Wadahadalka DF iyo S/Land oo sahmin habab cusub oo la isaga kaashan karo

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Mudo laba sano ka badan, ayaa bulshada caalamiga ah ay bilawday dadaalo meelo badan ka socday si la isugu keeno wakiillo ka socda dawlada faderaalka Soomaaliya (FGS) iyo maamul gobaleedka Soomaaliland si ay uga wada hadlaan xidhiidhkooda siyaasadeed ee mustaqbalka iyo habab kale oo ay ku wada shaqeeyn karaan.

Laakiinse labada dhinacba waxay muujiyeen in ay natiijada ka soo baxda wadaxaajoodka ka doonayaan ujeedooyin iska soo horjeeda.

Wakiillada matalaya dhinaca Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadallada u doonayay iyaga oo niyadda ku haya in Soomaaliland dib loola mideeyo waddanak intiisa kale, iyada oo wafdiga uu soo diray Madaxwaynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ay wadahadalka u arkayeen fursad ay ku xaqiijinayaan yoolka maamulkooda oo ah u aqoonsiga wadan madax banaan.

Turkiga — oo kaalin wayn ka qaatay dadaallada horumarinta ah ee Soomaaliya oo dhan — ayaa hadda kaalin hoggaamineed ka qaadanaya dhexdhexaadinta wadahadallada, kadib dadaallo kale oo ay hadda ka hor wadeen Ingiriiska, Midawga Afrika iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

Dhaqan-galinta heshiisyadii ku qornaa war-murtiyeedyadii hore ayaa adkaagay taasoo qayb ahaan sababsatay xidhiidhka lahjadda adag ee ay labada dhinac is dhaafsanayaan, arimaha aadka u qotada dheer ee dhinacyada ammaanka iyo siyaasada ee laga hadlayay, iyo la’aanshaha hab shaqeeyn kara oo iskaashigu uga socon karo gudaha.

Si horay loogu socdo, waxaa aad u adkaanaya fududeeynta shuraako shaqeeyn karto oo lagu maareeyo qaddiyadaha adadag sida maamulka kontoroolka hawada, ammaanka iyo siyaasadda iyada oo aan iskaashi guuleeysta laga gaarin arrimo ka xasaasiyad iyo khilaaf yar.

Intaas markii la fiiriyo, ayaa waxaa qiimayn mudan in dhexdhexaadiyayaasha caalamku ay fiiriyaan fulinta habab kalsooni dhisid ah iyada oo loo marayo habab aan siyaasad ahayn sida fanka iyo ciyaaraha si fursado wax ku ool ah loo siiyo in iskaashigu hirgalo.

Dadaalladaas oo si fiican loo fuliyo ayaa laga yaabaa in ay hagaajiso xidhiidhka labada maamul ka dhaxeeya iyo shacabkaba, iyo sidoo kale in la iska kaashan karo arrimaha adaga ee mustaqablka imaanaya.

Iskaashi dhinaca fanka ah

Iyada oo laga faa’iidaysanyo soo noolaanshaha fanka Soomaaliya, ayaa Turkiya ay kaalmanyn kartaa FGS iyo wafdiga Soomaaliland in ay si wada jir ah u abaabulaan mehrajaanno isu keenaya fanaaniin ka kala socoda gobollo badan si kor loogu qaado qiyamka muhiimka u ah Soomaalida oo dhan.

Gabayga iyo fanka kale ayaa muddo dheerba qayb muhiim ah ka ahaa dhaqanka wada heshiisiinta Soomaaliya iyo sidoo kale dadaallada nabad dhalinta ee adduunka oo dhan.

Intaas waxaa dheer, xafladaha fanka sida carwada Buuggaagta Caalamiga ee Hargaysa iyo sidoo kaleFilimka, Fanka, Gabayada iyo Carwooyinka Dhaqanka ee Nabada iyo Horumarka Soomaaliland ayaa sannad walba aad loo xiisaynayay, iyada oo Muqdishana ay ka shaqeeynayso “dib-u soo noolaalaanay” fankeedii.

