Sawirro: Switzerland oo Soomaaliya ka caawineysa dhaqangalinta Fedaraalka

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda  Switzerland ayaa maanta oo Talaado sheegtay in ay dowladda Soomaaliya ku gacan siin doonto dhaqangalinta nidaamka fedaraalka oo ay dooneyso in ka hirgaliso dalka oo dhan.

Hadalkan ayaa waxaa sheegay danjiraha cusub ee dalka Switzerland u qaabilsan Soomaaliya Domanic,oo maanta madaxweynaha Soomaaliya uu ka guddoomay waraaqadihiisa aqoonsiga ah.

Wuxuu sheegay in dalkiisa uu lee yahay in ka badan 700 oo khibrad la xiriirta nidaamka fedaraalka, taasna ay uga faa’ideen karaan Soomaalida oo doonaya in ay nidaamkan hadda hirgaliyaan.

Madaxweyne Xasan ayaa uga mahad-celiyay Switzerland sida ay diyaarka ugu tahay xoojinta xiriirka labada dal.

Safiirka cusub ayaa ku wareejiyay madaxweyne Xasan dhambaal uu uga siday madaxda dalka Switzerland.

Wuxuu uga mahad-celiyay madaxweynaha sida uu uga aqbalay waraaqaha aqoonsiga safiirnimo, wuxuuna ballan-qaaday inay dowladdiisa ka caawin doonto Soomaaliya dib u dhiska dalka, horumarinta nidaamka federaalka iyo xasilinta dalka.

Waa markii ugu horreysay muddo 30 ah oo Switzerland ay safiir u soo magacowdo Soomaaliya.

swiss1swiss2swiss3swiss4swiss5swiss6

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com