28.1 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Maamulka Axmed Madoobe: Heshiiska aan la galnay dowladda waa fashilmay

Kismaayo (Caasimada Online) Lix bilood ayaa ka soo wareegtay markii dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka ku meel gaarka ah ee Jubba ay heshiis ku saxiixeen xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Heshiiskaasi qeyb ahaan waxaa ku jiray in maamulka Jubba uu dowladda ku wareejiyo gegida diyaaradaha iyo dekadda, dowladduna ay maamulkaasi ka caawiso arrimo badan.

Haddaba waxaa muuqda in labada dhinac uu soo kala dhex galay xoogaa mad-madow ah.

Wasiirka warfaafinta maamulka KMG ah ee Jubba, Ibraahim Xasan Cabdi (Ibraahim Baajuun) ayaa BBC-da u sheegay in aaney wareejin doonaan garoonka iyo dekadda sidda uu yiri.

“Heshiiska aan la galnay dowladda waxaa ka mid ahaa in ciidamada halkan jooga la siiyo mushaar iyo dares, balse dowladda waxaa ka muuqda in ay ka cagajiideyso, hal taa kuleyn ah ama hal shillin kama helin see marka u wareejinaa garoonka iyo dekedda, teeda kale Puntland, Somaliland iyo Galmudug garoomadooda cid ku maamusho ma jirro, maxaa keenay in la dhaho maamulka Jubba soo wareeji” ayuu yiri

Wuxuu sheegay in heshiis kasta aanu ahayn “Ayaad qur’aan ah oo aan la badelli karin, marka iyaga ayaa ka soo bixi waayay heshiiska waana u fashilmay heshiiskaas” ayuu yiri markale Ibraahim Baajuun.

Dowladda Soomaaliya ayaa ilaa hadda kama hadlin sababta uu hirgali la’yahay heshiiska ay la gashay maamulka KMG ah oo hadda ka muuqda in uu fashil ku yimid.
Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Ciidamada Amisom ee Somalia oo laga aamin baxay kadib markii la ogaaday…

Nairobi (Caasimada Online) Warar ay heshay Caasimada Online, ayaa muujinaya in ciidada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya laga aamin baxay kaddib markii dhawaan uu weerar ka dhacay xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

Afhayeenka ciidanka AMISOM, Korneel Aadan Xaamuud, ayaa arrintaas ku tilmaamay mid aad looga xumaado, isagoona sheegay in aaney wadashaqeyn doonin ciidamada cusub ee loo soo wado Soomaaliya.

Ciidamadan oo ka socda Uganda ayaa lagu sheegay tiradooda 410, waxaana la sheegay in ay ku shaqeyn doonaan magaca United Nations Guard, waxaana ay hoos-tagi doonaan QM sidda ay shaaciyeen jaraa’idka ka soo baxa dalka Uganda.

Waxa ay ciidamadan ilaalin doonan xafiisyada Qaramada Midoobay ay ku lee dahay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Afhayeenka AMISOM ayaa arrintaas ku tilmaamay mid nasiib daro ah in maanta laga aamin baxo ciidanka AMISOM gaar ahaan in lakala faquuqo sidda uu yiri.

Korneel Xaamuud ayaa intaas ku daray in arrintan ay ka dhexeyso dowladda Uganda iyo Qaramada Midoobay.

“Soomaaliya waxa aan u nimad in aan caawino Soomaaliya, waana ay naga go’an tahay arrintaas,” ayuu yiri afhayeenka ciidanka AMISOM.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Sirta dowladda & suuqyada Muqdisho

Nin aan Saaxiibo nahay ayaa maalin maalmaha ka mid ah oo aan sidaa u fogayn iga Hor yimid, kaas oo ay muddo isugu kaaya dambeysey wuxuuna hadal iiga bilaabey “Saaxiibow Dowladaan Sirteeda Suuqayada Magaalada ayey iska yaalaan” markaas baan iri”oo Maxaa dhacay “markaasuu yiri” Doorashadii Xasan Shiikh markii ay Laba Bilood ka soo wareegtety ayaa waxaa la ii sheegey in Xasan Maxamed Xuseen (Muun Gaab ) laga dhigayo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho marka waa yaabee Dowladu Sir u qarsoon ma leh miyaa?” markaas baan ku iri “ Sida aad u maqashey baan aniguna u maqley mar hore “ waa uu sii hadlay wuuuna yiri “ inta aan la magacaabin Muun-Gaab ayaa Amiin caamir Boggiisa Amin Arts waxaa uu ku soo badhigey Kartoon uu ku muujinayo in Muun-Gaab laga dhigayo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho” markaasuu I yiri” Saaxiibow Runta ii sheegey ma Amiin Caamir baas oo bandhigey “ markaas baa ku iri “ Haa “ inta uu Madaxa qabsadey ayuu yiri “ Aleylehe hadda ayaa Ceeb Dhacdey” waxaan ku iri “Muun-Gaab baad Sheegeysaa ee dhacdooyin badan oo Sirta Dowlada ayaa laga maqley Suuqayada Magaalada Muqdisho “ markuusuu yiri” oo maxaa ka mid ah” hadaan kuu sheego waad yaabeysaa “

