28.1 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Maxay ka hadleen Xasan Sh iyo wafdi ka socda Kenya oo Muqdisho jooga

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynahaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaley magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wafdi xildhibaanno ah oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay aqanka madaxtooyada Soomaaliya, ayaa waxaa looga hadlay xiriirka labada waddan iyo siddii loo xoojin lahaa.

Madaxweynaha iyo wafdiga Kenya ayaa ka hadlay howgallada ciidamada Kenya oo qayb ka ah kuwa AMISOM ay ka wadaan Jubbooyinka.

Bilow Keerow oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Kenya kana mid ah wafdiga la kulmay madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Kenya ay dooneyso siddii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeya labada dal maadama ay lee yihiin dano isku mid ah.

Wuxuu sheegay oo kale in ka hor madaxweynaha inta aaney la kulmin ay kulan la qaateen baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo sannadkan ku howlan in dhammeestiran dastuurka qabyada ah ayuu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

 

C/kariin Guuleed oo xabsi guri geliyey taliyaha & taliye-xigeenka Boliska ee..

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxday Wasiirka Amniga Qaranka, C/kariim Xuseen Guuleed ayaa lagu amray in Taliyaha iyo Taliye-xigeenka Saldhigga Boliska ee Dekedda magaalladda Muqdisho, Maxamed Cabdi Eebow iyo Maxamed Ibraahim Xayle lagu hayo xabsi guri, kadib, markii ay u diideen Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Somalia, Bashiir Axmed Jaamac “Bashiir Goobe” inuu gudaha Dekedda la galo labo Tekniko iyo ciiddamo ilaalo u ahayd.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Somalia, Bashiir Axmed Jaamac “Bashiir Goobe” markii loo sheegay inay mamnuuc tahay in Tekniko iyo ciiddan lala galo Dekedda Muqdisho, ayaa waxa uu Khadka Telefoonka kula xiriiray Taliyaha Ciiddanka Boliska Soomaaliyeed, Jeneral Daahir Saciid Saacid oo uu u faahfaahiyey in loo diiday inuu Dekedda la galo ciiddan.

Jeneral Saacid waxa uu u sheegay inay Taliyaha iyo Taliye-xigeenka Boliska dekedda Muqdisho hawshooda gudanayaan, isla markaana uusan faragelin Karin.

Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Bashiir Goobe, waxa uu mar kale khadka kula xiriiray Wasiirka Amniga Qaranka, C/kariim Xuseen Guuleed, oo uu u sharxay arrintii, kadibna Wasiirku waxa uu soo saaray Wareegto amrayso in Taliyaha iyo Taliye-xigeenka Boliska Dekedda Muqdisho lagu soo rogay Xabsi Guri.

Nuqul ka md ah Wareegtadaasi oo ayaa waxay sumadeedu ahayd WAQ/XW/0037/14 soona baxday bishii Feberaayo 23-dii ee sannadkan ayaa waxa uu Wasiirku ku amray in Taliyaha iyo Taliye-xigeenka Saldhigga Boliska ee Dekedda Muqdisho lagu hayo Xabsi guri “House arrest”.

Wasiirka waxa uu wareegtadisa u adeegsaday hadal ku adag Sharuucda Ciiddamadda , isagoo xusay inay Labadaasi Sarkaal u baahan yihiin waxa uu ugu yeeray EDBIN.

Garyaqaanadda iyo Khubaradda Ciiddamadda ayaa sheegay in amarka Wasiirka ka hor imaanayo Sharuucda Ciiddanka Boliska iyo Dastuurka Qaranka.

Wasiirka Amniga Qaranka xaq uma laha inuu Taliyaha Boliska ee hoos yimaada Wasaaradaasi ka tallaabsado oo uu isagu si toos ah Xukun ugu soo rido Taliyaha iyo Taliye-xigeenka Boliska Dekedda Muqdisho, oo iyagu sharci ku taagan.

Si kastaba ha ahaatee, Faragelinta noocaasi ee ay Wasiiradda ku kacaan ayaa waxay qeyb ka tahay waxyaabaha niyad jebinayo Ciiddamadda Qaranka, isla markaana wax u dhimanayo dadaalka lagu doonayo soo-celinta Nabadda Somalia.

Idaacadda Dalsan

Kulan lagu taageerayo guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir oo ka socda…

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa iminka ka socda kulan ay ka qaybgalayaan xildhibaanno, wasiirro, saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin kaasoo lagu taageerayo guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Gen Xasan Maxamuud Xuseen (Mun-Gaab).

Kulanka oo ka socda Hotel City Plaza oo ku yaalla degmada Cabdicasiis, waxaa kaloo ku sugan guddoomiyihii horre ee gobalka Banaadir Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) iyo guddoomiyaha cusub sidda uu ku soo warramayo wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho.

Waxaa kulanka lagu soo bandhiggi doonaa wax yaabihii uu qabtay guddoomiyihii horre ee gobalka Banaadir Tarsan sidda uu lee yahay wariyaha halkaas noo jooga.

Gen Mungaab ayaa dhawaan wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha loogu magacaabay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Warkan oo faah-faahsan kala soco Shabakadda Caasimada Online haddii Weynuhu saamaxo.

