28.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Xog: Shariif Xasan Sh oo ku dhow inuu noqdo madaxweynaha maamulka……..

0

Baydhabo(Caasimada Online) Ilo Xog Ogaal ayaa u sheegay Caasimada Online, in shirka ka socda Hotel Bakiin ee magaalada Baydhabo laguna doonayo in lagu dhis0 maamul gobaleed ka kooban seddax gobal uu madaxweyne ka noqon doono Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Guddoomiyihii horre ee baarlamaanka haddana ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, ayaa la sheegay in uu ugu cad cad yahay musharrixiinta seddaxda ah ee u taagan maamulka seddaxda gobal loo dhisaayo.

Wariye ka tirsan Caasimada Online oo ku sugan Baydhabo ayaa soo sheegaya in uu magaalada ku aray sawirrada musharrixiinta u taagan labada maamul gobaleed iyo calaamada maamuladaas oo magaalada laga suray.

Si kastaba labada shir ayaa hadda ku dhow gabagabo waxaana mid kasta uu sameestay labo calan iyo labo dastuur, waxaa kaloo shirka uu kala qaybiyay dadka ku dhaqan Baydhabo.

Shariif Xasan ayaa u ololeenaya in shirka ka socda Hotel Bakiin in lagu dhiso maamul ka kooban seddax gobal si loo badbaadiyo maamuulka KMG ah ee Jubba oo iska dhisan Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

[email protected]

Axmed Madobe oo looga yeeray Addis & arrimo xasaasi ah oo la weydiinayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in wafdi uu hoggaaminaayo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ay u ambabaxeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Wafdiga ayaa ka dhoofaygalabta  garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana la socday xubno ka socda maamulka KMG ah ee Jubba.

Axmed Madoobe iyo Wafdigiisa ayaa la sheegay in looga yeeray magaalada Addis Ababa, halkaasoo uu ku sugan yahay madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkiisa.

Ma cadda wax yaabaha looga yeeray Axmed Madoobe Addis Ababa, balse waxaa maanta oo Jimco ah ku eg heshiiskii dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba ay ku kala saxiixdeen Addis Ababa sannadkii horre.

Qoddobada heshiiskaas ku jiray waxaa ka mid ahaa maamulka Axmed Madoobe lix bil kaddib in ay dowladda Soomaaliya ku wareejiyaan maamulka dekedda iyo garoonka Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin dhaqangallinta heshiiskii Addis Ababa ay kula saxiixatay maamulka Axmed Madoobe.

Dhinaca kale, Wasiirka warfaafinta maamulka KMG ah Jubba, Ibraahim Xasan Baajuun ayaa sheegay in ay ka baxeen heshiiska ay la galeen dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in maamulkooda uu sii maamuli doono garoonka Kismaayo iyo dekedda Kismaayo sidda uu hadalka u dhigay.

“Heshiiskii Addis Ababa waxaa kala saxiixday Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe iyaga ayeena u taallaa” ayuu yiri waisirka warfaafinta maamulka Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

 

Warbixin: Ujeedada wafti dalka Kenya ka socda ay u yimaadeen Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) Wafdi xildhibaanno ah oo ka socda dalka Kenya ayaa maanta oo Jimco ah soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdigan ayaa la sheegay in magaalada Muqdisho u yimaadeen siddii ay iskaashi ula yeelan lahaayeen baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya, Jeylaani Nuur Iikar.

Bilow Keerow oo ah ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka reer Kenya ee soo gaaray Muqdisho ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay yimaadaan magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in muddo afar cisho ay sii joogi doonaan magaalada Muqdisho si iskaashi ballaaran uu u dhex mari lahaa labada baarlamaan.

Waa markii ugu horeysay oo wafdi xildhibaanno ah oo ka socda baarlamaanka Kenya uu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Sidda qorshaha uu yahay wafdigan marka ay dhammeestaan booqashadooda waxa ay safaro kale ku tagi doonaan dalalka Ethiopia iyo Jabuuti.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xildhibaano ka hadlay dalab cusub oo Puntland ay u gudbisay madaxda DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa u soo jeediyey Madaxda dowladda (Madaxweynaha, Guddoomiyaha baarlamaanka & R/wasaaraha) in aysan waxba ka soo qaadin, qoraal la sheegay in xubnaha dowladda kaga jira Puntland & Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ay u gudbiyeen Madaxda sare ee dowladda, iyaga oo kaga cabanaya in Puntland ay hal wasiir  oo kaliya ay ka helaan xukuumadda.

Wuxuu xildhibaankani sheegay in beesha Puntland degan ay la mid tahay beelaha kale ee Soomaalida, haddii wasiiradda iyaga loo kordhiyana ay beelaha kale xaq u yeelanayaan iyagana in loo kordhiyo.