16_FEB_2014Aan dib u qooraansano Dhacdooyinka kale ee Sirta Dowladda ee laga heley Suuqayada Magaalada Muqdisho markii loo ololeynayey Magacaabista Ra’iisul Wasaarahii Koowaad ee Dowladda Federaalka ee uu Hogaamiyo Xasan Shiikh Max’uud waxay dadka isla dhexmarayeen in Ra’iisul Wasaare laga dhigayo Cabdi Faarax Shidoon Saacid, waxaa ka sii yaab badnaa in Suuqayada Muqdisho laga maqley in Xukuumada laga dhigayo Toban Wasiir taasina aysan cidna ka qarsooneyn, waa tii Xukuumadii laga dhigey Toban Wasiir , sirta kale ee laga heley Suuqayada Magaalada Muqdisho, waxaa ka mid ahaa markiii la maqley in Khilaaf uu u dhaxeeyo Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ra’iisul Wasaare Saacid, waxaa ka sii darnaa in Suuqayada laga maqlay in Mooshin laga keenayo Ra’iisul Wasaarihii hore Saacid oo Aakhirkii uu Codka Kalsoonida Barlamaanku u qaadey saasna uu ku dhacay.

Dhacdooyinka kale ee la soo Calaamadeeyey ee ku saabsan Sirta Dowlada ee laga heley Suuqayada Magaaladda Muqdisho markii Xasan Shiikh uu soo Xulayey Ra’iisul Wasaaraha Xilka haatan haya ee Cabdiweli Shiiikh waxaa uu ka mid ahaa Ragii loo saadaalaiyey in uu noqonayo Ra’iisul Wsaaraha Soomaaliya, waxaa ka sii darnaa oo sirta la heley ka mid ahaa in Dowladda laga Dhigayo 25 Wasiir, waxaa hadana la heley in labadii Heween ee ee ka midka ahaa Dowladdii Saacid meesha laga saaray, sidoo kale waxaa iyana la heley Magacyada inta badan Golaha Wasiirada oo ay ku jraan Cabdi kariim Xuseen Guuleed iyo Faarax Cabduqaadir oo aad ugu dhow Madaxwaynaha , Dhacdooyinka kale ee ku saabsan Sirta Dowlada ee laga heley Suuqada Magaalada waxaa ka mid ah, waxaa soo yeerey in Taliyaha Nabasugida laga dhigayo Jen Bashiir Maxamed jaamac (Bashiir Goobo) Sirtaas sida ay tahay ayaa loo heley.

Wareegtooyinka uu Madaxweynuhu soo saaro waxaa Xaqiiqo ah oo ka horeysa Wareegtada Bulshada ay soo saaraan ee ay ku soo Bandhigaan Suuqyada Magaalada Muqdisho ka hor intaan la shaacin, waxaana ka mid ah Dhacdooyinka ku saabsan Sirta Dowlada ee laga heley Suuqyada, Heshiiskii Dowlada Federaalka ay la gashey Axmed Madoobe inta uusan dhicin Heshiiskaas ayaa waxaa la heley in Dowladda Itoobiya ay Dhex dhexaadineyso Axmed Madoobe uuna Heshiiskaas uu Garwadeen u yahay Dowlada Faarax CabduLqaadir, waxaa ka sii yaab badan waxaa la soo geliyey Suuqa in Afhayeenka Xukuumada loo Magacaabayo Ridwaan Xaaji Cabdiweli waxaan ka mid ahaa dadkii aan rumeysan Warkaas hase yeeshee waxaa Wiish igu yeerey markii aan maqley in Ridwaan uu yahay Afhayeenka Xukuumada, kaba sii daran waxaa la isla dhex marey in meesha laga saaraayo Taliyayaasha Ciidamada oo dhan iyo Abaanduulaha Ciidamada Milatariga, dhacdadaan lagu bedelayey Taliyayashaa Ciidamada waxay ku Xoogeysatey Suuqyada, waxaana Afka Gacanta la saarey markii uu Madaxweyne Xasan Shiikh ku dhawaaqey in la badeley Dhammaan Taliyaashii Ciidamada waqtiyo iska daba dhow.