 

 

Guddiga doorashada maamulka 3-da Gobal oo maanta lagu dhawaaqay

Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo waxaa maanta lagu soo bandhigay guddigga doorashada maamul u sameynta seddaxda gobal ee loo sameenaayo Koonfur Galbeed ee dalka.

Kulan ka dhacay Hotel Bakiin oo ku yaalla duleedka Bari ee magaalada Baydhabo, ayaa lagu doortay 11-xubnood kuwaasoo ah guddiga doorashada maamulka seddaxda gobal ka kooban, isla goobta lagu ansixiyay.

Waxaa la sheegay in wixii maanta ka dambeeya ay u fasaxan yihiin guddiga doorashada in ay qabteen araaji qabashada musharrixiinta u taagan doorashada oo mardhow la qaban doono.

Dhinaca kale, wafdi wasiirro ah oo ka socday xukuumada Soomaaliya oo gaaray Baydhabo ayaa maanta kulamo la qaatay ergooyinka ku shirsan xarunta ADC-da oo ku taalla duleedka Koonfureed Baydhabo, waxaana ay ka dhaadhicinayaan in shirkaas la baabiyo ergooyinkana lagu soo biiriyo kan socda Hotel Bakiin sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Baydhabo.

Magaalada waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ay wadaan musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka seddaxda gobal ka kooban.

Musharrixiinta u taagan waxaa ka mid ah Guddoomiyihii horre ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Labo xildhibaan oo horre uga tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya oo midi ay tahay haweeney.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in mowqifkeeda ku aadan shirka iska soo horjeedo ee ka socda Baydhabo ayaa shaacin doonta maamaha soo socoda, waxaan aay taageersan tahay dowladda sidda ay lee ilo ku dhowdhow shirka maamulka u sameynta seddaxda gobal.

Magaalada waxaa lagu arkayaa sawirrada ay lee yihiin musharrixiinta u taagan xilalka maamulka ka kooban seddaxda gobal iyo kan ka kooban lixda gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Warbixin & Sawirro: Muxuu R/W C/Weli ka doonay dalka Imaaraadka Carabta?

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa gaaray magaalada Dubai ee dalka Isku taga imaaraadka carabta.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigga ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay madax sare sare oo ka tirsan boqortooyada Isutaga Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale safiirka Soomaaliya u fadhiya Abu Dhabi Amb. Cabdiqaadir Sheekhey.

1798511_796251623737436_129650098_nBooqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxay qaadan doontaa muddo saddex cisho ah, wuxuuna la kulmi doonaa madaxda ugu sareysa dalkan, wuxuuna kala hadli doonaa iskaashiga labada dal, gaar ahaana dhinacyada siyaasada, Dib u dhiska Garsoorka, Amniga iyo xasilinta iyo ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalka.

Waa safarkii labaad ee ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu ugu ambabaxo dibedda tan iyo markii la doortay sannadkii horre.

1

tlis40

tlis43

tlis42

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Ergada ku howlan maamulka 6da gobal oo war cusub uu ka soo yeeray maanta

Baydhabo (Caasimada Online) Odayaasha ku howlan dhismaha maamulka gobaleed ka kooban lix gobal, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aaney aqoonsaneen maadama aysan wax taakuleen ah siin muddada uu shirka ka socday xarunta ADC-da ee magaalada Baydhabo.

Malaakh Xasan Shuuriye oo ka mid ah ergada ku howlan dhismaha maamulka cusub ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Markii horre ay iyaga rabeen balse markii ay arkeen dowladda in aan u soo jeedin in ay ka tashteen oo ay hadda isku filan yihiin siidda uu yiri.

“Annaga dowladda waan rabnaa maxaa yeelay anniga ayaa soo dhisnay, laakin markii aan aragnay in aaney noo soo jeedin oo Kiilo Bariis ah ama Shood Masago aaney na siin”

Wuxuu sheegay haddii dowladda aaney rabin in maamulka cuusb aqoonsato ay iyagana ka tashan doonaan sidda uu hadalka u dhigay.

“Wasiirka arrimaha gudaha oo daraad noo yimid, wuxuu na dhahay idiinma baahni, annagana uma baahnin, dowladda la sheegayo waana isku tashanay” ayuu yiri Malaakh Xasan Shuuriye.

Wuxuu kaloo sheegay Malaakha in maalintii shaley qudbadahooda ay jeediyeen lixda musharrixiin ee u taagan doorashada madaxweynaha maamulka lixda gobal.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in maalinta berri ah ay dooran doonaan madaxweynaha hoggaamin doona maamul gobaleedka Koonfur Galbeed ee lixda gobal ka kooban.

Magaalada waxaa maalintii labaad ku sugan wafdi wasiirro ah oo ka socda xukuumada Soomaaliya kuwaasoo ku howlan in la isku keeno shirarka is khilaafsan ee ka socda Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdish

[email protected]

34 jir SOMALI ah oo loo haysto geerida 366 Qof oo lagu eedeeyey inuu dilay

Roma (Caasimada Online) – Maxamuud Muxidiin oo ah wiil Soomaaliyeed oo 34 sano jir ah ayaa waxaa maxkamadeyntiisa ay ka bilaabatay maxkamad ku taala magaalada Agrigetnto ee dalka Talyaaniga, kadib markii lagu eedeeyay dadkii qaxootiga ahaa ee ku dhintay bishii October sanadkii lasoo dhaafay xeebaha jazeerada Lampedusa ee dalka Italy.

