XOG: Maamulka dhaqaalaha DF oo loo dhiibay guddi ajnabi ah kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddi isku dhaf ah ayaa la xaqiijiyey in loo igmaday maamulka iyo ka warheynta dhaqaalaha deeqda ah ee la siiyo dawladda Soomaaliya kadib markii eedeymo loo jeediyay dawladda madaxweyne Xasan Sheekh.

Xukuumadda Soomaaliya oo hore loogu eedeeyay musuq maasuq iyo wax isdaba-marin ayaa waxay dedaal dheer u gashay sidii ay u sameyn laheyd Guddi isku dhaf ah oo maamula maaliyadda Soomaaliya, isla markaasna si joogto ah ula socda dhaqaalaha Soomaaliya soo gala iyo halka uu maro iyo waxa ka jira eedaymaha dowladdu loo jeedinayey muddooyinkii dambe.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane, ayaa magacaabay Guddi isku dhaf oo ka kooban Soomaali iyo ajaaniib, kuwaas oo maamulaya maaliyadda Soomaaliya, kadib eedaymo musuq maasuq ah oo loo jeediyay dowladda, xilli ay beesha muujineyso inay ka aaminbaxday dowladda Soomaaliya, si taasi meesha looga saarana waxa uu wasiirku magacaabay Guddi Soomaali iyo ajnabi isugu jira oo maamula dhaqaalaha dalka soo gala.

Guddigan oo uu horey u diiday Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, ayaa hadda qasab looga dhigay kadib markii laga goostay deeqdii tooska aheyd ee ay caalamku ka heli jirtay dowladda Soomaaliya, waxaana kulan axadii todobaadkii hore xarunta Xalane ka dhacay lagu go’aamiyey dhismaha Guddigan si caalamku kalsooni u gasho.

Guddigan ayaa waxaa qeyb ka ah saraakiil ka tirsan Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Wasaaradda Maaliyada, Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF iyo waliba kuwa ka socda wadamada deeqda bixiya.

Dowladaha Turkiga iyo Norway oo keliya ayaa deeq toos ah siiya dowladda Soomaaliya taas oo lagu kabo miisaaniyadda dowladda.

Isha: SomaliUpdate