Fadeexad: Maraykanka oo la ogaaday in uu afgambin rabo dowladda dalka…

Nairobi (Caasimada Online) Kenya ayaa ku eedeesay dowladda Maraykanka in ay wado qorshayaal lagu afgaminaayo dowladda uu madaxweynaha ka yahay Uhuru Kenyatta.

Warbixin ay soo saareen guddiga qaranka ee arrimaha ammaanka Kenya, ayaa lagu sheegay in hey’adda horrumarinta gargaarka Maraykanka ee USAID ay wado abaabulka kooxo qaswadayaal ah oo lagu damacsan yahay in lagu afgambiyo dowladda Kenya.

Waxaa kaloo warbixinta guddiga lagu sheegay in doonayaan in dalka meelo badan ay ka dhacaan kacdoon dadweyne si meesha looga saaro dowladda hadda jirtay.

Qorshahan ayaa la sheegay in uu soo billowday bishii March ee sannadkii horrre sidda lagu sheegay warbixinta guddiga qaranka ammaanka Kenya.

Guddigan ayaa amar ku bixiyay in loo yeero madaxda USAID oo hadda Kenya ku sugan, si wax looga waydiiyo eedamaah loo soo jeediyay.

Safiirka Maraykanka u fadhiya Kenya ayaa eedeentaas beeniyay.

Warkan waa mid culus haddii ay xaqiiqo noqdaan eedeemaha loo jeediyay dowladda Maraykanka, siddaas waxaaa leh dadka odorosa arrimaha gobalka.

Si kastaba, hey’addan ma ahan hey’ad arrimaha siyaasada ka shaqeysa, oo waxa ay shaqadeeda ugu badan tahay horrumarinta iyo gargaarka gaar ahaan Afrika.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com