MUQDISHO oo laga hadal hayo dhacdo xannuun badan oo xalay ka dhacday

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa xaley ka dhacday dhacdo aad u xanuun badan, taasoo ahayd nin ku kuhubeysan tooreey oo  dilay Hooyo iyo Wiilkeeda, kaddib markii uu khilaaf soo dhex galay qoyska ninka wax dilay iyo qoyska la dilay.

Muranka ayaa la sheegay inuu ka billowday markii carruur ay kala dhaleen labada qoys uu dhex maray gacan ka hadal, deetana dagaalka ayaa ugudbay gacan ka hadlan in naf la gooyo.

Dhacdadan oo ka dhacday xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshid ayaa la sheegay in ninka uu is garab dhigay wiilka iyo hooyadiis deetana uu baxsaday.

Goobjooge ku sugan xaafadda ka dhacday shilkan ayaa sheegay in wiilka uu dhawaan ka qalin jabiyay Jaamacada SIMAD isla markaana uu ka shaqeyn jiray mid ka mid ah Xawaaladaha ku yaalla Muqdisho.

Wuxuu sheegay oo kale goobjoogaha in labada qoys ay daris ahaayeen kuwaasoo dhowr jeer uu dhex maray muran.

Hooyada ayaa la sheegay in ay kuu baxday ninka tooreyda watay oo xilligaas ay dagaalamayeen wiilkeeda, balse halbowlaha ayuu ka galiyay, wiilkan wuxuu uga dhuftay wadnaha, siddaas waxaa warbaahinta u sheegay adeerkood oo la dhan Axmed Jimcaale Maxamuud.

Labada qoys ayaa la sheegay in ay Jufo ahaan ay isku dhowaayeen.

Hooyada ayaa la oran jiray Asli Ciise Wardheere, wiilka waxaa la oran jiray Maxamed Jimcaale Maxamuud.

Maamulka degmadaas ayaa goobta gaaray waxaana ay soo arkeen meydka, iyagoona qoyska ku amaray in loo qaado xarunta CID-da si sawirro looga qaado.

Dhacdooyinka noocan oo kale waa kuwa aalaba ka dhaca Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com