Mid ka mid ah dacwad oogayasha maxkamada dalka Talyaaniga ayaa sheegay in muwaadinka Soomaaliyeed lagu eedeynayo arimo ay kamid yihiin dad sharci daro ku dalay Talyaaniga iyo geerida 366 ruux oo Lampedusa ku dhintay sanadkii lasoo dhaafay.

Wakaalada dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in qaarkamid ah muwaadiniin u dhalatay dalka Eritrea ay hortageen maxkamada ay ka dhacday dacwada muwaadinka Soomaaliyeed.

Waxaana la sheegay inay goobta ka cadeeyeen in Maxamuud Muxidiin uu jirdil iyo handadaad u geystay qaar kamid ah dadkii ka badbaaday doontii ku degtay Lampedusa.

Ciiddanka Ammaanka ee Talyaaniga waxay Eedeysanaha Mohamoud Muhidin iyo nin Falastiini soo qabteen bishii December ee sannadkii hore, kadib, markii la soo far muuqay isagoo ku sugan Xero lagu hayo Muhaajiriinta soo gala dalka Talyaaniga.

Caasimada Online
Xafiiska Roma
[email protected]

Gabadhii ugu horreysay ee SOOMAALI ah oo ka mid noqotay booliska St. Paul

St. Paul ( Caasimada Online) Sidda ay qoreen Jaraa’idka Dalka Maraykanka, Gabar Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay ku biirtay Booliska magaalada Saint Paul ee dalka Maraykanka.

Khadro Maxamed ayaa Sabtidii shaley loo aqoonsaday gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo ku biirtay Booliska magaaladaas, kaddib markii ay ka qalin jabisay xarunta East African Junior Police Academy.

Khadro ayaa ka baxday dugsiga Sarre ee Central High School sannadkii 2010.

Khadro oo 21-jir ayaa sheegtay in in ay dooneyso door ku yeelato dumarka ku dhaqan magaalada Saint Paul gaar ahaan kuwa dumar.

“Dhaqanka Soomaalida, Dumarka iskuma taxluujiyaan in ay noqdaan Saraakiil Boolis”sidaas waxaa tiri Khadra Maxamed.

Sheekada kale ee warbixintan ay wadato ayaa ah gabadhan waxa ay xiran tahay Xijaab, waana dhaqan aad looga aqoon dalkan Maraykanka.

Khadro Maxamed oo loo aqoonsatay Booliska St. Paul
Khadro Maxamed oo loo aqoonsatay Booliska St. Paul

Khadro ayaa loo aqoonsatay in ka mid noqoto booliska degmada Western Distric, kaddib markii ay ka qalin jabisay
xarunta East African Junior Police Academy.

Madaxa booliska Thomas Smith ayaa sheegay in magaalada Washington, D.C iyo St. Paul ay yihiin magaalooyinka loo oggol yahay in dumarka ay qaataan Xijaabka, balse waxaa soo badanaya walaaca laga qabo ee ah in burcada ay ku ceejiyaan marka ay gacanta isla tagaan.

Balse booliska ayaa hab kale u sameeyay Xijaabka ay wadato Khadro taasoo ah in boolal loo sameeyay marka uu qorka ku dhago.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington, D.C

[email protected]

Muqdisho: Haween meel sare maanka ku haya oo shirar xasaasi ah leh

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxa ka socda shirar ay leeyihiin haweenka, kuwaas oo looga hadlayo mustaqbalka siyaasadeed ee dumarka iyo sidii ay u tiigsanlahaayeen doorashooyinka 2016-ka oo ay doonayaan inay u tartamaan xilalka sare ee dalka sida madaxweyne, ra’isul wasaare, iyo afhayeenka baarlamanka.

Xaliimo Yareey oo ka mid ah haweenka u ololeeya xuquuqda dumarka Soomaaliyeed ayaa BBC-da u sheegtay in ay doonayaan siddii ay uga dhex muuqan lahaayeen siyaasadda dalka.

Waxa ay sheegtay in dumarka ku nool dibedda ay ku howlan yihiin siddii ay wax u baran lahaayeen, siddaas darteed xoog badan oo dumarka ayaa dalka ku soo wajahan waana in la soo dhaweeyaa” ayey tiri.

Waxa ay sheegtay marka la tago xawaaladaha in dadka ugu badan ee wax soo dira ay yihiin dumarka Soomaaliyeed ee dibedda ku jirta.

Waxa ay sheegtay in xisbi kasta haddii uusan ku darin dumarka in uu ogaan doono nusqaamid soo wajahda.

Waxa ay sheegtay in dhibaatada ugu ballaaran ay kala kulmayaan odayaasha dhaqanka, sidaas darteedna waxaan rabnaa in aan dhex galno.

“Caqabada ugu horreysa ee na hor taagan waa Odayaasha dhaqanka, waxa ay aamisan yihiin in wiil haddii uu dhasho uu soo dhicinaayo Geel, uu noqonaayo sarkaal Boolis,ma oga in arruntu ay noqotay aqoon, gacan la taagayo ma ahan in qorri la isku heesto” ayey tiri Xaliimo Yareey.

