R/W CABDI WELI oo maanta ku wajahan magaalo ka mid ah dalka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online, ayaa ogaatay in ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed uu maanta safar shaqo uu ku tagi doono magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Ilo-Ogaal Ogaal ah oo la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha iyo wafdi ka tirsan xukuumadiisa oo ay wehliyaan xildhibaanno in ay Khamiista maanta ah ku wajahan yihiin magaalada Baydhabo, halkaasoo uu ka socdo labo shir oo iska soo horjeda.

Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay in uu la kulmi doono odayaasha iyo siyaasiyiinta ku shirsan Xarunta ADC-da iyo Hotel Bakiin, halkaasoo uu ka socdo labo shir oo lagu dhisaayo labo maamul oo kala duwan.

Dhinaca kale, waxaa maanta gaaray magaalada Baydhabo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin taageersan shirka ka socda Baydhabo ee la doonayo in maamul loogu dhiso saddex gobol.

Xildhibaannada oo tiradooda lagu sheegay siddeed ayaa ujeeddada socdaalkooda ku sheegay sidii ay uga qeyb-gali lahaayeen shirka maamulka loogu dhisayo gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, waxaana ku soo dhaweeyay halkaas odayaasha ku shirsan Hotel Bakiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay taageersan tahay shirka maamul u sameynta saddexda gobol, kaasoo lagu wado in dhawaan lasoo gunaanado.

Ma cadda halka uu ku dambeyn doono shir kale ee la doonayo in maamul loogu dhiso lix gobol ayaa isna ka socda magaalada Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com