Muqdisho iyo qaraxyo cusub maanta

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in qarrax lala eeg tahay kolanyo ay la socdeen ciidamo AMISOM ah kuwaasoo marayay waddada Carafaat ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkeen meydadka ciidamo AMISOM balse waxa ay ka gaabsadeen inta ay la egyihiin tiradooda.

Sidoo kale qarraxa kaddib ciidamada AMISOM waxa ay rasaas ku fureen dad goobta ka agdhawaa.

Goobta qarraxa uu ka dhacay ayaa la sheegay in ciidamada AMISOM ay xireen waxaana adag in warar  dheeraad ah laga helo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo kolanyo ay la socdeen ciidamada AMISOM lagu qarxiyo magaalada Muqdisho.

Faah-Faahin wararkeena dambe kala soco In shaa allah.