DF Soomaaliya oo ay ku soo furmeen mowjado jah-wareero siyaasadeed ah

Muqdisho (Caasimada Online) Toddobaadkan uma fiicnayn Dowladda Federalka, waxaana soo baxay Akhbaaraad saamayn ku yeelan kara hawl-maalmeedka Dowladda iyo Humaag Siyaasadeed soo kala dhex gala Dowladda iyo Beesha Calaamka, gaar ahaan Dowladaha deeq-bixiyaasha koowaad u ahaa Dowladda Federalka ee ay QM

Jabaqda mataanaha ee ay Dowladda la anfariirtay Toddobaadkan ayaa ah go’aanka ay Dowladda Turkiga ku joojisay Taageeraddii Lacageed ee ay Dowladda Federalka faraha ka saari jireen iyo Warbixinta Guddiga QM ugu qaabilsan kormeerka xayiraadda hubka ee dalalka Somalia iyo Eritrea.

Culays Siyaasadeed iyo mid Dhaqaale ayeyna labadaasi arrin ku noqonaysaa Dowladda oo la og yahay inay dhaqaale la’aan la tukabayso, waxaana arrinta ugu khatarta badan ah sida ay Dowladda Federalka ugu guul-daraysatay Tijaabadda Calaamka ee lagu eegayey hadday Dowladdu noqon karto Dowlad nadiif ka ah musuqa, dhaca deeqooyinka lacageed iyo kuwa qalabeed.

Labo daraale ayey Dowladda ku noqonaysa sida ay u bogsiin lahaayeen arrimaha halka mar is-biirsaday ee Indhaha Caalamka ku soo wada jeesten.

Xitaa haddii ay Dowladda isku tijaabiso inay dhaydo boogta kalsooni-darradda ee ay qaar ka mid ah Dowladaha deeqaha bixiya waxay ku qaadan kartaa muddo laga yaabee sannooyin, waayo Beesha Caalamka waxay ka gilgishteen halka ay ka baxaan lacagaha ay Dowladda Somalia ugu deeqi jireen.

Dowladda Federalka Somalia waxay maalmahan aad uga walaacsan tahay Go’aanka Dowladda Turkiga ku joojisay Taageeraddii Lacageed ee ay Dowladda sida tooska u siin jireen.

Turkiga waxay joojiyeen lacagaha sida tooska loogu taageeeri jirey Dowladda Somalia, iyadoo Kaalmooyinkaasi ahaayeen kuwa ugu badan ee ay Dowladda bil kasta ku xisaabtami jirtey.

Guddoomiyihii Bankiga Dhexe, C/salaam Cumar oo xilkaasi hayey muddo 7-bilood ah ayaa sheegay inuu Safaaradda Turkiga bil kasta ka soo qaadi jirey lacag dhan 4.5 million oo Dollar, iyadoo miisaaniyadda Dowladda sannadkiiba uu dhan yahay 110 million oo Dollar.

Deeqda Dowladda Federalka bil kasta ka heli jireen Dowladda Turkiga ayaa haatan u muuqda inay waayeen ibtii dhaqaalaha ee lagu naas-nuujin jirey.

Dowladda Turkiga oo ay suurtogal tahay inay xog hoose ka hayso halka ay Deeqaha ay bixiyeen ku aroormi jireen ayaa waxay si maldhan u sheegtay inay joojinayso Dhaqaalihii ay Dowladda Federalka bil kasta faraqa ugu shubi jirtey.

Lahjad Diplomaasiyadeedka ay Maamulayaasha Turkiga adeegsadeen ayaa laga dheehan karaa inay Turkiga shaki ka qabaan qaabka loo maamulo Lacagahaasi.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Dowladda Turkiga wax badan maldahayso, laakiinse ay Dowladda Federalka u dhaqmaysay qaab ay Dowladda Turkiga ku qanacsanayn.

Go’aanka ay Dowladda Turkiga ku joojisay kaalmaddaasi lacageed waxa uu saamaynta ugu xooggan ku yeelanayaa Mujtamaca Soomaalida oo aan illaabi Karin Taageeradda ay Turkiga ugu soo gurmadeen xilligii ay macluusha ba’an ka dhacday qeybo ka mid ah Koonfurta Somalia.

Waxaa lagu xusuustaa Maamulayaasha Turkiga gurmadkii ay Sannadkii 2011-kii u fidiyeen Ummadda Soomaaliyeed iyo Mashaariicda Horumarineed sida dhismaha Isbitaalka Digfeer, dhismaha iyo dayactirka Masaajid, Waddooyin iyo abuurista Ilo-shaqo iyo mid waxbarasho ee ay ilaa iyo haatan ka wadaan gudaha magaalladda Muqdisho.

Xeeldheerayaasha Siyaasadda ayaa waxay falaanqeyn ku sameeyeen Oraahda ay Dowladda Turkiga u adeegsatay inay joojinayso Kaalmaddii ay Dowladda Somalia siin jireen.

Marka la rogrogo Oraahdaasi waxaa hubaal ah in la fahmi karo inay Dowladda Turkiga wax saluugtay iyadoo dhinaca kalena sheegtay inaan la joojin doonin Mashaariicda ay ka hirgelinayaan gudaha Somalia.

Xeeldheerayaasha Dhaqaale-yahanka ayaa iyagana su’aal ka keenay Kaalmaddaasi halka ay asal ahaan ka soo jeedo, waxayna ku doodayaan inay Turkiga isticmaalayso Sanduuqa ay Dowladaha Islaamka lacagaha ugu yabooheen Somalia.

Dadka fikirkaasi qaba ayaa sheegayo in Shirweynihii Madaxda Islaamka (OIC) oo ay Turkiga marti-geliyeen bilowgii sannadkii hore Malaayiin Dollar loogu deeqay Somalia, iyadoo Madaxda Turkigana loo xil-saaray inay Kalmooyinkaasi maamulaan.

Dowladda Federalka waxay u aragtaa inay Dowladda Turkiga kala xaajoon karaan sidii loo sii wadi lahaa Kaalmadda dhaqaale ee la siin jirey, laakiinse Mas’uul u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa sheegay inay miisaaniyadda Kaalmadaasi ahayd mid dhamaatay dabayaaqadii sannadkii hore.
Mas’uul kasta oo xil qaran qabta waa in Hantidiisa la diiwaan geliyaa intaan xil loo dhiibin, laguna kontoroolaa halka ay dhaqaalaha soo gala asal ahaan ka yimaadeen, waayo waxaa aad u soo badanaya dadka sida xun ugu takri-falayo Xilka Qaran ee lagu aamino.

Dowladihii KMG ayaa horey farta lagu godi jirey, laakiin haatan waxay diiradda saaran tahay Dowladda Federalka oo u muuqata mid aan nadiif ka ahayn Is-dabamarinta Hantida Qaranka.

La yaab ma leh haddaan maqasho Wasiir hebel, Agaasime hebel, Taliye hebel, waxay ka fara qabsadeen muddadii koobnayd ee ay Xilalka hayeen. Imisaa mas’uul ayaa la hadal-hayaa inay Hantida Qaranka jeebka ku shubteen, kadibna Lacagahaas Boolida qaran Bangiyadda dibeddaha dhigta amaba guryo kaga gata magaallooyinka Geeska Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federalka waxaa la gudboon in wax badan oo qaldan la saxo, isla markaana sharci adag laga soo saaro La-xisaabtanka, dabagalka iyo maxkamadaynta shaqsiyaadka sida waalida leh u malabsanayo Hantida magaca Somalia lagu soo yabooho.

Dalsan Radio