Ugu dambeyn waxa ay sheegtay in shirarkii ka dhacay Garoowe iyo Gaalkacyo in dumarka laga weeciyay qoondadii loogu talagalay markii la soo dhisaayay baarlamaanka oo ay ahayd in la siiyo 30%.

“Lixdii saxiixayaal ee ku shiray Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa naga weeciyay qoondadii nala siiyay ee 3o% waa arrin taarikhda ay xusi doonto” ayey tiri Xaliimo Yareey oo ka mid ah saraakiisha dumarka ee ururada haweenka u doodda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Howl-gallo laga sameeyay KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas laga sameeyay howgallo dad badan lagu soo qabqabtay kaddib markii qarrax miino uu ka dhacay xaafada Calanleey ee magaaladaas.

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa noo sheegay in howgalka ay sameenayeen ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba kuwaasoo xaafadaha ku dhowdhow goobta uu qarraxa ka dhacay dad ka soo qabqabtay.

Inta la ogyahay seddax ka tirsan askarta maamulka Axmed Madoobe ayaa ku geeriyooday qarraxa sidda ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Ammaanka magaalada ayaa caawa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo fara badan oo gaaf wareegaya sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Kismaayo.

Ammaanka magaalada Kismaayo ma wanaagsaneen waayihii dambe waxaana magaalada ka dhacay qarraxyo iyo dilal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

 

Tarsan oo sheegay in xil ka qaadistiisa lagu raali geliyay dowladda ETHIOPIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyahii xilka laga qaaday ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa markii ugu horeeysay sheegay in xilka qaadistiisa lagu raaligeliyay Dowladda Ethiopia kadib markii ay ka caroodeen qadiyadiisa Somalinimada.

“Amarka xilka qaadisteeyda wuxuu ka soo baxay Addis Ababa,waxaana Muqdisho keenay Jeneral Gabre, aniga talaado ayaan xilka wareejin doonaa laakiin waxaa ii muuqato in talada Dalka Somalia gacanta u gashay Dowlado shisheeye gaar ahaan Xukumadda Ethiopia” ayuu yiri Gudoomiyahii hore ee Gobolka Banaadir.

Sababaha Ethiopia in xilka laga qaado u jeclaatay ayuu ku sifeeyay laba arrimood,wuxuuna yiri ” Ethiopia waxay ka carootay hadaladii aan Warbaahinta mariyay ee la xiriiray inay Xabashida dalkeena xoog ku soo galeen, kana geysteen xasuuq, qodobka labaadna wuxuu yahay waxay arkaan in Caasimadii dalka dhisantay oo bilicdii soo laabatay sidaas darteed ayey Madaxweynaha cadaadis ku saareen inuu xilka qaadis igu sameeyo,isagana waa aqbalay”.

Mudane Tarsan oo ka mid ahaan jiray dadkii qaban qaabin jiray dibadbaxyadii looga soo horjeeday gumeeysiga Ethiopia intii u dhaxeysay 2007-2009 wuxuu tilmaamay in kooxda Damu jadiid wado qorshe ay dhamaan degmooyinka Muqdisho ugu dhiibayaan dhalinyaro ka tirsan oo dhamaantood ka wada baxay Machad-ka Simad.

“Xilka qaadista kaligeey kuma koobnaan doonto,waxaan ogahay in dhamaan Gudoomiyeyaasha degmooyinka gaar ahaan kuwa waxqabadka muujiyay sida Deeqa Cabduqadir laga qaadi doono xilka, waxaana degmooyinka oo dhan madax looga dhigayaa dhalinyaro ka baxday Machad-ka Simad oo ka tirsan Damu jadiid” ayuu yiri Gudoomiye Tarsan oo xalay Tel Conference kula hadlay taageerayaashiisa.

Qofkii raba inuu xil ka qabto Somalia wuxuu ku qasban yahay inuu Ethiopia u noqdo hayiin ama basaas, waxayna arrintaan sawir xun ka bixineysaa sidii Qaranimada Somalia god ugu dhacday.

Ciidamadii Melleteriga Ethiopia ee xooga looga saaray dalka Somalia ayuu Madaxweyne Xasan ogolaanshiyo u siiyay inay dalkeena ku soo laaban karaan hasse yeeshee nasiibdaro kumanaankii kun ee lagu xasuuqay Muqdisho waxaa lagu hilmaamay afar sano.

Sida muuqato waxaa Somalida laga xukumi doonaa Addis-Ababa ,wuxuuna dalweynaha Somalia noqon doonaa maamul goboleedya dhamaantood ku dhisan beelo kuwaas oo siyaasadooda laga hago Ethiopia.waana arrin halis badan hadii aysan Somalida si wadajira u fahmin hagardaamada gumeeysiga la damacsan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog dheeraad ah oo ku saabsan wafdi wasiirro ah oo gaaray Baydhabo

Baydhabo (Caasimada Online) Sidda wararkeenii horre aad kala socoteen boggeenna, waxaa magaalada Baydhabo maanta gaaray wafdi wasiirro ah oo ka socda xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Wafdiga ayaa markii ay gaareen Baydhabo waxa ay kulamo la qaateen ergada ku howlan shirar iska soo horjeeda oo looga hadlayo maamul u sameynta gobollada koonfur-galbeed Soomaaliya.