Mahrajaan faneed si wada jir ah loo maamulo oo ay ka soo qayb-galayaan fanaaniinta maxalliga ah iyo kuwa dibadda ka yimaadaba ayaa labada dhinacba siin kara fursad ay si wada jir ah isaga kaashadaan mashruuc aysan u badnayn in uu midba midka kale hadafkiisa wadahadalka uu wiiqayo, isla markaana faa’iido la taaban karo siinaya bulshada maxalliga ah ee doonaysa in ay ka qaybqaataan munaasabadaha lagu weynaynayo fanka Soomaaliya.

Ciyaaraha oo ah qaab la isku kaashankaro

Tartamada ciyaaraha ayaa sidoo kale noqon kara wax la iska kaashado Iyada oo ciyaarta kubadda cagtu ay tahay ciyaarta loogu jecelyahay Soomaaliya, ayaa kooxaha kubadda cagta ee maxalligu ay la ciyaari karaan kooxaha kale, kana qayb gali karaan tartamo gobaleedka.

Si kasta ha ahaatee, hadda ma jiro tartan isu keenaya kooxo ka imaanaya dhammaan goballada dalka.

Tan ayaa keeni karta fursad kuwa wadahadallada dhexdhexaadinaya in ay dhinacyada Soomaaliya ay ka kaalmeeyaan samaynta tartan isu keenaya kooxaha maxalliga ee gobollada dalka oo dhan iyaga oo u tartamaya kaalin sharafeedka kooxda kubadda cagta ugu fiican Soomaaliya.

Waxaa mar horeba jira caddaymo ah in is dhexgalka maamulka kubadda cagta Soomaaliya iyo kooxuhuba ay suurta gal tahay. Hada ka hor, garsoorayaal ka socda gobollo badan oo Soomaaliya ah ayaa tababar ka qaatay Xiriirka Caalamiga ah ee Kubadda Cagta (FIFA) si kor loogu qaado xirfadda isboortiga.

Intaas waxaa dheer, in February 2014-kii, koox ka soo jeedda magaalada Gaalkacyo ee Puntland oo la yiraahdo Kooxda Kubada Cagta ee COMSED lagu marti qaaday in ay Muqdisho tagto si ay ciyaar saaxiibtinimo ay ula yeelato laba kooxood oo kale oo ah Elman iyo Dakadaha.

Qabashada tartamada ay ka soo qayb-galayaan kooxo iyo garsoorayaal ka kala socda dhammaan gobollada waxay horay u sii marinayaan ciyaaraha gobollada Soomaaliya oo dhan, sidoo kalana waxay fursad kale siinayaan dawladda federaalka Soomaaliya iyo wafdiga Soomaaliland in ay iskaashi ka sameeyaan arrimaha aan aadka la isugu khilaafsaneeyn.

Waxa ahamiyad taa la mida leh, in ay fursad siinayso maamul goboleedyada kale iyo kuwa maxalliga ah oo mararka qaar dareemaya in aan laga qayb-galinin wadahadallada ay Turkiya waddo in ay ka qayb-qaataan mashruuc la taaban karo, ugu danbayntiina laga yaabo in ay horumariso xidhiidhka ka dhaxeeya maamul-gobaleedyada Soomaaliya.

Wanaajinta natiijooyinka la filayo mustqabalka

Iskaashiga arrimaha aadka u adag sida ammaanka iyo siyaasadda ayaa waxaa curyaamiyay khatrtaka ku imaan karta danaha asaasiga ah ee argo walba wadato. Si kasta ha ahaatee, Iskaashi hirgala oo la iska kaashanayo mashaariicda aan khilaafka badan ka jirin, ayaa abuuri karta fursad fiican oo looga wada -haqayn karo arrimaha aadka u adag.

Sidaas darteed, inkasta oo wada qorsheeynta mashaariicda fanka iyo ciyaaraha ay u muuqan karaan in aysan muhiim lahayn marka loo bar bardhigo ladagaallanka argagixisada iyo budhcad-badeednimada, ayaa haddana waxay dhagaxa asaaska ah u noqon karaan tallaabooyin lagu dhiso kalsoonida waxayna caddeeyn karaan suurgal-nimada iskaashiga.

Waxaa iyadana ahamiyaddaa oo kale leh, in qaababkaas iskaashi ay bulshooyinka Soomaaliyeed siin karaan fursado ay kuwada xiriiraan oo ay u wadaagaan danaha wadagga ah ee wax ku oolka ah, si kasta oo uu u jiro khilaafka siyaasadeed.