Fowsiya Yuusuf Xaaji : “Waxaa aniga & Xasan Sh dambiilayaal naga dhigay….”

Nairobi (Caasimada Online) Wasiirkii horre ee arrimaha dibedda Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa gaashanka u daruurtay warbixin ay qortay wakaalada wararka Reuters, taasoo ah ahay din ay ka mid ahayd xubno dowladda ka tirsan oo ku qasbay guddoomiyihii horre ee Baanka Soomaaliya, Yusra Abraar in ay Bangi ka furto magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka.

Marwo Fowsiyo oo hadda ku sugan Nairobi, ayaa VOA-da u sheegtay in warkaas uu yahay mid been abuur ah, lagana rabo Reuters caddeen isla markaana ay maxkamad la tiigsan doonto sidda ay hadalka u dhigtay.

Waxa ay sheegtay warbixinta Reuters lagu qoray aaney wax xiriir ah lagala soo sameeyn markii la daabacayay isla markaana ay ka been sheegeen Yusra Abraar qudheeda.

“Waxa ay dhaheen Bangiga laga furaayay Dubai waxaa la rabay in lagu xado lacagaha dowladda ay ka hesho beesha caalamka, anniga iyo madaxweynaha waxa ay naga dhigeen dad dabi ka galay dalka, arrintaas loogama hari doono waxaana loo hayaa caddeeymo” ayey turu

Waxaa kaloo ay sheegtay in ay xaq u lee dahay dowladda in Account ka furato meesha ay rabto, taasna aaney ahayn wax la qariyo, waana been aan sal lahayn” ayey tiri.

Wasiirkii horre ee arrimaha dibedda Somalia, ayaa tilmaamtay Reuters in ay maxkamad la tiigsan doonto oo ay qabsan doonto sharci yaqaaano si ay jawaab ugu hesho eedeenta loo jeediyay oo been ah sidda ay tiri.

Waxaa kaloo ay sheegtay in aanu ahayn xilliga la sheegayo wasiirka maaliyada, marka waa been abuur aan sal lahayn bay tiri Marwo Fowsiyo Yuusuf.

Fowsiyo Yuusuf ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee noqoto wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, waxaana lagu tilmaamay xilligii ay joogtay xafiiska in ay qabtay wax yaabo fara badan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com