Si dhab ah looma wax yaabaha ay ka hadleen wafdiga dowladda iyo ergada ku howlan labada maamul. balse ilo xog ogaal ah ayaa noo sheegay in la isku maan dhaafay qoddobada looga hadlay kulan gaar ahaan kii ka dhacay xarunta ADC-da.

Ujeeddada socdaalkooda ayaa lagu sheegay sidii ay hal meel isugu keeni lahaayeen ergooyinka kala taageersan shirarka iska soo horjeeda ee ka socda Baydhabo, isla markaana loo dhisi lahaa hal maamul.

Labo shir oo mid la doonayo in maamul loogu dhiso lix gobol iyo mid kale oo la rabo in maamul loogu dhiso saddex gobol ayaa ka socda magaalada Baydhabo.

Wasiirka xannaanada xoolaha, Saalim Caliyow Ibrow ayaa hoggaaminaya wafdiga wasiirrada ee gaaray Baydhabo, waxaana la sheegay in muddo seddax cisho ay sii joogi doonaan magaalada Baydhabo.

Dhinaca kale, warar ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in maalinta Isniinta ah ee soo socota la qaban doono doorashada maamulka lixda gobal loo sameenaayo iyadoo ay u taagan doorashada lix musharrax.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Faah-Faahin: Qarax khasaaro geestay oo maanta ka dhacay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) Inta la ogyahay afar qof ayaa ku dhimmatay qarrax miino oo maanta duhurkii  ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Qarraxa ayaa la sheegay in lala eegtay baabuur uu lahaa taliyaha ciidamada ammaanka maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Ibraahim (Niiniile).

Dadka ku dhintay qarraxa waxaa ku jirra askar ka tirsanaa kuwii la socday gaarriga sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Kismaayo.

Qarraxa ayaa ka dhacay meel ku dhow Isbitaalka Guud ee Kismaayo, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba.

Howgallo laga sameeyay xaafada uu qarraxa ka dhacay oo Calanleey ayaa lagu soo qabqabtay dhowr qof oo u badan dhallinyaro kuwaasoo hadda ku jirra xabsiga magaalada.

Waa qarrixii seddaxaad oo muddo bil ah ka dhaca magaalada Kismaayo, iyadoo maamulka KMG ah ee Jubba uu sheegay in uu wax ka qaban doono falalka ammaan darida ee ka dhaca magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Muuqaalkii ugu dambeeyay ee Bilicda Magalaada Muqdisho (Daawo)

Horumarka & Bilicda Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo noqotay mid maalinba maalinta xiga ka sii qurux badaaneyso Muuqaalka magaalada oo si weyn isku sii badalaya.

Muuqaalkani waa midkii ugu dambeeyay ee laga soo duubo Magaalo madaxda Muqdisho waxaan hubaa in aad ka heli doontid quruxda Magaalada & sida ay maanta tahay ee nala daawo video-gaan.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Wafdi Wasiiro ah oo gaaray Baydhabo

Baydhabo (Caasimada Online) Wariye ka tirsan Caasimada Online oo ku sugan Baydhabo ayaa soo sheegay in magaalada ay gaareen in ka badan 10 wasiir oo ka tirsan xukuumada Soomaaliya.

Wasiiradan oo ah 11 ayaa waxa ay isugu jiraan wasiiro, wasiir ku-xigeeno iyo wasiiro dowlayaal, waxaana dhammaantood ay ka soo jeedaa gobalada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Wasiiradan oo uu hoggaaminaayo Aadan Saran-Soor waxa ay si toos ah u tageen xarunta ADC-da oo uu ka socdo shirka looga arrinsanaayo maamul gobaleed ka kooban lix gobal.

Wuxuu u sheegay ergada ka qaybgalaya shirkaas oo ka kooban 400 in ay ku biiraan shirka ka socda Hotel Bakiin oo looga arrinsanaayo maamul ka kooban seddax gobal oo ay dowladda taageesan tahay.

Aadan Saran-Soor ayaa sheegay in xilligan maamul ka kooban lix gobal aaney suuragal ahayn isla markaana loo baahan yahay in la mideeyo labada shir.

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa ka walaacsan shirarka iska soo hor jeeda ee ka socda magaalada Baydhabo.

Ilaa hadda kulanka ayaa socda, waxaana akhristayaasha la socda Caasimada Online u soo gudbineynaa warar dheeraad ah oo ku saabsan socdaalka wasiirada maanta gaaray Baydhabo In shaa allah.

 

$5,400,000 ayuu MADAXWEYNE XASAN Sheikh ku bixiyey safar oo kaliya (Xog)

Sida ay xaqiijiyeen Ilo Xog ogaal ah oo ka tirsan Madaxtooyada Somalia Madaxweynaha DF Somalia Mudane Xasan sheikh Maxamud ayaa intii uu xilka haayey mudada sanadka iyo barka aheyd waxuu galey safaro gaaraya 36.

36-da Safar, waa safaro aad u badan, oo qarkood aysan ahayn lagama maarmaan. Cel Celis ahaan madaxda caalamka waxa ay sanadkii oo idil safraan 3 goor.