Waxaaa Suuqa la soo geliyey in Gudoomiyaha Bangiga Dhexe loo Magacaabayo Haweeney, waxaana durba soo ifbaxday in loo magacaabay Haweeney lagu Magacaabo Yusur Abraar, Aniga waxaan ka mid ahaa Dadkii arrintaas Baciidsadey waxaana dadka ku oran jirey “ Warkaas war la huba ma ahan “ balse arrinkaas ay Dhab noqdey markii uu Madaxweynuhu soo saarey wareegto uu ku magacaabayo Haweeneydaas, waxaa maalmo ka dib Suuqa soo galey in Yusur Abraar ay is casileyso oo shaqada ka tageyso, waxaan ka mid ahaa dadkii rumeysan waayey Warkaas oo aan ku iri Saaxiibadeey” hada ayaa la Magacaabey maalmo ka dibna waa is casileysaa waa wax aan la qaadan arin “ Waa tii la ogaa halkii ay ku dambeysey Dhacdadaas.”

Sirta Dowladda ee laga heley Suuqayada halkaan laguma soo Koobi karo Nin Saaxiiblkey ah ayaa yiri” Saaxiib weligaa ha beensan war Suuqa soo galey waayo ma jiraan wax u Qarsoon Dowladaan oo Sir ah, Maalmahaan waxaan maqaleyney in Dowladda Madaxdeeda ay ku dhawaaqeen in la qaadayo Dagaal, marka Dowlad sidaa u sheegeysa Sirteetda maxaa diidaya in Sirteeda ay Suuqa Taal” waxaa intaas uu ku darey “Dowladaha Aduunka marka ay ay Sirtooda banaanka Timaado oo Saxaafadda ay hesho markiiba waxay ku qasban yihiin in Barnaamjka ay wax ka badelaan taasoo ay ula jeedaan in aan Sirtooda laga helin Suuqayada,marka waxaan aad ula fajacaa mararka qaar Shirar qarsoodi ah oo ay yeeshaan Xukuumada iyo Baaramaanka in Sirtooda Markiiba la helo, waxaan weydiiyey Saaxiibkay sida loo Xafidi karo Sirta Dowladda waxaa uu ku Jawaabey.

‘Marka ugu horeysa in sirta Dowladda Suuqa taal waxaa Masuuliyaddeeda iska leh Dadka u shaqeeya kuwaas oo aad Moodid in aan wax Masuuliyad ah iska saarin, gaar ahaan marka ay timaado Qarinta Sirta Dowlada waxaa la yaab leh in Shaqsi ka shaqeya Xafiisyada Dowlada uu Saaxiibkii ama Ehelkiisa ku yiraahdo “War Ninyahow Beri Safar baan nahay waxaan u soconaa meel Heblaayo….. marka isagu Sir uma arko Safarka uu ku wehliyo Madaxda Dowlada ee waxay ka tahay in uu Saaxiibkiis ugu faano in uu safar yahay, sidoo kale Caqabadaha kale ee haysta Dowladda waxa ka mid ah iyadoo dadka oo dhan ay yihin dad inta badan ka hadla Siyaasadda hadii aad tagtid Baararka iyo Hotelada wax kale lagama hadlayo oo aan ka ahayn falaqeynta Siyaasadda Dowlada ,” Hebal baa la bedalayaa iyo Hebel ayaa Xilkaas loo magacaabayaa, 1994-tii ayaa sarkaal sare oo ka tirsanaa Dowladii Jaale Max’ed Siyaad oo Adeerkay ahaa waxa uu iga soo wacay Magaalada Adis Ababa waxa uuna igu yiri “ Maalinta Talaadada Diyaarada UN-ka ee imanaysa Garoonka Muqdisho waxaa ii saaran Dukuminti Qaali ah oo Sir ah, Maandheyskow ii doon oo meel fiican ii dhig” markay oo dhowaatay Saacaddii ay Diyaaraddu soo degaysay ayaa waxaan u qalab qaatay inaan aado Garoonka Diyaaradaha si aan Adeerkay Alaabta muhiimka ah ugu soo qaado…laakiin maxaa xigey… Diyaaraddii aan ka sugayey Dukumintiga waxaa ka soo degey Adeerkay laftigiisa… Sirtu waa taas.

W/D Amiin Yuusuf khasaaro
E-Mail [email protected]
E-Mail [email protected]

Dhageyso: Mungaab: Muqdisho Bur & Biyo ayaa loo kala bixi doonaa eebow”

Muqdisho(Caasimada Online) Guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Gen Xasan Maxamuud Xuseen (Mun-Gaab) ayaa sheegay in uu dhawaan deggi doono goobaha ugu ammaanka daran magaalada Muqdisho.

Hadalkan ayuu Gen Mungaab ka sheegay kulan maanta ka dhacay Hotel City Palaza oo lagu soo dhaweenayay xilka loo magacaabay

“Anniga maha aan daganahay waa la yaqaanaa waa Sanca, haddana maha waa kaga guuraa oo waxaan dagayaa meelaha bahalagaleynka ah, Waraabe Godkiisa ayaa la dagaa, siddaas darteed Wasiir ii jiifanaya Hotel Plaza ma jirro ha ogaadaan gaar ahaan kuwa sheegta in ay ka soo jeedaan gobalkan Banaadir” ayuu yiri Mungaab.

