CABDDI WELI GAAS oo dib ugu laabtay Addis Ababa (Maxaa soo kordhay)?

Addis Ababa (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa sheegaya in halkaas ay galabta gaareen wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweyne Gaas iyo wafdigiisa ayaa ka soo laabtay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida Ethiopia halkaasoo maalmahan ay ku sugnaayeen.

Gaas waxaa garoonka ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Dr. Tedros , Safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Arrimaha Dibaddda Ethiopia ayaa u sheegay saxaafada inuu ku faraxsan yahay mar kale Addis Ababa inuu ku soo dhoweeyo madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa oo u ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan iyo derisnimo.

Madaxweynaha Cabdiweli Gaas ayaa isna ku tilmaamay booqashii Jigjiga uu u tagay mid taariikhi ah, isagoona ka mahadceshay sidii diiraneyd ee loo soo dhoweeyay maamul iyo shacaba, isagoo sidoo kalena xusay horumarka ay gaareen inuu mudanyahay ku dayasho.

Gaas ayaa horrey kulamo ula qaatay ra’iisal wasaaraha Ethiopia, wasiirka arrimaha dibedda iyo wasiirka gaashandhigga Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Addis Ababa

Caasimada@live.com