Muqdisho: Amisom oo digaag dishay

Muqdisho (Caasimada Online) Kolanyo ay la socdeen ciidamada AMISOM ayaa maanta barqadii waxa ay lix digaag ku dileen xaafada Ciisa Cabdi ee degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Ninka loogu magac daray xaafadan Ciise Cabdi ayaa warbaahinta u sheegay in digaag uu lahaa ay laayeen ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi.

“Gaadidka AMISOM ayaa saakay barqadii iga laayay lix digaag ah oo aan lahaa, waxaana rabaa in magdhow la iga siiyo” ayuu yiri Oday Ciisa Cabdi.

Mar la weydiiyay qiimaha ay ku fadhiyaan lixda digaag, wuxuu sheegay in qiimahooda uu gaarayo 100 dollar, sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu kaloo sheegay Oday Ciisa Cabdi in markii ay dileen AMISOM digaagga uu lahaa in ay diiddeen in istaagaan oo waa ay iska socdeen ayuu yiri.

AMISOM horrey ayey dad iyo xoolo nool ay ku laayeen magaalada Muqdisho iyo qaybo kamid ah gobalada dalka mana jirto cid kula xisaabtanto ama wax ka qabta dhibaatadaas ay dadka rayidka u geesanayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com