Gen Mungaab ayaa sheegay in maamulkiisa in uu dhageysan doono shacabka iyo madaxda dowladda sidda uu yiri.

“Maamulkeyga haddii aad ka dhabeesaan taageerada aad sii seen, waxaan idiin ballan qaadayaa in gobalka loo kala bixi doono Bur iyo Biyo” ayuu yiri.

Waxaa kulanka sidoo kale kale wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda kuwaasoo sheegay in Gen Mungaab uu yahay qofka ku haboonaa in loo magacaabo gobalka Banaadir.

Waxaa kaloo goobta ka hadlay ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, kaasoo sheegay in guddoomiyaha cusub looga fadhiyo siddii uu wax u qaban lahaa ammaan darida ka jirta magaalada.

Si kastaba, Gen Xasan Maxamed Xuseen (Mun-gaab) ayaa xilkan loo magacaabay 25-kii bishii horre ee Febraayo waxaana lagu badalay Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo xilkaas hayay tan iyo bishii July ee sannadkii horre.

Waxaa hor yaalla guddoomiyaha cusub arrimo badan oo ay ka mid tahay in uu wax ka qabto ammaanka sii xumaanaya caasimada.

Halkan ka dhageyso Muungaab

120227_003

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Warbixin: Dadka Muqdisho oo saaka ku soo waaberiistay howgallo culus

Muqdisho (Caasimada Online) Wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho, ayaa soo sheegaya in magaalada saakay ay ka socdaan howgallo dad badan lagu qabqabtay.

Howgallada ayaa ka socda degmooyinka Wada-jir, Dharkeenley iyo Hodan, waxaana halkaas lagu arkayaa ciidamo fara badan oo gurri gurri u galaya.

Sidoo kale waxa ay wararka sheegayaan in dadka laga qabqabanaayo waddooyinka iyo xittaa gaadidka dadweynaha ee adeegsada degmooyinkaas.

Ilaa hadda ma cadda howgallada saakay ka socday qaar ka mid ah magaalada Muqdisho, balse waxaa la sheegayaa in ay daba socdaan howgallo maalmahan ay ciidamada ammaanka ka sameenayeen magaalada Muqdisho, kuwaasoo looga gun lee yahay in lagu xaqiijiyo ammaanka caasimad a oo hadda u muuqda mid faraha ka baxay.

Howgallada Muqdisho ka socda ayaa lagu soo warramayaa in ay saameyn ku yeesheen isku socodka dadka iyo gaadidka, waxaa xiran goobaha ganacsiga iyo goobaha waxbarashadda.

Warar dheeraad ah kala soco Caasimada Online in shaa Allah

CIIDAMO hoos-taggaya QM oo ku soo wajahan MAGAALADA MUQDISHO

Kampala (Caasimada Online) Sidda ay qoreen  Jaraa’idka ka soo baxa dalka Uganda, waxaa lagu wadaa in 410 oo askari kana socda dalka Uganda oo ku hawlgali doona Ilaalada QM in loo wado Soomaaliya gaar ahaan Caasimada oo maalimihii dambe ammaaanka uu faraha ka baxay.

Afhayeen u hadlay ciidamada Uganda Col. Paddy Ankunda, ayaa maanta sheegay in Ciidamadaan ay noqonayaan noocoodii ugu horeeyay, oo loo daabulo Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in ciidamadan aaney ku biiri doonin howgalka Midowga Afrika ee AMISOM, laakiin ay hoostaggi doonaan Taliska AMISOM ee Xalane.

Mar uu ka hadlaayay wax yaabaha sababay in ciidamadan loo daad gureeyo Soomaaliya, ayaa wuxuu ku sheegay dalab kaga yimaaday dhinaca dowladda Soomaaliya.

Sarkaalkaan, ayaa xusay in dalabkaan uu ka dambeeyay markii weerar ismiidaamin ah uu Khamiistii ka dhacay maqaaxi ku taala wadada Fiat, oo ku dhow hey’adda sirdoonka Soomaaliya.

Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamada ugu badan ee ka qayb qaadanaya howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kampala

[email protected]

Sawirro: Gaas oo ku laabtay Garoowe iyo waddooyinka oo muddo loo xiray

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe waxaa maanta dib ugu soo laabtay wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaah maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), oo muddo toddobaad ku maqlaan dalka Ethiopia.

Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka ku soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Puntland , afhayeenka baarlamaanka, labada golle ee maamulka Puntland iyo dadweyne fara badan.

