DHAGEYSO: Cabdi Weli Gaas: Somalia, Saddex meelood meel waa Puntland

Jigjiga (Caasimada Online) Madaxweynaha maamulka Puntland oo hadda ku sugan magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegay in dowladda Ethiopia iyo maamulka Puntland uu ka dhexeyo arrimo badan oo ay ka mid tahay dagaalka lagula jiro kooxaha aragixisada ee Soomaaliya ka dhisan.

Wuxuu sheegay intii uu ku sugnaa Addis Ababa in uu la kulmay madaxda dowladda fedaraalka Ethiopia oo ay ku jiraan ra’iisal wasaaraha, wasiirka arrimaha dibedda iyo kan gaashandhigga.

Wuxuu sheegay oo kale in dowladda Ethiopia iyo maamulka Puntland ay kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah oo ay kamid tahay iskaashi xagga ganacsiga iyo ciidanka.

Wuxuu sheegay marka loo dhigo Soomaaliya seddax qayb kamid ah ay tahay Puntland, siddaas darteed ay Puntland muhiim u tahay caalamka sidda uu yiri.

Mar la weydiiyay wax yaabaha uu u joogo magaalada Jigjiga, wuxuu sheegay in uu kulamo la qaadan doono madaxda dowlad deeganka Soomaalida Ethiopia isla markaana ay la kulmi doonaan Soomaali badan oo ku nool Jigjiga.

Dhinaca kale, hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba, Axmed Madoobe ayaa galabta u dhoofay magaalada Nairobi isagoona uga sii ambabixi doona magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia halkaasoo looga yeeray.

Puntland iyo maamulka KMG ah ee Jubba ayaa waxaa ka dhaxeya xiriir aad u weyn.

Halkan ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com