Golaha wasiirada DF SOMALIA oo isku-shaandheyn lagu sameynayo dhowaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Bilihii dhowaa, dowladda Somalia, waxa ay u ahaayen kuwo adag, ayada oo dhacdaba dhacdada ka darran ay usii dhiibeysay, oo ay ugu xumeyd weerarkii lagu qaaday Villa Somalia, xilli amniga Muqdisho uu farah ka baxo.

Waxaa hadda soo baxaya warar sheegaya in dowladda Somalia ay damacsan tahay is-beddelo xooggan oo ay ku jiraan kuwo lagu sameynayo golaha wasiirada wasiirada qaarkood.

Illo lagu kalsoonyahay, ayaa sheegay in isbadal lagu samayn doono laamaha amniga gaar ahaan Hay’adda Nabad Sugida, Ayada oo sidoo kalena isku shaandheyn lagu sameynayo golaha wasiirada qaarkood.

Waxaa is-beddelkan uu saameyn doonaan Wasiirka amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, oo warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan inuu waayi doono xilkiisa isla markaana la siin doono Wasaaradaha kale ee Xukuumadda ka mid ah.

Guuleed oo saaxiib dhow la ah madaxweynaha, ayaa Xasan Sheekh uu muddo ku adkeysanayey inuusan xilka ka qaadi doonin, hase yeeshee madaxweynaha ayaa la sheegay in markan uu garwaaqsaday in intan ka badan uusan iska indho tiri Karin qeylo-dhaanta shacabka Muqdisho.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, ayaa ka hadlay isku-shaandheyntan la qorsheeyey iyo sababta ku qasbeysa dowladda Somalia.

Halkan ka dhageyso

buubaa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com