Xildhibaan Ilyaas Cali, oo ka soo jeeda Hiiraan wuxuu sheegay in Madaxda Puntland ay caadeysteen in mar walba ay doca-doceeyaan madaxda dowladda, iyaga oo aaminsan in qeyla-dhaantaasi ay wax un ku helayaan, wuxuuna ku ammaanay Madaxweynaha dowladda Federaalka Xassan Shiikh siyaasadiisa ku wajahan Puntland.

“Hiiraan meeqo qabiil ayaa ku nool, dhowr iyo toban qabiil waa dagan yihiin, shacabka degan Hiiraan waxey ku soo laban-laabmaan inta Puntland ku nool, haddii Puntland wasiiradda loo kordhiyo, shacabka Hiiraan iyagana waa in loo kordhiyaa, hadalka ka soo yeeray Puntland waxaan u arkaa inuu yahay sed bursi“ ayuu yiri xildhibaan Ilyaas, wuxuuna intaa ku daray in xubnaha qoraalka soo gudbiyey ay sheegeen oo keliya halka wasiir ee ka soo jeeda Bari in ay saluugsan yihiin, taasina ay muujineyso in Puntland oo markii hore ku af-gaboodsaneysay in ay ka kooban tahay beelo kala duwan in hadda cidda wax raadsaneysa ay tahay beesha Majeerteen.

“Ma fahmin waxa ay cabashadooda ku saleysan tahay. Ma waxey leeyihiin beelaha kale ee Soomaaliyeed ayaan ka Soomaali-sannahay.? Mise waxeey rabaan sed aysan laheyn inay boobaan. Puntland waa maamul maamulada kale ee Soomaalida la mid ah, waxaanna leeyahay dowladda ka daaya fadqalada“ ayuu yiri xildhibaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Daawo Video: Maxaa ku soo kordhay Horumarka Muqdisho oo ka cusub?

0

Magaalo madaxda muqdisho oo maalinba maalinta xigta ay ku soo kordhayaan waxyaabo ka yaabiyay Shacabka reer Muqdisho misana ay aad uga haleyn ayaa si aad ah looga dareemayaa Magaalada.

Muqdisho shalay & maanta si weyn ayey isku badashay waxaadna dareemeysaa in magaaladu is badashay ayna gashay jawi kale oo ka duwan midkii hore ee dagaalka ahaa oo haatan isku badalay jawi horumaar & Bilicda magaalada oo dib u soo noqotay ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

A/Madoobe oo ka hadlay carqalad uu sheegay in lagu hayo eedeeyayna…!

0

Baydhabo (Caasimada Online) Guddoomiyihii horre ee baarlamaanka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in shirka ka socda hotelka Baar Bakiil ee ku yaalla duleedka Bari ee Baydhabo in uu yahay mid lagu doonayo in car qaladeeyo shirka maamul u sameynta lixda gobal ee isna ka socda xarunta ADC-da oo ku taalla duleedka Koonfureed ee Baydhabo.

Isagoo la hadlaya ergada ku howlan maamul gobaleedka lixda gobal ayuu yiri “Shirka Hotel Bakiin ka socda waxaa lagu carqaladeenayaa shirkan oo ah mid gabogabo ah, arrintaas ma dooneyno”.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in geed-dheer iyo ku gaaban ay u soo fuuleen hirgalinta shirka maamul u sameynta lixd gobal wuxuuna tilmaamay in uu soo gaaray meel gabogabo ah.

Magaalada Baydhabo waxaa ku sugan siyaasiyiin iyo xildhibaanno ku kala aragti duwan labada shir ee ka socda magaalada.

Shirka ka socda xarunta ADC-da waxaa lagu dhisayaa lix gobal oo kala ah, Baay, Bakool,Shabeellaha Hoose, Jubbooyinka iyo Gedo.

Shirka kale ee ka socda Hotelka Bakiin waxaa lagu dhisayaa maamul gobaleed ka kooban seddax gobal oo kala ah Baaydhabo, Baay iyo Shabeellaha Hoose.

Maamulka lixda gobal waxaa isku soo taagay lix musharrax, halka maamulka lixda gobal ay u taagan yihiin seddax musharrax.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Aqri: Reer Balcad oo soo dhaweeyay guddoomiyaha cusub ee Banaadir

0

Balcad (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobalka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas maanta uu ka dhacay isku soo bax lagu soo dhaweenaayo guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Gen Xasan Maxamed Xuseen (Mun-Gaab).

Boqolaal qof oo u badan haween iyo carruur ayaa isugu soo baxay waddooyinka degmada Balcad waxaana ay wateen sawirka gudddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Waxa ay sheegeen in ay soo dhaweenayaan magacaabista uu madaxweynaha u magacaabay Gen Mun-Gaab xilka guddoomiyaha gobalka Banaadir.

