R/W Erdogan oo loogu baaqay in uu is casilo kaddib markii la ogaaday……

Ankara (Caasimada Online) Mucaaradka Turkiga ayaa ku kacsan xukuumada uu hoggaamiyo ra’iisal wasaare Recep Tayyib Erdogan.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka Tuyrkiga ee RPP, ayaaa ugu baaqay inuu is casilo ra’iisal wasaaraha dalkaas, kaddib markii ay soo bandhigeen cod laga duubay isaga iyo wiilkiisa oo ay uga hadlayaan sidii ay lacago tira badan u qarin lahaayeen.

Kaliye ma ahan xisbiga RPP axsaabta ku kacay, waxaa kaloo ku biiray xisbiga kale ee NAP, waxaana labadooda ay sheegeen in dowladdu lumisay sharciyadeedii, loona yahay in la baaro eedeymaha loo heesto.

Si kastaba, ra’iisal wasaare Recep Tayyib Erdogan ayaa ku gacanseyray codkaas la soo bandhigay, wuxuuna ku tilmaamay mid been abuur ah oo la soo dhoodhoobay.

Ra’iisal wasaare Erdogan waxaa kaloo uu  goodiyay in la ciqaabi doono kuwa mas’uulka codka sida qarsoodiga looga soo duubay isaga iyo wiilkiisa.

Dowladda Erdogan ayaa waxaa soo wajahay eedeymo ah inay ku lug leedahay masumaasuq ballaaran.

Xisbiga talada haya ee Erdogan ayaa arrintan ku tilmaamay shirqool looga soo horjeeda dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Istanbul

Caasimada@live.com