Mudane Gaas oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in madaxda dowladda Ethiopia uu kala soo hadlay xoojinta xiriir ka dhexeya labada dhinac iyo in ay iska kaashadahaan dagaalka lagu jirro argagixisada.

Wuxuu sheegay oo kale, in uu booqday xarunta dowlad deeganka Soomaalida ee Ethiopia halkaasoo uu kula kula yeeshay madaxda dowlad deeganka iyo dhammaan dadweynaha magaalada iyo siddoo kale arday ka socota Puntland oo halkaas wax ku barta.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa xusay intii uu joogay Addis Ababa in uu kulamo gaargaar ah la qaatay diplomaasiyiin ka socda caalamka.

201433635294270904858692IMG_0666

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa si weyn loo adkeeyay saakay, waxaana meel kasta lagu arkayay ciidamo fara badan.

Waxaa sheegis mudan in madaxweynaha Puntland intii uu ka soo dagayay garoonka la xiray waddooyinka magaalada isla markaana la joojiyo isku socodadka iyo gaadidka sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Garoowe.

1

3

4

201433635294271823135746IMG_0684

201433635294270904858692IMG_0666

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Video: Nolosha magaalada MUQDISHO

Magaalada Muqdisho waxaa ka jirta Nolol cajiib ah oo aad moodo mid ka duwan sidii ay ahaan jirtay sanadihii ugu dambeeyay taas oo wax weyn iska badaleyn tan iyo 2-dii sano ee ugu dambeysay.

Muqdisho waxaa ka jirta Nolol maraxalado kala duwan leh oo raaxo & rafaadba leh taas oo aan ula jeedo in Muqdisho dhinac amaan uu ka jiro dhinacna uu ay ka jirto amaan daro ee nala daawo muuqaalkani cajiibka ah.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Labo musharrax oo isugu soo haray doorashada maamulka 6-da gobal

Baydhabo (Caasimada Online) Waxaa goordhow soo dhammaatay doorashada wareegii labaad ee maamulka loo dhisaayo lix gobal oo ku yaalla Koonfur Galbed ee dalka.

Wareega labaad waxaa isugu soo haray Madoobe Nuunow Maxamed iyo Siyaasiga Maxamed Aadan Fargeeto.

Wariyaha Caasimada Online ee Baydhabo ayaa soo sheegay in wareega labaad uu tanaasul muujiyay guddoomiyihii horre ee gobalka Baay Geeseey.

Waxaa goordhow la billaabi doonaan wareega seddaxaad ee doorashada maamulka ka kooban lix gobal,

Faah-Faahin dheeraad ah kala soco Caasimada Online oo wariye uu u jooxo xarunta ay doorashada ka socoto ee ADC-da oo ahayd xaruntii baarlamaankii dowladdii KMG ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa AUN Cabdulaahi Yuusuf Axmed Baydhabo.

 

Xog: Gudoomiye Mungaab oo ceyriyay askar waardiyeeneysa in muddo ah

Muqdisho (Caasimada Online) Warar lagu kal soon yahay oo ay heshay Caasimada Online, ayaa muujinaya in guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Gen Xasan Maxamed Xuseen (Mun-gaab) uu shaqada ka cayriiyay askar ilaalo u ahayd tan iyo markii uu ahaa guddoomiyihii maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Ciidamadan in la ceyriyo ayaa sabab u ah markii la ogaaday in ay khaarijin rabaan Gen Mun-Gaab sidda ay lee yihiin ilaha aan ka soo xignay warkan.

Ilaa hadda kama hadlin Gen Mungaab ciidamadan uu shaqada ka ruseeyay kuwaasoo la shaqeenaayay tan iyo markii uu ahaa guddoomiyaha maxkamadda ciidamada sanandkii 2010-ka.

Mugaab oo ka hadlaayay maanta kulan lagu taageerayay xilka loo magacaabay ayaa sheegay in uu amniga magaalada Muqdisho uu ku qaban doono gacan bir ah, isla markaana maalamaha soo socda loo kala bixi doono Bur iyo Biyo sidda uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Wafdi DF ay u dirtay Baydhabo oo fara marnaan ku soo laabtay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa dib ugu soo laabtay galabta galinkii dambe wafdi wasiirro ah oo dowladda ay u dirtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, halkaasoo uu ka socdo labo shir oo iska soo horjeedo.

Wasiirka xannaanada xoolaha, Dr. Saalim Caliyow Ibrow oo hoggaaminayay wafdiga gaaray Baydhabo, ayaa BBC u sheegay in ay la kulmeen ergooyinka ku howlan dhismaha dhismaha labada maamul ee la doonayo in loo dhiso gobalada Koonfur Galbeed.

Wuxuu sheegay in u jeedka ay u tageen Baydhabo aaney ahayn in ay joojiyaan shirarka ka socda Baydhabo balse ay doonayeen in ay dhageestaan  ergooyinka ku howlan dhismaha maamulkaas.