Waxaa saraakiisha ay xaqiijiyeen in halkii safarba uu ku baxo cel celis ahaan Lacag dhan Boqol iyo Konton kun oo dolar, haddaba waxaan halkan idinku soo gudbineynaa inta jeer ee uu safarey Madaxweyne Xasan Sheekh.

1- Bishii Oktobar 8,deedii sanadkii 2012 waxuu Madaxweynaha u safrey dalka Uganda

2-Bishii November 26,keedii sanadkii 2012 waxuu u safrey Jabuuti

3- Bishii Disember 5,teedii Sanadkii 2012 waxuu Madaxweyne Xasan sheikh u safrey Turkiga.

4-Bishii Disember 16,keedii sanadkii 2012 waxuu u safrey Jabuuti

5-Bishii Disember 31,keedii sanadkii 2012 waxuu u safrey Kenya

6-Bishii Janaayo 1,deedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Suudaan

7-Bishii Janaayo 13,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Mareykanka

8-Bishii Janaayo 21,keedii sanadkii 2013 waxuu safrey Sacuudiga

9-Bishii Janaayo 26,keedi sanadkii 2013i waxuu u safrey Ethiopia

10-Bishii Janaayo 29,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Belgium

11-Bishii Febraayo 1,deedii sanadkii 2013 waxuu u safrey UK

12-Bishii Febraayo 6,deedii sanadkii 2013 waxuu safrey Egypt

13-Bishii Maarso 3,deedi sanadkii 2013 waxuu u safrey Qatar

14-Bishii Maarso 25,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Qatar

15-Bishii Maarso 30,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Imaaraadka Carabta

16-Bishii Abril 12,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Turkiga

17-Bishii Abril 15,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey UK

18-Bishii Abril 20,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Ethiopia

19-Bishii Abril 27,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Kenya

20-Bishii May 3,deedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Ethiopia

21-Bishii May 23,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Ethiopia

22-Bishii May 29,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Jaban

23-Bishii Jun 17,keedii waxuu u safrey UK-G8

24-Bishii julay 8,deedii sanadkii 2013 waxuu u safrey South Sudan

25-Bishii August 3,deedii sanadkii 2013 waxuu safrey Uganda

26-Bishii 19,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Ethiopia

27-Bishii September 11,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Imaaradka Carabta

28-Bishii September 15,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Ethiopia

29-Bishii September 20,keedii 2013 waxuu u safrey Italy

30-Bishii September 24,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Mareykanka

31-Bishii Oktobar 1,deedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Turkiga

32-Bishii Oktobar 11,keedii sanadkii 2013 waxu u safrey Ethiopia

33-Bishii Oktobar 28,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Turkiga

34-Bishii Disember 25,keedii sanadkii 2013 waxuu u safrey Kenya

35-Bishii Janaayo 28.sanadkan 2014 waxuu u safrey Ethiopia

36-Bishii Febraayo 9,keedii sanadkan 2014 waxuu u safrey Turkiga.

Guud ahaan waa 36 safar marka leysku daro Safarada uu dibada ugu baxey mudadii uu xilka haayey Madaxweynaha Somalia Xasan sheikh Maxamud waxaana halkii safar lacagta ku baxeysa ay dhan tahay $150,000. Boqol iyo Konton kun oo dolar waxaana sidoo kale guud ahaan Lacagta safaradaas ku baxey ay dhan tahay $5,400,000 waa shan milyan iyo afar boqol oo kun oo Dolar.

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in dhaqaalaha ku baxey safarada Madaxweynaha iney tahay mid aad u badan taasoo hadii lagu bixin lahaa Mushaaraadka Ciidanka wax weyn ka tari laheyd, iyadoo sida la ogyahana ay jirto in dhawaan Ciidamo ka tirsan Milatariga Somalia oo 700 askari gaaraya ay Dawlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan sheikh ay shaqadii ka Ceyrisey taasoo ay guud ahaan shacbiga somaliyeed aad uga xumaadeen

Wadahadalka DF iyo S/Land oo sahmin habab cusub oo la isaga kaashan karo

Mudo laba sano ka badan, ayaa bulshada caalamiga ah ay bilawday dadaalo meelo badan ka socday si la isugu keeno wakiillo ka socda dawlada faderaalka Soomaaliya (FGS) iyo maamul gobaleedka Soomaaliland si ay uga wada hadlaan xidhiidhkooda siyaasadeed ee mustaqbalka iyo habab kale oo ay ku wada shaqeeyn karaan.

Laakiinse labada dhinacba waxay muujiyeen in ay natiijada ka soo baxda wadaxaajoodka ka doonayaan ujeedooyin iska soo horjeeda.

Wakiillada matalaya dhinaca Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadallada u doonayay iyaga oo niyadda ku haya in Soomaaliland dib loola mideeyo waddanak intiisa kale, iyada oo wafdiga uu soo diray Madaxwaynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ay wadahadalka u arkayeen fursad ay ku xaqiijinayaan yoolka maamulkooda oo ah u aqoonsiga wadan madax banaan.