Dadka isku soo baxay ayaa sheegay in Mun-Gaab uu wax ka badali doono xaalada magaalada Muqdisho sidd ay hadalka u dhigeen.

Gen Xasan Maxamed Xuseen (Mun-Gaab oo horrey u soo noqday guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa shaley loo magacaabay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, wuxuu badalay Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo xilkaas hayay tan iyo bishii July sannadkii 2010-ka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Cabdi Samad “Mungaab waa qof karti aan ku aqaano laakin way ku adkaan doontaa inuu wax ka qabto G/Banadir”

0

Muqdisho (Caasimada Online) Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo amniga xukuumadii KMG ahaa Cabdisamad Macallin Maxamuud, ayaa sheegay in Guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho in uu yahay qof karti badan oo ay ka go’an tahay in uu wax qabto balse ay ku adkaan doonto xilka cusub ee loo magacaabay.

Cabdi Samad oo ay isla soo shaqeeyeen Gen Mungaab xilligii uu wasiirka ahaa ayaa sheegay in takhsusikiisa aanu ahayn abaabuulka iyo kicinta bulshada ee uu yahay ninkan ruux ku takhasusay arrimaha ciidamada.

Wuxuu sheegay xaalada ammaanka caasimada oo hadda faraha ka baxday in aanu waxbo ka badali karin oo ay ka weyntahay maamulka gobalka Banaadir.

“Gen Mungaab waa qof aan aad u qaano, oo aan isla soo shaqeenay, Takhasuskiisa waa Askari waa qof wax yaabo fara badan qaban kara, balse culeyska amni ee saaran caasimada waa mid ka ballaaran gobalka, waxaan aamisanahay in aanu waxbo ka qaban doonin” ayuu yiri xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud.

Wuxuu ku dhiirri-geliyay guddoomiyaha cusub ee gobalka ahna duqa Muqdisho in uu la yimaado isbadal cusub oo oo ay ugu horreyso xagga ammaanka, isla markaana uu la socdo dhaqdhaqaaqa ka jira magaalada.

Ugu dambeyn Xildhibaan Cabdi Samad sheegay inay jiraan dabacsanaan xagga ammaanka ah, loona baahan yahay in madaxda dowladda ay kula xisaabtamaan arrintaan saraakiisha madaxda ka ah ammaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Muuqalka maanta & horumarka Degmada Bondhere ee Muqdisho.

0

Dagmada Boondheere ee magaalada Muqdisho waa mid ka mid ah Degmooyinka ugu faca weyn Degmooyinka Gobolka Banaadir waana Degmo inta badan aad loo xiiseeyo waxyaabaha u geeniga ah ee laga isticmaalo degmadaasi.

Aqristoow Muuqaalka maanta waa bilicda Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho & sida ay tahay maanta Nolosheeda iyo Ganacsigeeda ee nala daawo video-gaan.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Tahniyad Dhalasho oo Farxad leh

0
Aabe Cabdulahi Canshuur
Aabe Coloow Cali Jeele
Aabe Shiikh Maxamuud Cadde
Aabe Qelshe Nuur Cali
Aabe Jinoow Cali jilibeey
Aade Xaaji Cabdi Foorje
Aabe Shardi Xasan
Aabe Cumar Nuur Jeele
Hooyo Dahabo Cali Jeele
Hooyo Qadeejo Maxamed Jimcaale
Hooyo Muumino Yuusuf
Hooyo Mako Maxamed Jilacoow
Hooyo Mako Xuseen
Hooyo Gaabo Axmed
Cabdi Saneey Hugsade
Muuse Jinoow Cali
Mahad Qeylshe Nuur
Cabdi Samar Cumar
Axmed Cumar Nuur
Carab Shardi Xasan
Jilacoow Yuuf
Maxamuud Hasan(Hurdaaye)
Ibraahin Cali
Ibraahin Geesey
Muuse Maxamed Makaraan
Jabriil Cabdi Socdaal
Muuse Goleey
Shiikh Ismaciil Bakaale
Axmed Macalin Faree
Yuusuf Coloow Cali
Maxamed Muumin(Amiika)
Macalin Abuurkar Shaarib
Abuukar Macalin Caga weyne(Basar)
Xaseen Macalin Caga Weyne
Cabdi Cali Carabeey
Dhaqane Qajaf Yare
Cabdi Beenle
Fduumo Muumin Maxamed
Cosob Candhuur
Faadumo Jiinow Cali
Sucdi Qeylshe
Aamino Cabdulahi
Buney Shardi Xasan
Aisha Cali Faabdhe
Saxafiyeen
Maxamed Muuse Nuur(Deeq Darajo)
Cabdulahi Amiin Qorshe
Cabdi Rahmaan Muumin(Codeey)
Abdirizaq Indh-Jaceyl
Abdirizaq Kampala
Abdifitaax Sablaale
Moxamed Muxuyadiin(Badshaa)
Cabdi Xakiin Mu’allah
Maxamed Xaaji Tahriib
Cabdulahi Suleyman (Baliil Khaan)
Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Dhamaan dadkaan Oo kala jooga South Africa,Sweden,Yurub,America,Kenya,Ethiopia, Iyo Soomaaliya Waxay Tahniyad Dhalasho Farxad leh udirayaan -Aabe Guudeey Goleey Iyo Shamso Cabdulahi Canshuur Oo Dhawan wiil ugu dhashtay Gobalkada Shabeelaha Dhaxe, Gaar Ahaan Gaaleef Wiilka Waxa Loo Bixiyay Dalmar waxaynu leeyihiin Ilaah hakaa dhigo kii diintiisa dadkiisa Iyo dalkiisa anfaca aamiin aamiin. –

