KHUBURADA oo ka digay in Soomaaliya ay ka lumayaan waxa ugu muhiimsan

Khubarrada afka Soomaaliga ayaa ka codsanaya hay’adaha waxbarshada iyo dawladdaba in ay kaalmo ka gaystaan baahinta isticmaalka qoraalka afka iyada oo iskuulo badan oo oo waddanka ku yaal aysan afka rasmiga ah ku isticmaalin manhajka.

Alif beetada Soomaaliga ee hadda waxay ku salaysan tahay xarfaha Laatiinka oo uu soo hindisay Shire Jaamac Axmed. Waxaa laga doortay 18 qaab-qoraal oo tartan ku jiray markii ay noqotay xuruufta rasmiga ah ee Soomaaliga sannadkii 1972-kii.

Isla markii la qaatayba, ayaa xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre waxay bilawday olole xooggan oo lagu doonayay in shacabka lagu baro akhrinta iyo qoraalka alif beetada cusub waxayna si wayn kor ugu qaadday isticmaalkeeda ballaaran.

Laakiinse 40 sano wax ka badan kadib, ayaa khubarada afka iyo waxbarshadu waxay sheegayaan in afkii Soomaaligu uu hoos-u-dhac wayn soo gaadhay markii la fiiriyo dhinaca qoraalka sabab la xidhiidha burburkii dawladda, dagaalo sannado badan socday iyo burburkii hay’adaha waxbarshada sare oo Soomaaliga u istcimaali jiray waxbaridda.

Wax cabsi ah ma jirto in ku hadalka afku uu lumo sababta oo ah tirada Soomaaliga ku hadasha ayaa Bariga Afrika ku sii kordhaysa, ayuu sheegay Professor Mustafa Cabdullahi Feynus, oo ah cilmi baadhe xubin ka ah Akaadeemiyad Gobaleedka Afka Soomaaliga (AGA) daaraaska warbaahinta iyo saxaafaddana ka dhiga Jaamacada Muqdisho.

Xujada, ayuu sheegay in ay tahay sidoo loo badin lahaa qoraalka afka sababta oo ah ma ahayn luqadda rasmiga ah ee dugsiyada loo istcimaalo tan iyo markii uu dagaalka sokeeyo dhacay, sababtaas darteedna ma ayan jirin horumarin wanaagsan oo lagu sameeyay dhinaca buugaagta si ardayda loo baro aasaasiyaadka sida naxwaha iyo hingaadda.

“Qof soo saara ma jiro qalab waxbarasho oo loogu talagalay barashada afka Soomaaliga. Sidaas darteed, tirada carruurta baranaysa [hab qorista saxda ah] ee Soomaaliga aad ayay u yartahay,” ayuu yiri. “Buugaagta waxay ahayd in la horumariyo, sababta oo ah buugaagta dugsiyada lagu dhigto shantii sanaba mar ayaa la cusboonaysiiyaa adduunka.”

Intaas waxaa dheer, ayuu sheegay in dugsiyada Soomaaliya aysan haysanin manhaj luuqadeed oo horumarsan.

Kadib markii ay dhacaday xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii, ayaa waxaa soo if baxay kumanaan iskuullada sida goonida ah loo leeyahay si ay u buuxiyaan kaalintii ay banneeyeen dugsiyadii ay dawladu lahayd, si kastaba ha ahaatee, la’aanta kormeer sax ah iyo manhaj midaysanayaa keenay in tayada waxbarshadu ay aad u kala duwanaato.

Waxa loo baahan yahay manhaj qaran oo ah af Soomaali iyo hay’ado dhinaca waxbarshada ah oo cilmi baadhis sameeya oo ka ambaqaadaya shaqadii la soo qabtay 1970-yadii iyo 1980-yadii si loo horumariyo heerarka afka Soomaaliyga — sida cusboonaysiinta qaamuusyada Soomaaliga oo ay ku jiraan isticmaalka saxda ah iyo qaab higaadeedka iyo weedhada saysinka ah — si loo sii balaadhiyo la isuguna dubarido hab istcimaalka afka qoran, ayuu sheegay Faynuus.

