30 garaam”ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu qiray in mararka qaar ay lacagta soo daahdo, gaar ahaan kuwa beesha caalamka laga keeno, laakin lacagta dowladda ay bixiso in joogto loo siiyo ciidamada oo waliba qaab casri ah oo Elctorinc lagu bixiyo, “oo qofka Profile-kiisa ayaa la hayaa” ayuu yiri.

Madaxweynaha wuxuu ka hadlay ciidamo la sheegay in la rukhseeyay iyagoona shaqeenaya.

Wuxuu Xasan Sheekh, madaxweynaha Soomaaliya ku celceliyay in aanu jirin ciidan la rukhseeyay. Isagoona tirada ciidamada la ceyriyay ay gaareyso 709-askari kuwaasoo uu sheegay in aanu shaqo u heynin dowladda.

“Ma ahan meesha hey’ad samafal, waa in askariga uu uu yahay mid dagaal ku jirra iyo mid caawinaya, wixii intaas ka soo hara ciidan nooma ah”

Waxaa jirta ayuu yiri ciidamo howlgab ah oo muddo dheer ciidanka ku jiray ama kuwa ku curyaabay dagaallada lagula jirro caddowga, kuwaas wuxuu sheegay in la dhahay, iska nasta mushaarkiinana soo doonta marka ay bisha dhammaatay” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ka hadlay warbixin hordhac ay u soo saareen guddiga dabagalka cunaqabteenta hubka ee Soomaaliya, wuxuu sheegay in warbixintas ay warbaahinta uun ka maqleen isla markaana ay hordhac tahay.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in UN Monitoring Group ay la shaqeeyeen markii ay yimaadeen magaaalda Muqdisho iyo goobaha kale ay rabeen in ay xogta ka soo aruursadaan, isagoona intaas ku daray in wafdi ay u diri doonaan golaha ammaanka QM marka la hor geeyo warbixinta guddigan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]