Baadiyow : Ammaanka Somalia waxaa gacanta loogaliyay ciidamo Ajnebi

Muqdisho (Caasimada Online) Cabdiraxmaan Macallin Cabdulaahi Baadiyow oo ah siyaasi wax badan ka og arrimaha Soomaaliya isla markaana sannadkii 2012-ka isku soo tagaay xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in ammaan darida ka jirta Muqdisho ay sabab u tahay markii la waayay ciidamo Soomaali ah oo ku filan lana door biday ciidamo Shisheeye in loo gacangaliyo.

Dr.Baadiyow ayaa tilmamaay in ammaanka Muqdisho in loo gacangaliyay ciidamo shisheeye, wuxuuna sheegay in taasi aaney horrumar muujineynin.

Wuxuu ku taliyay haddii la rabo in ammaanka Soomaliya, uu siddan iska badalo in loo dhiibo ciidamada dowladda isla markaana tababbar iyo khibrad la siiyo.

Mar la weydiiyay Baadiyow sidda lagu sugi karo ammaanka Muqdisho, wuxuu sheegay in ammaanka magaalada Muqdisho in lagu sugi karro in ay isla shaqeeyaan ciidamada ammaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Ammaanka waan u jeednaa meesha uu marayo cid looga sheekeenaayo malahan, waana in la sameeyaan wadashaqeyn ka dhaxeysa ciidamada iyo shacabka” ayuu yiri Dr. Baadiyow.

Hadalka Siyaasiga Baadiyow ayaa ku soo beegmaya iyadoo Jimcihii horre weerar xooggan lagu qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com