Somalia iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis Millitari oo muhiim ah maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta oo Khamiis ah kala saxiixday heshiis dhinaca millitariga ku tacaluqa,kaasoo Turkiga uu ku oggolaa day in ay tababbar siiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo in ay dhisaan xarumaha ciidamada dowladda ee burburay dagaalladii sokeeye ee dalka halakeeyay.

Dhinaca Soomaaliya waxaa u saxiixay heshiiska Taliyaha ciidamada millitariga Soomaaliyeed Gen Daahir Aadan Cilmi (Indho-Qarshe) iyo saraakil sar sare oo ka socday dowladda.

“Sidda ku qoran heshiiska, Turkiga wuxuu si buuxda u dhisi doonaa xarumaha ciidamada ee Soomaaliya ku yaalla, Tallaabadan oo qayb ka ah Barnaamijyo ballaaran oo lagu caawinaayo ciidamada Millitariga Soomaaliya,” Gen Indho-Qarshe ayaa siddaas u sheegay Warbaahinta maanta oo Khamiis ah.

2014227635291080580749917turkey somaliWuxuu kaloo Gen Daahir Aadan Cimi in Khubaro ka socday millitariga Soomaaliya iyo Turkiga ay ku tababbarri doonaan ciidamada dowladda gudaha dalka, isagoonta in ay soo dhammaan doonto ciidamo dibedda lagu soo tababbarro.

“Heshiisan fursad weyn u yahay ciidamada Soomaaliya. Haddii ay ahaan lahayd, Tayo, Awood iyo Khibrad waxaan u mahad celineynaa Turkiga, Dowladda Maraykanka iyo Midowga Yurub kuwaasoo sii wada taageerada ay na siinayaan,”ayuu yiri Gen Indho-Qarshe.

Madaxa ugu sareeya Turkiga waaxda gaashandhigga, General Hamdi Arguu, displayed ayaa soo bandhigay qorsha ay damacsan yihiim.

Wuxuu sheegay in goobaha ay dhisayaan ay ku jirto xerada ciidamada Hiil Weyne oo noqon doonto goob lagu tababbarro ciidamada militaroga Soomaaliya.

Xaruntan ayaa ku taalla waqooyi-bari Muqdisho.

Sidda laga soo xigtay General Hamdi Arguu, in ka badan 40-khubaro millitari oo ka socda Turkiga ayaa Soomaaliya tagi doona iyagoona tababbar siin doona xubno ka tirsan ciidamada Cirka, Dhulka iyo Kuwa Badda.

Si kastaba, Turkiga tan iyo sannadkii 2011-ka xilligaas oo abaaro ba’an ay ka dilaaceen Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxa ay Soomaaliya ka sameeyeen mashruucyo fara badan oo ah xagga horrumarka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Ankara

[email protected]

CABDDI WELI GAAS oo dib ugu laabtay Addis Ababa (Maxaa soo kordhay)?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa sheegaya in halkaas ay galabta gaareen wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweyne Gaas iyo wafdigiisa ayaa ka soo laabtay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida Ethiopia halkaasoo maalmahan ay ku sugnaayeen.

Gaas waxaa garoonka ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Dr. Tedros , Safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Arrimaha Dibaddda Ethiopia ayaa u sheegay saxaafada inuu ku faraxsan yahay mar kale Addis Ababa inuu ku soo dhoweeyo madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa oo u ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan iyo derisnimo.

Madaxweynaha Cabdiweli Gaas ayaa isna ku tilmaamay booqashii Jigjiga uu u tagay mid taariikhi ah, isagoona ka mahadceshay sidii diiraneyd ee loo soo dhoweeyay maamul iyo shacaba, isagoo sidoo kalena xusay horumarka ay gaareen inuu mudanyahay ku dayasho.

