Sawirro: DF iyo QM oo maanta heshiis muhiim ah ku kala saxiixday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Arbaca ah heshiis ku kala saxiixday dawladda Soomaaliya iyo xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM.

Heshiiska ayaa waxa uu ku saabsanyahay sida ay labada dhinac u wada shaqaynayaan iyadoo la ilaalinayo xeerarka Qaramada Midoobay iyo qawaaniinta dalka Soomaaliya.

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdiraxman Ducaale Beyle iyo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nicolas Kay.

Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabadda ayaa yiri “Waxaan u mahadceinayaa guddigii ka kala socday QM iyo Dowladda oo in muddo ahba ka soo shaqeynayey heshiiskan oo ah mid sii xoojinaya xiriirka Somalia iyo QM. Dowladdu waa ka go’antahay dhaqangelinta heshiiskan labada dhinac waa saldhiga wadashqeynta iyo gar-gaarka shacabka Soomaaliyeed.”

“Waxaan ugu baaqayaa hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya inay hubiyaan in heshiiyadooda aysan dhacsaneyn, isla markaana cusbooneysiiyaan haddii uu ka dhacay. Heshiisyadu waa muhiim oo ah sharciyada muhiimka u ah wada shaqeynta iyo illaalinta danaha shacabka Soomaaliyeed.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa sheegay in garyaqaanada labada dhinac ay si taxadar ah uga soo wada shaqeeyeen heshiiskan oo ah mid labada dhinacba ay ku wada qanacsanyihiin, isla markaana qeexaya waajibaadka iyo xuquuqaha labada dhinac.

Heshiiskan waa kii ugu horreeyay ee noociisa oo kale ee dhexmara dowladda Soomaaliya iyo QM tan iyo markii Soomaaliya ayka baxday xilliga KMG ah oo ay heshay dowlad rasmi ah.

sax 1sax 2sax 3sax 4sax 5sax 6

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com