Wuxuu rajo xumo ka muujiyay shirarkaas ka socda Baydhabo isagoona intaas ku daray in labada dhinac ay ka go’an tahay siddii ay u hirgali lahaayeen labada maamul.

Labada shir ee ka socda Baydhabo mid ka mid ah waxaa lagu dhisayaa maamul lix gobol ka kooban halka mid kale la rabo in maamul loogu dhiso saddex gobol.

Ilo xog ogaal ayaa u sheegay Caasimada Online in wafdiga dowladda ay u dirtay Baydhabo ay tageen magaalada iyadoo ay hadleen musharrixiinta u taagan maamulka ka kooban lixda gobal.

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa horrey walaac uga muujisay shirarka iska soo horjeedoa ee ka socda Baydhabo.

Maalinta berri sidda qorshaha uu yahay waxaa la dooran doonaa madaxweynaha cusub ee maamulka ka kooban lixda gobal ee kala ah, Baay, Baydhabo, Shabeellaha Hoose, Jubbooyinka iyo Gedo.

Caaasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Wafdi ka socda DF Somalia oo dhowr cisho ku xayiran garoonka Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaha magaalada in ay ku xayiran yihiin saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Korneel Maxamed Cabdulaahi Buule oo hor kacaya saraakiisha ciidamada ee ku xayiran garoonka diyaaradah Kismaayo ayaa sheegay in halkaas ay ugu xayiran yihiin ciidamada Kenya oo gacanta ku heysa Kismaayo.

Mar la weydiiyay waxyaabaha ay u socdaan oo u tagayaan Kismaayo, wuxuu sheegay in ay ka mid ahaayeen ciidamo fara badan oo laga daad gureeyay Kismaayo dhowr bilood ka hor oo la geeyay bannaanka Magaalada, balse markii ay ogaadeen in xaalada deeganka la geeyay tahay mid aan la isku haleen karin in ay go’aansadeen in ay ku soo laabtaan magaalada Kismaayo.

“Annaga waxaa muddo dhowr cisho u xayiranahay ciidamada Kenya ee ku sugan Garoonka Kismaayo, oo na leh magaalada ma gali kartaan, mana aqaano wax yaabaha arrintan keentay” ayuu yiri Korneel Maxamed Cabdulaahi Buule.

Wuxuu kaloo Korneelka uu dhaliiyay dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in ay dayacday ciidamada dowladda ee ku sugan Jubbooyinka sidda uu hadalka u dhigay.

“Dowladdii aan ka tirsaneen waataas uu taliyihii ciidamada Gen Indho Qarshe uu ceyriyay askartii wax gunno ah nama siinayaan siddaas oo ay tahay” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay wax ka qabato tacadiyada loo geesanaayo ciidamada uu hoggaamiyo Korneelka haddii dalka ay dowlad ka dhisan tahay.

Dhinaca kale,qabanqaabada wejiga labaad ee shirka dib-u heshiisiinta beelaha Jubbooyinka ayaa ka socota magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Abaabulka madax-dhaqameedyada iyo ergooyinka ka qeyb-galaya shirka ayaa ka socda xarunta madaxtooyada ee magaalada Kismaayo, sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Golaha wasiirada DF SOMALIA oo isku-shaandheyn lagu sameynayo dhowaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Bilihii dhowaa, dowladda Somalia, waxa ay u ahaayen kuwo adag, ayada oo dhacdaba dhacdada ka darran ay usii dhiibeysay, oo ay ugu xumeyd weerarkii lagu qaaday Villa Somalia, xilli amniga Muqdisho uu farah ka baxo.

Waxaa hadda soo baxaya warar sheegaya in dowladda Somalia ay damacsan tahay is-beddelo xooggan oo ay ku jiraan kuwo lagu sameynayo golaha wasiirada wasiirada qaarkood.

Illo lagu kalsoonyahay, ayaa sheegay in isbadal lagu samayn doono laamaha amniga gaar ahaan Hay’adda Nabad Sugida, Ayada oo sidoo kalena isku shaandheyn lagu sameynayo golaha wasiirada qaarkood.

Waxaa is-beddelkan uu saameyn doonaan Wasiirka amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, oo warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan inuu waayi doono xilkiisa isla markaana la siin doono Wasaaradaha kale ee Xukuumadda ka mid ah.

Guuleed oo saaxiib dhow la ah madaxweynaha, ayaa Xasan Sheekh uu muddo ku adkeysanayey inuusan xilka ka qaadi doonin, hase yeeshee madaxweynaha ayaa la sheegay in markan uu garwaaqsaday in intan ka badan uusan iska indho tiri Karin qeylo-dhaanta shacabka Muqdisho.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, ayaa ka hadlay isku-shaandheyntan la qorsheeyey iyo sababta ku qasbeysa dowladda Somalia.

