Burcad-badeedda oo weeraray markab ku soo jeeday Dekedda Muqdisho

Nairobi (Caasimada Online) –  Sida ay qortay wakaalada wararka Shiinaha Xinhua, kooxo burcad-badeed Soomaali ah ayaa weerar ku qaaday markab ganacsi oo ku soo jeeday dekedda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Andrew Mwangura oo ah madax u ah hey’adda la socota arrimaha badda ee geeska Afrika ayaa u sheegay wakaalada warkan qortay in koox burcad badeed ay weerar ku qaaday Jimcihii shaley markab ganacsi oo ku soo jeeday Soomaaliya.

Markabkan oo ka soo sharaacday xeebta Mombasa ayaa lagu magacaabaa MV Andrea, wuxuu sitay calanka waddanka Sierra Leone, sidda uu sheegay Mwangura.

Sidda la lee yahay markabkan waxaa saarnaa 17-shaqaala ah oo inta badan u dhashay dalka Kenya, waxaana lagu waday marka uu yimaado dekedda Muqdisho in uu badeecad geeyo Jaziirada Comoros.

Waa weerarkii ugu horreeyay ee dhaca sannadkan 2014- iyadoo sheegis mudan tahay in la badii sanno ee la soo dhaafay aaney wax afduub ah geesan kooxaha burcad-badeeda Soomaalida.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com