Xog: Shariif Xasan Sh oo ku dhow inuu noqdo madaxweynaha maamulka……..

Baydhabo(Caasimada Online) Ilo Xog Ogaal ayaa u sheegay Caasimada Online, in shirka ka socda Hotel Bakiin ee magaalada Baydhabo laguna doonayo in lagu dhis0 maamul gobaleed ka kooban seddax gobal uu madaxweyne ka noqon doono Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Guddoomiyihii horre ee baarlamaanka haddana ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, ayaa la sheegay in uu ugu cad cad yahay musharrixiinta seddaxda ah ee u taagan maamulka seddaxda gobal loo dhisaayo.

Wariye ka tirsan Caasimada Online oo ku sugan Baydhabo ayaa soo sheegaya in uu magaalada ku aray sawirrada musharrixiinta u taagan labada maamul gobaleed iyo calaamada maamuladaas oo magaalada laga suray.

Si kastaba labada shir ayaa hadda ku dhow gabagabo waxaana mid kasta uu sameestay labo calan iyo labo dastuur, waxaa kaloo shirka uu kala qaybiyay dadka ku dhaqan Baydhabo.

Shariif Xasan ayaa u ololeenaya in shirka ka socda Hotel Bakiin in lagu dhiso maamul ka kooban seddax gobal si loo badbaadiyo maamuulka KMG ah ee Jubba oo iska dhisan Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com

 

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

Caasimada@live.com