Tahriibayaal Somali oo la badbaadiyay

Tripoli (Caasimada Online) Wakaalada Wararka AP ayaa qortay in 107-qof oo ah tahriibayaal Soomaali ah in la bad baadiyay kaddib markii qabteen ciidamada ilaalada xeebaha dalka Libya.

Dadkan ayaa la socday dooni ay ka raaceen isla Libya iyagoona ku sii keeda Yurub sidda ay lee yihiin ilaalada xeebaha dalka Libya.

Col. Ayuub Qaasim oo ka mid ah saraakiisha ciidamada badda ee dalka Liibiya, ayaa wakaalada wararka AP u sheegay in dadkan ay la socdeen dooni ay ku dhowayd in ay gaddoonto.

Wuxuu sheegay in tahriibeyaasha oo lagu arkay meel dhowr meyl u jirta xeebta magaalada Tripoli ay isugu jireen rag, dumar iyo carruur.

Sidda ay sheegeen dadkii la socday doonta la badbaadiyay, waxaa geeriyooda toddobo qof oo ahaa dadkii ay ils socdeen kuwaasoo iska tuuray markii ay moodeen doonta in ay quuseeso.

Badda u dhexeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ku dhintay tahriibeyaal  badan oo Afrikan ah oo ay ku jiraan Soomaali ka soo cararay colaada ka jirta dalkooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com