Turkiga — oo kaalin wayn ka qaatay dadaallada horumarinta ah ee Soomaaliya oo dhan — ayaa hadda kaalin hoggaamineed ka qaadanaya dhexdhexaadinta wadahadallada, kadib dadaallo kale oo ay hadda ka hor wadeen Ingiriiska, Midawga Afrika iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

Dhaqan-galinta heshiisyadii ku qornaa war-murtiyeedyadii hore ayaa adkaagay taasoo qayb ahaan sababsatay xidhiidhka lahjadda adag ee ay labada dhinac is dhaafsanayaan, arimaha aadka u qotada dheer ee dhinacyada ammaanka iyo siyaasada ee laga hadlayay, iyo la’aanshaha hab shaqeeyn kara oo iskaashigu uga socon karo gudaha.

Si horay loogu socdo, waxaa aad u adkaanaya fududeeynta shuraako shaqeeyn karto oo lagu maareeyo qaddiyadaha adadag sida maamulka kontoroolka hawada, ammaanka iyo siyaasadda iyada oo aan iskaashi guuleeysta laga gaarin arrimo ka xasaasiyad iyo khilaaf yar.

Intaas markii la fiiriyo, ayaa waxaa qiimayn mudan in dhexdhexaadiyayaasha caalamku ay fiiriyaan fulinta habab kalsooni dhisid ah iyada oo loo marayo habab aan siyaasad ahayn sida fanka iyo ciyaaraha si fursado wax ku ool ah loo siiyo in iskaashigu hirgalo.

Dadaalladaas oo si fiican loo fuliyo ayaa laga yaabaa in ay hagaajiso xidhiidhka labada maamul ka dhaxeeya iyo shacabkaba, iyo sidoo kale in la iska kaashan karo arrimaha adaga ee mustaqablka imaanaya.

Iskaashi dhinaca fanka ah

Iyada oo laga faa’iidaysanyo soo noolaanshaha fanka Soomaaliya, ayaa Turkiya ay kaalmanyn kartaa FGS iyo wafdiga Soomaaliland in ay si wada jir ah u abaabulaan mehrajaanno isu keenaya fanaaniin ka kala socoda gobollo badan si kor loogu qaado qiyamka muhiimka u ah Soomaalida oo dhan.

Gabayga iyo fanka kale ayaa muddo dheerba qayb muhiim ah ka ahaa dhaqanka wada heshiisiinta Soomaaliya iyo sidoo kale dadaallada nabad dhalinta ee adduunka oo dhan.

Intaas waxaa dheer, xafladaha fanka sida carwada Buuggaagta Caalamiga ee Hargaysa iyo sidoo kaleFilimka, Fanka, Gabayada iyo Carwooyinka Dhaqanka ee Nabada iyo Horumarka Soomaaliland ayaa sannad walba aad loo xiisaynayay, iyada oo Muqdishana ay ka shaqeeynayso “dib-u soo noolaalaanay” fankeedii.

Mahrajaan faneed si wada jir ah loo maamulo oo ay ka soo qayb-galayaan fanaaniinta maxalliga ah iyo kuwa dibadda ka yimaadaba ayaa labada dhinacba siin kara fursad ay si wada jir ah isaga kaashadaan mashruuc aysan u badnayn in uu midba midka kale hadafkiisa wadahadalka uu wiiqayo, isla markaana faa’iido la taaban karo siinaya bulshada maxalliga ah ee doonaysa in ay ka qaybqaataan munaasabadaha lagu weynaynayo fanka Soomaaliya.

Ciyaaraha oo ah qaab la isku kaashankaro

Tartamada ciyaaraha ayaa sidoo kale noqon kara wax la iska kaashado Iyada oo ciyaarta kubadda cagtu ay tahay ciyaarta loogu jecelyahay Soomaaliya, ayaa kooxaha kubadda cagta ee maxalligu ay la ciyaari karaan kooxaha kale, kana qayb gali karaan tartamo gobaleedka.

Si kasta ha ahaatee, hadda ma jiro tartan isu keenaya kooxo ka imaanaya dhammaan goballada dalka.

Tan ayaa keeni karta fursad kuwa wadahadallada dhexdhexaadinaya in ay dhinacyada Soomaaliya ay ka kaalmeeyaan samaynta tartan isu keenaya kooxaha maxalliga ee gobollada dalka oo dhan iyaga oo u tartamaya kaalin sharafeedka kooxda kubadda cagta ugu fiican Soomaaliya.

Waxaa mar horeba jira caddaymo ah in is dhexgalka maamulka kubadda cagta Soomaaliya iyo kooxuhuba ay suurta gal tahay. Hada ka hor, garsoorayaal ka socda gobollo badan oo Soomaaliya ah ayaa tababar ka qaatay Xiriirka Caalamiga ah ee Kubadda Cagta (FIFA) si kor loogu qaado xirfadda isboortiga.

Intaas waxaa dheer, in February 2014-kii, koox ka soo jeedda magaalada Gaalkacyo ee Puntland oo la yiraahdo Kooxda Kubada Cagta ee COMSED lagu marti qaaday in ay Muqdisho tagto si ay ciyaar saaxiibtinimo ay ula yeelato laba kooxood oo kale oo ah Elman iyo Dakadaha.