Gaas ayaa horrey kulamo ula qaatay ra’iisal wasaaraha Ethiopia, wasiirka arrimaha dibedda iyo wasiirka gaashandhigga Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Addis Ababa

[email protected]

Dhageyso: Maamulka Axmed Madoobe oo ku dhowaaqay inaysan garoonka & Dekedda Kismaayo ku wareejineyn DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sheegay inuusan xilli dhow ku wareejinayn dowladda federaalka Soomaaliya maamulka dekedda iyo garoonka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada maamulka Jubba, Cabdiqani Cabdi Jaamac oo wareysi siiyay idaacadda Kismaayo ayaa sheegay in wareejinta maamulka dekedda iyo garoonka Kismaayo ay ka horreeyaan hirgelinta dhammaan qodobbadii heshiiskii Addis Ababa ee dabayaaqadii August ee sanadkii la soo dhaafay ay gaareen maamulka KMG ah ee Jubba iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

“Dadku waxaysan fahmin heshiisku ma ahayn meesha aad rabto inaad ka xulatid oo aad la booddid oo aad dhahdid tan ayaan ku dhaganahay, heshiisku wuxuu ahaa xirmo qodobbo ah oo isla socda, una baahan in la hirgeliyo dhammaantood,” Cabdiqani ayaa yiri.

Cabdiqani ayaa xusay in ilaa hadda la qaaday hal tallaabo, oo ah dib-u heshiisiinta, taas oo wejigeeda koowaad lagu qabtay Muqdisho, balse wejigii labaad aan wali lagu qaban magaalada Kismaayo.

Qodobbada aan wali la fulin waxaa ka mid ah u diyaarinta maamulka KMG ah ee Jubba sidii uu u noqon lahaa dowlad goboleed buuxa oo rasmi ah, soo xaraynta ciidamada iyo isku dhafiddooda iyo sameynta xarumihii lagu xareyn lahaa ciidanka.

Hardankii siyaasadeed ee ka dhex billowday madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo dhibaatada amni-darrada ee ka jirta Muqdisho ayuu sheegay inay sabab u yihiin dib-u dhaca ku yimid hirgelinta qodobbada heshiiska Addis Ababa.

“Dowladda way nala qaadi wayday tallaabooyinkii aan rabnay inaan isla qaadno. Duruufaha ayaga dhexdooda ka jiray dartood uma aanay saamaxeyn inay wax nala qabtaan. Way fulin waayeen tallaabooyinkii loo baahnaa, marka arrinta dekedda intaas oo dhan marka la fuliyo ayay ahaan lahayd in wada-hadal laga sameeyo,” ayuu yiri Cabdiqani.

Maalinta berri oo Jimcaha ah oo ku beegan 28-ka February, ayay ku eg tahay muddadii lixda bilood ee loo qabtay in dowladda lagu wareejiyo maamulka dekedda iyo garoonka Kismaayo.

Hoos ka dhageyso wareysiga Cabdiqani Cabdi Jaamac

120804_007

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Madaxweyne Xasan oo guddoomiyaha cusub ee gobalka Banadir magacabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa maanta oo Khamiis waxaa loogu magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Gen Xasan Maxamed Xusen (Muun-gaab).

Wargeetada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in markii madaxweynaha uu dhageestay codsiyo uga yimid ra’iisal wasaaraha iyo wasiirka arrimaha gudaha in loo baahday isbadal iyo guddoomiye cusub, waxaana loo gartay in buuxin karo Sareeye Guut Gen Xasan Maxamed Xuseen Muun-Gaab ayaa lagu yiri Digreetada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha.

Waxaa kaloo lagu sheegay digreerada in xilka laga qaaday guddoomiye horre ee gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Muungaab

“Waxaa waajib ku ah hay,adaha kala ah ciidanka booliska, qeybta gobolka benaadir, iyo Hay’adda Nabad-sugidda Qeybta Gobolka benaadir ay si toos ah ula shaqeeyaan guddoomiyaha gobolka Benaadir.”

Waxa uu xeerkan Madaxweynaha dhaqan galiyaa islamarkaana uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya saxiixo waxaana lagu soo daabici doonaa faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu yiri digreetada.

Tarsan inta maanta xilka guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho aan si rasmi ah looga qaadin, waxaa loo magacaabay wasiir ku xi-geenka cayaaraha xukuumada Cabdiweli, taasoo loo arkay in la rabay in meesha laga saaro, balse wuxuu sheegay in aan wax xil ah ka rabin dowladda.

Gen Mungaab ayaa horrey u ahaa guddoomiyihii maxkamadda qalabka sida ee ciidamada dowladda.

