R/W Cabdi Weli oo $400,000 diyaarad ku kireystay + BF oo baaritaan ku haya

Muqdiso (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Somalia Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa lagu eedeeyay inuu lacag dhan afar boqol kun oo dollar ku kireeystay diyaarad ay leedahay Shirkadda Fly540 ee laga leeyahay dalka Kenya.

Ra’iisul wasaaraha wuxuu diyaaradiisa qaaskaa ugu safray dalalka Ethiopia, Jibouti, Kenya iyo Uganda iyadoo ugu dambeeyntii ku celisay Magaaladda Muqdisho.

Gudigga Baarlamaanka Somalia ee maaliyada ayaa falka nuucaasa ku sifeeyay ku tagrifal dhaqaale, waxayna tibaaxeen in lacagtaasi ay baaris ku sameen doonaan, sida xildhibaanno aan dooneyn in la magacaabo ay noo xaqiijiyeen.

Ra’isul wasaare Cabdi Weli oo ah dhaqaale yahan ka soo shaqeeyay Bankiga Islaamka wuxuu isticmaali karay Diyaaradaha ganacsiga halka uu kirreystay diyaarad qaas ah oo mudadii safaradiisa u tiil garoomada dalalka uu booqday, taasi oo lacag badan ku dallacday.

Xilli Kumanaan Somalia macluul la ildaran yihiin, sidoo kalena Ciidamadii Dowlada Mushaar la-aan ka cabanayaan waxa ay tani u muuqan kartaa takri fal dhaqaale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com