Qabashada tartamada ay ka soo qayb-galayaan kooxo iyo garsoorayaal ka kala socda dhammaan gobollada waxay horay u sii marinayaan ciyaaraha gobollada Soomaaliya oo dhan, sidoo kalana waxay fursad kale siinayaan dawladda federaalka Soomaaliya iyo wafdiga Soomaaliland in ay iskaashi ka sameeyaan arrimaha aan aadka la isugu khilaafsaneeyn.

Waxa ahamiyad taa la mida leh, in ay fursad siinayso maamul goboleedyada kale iyo kuwa maxalliga ah oo mararka qaar dareemaya in aan laga qayb-galinin wadahadallada ay Turkiya waddo in ay ka qayb-qaataan mashruuc la taaban karo, ugu danbayntiina laga yaabo in ay horumariso xidhiidhka ka dhaxeeya maamul-gobaleedyada Soomaaliya.

Wanaajinta natiijooyinka la filayo mustqabalka

Iskaashiga arrimaha aadka u adag sida ammaanka iyo siyaasadda ayaa waxaa curyaamiyay khatrtaka ku imaan karta danaha asaasiga ah ee argo walba wadato. Si kasta ha ahaatee, Iskaashi hirgala oo la iska kaashanayo mashaariicda aan khilaafka badan ka jirin, ayaa abuuri karta fursad fiican oo looga wada -haqayn karo arrimaha aadka u adag.

Sidaas darteed, inkasta oo wada qorsheeynta mashaariicda fanka iyo ciyaaraha ay u muuqan karaan in aysan muhiim lahayn marka loo bar bardhigo ladagaallanka argagixisada iyo budhcad-badeednimada, ayaa haddana waxay dhagaxa asaaska ah u noqon karaan tallaabooyin lagu dhiso kalsoonida waxayna caddeeyn karaan suurgal-nimada iskaashiga.

Waxaa iyadana ahamiyaddaa oo kale leh, in qaababkaas iskaashi ay bulshooyinka Soomaaliyeed siin karaan fursado ay kuwada xiriiraan oo ay u wadaagaan danaha wadagga ah ee wax ku oolka ah, si kasta oo uu u jiro khilaafka siyaasadeed.

Tahriibayaal Somali oo la badbaadiyay

Tripoli (Caasimada Online) Wakaalada Wararka AP ayaa qortay in 107-qof oo ah tahriibayaal Soomaali ah in la bad baadiyay kaddib markii qabteen ciidamada ilaalada xeebaha dalka Libya.

Dadkan ayaa la socday dooni ay ka raaceen isla Libya iyagoona ku sii keeda Yurub sidda ay lee yihiin ilaalada xeebaha dalka Libya.

Col. Ayuub Qaasim oo ka mid ah saraakiisha ciidamada badda ee dalka Liibiya, ayaa wakaalada wararka AP u sheegay in dadkan ay la socdeen dooni ay ku dhowayd in ay gaddoonto.

Wuxuu sheegay in tahriibeyaasha oo lagu arkay meel dhowr meyl u jirta xeebta magaalada Tripoli ay isugu jireen rag, dumar iyo carruur.

Sidda ay sheegeen dadkii la socday doonta la badbaadiyay, waxaa geeriyooda toddobo qof oo ahaa dadkii ay ils socdeen kuwaasoo iska tuuray markii ay moodeen doonta in ay quuseeso.

Badda u dhexeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ku dhintay tahriibeyaal  badan oo Afrikan ah oo ay ku jiraan Soomaali ka soo cararay colaada ka jirta dalkooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Video: Ma ogtahay in mucjisoyinkan ay lee yihiin biyaha Zamzamka?

Biyaha Zamzamka ee laga keeno dhulka barakeeysan ee Madiina ayaa waxeey lee yihiin Mucjisooyin kaa yaabin doono & Faa’idooyin badan oo aadan ogeyn.

Aqristoow daawo muuqaal laga sameeyay Mucjisooyinka ay lee yihiin Biyaha Zamzamka ee aadka u wanaagsan ee nala daawo Muuqaalkani Xiisaha badan ee aan hubo in aad ka helo doonto.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Muqdisho: Amisom oo digaag dishay

Muqdisho (Caasimada Online) Kolanyo ay la socdeen ciidamada AMISOM ayaa maanta barqadii waxa ay lix digaag ku dileen xaafada Ciisa Cabdi ee degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Ninka loogu magac daray xaafadan Ciise Cabdi ayaa warbaahinta u sheegay in digaag uu lahaa ay laayeen ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi.

“Gaadidka AMISOM ayaa saakay barqadii iga laayay lix digaag ah oo aan lahaa, waxaana rabaa in magdhow la iga siiyo” ayuu yiri Oday Ciisa Cabdi.

Mar la weydiiyay qiimaha ay ku fadhiyaan lixda digaag, wuxuu sheegay in qiimahooda uu gaarayo 100 dollar, sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu kaloo sheegay Oday Ciisa Cabdi in markii ay dileen AMISOM digaagga uu lahaa in ay diiddeen in istaagaan oo waa ay iska socdeen ayuu yiri.

AMISOM horrey ayey dad iyo xoolo nool ay ku laayeen magaalada Muqdisho iyo qaybo kamid ah gobalada dalka mana jirto cid kula xisaabtanto ama wax ka qabta dhibaatadaas ay dadka rayidka u geesanayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]