Tarsan intii uu xilka hayay waxaa lagu tilmaamay in uu qabtay wax yaabo fara badan, waxaana dadka qaar ay ku tilmaameen in uu ahaa guddoomiyihii ugu wax qabadka fiicnaa kuwii soo maray gobalka Banaadir 23-kii sanne oo la soo dhaafay in kastoo ay jiraan dad dhaliilsanaa.

Tarsan iyo madaxweynaha ayaa la sheegay in ay isku dhaceen maadama ay ka kala tirsanaayeen labo xisbi oo kala ah Aala Sheekh iyo Dam-Jadiid.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo: Dib u dhiska ka socda wadada wadnaha ee magalada Muqdisho

0

Horumarka xoogan ee ka soconaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxuu ku dhow yahay mid gabo gabo ah kaasoo si weyn looga dareemayo Guud ahaan magaalada oo dib u soo noqoneysa Bilicdeeda.

Wadada caanka ah ee Wadnaha ayaa haatan waxaa ka soconaya dib u dhis xoogan oo lagu sameynayo laamiyadeeda iyo goobihii quruxda badnaa ee ay la heyd Wadadaasi ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

KHUBURADA oo ka digay in Soomaaliya ay ka lumayaan waxa ugu muhiimsan

0

Khubarrada afka Soomaaliga ayaa ka codsanaya hay’adaha waxbarshada iyo dawladdaba in ay kaalmo ka gaystaan baahinta isticmaalka qoraalka afka iyada oo iskuulo badan oo oo waddanka ku yaal aysan afka rasmiga ah ku isticmaalin manhajka.

Alif beetada Soomaaliga ee hadda waxay ku salaysan tahay xarfaha Laatiinka oo uu soo hindisay Shire Jaamac Axmed. Waxaa laga doortay 18 qaab-qoraal oo tartan ku jiray markii ay noqotay xuruufta rasmiga ah ee Soomaaliga sannadkii 1972-kii.

Isla markii la qaatayba, ayaa xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre waxay bilawday olole xooggan oo lagu doonayay in shacabka lagu baro akhrinta iyo qoraalka alif beetada cusub waxayna si wayn kor ugu qaadday isticmaalkeeda ballaaran.

Laakiinse 40 sano wax ka badan kadib, ayaa khubarada afka iyo waxbarshadu waxay sheegayaan in afkii Soomaaligu uu hoos-u-dhac wayn soo gaadhay markii la fiiriyo dhinaca qoraalka sabab la xidhiidha burburkii dawladda, dagaalo sannado badan socday iyo burburkii hay’adaha waxbarshada sare oo Soomaaliga u istcimaali jiray waxbaridda.

Wax cabsi ah ma jirto in ku hadalka afku uu lumo sababta oo ah tirada Soomaaliga ku hadasha ayaa Bariga Afrika ku sii kordhaysa, ayuu sheegay Professor Mustafa Cabdullahi Feynus, oo ah cilmi baadhe xubin ka ah Akaadeemiyad Gobaleedka Afka Soomaaliga (AGA) daaraaska warbaahinta iyo saxaafaddana ka dhiga Jaamacada Muqdisho.

Xujada, ayuu sheegay in ay tahay sidoo loo badin lahaa qoraalka afka sababta oo ah ma ahayn luqadda rasmiga ah ee dugsiyada loo istcimaalo tan iyo markii uu dagaalka sokeeyo dhacay, sababtaas darteedna ma ayan jirin horumarin wanaagsan oo lagu sameeyay dhinaca buugaagta si ardayda loo baro aasaasiyaadka sida naxwaha iyo hingaadda.

“Qof soo saara ma jiro qalab waxbarasho oo loogu talagalay barashada afka Soomaaliga. Sidaas darteed, tirada carruurta baranaysa [hab qorista saxda ah] ee Soomaaliga aad ayay u yartahay,” ayuu yiri. “Buugaagta waxay ahayd in la horumariyo, sababta oo ah buugaagta dugsiyada lagu dhigto shantii sanaba mar ayaa la cusboonaysiiyaa adduunka.”

Intaas waxaa dheer, ayuu sheegay in dugsiyada Soomaaliya aysan haysanin manhaj luuqadeed oo horumarsan.

Kadib markii ay dhacaday xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii, ayaa waxaa soo if baxay kumanaan iskuullada sida goonida ah loo leeyahay si ay u buuxiyaan kaalintii ay banneeyeen dugsiyadii ay dawladu lahayd, si kastaba ha ahaatee, la’aanta kormeer sax ah iyo manhaj midaysanayaa keenay in tayada waxbarshadu ay aad u kala duwanaato.