Wuxuu sheegay in Akaadeemiyad Gobaleedka Afka Soomaaliga, taas oo jabuuti laga furay June tii hore, ay tahay mid ka mid ah hay’adaha shaqadaas ku hawlan.

Horumarinta afka Soomaaliga

Xarunta Soomaaliya ee Qalinlayda Caalamiga ah, oo u ololeeysa akhrinta iyo qoraalka Soomaaliga, qabatana barnaamijoyo dhinaca aqoonta ah, ayaa xaflad ku qabatay Hoteelka Amira ee Muqdisho bishan Februray 20-keedii, hal maalin ka hor Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, si ay wacyiga u kordhiso ayna ugu dabaal-degto taariikhda xarfaha iyo luuqada Soomaaliga.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qaybgalay aqoonyahanno dhinaca luuqadda ah iyo dad kale oo danaynaya balaadhinta isticmaalka qoraalka Soomaaliga.

Gudoomiyaha Qalinlayda Soomaaliya Cabdinaaasir Macalin Yuusuf ayaa sheegay in ay dadaal badan ku bixinayaan sidii ay u xoojin lahaayeen afka Soomaaliga.

“Qalinlayda Soomaaliya ayaa xafladda Maalinta Caalamiga ee Afka Hooyo u isticmaashay wada hadal caqli ku dhisan, carwo buuggaag iyo tababar la siiyay dadka hal abuurka leh sida suxufiyiinta, dadka gabya, wax qora iyo fanaaniinta iyada oo abaalmarin siisay dadkii iyo hay’adihii ka qayb qaatay fidinta afka,” ayuu yidhi.

Axmed Maxamed Dhicisow, oo ah qoraa Soomaaliyeed ahna tifaftiraha wargayska Muqdisho ka soo baxa ee Xamar oo xaflada ka qayb galay, ayaa sheegay in suxufiyiinta da’da yar ay si aad ah ugu xad gudbayaan hababka qoraalka, iyaga oo ka dhigaya afka mid ay adag tahay in la fahmo.

“Wax tababar ah oo ay u haystaan ma jirto sharciyada qoraalka. Sidoo kale, websiteyada qaarkood ma alaha tifaftire, oo qofka qoraalka qoraya ayaa ah qofka website-ka galinaya qoraalkaas,” ayuu Dhicisow sheegay. “Waxaa dhacda in suxufiyiinta Soomaalidu ay tababar u qaataan luuqadaha kale oo ay danaynayaan, laakiinse qof walba uu luuqadda Soomaaliga u istcimaalo sida uu doono.”

Amiin Yuusuf Khasare, oo ah suxufi ruug cadaa ah, qoraa iyo walitaba tifaftiraha website-ka SomaliTalk, ayaa sidoo kale dhalleecayn soo jeediyay isaga oo sheegay in waddanka ay ku yaryihiin dadka wax qora.

“In badan oo ah wargaysyadii soo bixi jiray ayaa waxaa baddalay [xarumo idaacadeed], kuwaas oo hadba sida ay doonaan hawada warar ku sii daynaya, iyaga oo aan fiirinaynin shuruucda [luuqadda] iyo naxwaheedaba,” ayuu yiri.

“Hawada warbaahinta ee Muqdisho waxaa ku jira qiyaastii 30 xarumo idaacadeed markii loo bar bar dhigo saddexda wargays ee soo baxda,” ayuu yidhi. “Tani waxay hoos u dhigtay xirfadaha qoraalka iyo akhrinta.”

Dhiniciisa, ayaa Yuusuf sheegya in Xarunta Soomaaliya ee Qallinlayda Caalamiga ah ay ka shaqaynayso in ay ku soo dunto dhammaan Soomaalida isticmaalka saxda ah ee qoraalka afka.

“Qof walba waxaan doonayaa in uu qaybtiisa ka qaato horumarinta afka Soomaaliga,” ayuu sheegay. “Yoolkeennu waa in aan tababar siinno dhammaan dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha la xidhiidha afka Soomaaliga. Waxaan kale oo qorshaynaynaa tartano la xidhiidha habkii afka lagu horumarin lahaa.”