Ugaaska Ciise Muddullood (Udeejeen) oo Muqdisho lagu caleemo-saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho, waxa maanta lagu caleemo saaray ugaaska beesha Ciise Muddullood (Udeejeen) ee Ugaas Cismaan Ugaas Cilmi Ugaas Cumar, iyadoo munaasabaddii caleema saar-kiisa oo si heersare loo soo agaasimay ay ka soo qeyb galeen madax ka tirsan duubabka dhaqanka Soomaaliyeed, siyaasiyiin iyo dad weyne kale.

Munaasabadda, oo ka dhacday hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa ka mid ahaa dadkii ka soo qeyb galay caleema saarka ugaaska cusub ee beesha Ciise Muddullood ee Ugaas Cismaan, madax ay ka mid yihiin madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya bur-burkii dowladdii meleteriga kadib, Cali Mahdi Maxamed, Raysal wasaarihii dowladdii madaxweyne Cabdillaahi Yusuf ee Cali Maxamed Geeddi, marwadii uu ka dhintay AUN Madaxweyne Yuusuf, Duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir Md. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdiraxmaan Goodax Barre, duubabka dhaqanka beelaha Muddulood, xildhibaanno iyo martisharaf kale.

Md. Maxamuud Tarsan, oo goobta ka hadlay fureyna munaasabaddaas, ayaa u rajeeyay xilka ugaaska cusub ee loo caleema saaray in uu Alle ku guuleeyo, kana dhigo beeshiisa mid u horseeda barwaaqo iyo midow beelaha kale.

Prof Cali Maxamed Geeddi, ayaa isna tilmaamay in ugaaska cusub ee beesha Ciise Muddullood Ugaas Cismaan Ugaas Cilmi in uu yahay shaqsi uu si weyn u garanayo, uuna ugu hambalyeynaayo xilka cusub.

Madashii xafladda ka dhacaysay, oo sidoo kale lagu soo bandhigey suugaan iyo madadaallo, ay kamid yihiin farda fuul, ayaa wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Md. Cabdillaahi Goodax Barre, waxa uu sheegay in ugaaska uu ka mid yahay udub dhaxaadka dhaqanka ee dowladdan aan KMG aheyn dalka ka jirta dhisay.

Waxa uu sheegay Md. Goodax in Ugaas Cismaan uu ka qeyb qaatay soo xulidda xubno firfircoon oo baarlamaanka beeshiisa Udeejeen uga mid noqda.

Ugu dambeyntii ugaaska la caleema saaray, ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay in howlaha cusub ee loo igmadey Alle ku guuleeyo, islamarakasina uu ku dadaali doono sidii lagu yaqaanaba duubabka dhaqanka Soomaaliyeed uu saxo khaladaadka imaan kara, uusanna marna ku taageeri doonin beeshiisi wixii gardarro ah ama khalad ah oo ayna sixi doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com