Waxa loo baahan yahay manhaj qaran oo ah af Soomaali iyo hay’ado dhinaca waxbarshada ah oo cilmi baadhis sameeya oo ka ambaqaadaya shaqadii la soo qabtay 1970-yadii iyo 1980-yadii si loo horumariyo heerarka afka Soomaaliyga — sida cusboonaysiinta qaamuusyada Soomaaliga oo ay ku jiraan isticmaalka saxda ah iyo qaab higaadeedka iyo weedhada saysinka ah — si loo sii balaadhiyo la isuguna dubarido hab istcimaalka afka qoran, ayuu sheegay Faynuus.

Wuxuu sheegay in Akaadeemiyad Gobaleedka Afka Soomaaliga, taas oo jabuuti laga furay June tii hore, ay tahay mid ka mid ah hay’adaha shaqadaas ku hawlan.

Horumarinta afka Soomaaliga

Xarunta Soomaaliya ee Qalinlayda Caalamiga ah, oo u ololeeysa akhrinta iyo qoraalka Soomaaliga, qabatana barnaamijoyo dhinaca aqoonta ah, ayaa xaflad ku qabatay Hoteelka Amira ee Muqdisho bishan Februray 20-keedii, hal maalin ka hor Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, si ay wacyiga u kordhiso ayna ugu dabaal-degto taariikhda xarfaha iyo luuqada Soomaaliga.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qaybgalay aqoonyahanno dhinaca luuqadda ah iyo dad kale oo danaynaya balaadhinta isticmaalka qoraalka Soomaaliga.

Gudoomiyaha Qalinlayda Soomaaliya Cabdinaaasir Macalin Yuusuf ayaa sheegay in ay dadaal badan ku bixinayaan sidii ay u xoojin lahaayeen afka Soomaaliga.

“Qalinlayda Soomaaliya ayaa xafladda Maalinta Caalamiga ee Afka Hooyo u isticmaashay wada hadal caqli ku dhisan, carwo buuggaag iyo tababar la siiyay dadka hal abuurka leh sida suxufiyiinta, dadka gabya, wax qora iyo fanaaniinta iyada oo abaalmarin siisay dadkii iyo hay’adihii ka qayb qaatay fidinta afka,” ayuu yidhi.

Axmed Maxamed Dhicisow, oo ah qoraa Soomaaliyeed ahna tifaftiraha wargayska Muqdisho ka soo baxa ee Xamar oo xaflada ka qayb galay, ayaa sheegay in suxufiyiinta da’da yar ay si aad ah ugu xad gudbayaan hababka qoraalka, iyaga oo ka dhigaya afka mid ay adag tahay in la fahmo.

“Wax tababar ah oo ay u haystaan ma jirto sharciyada qoraalka. Sidoo kale, websiteyada qaarkood ma alaha tifaftire, oo qofka qoraalka qoraya ayaa ah qofka website-ka galinaya qoraalkaas,” ayuu Dhicisow sheegay. “Waxaa dhacda in suxufiyiinta Soomaalidu ay tababar u qaataan luuqadaha kale oo ay danaynayaan, laakiinse qof walba uu luuqadda Soomaaliga u istcimaalo sida uu doono.”

Amiin Yuusuf Khasare, oo ah suxufi ruug cadaa ah, qoraa iyo walitaba tifaftiraha website-ka SomaliTalk, ayaa sidoo kale dhalleecayn soo jeediyay isaga oo sheegay in waddanka ay ku yaryihiin dadka wax qora.

“In badan oo ah wargaysyadii soo bixi jiray ayaa waxaa baddalay [xarumo idaacadeed], kuwaas oo hadba sida ay doonaan hawada warar ku sii daynaya, iyaga oo aan fiirinaynin shuruucda [luuqadda] iyo naxwaheedaba,” ayuu yiri.

“Hawada warbaahinta ee Muqdisho waxaa ku jira qiyaastii 30 xarumo idaacadeed markii loo bar bar dhigo saddexda wargays ee soo baxda,” ayuu yidhi. “Tani waxay hoos u dhigtay xirfadaha qoraalka iyo akhrinta.”

Dhiniciisa, ayaa Yuusuf sheegya in Xarunta Soomaaliya ee Qallinlayda Caalamiga ah ay ka shaqaynayso in ay ku soo dunto dhammaan Soomaalida isticmaalka saxda ah ee qoraalka afka.

“Qof walba waxaan doonayaa in uu qaybtiisa ka qaato horumarinta afka Soomaaliga,” ayuu sheegay. “Yoolkeennu waa in aan tababar siinno dhammaan dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha la xidhiidha afka Soomaaliga. Waxaan kale oo qorshaynaynaa tartano la xidhiidha habkii afka lagu horumarin lahaa.”

