Madaxweyne Xasan oo guddoomiyaha cusub ee gobalka Banadir magacabay

Muqdisho (Caasimada Online) Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa maanta oo Khamiis waxaa loogu magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Gen Xasan Maxamed Xusen (Muun-gaab).

Wargeetada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in markii madaxweynaha uu dhageestay codsiyo uga yimid ra’iisal wasaaraha iyo wasiirka arrimaha gudaha in loo baahday isbadal iyo guddoomiye cusub, waxaana loo gartay in buuxin karo Sareeye Guut Gen Xasan Maxamed Xuseen Muun-Gaab ayaa lagu yiri Digreetada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha.

Waxaa kaloo lagu sheegay digreerada in xilka laga qaaday guddoomiye horre ee gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Muungaab

“Waxaa waajib ku ah hay,adaha kala ah ciidanka booliska, qeybta gobolka benaadir, iyo Hay’adda Nabad-sugidda Qeybta Gobolka benaadir ay si toos ah ula shaqeeyaan guddoomiyaha gobolka Benaadir.”

Waxa uu xeerkan Madaxweynaha dhaqan galiyaa islamarkaana uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya saxiixo waxaana lagu soo daabici doonaa faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu yiri digreetada.

Tarsan inta maanta xilka guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho aan si rasmi ah looga qaadin, waxaa loo magacaabay wasiir ku xi-geenka cayaaraha xukuumada Cabdiweli, taasoo loo arkay in la rabay in meesha laga saaro, balse wuxuu sheegay in aan wax xil ah ka rabin dowladda.

Gen Mungaab ayaa horrey u ahaa guddoomiyihii maxkamadda qalabka sida ee ciidamada dowladda.

Tarsan intii uu xilka hayay waxaa lagu tilmaamay in uu qabtay wax yaabo fara badan, waxaana dadka qaar ay ku tilmaameen in uu ahaa guddoomiyihii ugu wax qabadka fiicnaa kuwii soo maray gobalka Banaadir 23-kii sanne oo la soo dhaafay in kastoo ay jiraan dad dhaliilsanaa.

Tarsan iyo madaxweynaha ayaa la sheegay in ay isku dhaceen maadama ay ka kala tirsanaayeen labo xisbi oo kala ah Aala Sheekh iyo Dam-Jadiid.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com