Halkan ka dhageyso

buubaa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Arag Sawirrada: Xildhibaanno Uganda ka socda oo la kulmay Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Axad ah la kulmay wafdi Xildhibaanno ah oo ka socda guddiga difaaca iyo arrimaha gudaha baarlamaanka Uganda kuwaasoo maanta soo gaaray dalka.

Kulanka oo ka dhacay aqalka madaxtooyada Villa Somalia ayaa looga hadlay arrimi dhowr ah.

Markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay afhayeenka madaxweynaha Injineer Cabdiraxmaan Yarriisow.

Wuxuu sheegay xildhibannada ka socda Uganda ee soo gaaray Muqdisho in ay madaxweynaha ku amaaneen isbadalka xagga horrumarka ee ka socda Muqdisho, iyagoona sheegay in dhawaan baarlamaanka Uganda la hor geyn doonto wax yaabaha ay qabteen ciidamada Uganda oo qayb ka ah kuwa AMISOM.

1

1

Madaxweynaha ayaa yiri: i “Uganda waa waddan aan aaminsanahay inay yihiin wallaalo dhiigooda noo huray, mana ilaaweyno. Waa waddankii ugu horreeyey ee Soomaaliya u soo gurmada, tasoo muujineysa wallaaltinimada dhabta ah. Madaxweyne Museveni waa hoggaamiye Afrikaan ah oo muujiyey hoggaamin dhab ah, islamarkaana ka dhabeeyey in wallaalaha Afrikaanka ay xalin karaan mushaakilaadka Afrika.”

Dabadeed waxa ay ku wareejiyeen madaxweynaha Soomaaliya warqad ay ka wadeen madaxweynaha Uganda iyo baarlamaanka dalkaas ayuu yiri afhayeenka.

Madaxweynaha ayaa intaas kaddib ku amaanay dowladda Uganda doorka ay kaga jirto nabadeenta Soomaaliya iyo ciidankooda in ay noqdeen kuwii ugu horreeyay ee yimaada Soomaaliya sannadkiii 2007-da.

Wafdiga xildhibaannada ayaa la sheegay in dhowr cisho ay sii joogi doonaan magaalada Muqdisho.

Waa wafdigii labaad ee xildhibaanno ah oo ka socda waddamada ciidamada ku deeqay howgalka AMISOM ee soo gaara Muqdisho toddobaadkan, waxaa horrey u joogay xildhibaanno ka socda dalka Kenya.

102

2

3

6

7

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo: Muuqalka Muqdishada Cusub

Muuqaalka Muqdishada cusub ee maanta oo aan hubo in aad ka heli doontaan marka aa daawataan Muuqaalkani oo wax badan oo is badalay aad ku arki doontaan.

Muqdisho shalay iyo maanta si weyn ayeey isku badashay hadii aad shalay ku ogeyd burbur & dagaal maanta waxaa ka jiro jawi taa ka duwan oo ah mid Horumarka & Bilic qurux badan oo magaaladu ay ku talaabtay ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Muqdisho iyo qaraxyo cusub maanta

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in qarrax lala eeg tahay kolanyo ay la socdeen ciidamo AMISOM ah kuwaasoo marayay waddada Carafaat ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkeen meydadka ciidamo AMISOM balse waxa ay ka gaabsadeen inta ay la egyihiin tiradooda.

Sidoo kale qarraxa kaddib ciidamada AMISOM waxa ay rasaas ku fureen dad goobta ka agdhawaa.

Goobta qarraxa uu ka dhacay ayaa la sheegay in ciidamada AMISOM ay xireen waxaana adag in warar  dheeraad ah laga helo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo kolanyo ay la socdeen ciidamada AMISOM lagu qarxiyo magaalada Muqdisho.

Faah-Faahin wararkeena dambe kala soco In shaa allah.

XOG: Maamulka dhaqaalaha DF oo loo dhiibay guddi ajnabi ah kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddi isku dhaf ah ayaa la xaqiijiyey in loo igmaday maamulka iyo ka warheynta dhaqaalaha deeqda ah ee la siiyo dawladda Soomaaliya kadib markii eedeymo loo jeediyay dawladda madaxweyne Xasan Sheekh.

Xukuumadda Soomaaliya oo hore loogu eedeeyay musuq maasuq iyo wax isdaba-marin ayaa waxay dedaal dheer u gashay sidii ay u sameyn laheyd Guddi isku dhaf ah oo maamula maaliyadda Soomaaliya, isla markaasna si joogto ah ula socda dhaqaalaha Soomaaliya soo gala iyo halka uu maro iyo waxa ka jira eedaymaha dowladdu loo jeedinayey muddooyinkii dambe.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane, ayaa magacaabay Guddi isku dhaf oo ka kooban Soomaali iyo ajaaniib, kuwaas oo maamulaya maaliyadda Soomaaliya, kadib eedaymo musuq maasuq ah oo loo jeediyay dowladda, xilli ay beesha muujineyso inay ka aaminbaxday dowladda Soomaaliya, si taasi meesha looga saarana waxa uu wasiirku magacaabay Guddi Soomaali iyo ajnabi isugu jira oo maamula dhaqaalaha dalka soo gala.