R/W CABDI WELI oo maanta ku wajahan magaalo ka mid ah dalka Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online, ayaa ogaatay in ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed uu maanta safar shaqo uu ku tagi doono magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Ilo-Ogaal Ogaal ah oo la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha iyo wafdi ka tirsan xukuumadiisa oo ay wehliyaan xildhibaanno in ay Khamiista maanta ah ku wajahan yihiin magaalada Baydhabo, halkaasoo uu ka socdo labo shir oo iska soo horjeda.

Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay in uu la kulmi doono odayaasha iyo siyaasiyiinta ku shirsan Xarunta ADC-da iyo Hotel Bakiin, halkaasoo uu ka socdo labo shir oo lagu dhisaayo labo maamul oo kala duwan.

Dhinaca kale, waxaa maanta gaaray magaalada Baydhabo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin taageersan shirka ka socda Baydhabo ee la doonayo in maamul loogu dhiso saddex gobol.

Xildhibaannada oo tiradooda lagu sheegay siddeed ayaa ujeeddada socdaalkooda ku sheegay sidii ay uga qeyb-gali lahaayeen shirka maamulka loogu dhisayo gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, waxaana ku soo dhaweeyay halkaas odayaasha ku shirsan Hotel Bakiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay taageersan tahay shirka maamul u sameynta saddexda gobol, kaasoo lagu wado in dhawaan lasoo gunaanado.

Ma cadda halka uu ku dambeyn doono shir kale ee la doonayo in maamul loogu dhiso lix gobol ayaa isna ka socda magaalada Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Muuqalka maanta iyo Kismaayo

0

Muuqaalka Maanta waa Magaalo Xeebeedka Kismaayo ee Gobolka Jubadda hoose waana magaalo leh Bilic aad u qurux badan oo dad badani ay ku tilmaamaan magaalo dalxiis.

Magaalada Kismaayo haatan waxeey xarun u tahay Maamulka KMG ee Jubba waxeyna soo martay xukuno kala duwan tan iyo burburkii Dowladii dhexe ee Somalia nala daawo muuqaal ka hadlaya Bilicda & horumarka Magaalada Kismaayo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Sawirro: DF iyo QM oo maanta heshiis muhiim ah ku kala saxiixday Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Arbaca ah heshiis ku kala saxiixday dawladda Soomaaliya iyo xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM.

Heshiiska ayaa waxa uu ku saabsanyahay sida ay labada dhinac u wada shaqaynayaan iyadoo la ilaalinayo xeerarka Qaramada Midoobay iyo qawaaniinta dalka Soomaaliya.

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdiraxman Ducaale Beyle iyo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nicolas Kay.

Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabadda ayaa yiri “Waxaan u mahadceinayaa guddigii ka kala socday QM iyo Dowladda oo in muddo ahba ka soo shaqeynayey heshiiskan oo ah mid sii xoojinaya xiriirka Somalia iyo QM. Dowladdu waa ka go’antahay dhaqangelinta heshiiskan labada dhinac waa saldhiga wadashqeynta iyo gar-gaarka shacabka Soomaaliyeed.”

“Waxaan ugu baaqayaa hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya inay hubiyaan in heshiiyadooda aysan dhacsaneyn, isla markaana cusbooneysiiyaan haddii uu ka dhacay. Heshiisyadu waa muhiim oo ah sharciyada muhiimka u ah wada shaqeynta iyo illaalinta danaha shacabka Soomaaliyeed.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa sheegay in garyaqaanada labada dhinac ay si taxadar ah uga soo wada shaqeeyeen heshiiskan oo ah mid labada dhinacba ay ku wada qanacsanyihiin, isla markaana qeexaya waajibaadka iyo xuquuqaha labada dhinac.

Heshiiskan waa kii ugu horreeyay ee noociisa oo kale ee dhexmara dowladda Soomaaliya iyo QM tan iyo markii Soomaaliya ayka baxday xilliga KMG ah oo ay heshay dowlad rasmi ah.

sax 1sax 2sax 3sax 4sax 5sax 6

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo Video: Maxaa horumar ah oo u qabsoomay magaalada Muqdisho?

0

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo si weyn muddo gudaheeda isku badashay Bilic ahaan & Muuqaal ahaanba waxaadba moodaa in aysan wax burbur ah ay soo marin Magaaladu.

Taleefishinka qaranka Somalia ee SNTV, ayaa diyaariyey barnaamij cusub oo ku saabsan horumarka Muqdisho, oo cinwaankiisu ahaa “Maxaa u qabsoomay Muqdisho?”.

Barnaamijka ayaa eegaya waxyaabaha kusoo kordhay magaalada iyo is-beddelada dhacaya oo ay magaalada sameysay.

HALKAAN KA DAAWO: