Axmed Madobe oo looga yeeray Addis & arrimo xasaasi ah oo la weydiinayo

Kismaayo (Caasimada Online) Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in wafdi uu hoggaaminaayo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ay u ambabaxeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Wafdiga ayaa ka dhoofaygalabta  garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana la socday xubno ka socda maamulka KMG ah ee Jubba.

Axmed Madoobe iyo Wafdigiisa ayaa la sheegay in looga yeeray magaalada Addis Ababa, halkaasoo uu ku sugan yahay madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkiisa.

Ma cadda wax yaabaha looga yeeray Axmed Madoobe Addis Ababa, balse waxaa maanta oo Jimco ah ku eg heshiiskii dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba ay ku kala saxiixdeen Addis Ababa sannadkii horre.

Qoddobada heshiiskaas ku jiray waxaa ka mid ahaa maamulka Axmed Madoobe lix bil kaddib in ay dowladda Soomaaliya ku wareejiyaan maamulka dekedda iyo garoonka Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin dhaqangallinta heshiiskii Addis Ababa ay kula saxiixatay maamulka Axmed Madoobe.

Dhinaca kale, Wasiirka warfaafinta maamulka KMG ah Jubba, Ibraahim Xasan Baajuun ayaa sheegay in ay ka baxeen heshiiska ay la galeen dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in maamulkooda uu sii maamuli doono garoonka Kismaayo iyo dekedda Kismaayo sidda uu hadalka u dhigay.

“Heshiiskii Addis Ababa waxaa kala saxiixday Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe iyaga ayeena u taallaa” ayuu yiri waisirka warfaafinta maamulka Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com