Guddigan oo uu horey u diiday Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, ayaa hadda qasab looga dhigay kadib markii laga goostay deeqdii tooska aheyd ee ay caalamku ka heli jirtay dowladda Soomaaliya, waxaana kulan axadii todobaadkii hore xarunta Xalane ka dhacay lagu go’aamiyey dhismaha Guddigan si caalamku kalsooni u gasho.

Guddigan ayaa waxaa qeyb ka ah saraakiil ka tirsan Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Wasaaradda Maaliyada, Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF iyo waliba kuwa ka socda wadamada deeqda bixiya.

Dowladaha Turkiga iyo Norway oo keliya ayaa deeq toos ah siiya dowladda Soomaaliya taas oo lagu kabo miisaaniyadda dowladda.

Isha: SomaliUpdate

Dhageyso: Xaaladda Sh XASAN DAAHIR Aweys oo warbixin cusub laga bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib Markii shalay uu Maxamed Macalin oo ku hadlayay Afka Ururkii Xisbul Islaam uu ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaalada Sh Xasan Daahir Aweys ayaa arintaas waxaa ka soo horjeestay ,asuliyiin ka tirsan ururkaasi.

Maxamed Cismaan Caruus oo ka mid ah raga ku dhaw dhaw Sh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in Maxamed Macalin uusan ka tirsaneyn Ururkaas, Islamarkaana kal hore ay xil ka qaadis ku sameyeen.

Caruus waxa uu sidoo kale ka hadlay Xaalada ShXasan Daahir Aweys oo ay dowladda Somalia kal hore Xasan Daahir kasoo saartay xabsigii una wareejisay xabsi guri.

Halkan ka dhageyso wareysiga

caruus

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

AXMED Diiriye oo xil kale laga qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal, Waxgarad iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Beesha Reer Xaaji Saleemaan oo kulan ku yeesha Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la xaliyay khilaaf ka dhex jiray mudooyinkii u dambeeyay Beesha kadib xil ka qaadis lagu sameeyay Nabadoon Axmed Diiriye Cali, waxaa sidaas werisay idaacadda Shabelle ee Muqdisho.

Kulankan ay Muqdisho ku yeesheen Waxgaradka Beesha Reer Xaaji Saleemaan ayaa ku dhawaqay Xil ka qaadista Nabadoon Axmed Diiriye Cali iyadoona xilkaasi loo magacaabay Salaad Maxamed Liibaan.

“Falanqeyn iyo Shirar badan kadib waxaan si diiran u soo dhaweneynaa Nabadoonka guud ee aanu dooranay oo loo magacabaay Xilkii laga qaaday Nabadoon Axmed Diiriye Cali” sidaasi waxaa kulanka ka yiri Malaaq Jaamac Macali Cabdi oo ka mid ah Waxgaradka ka qeyb galay kulanka.

Ugu dambeyn, Odayaasha iyo Waxgaradka ka soo jeeda Reer Xaaji Saleemaan ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay Salaad Maxamed Liibaan oo ah Nabadoonka Cusub ee lagu badalay Nabadoon Axmed Diiriye Cali.

Axmed Diiriye, ayaa goor sii horeysay waxaa laga qaaday xilkii uu ka hayey odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, waana xil qaadistii labaad ee lagu sameeyo Diiriye, oo kusoo caan baxay dagaalkii reer Muqdisho ay la galeen ciidamada Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxay ka hadleen Xasan Sh iyo wafdi ka socda Kenya oo Muqdisho jooga

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynahaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaley magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wafdi xildhibaanno ah oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay aqanka madaxtooyada Soomaaliya, ayaa waxaa looga hadlay xiriirka labada waddan iyo siddii loo xoojin lahaa.

Madaxweynaha iyo wafdiga Kenya ayaa ka hadlay howgallada ciidamada Kenya oo qayb ka ah kuwa AMISOM ay ka wadaan Jubbooyinka.

Bilow Keerow oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Kenya kana mid ah wafdiga la kulmay madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Kenya ay dooneyso siddii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeya labada dal maadama ay lee yihiin dano isku mid ah.

Wuxuu sheegay oo kale in ka hor madaxweynaha inta aaney la kulmin ay kulan la qaateen baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo sannadkan ku howlan in dhammeestiran dastuurka qabyada ah ayuu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]