XOG: Sababta Turkey-ga uu u joojiyay lacagta uu ku kabi jiray DF Soomaaliya

Akara (Caasimada Online) Kaddib markii dowladda Turkiga ay joojisay lacagaha sidda tooska ay ugu kabi jirtay miisaaniyada dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa arrintaas ka hadlay dowladda Soomaaliya, isla markaana caddeesay sababta.

Sarkaal u hadlay dowladda Soomaaliya oo diidday magaciisa in la xuso, ayaa VOA u xaqiijiyay in sababaha loo joojiyay ay tahay markii dowladda ay ku mashquushay seddaxdii bilood ee la soo dhaafay dhismaha xukuumada iyo soo magacaabista ra’iisal wasaare.

Arrintaas ayaa waqtiga ka cunay dowladda oo waxaaba ay ilowday in ay cusbooneesiiso qorshaha Turkiga uu sidda tooska ah dhaqaalaha ugu siin jiray dowladda Soomaalida, siddaas waxaa yiri sarkaalka ay soo xigatay VOA ee diidday magaciisa in la sheego.

Wuxuu kaloo sheegay in la joojiyay lacagahaas bishii December ee sannadkii horre, maadama uu heshiiska xilligaas ku ekaa, balse wuxuu rajo fiican ka muujiyay in dib loo dhaqan galin doono arrintaas.

Ma sheegin sarkaalkan lacagta Turkiga uu ku kabi jiray miisaaniyada dowladda Soomaaliya,

Si kastaba, mas’uuliyiin u hadlay dowladda Turkiga ayaa xaqiijiyay in tallaabada ay qaaday xukuumada Ankara in uusan saameyn ku yeelan doonin mashruucyada kale ee ay ka wadaan dalka, kuwaasoo ay ka mid tahay dib u dhiska iyo horrumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada u baahan tahay sidda caafimaadka iyo waxbarashadda.

Turkiga ayaa mashaarciif fara badan ka hirgaliyay magaalada Muqdisho tan iyo sannadkii 2011-ka xilligaas oo abaaro iyo macmuul ay ka dilaacday Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa lumisay kalsoonida ay u hayeen dowladaha reer galbeedka kaddib markii ay soo shaac baxday fadeexaddii sababtay is-casilaaddii guddoomiyihii hore ee Bangiga dhexe Yusra Abrar.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com