Dhageyso: Maamulka Axmed Madoobe oo ku dhowaaqay inaysan garoonka & Dekedda Kismaayo ku wareejineyn DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sheegay inuusan xilli dhow ku wareejinayn dowladda federaalka Soomaaliya maamulka dekedda iyo garoonka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada maamulka Jubba, Cabdiqani Cabdi Jaamac oo wareysi siiyay idaacadda Kismaayo ayaa sheegay in wareejinta maamulka dekedda iyo garoonka Kismaayo ay ka horreeyaan hirgelinta dhammaan qodobbadii heshiiskii Addis Ababa ee dabayaaqadii August ee sanadkii la soo dhaafay ay gaareen maamulka KMG ah ee Jubba iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

“Dadku waxaysan fahmin heshiisku ma ahayn meesha aad rabto inaad ka xulatid oo aad la booddid oo aad dhahdid tan ayaan ku dhaganahay, heshiisku wuxuu ahaa xirmo qodobbo ah oo isla socda, una baahan in la hirgeliyo dhammaantood,” Cabdiqani ayaa yiri.

Cabdiqani ayaa xusay in ilaa hadda la qaaday hal tallaabo, oo ah dib-u heshiisiinta, taas oo wejigeeda koowaad lagu qabtay Muqdisho, balse wejigii labaad aan wali lagu qaban magaalada Kismaayo.

Qodobbada aan wali la fulin waxaa ka mid ah u diyaarinta maamulka KMG ah ee Jubba sidii uu u noqon lahaa dowlad goboleed buuxa oo rasmi ah, soo xaraynta ciidamada iyo isku dhafiddooda iyo sameynta xarumihii lagu xareyn lahaa ciidanka.

Hardankii siyaasadeed ee ka dhex billowday madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo dhibaatada amni-darrada ee ka jirta Muqdisho ayuu sheegay inay sabab u yihiin dib-u dhaca ku yimid hirgelinta qodobbada heshiiska Addis Ababa.

“Dowladda way nala qaadi wayday tallaabooyinkii aan rabnay inaan isla qaadno. Duruufaha ayaga dhexdooda ka jiray dartood uma aanay saamaxeyn inay wax nala qabtaan. Way fulin waayeen tallaabooyinkii loo baahnaa, marka arrinta dekedda intaas oo dhan marka la fuliyo ayay ahaan lahayd in wada-hadal laga sameeyo,” ayuu yiri Cabdiqani.

Maalinta berri oo Jimcaha ah oo ku beegan 28-ka February, ayay ku eg tahay muddadii lixda bilood ee loo qabtay in dowladda lagu wareejiyo maamulka dekedda iyo garoonka Kismaayo.

Hoos ka dhageyso wareysiga Cabdiqani Cabdi Jaamac

120804_007

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com