Arag Sawirrada: Xildhibaanno Uganda ka socda oo la kulmay Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Axad ah la kulmay wafdi Xildhibaanno ah oo ka socda guddiga difaaca iyo arrimaha gudaha baarlamaanka Uganda kuwaasoo maanta soo gaaray dalka.

Kulanka oo ka dhacay aqalka madaxtooyada Villa Somalia ayaa looga hadlay arrimi dhowr ah.

Markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay afhayeenka madaxweynaha Injineer Cabdiraxmaan Yarriisow.

Wuxuu sheegay xildhibannada ka socda Uganda ee soo gaaray Muqdisho in ay madaxweynaha ku amaaneen isbadalka xagga horrumarka ee ka socda Muqdisho, iyagoona sheegay in dhawaan baarlamaanka Uganda la hor geyn doonto wax yaabaha ay qabteen ciidamada Uganda oo qayb ka ah kuwa AMISOM.

1

1

Madaxweynaha ayaa yiri: i “Uganda waa waddan aan aaminsanahay inay yihiin wallaalo dhiigooda noo huray, mana ilaaweyno. Waa waddankii ugu horreeyey ee Soomaaliya u soo gurmada, tasoo muujineysa wallaaltinimada dhabta ah. Madaxweyne Museveni waa hoggaamiye Afrikaan ah oo muujiyey hoggaamin dhab ah, islamarkaana ka dhabeeyey in wallaalaha Afrikaanka ay xalin karaan mushaakilaadka Afrika.”

Dabadeed waxa ay ku wareejiyeen madaxweynaha Soomaaliya warqad ay ka wadeen madaxweynaha Uganda iyo baarlamaanka dalkaas ayuu yiri afhayeenka.

Madaxweynaha ayaa intaas kaddib ku amaanay dowladda Uganda doorka ay kaga jirto nabadeenta Soomaaliya iyo ciidankooda in ay noqdeen kuwii ugu horreeyay ee yimaada Soomaaliya sannadkiii 2007-da.

Wafdiga xildhibaannada ayaa la sheegay in dhowr cisho ay sii joogi doonaan magaalada Muqdisho.

Waa wafdigii labaad ee xildhibaanno ah oo ka socda waddamada ciidamada ku deeqay howgalka AMISOM ee soo gaara Muqdisho toddobaadkan, waxaa horrey u joogay xildhibaanno ka socda dalka Kenya.

102

2

3

6

7

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com