Maxaa ka cusub xaalkii madaxweyne Uhurru Kenyatta ee aadka u cakirnaa?

Nairobi (Caasimada Online) – Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya ayaa ku gacanseyray eedeymo sheegayay in dowladda Kenya ay caqabad ku noqotay dacwadda ka dhanka ah madaxweynaha dalkaasi.

Dacwadda Uhuru Kenyatta waxay ka socotaa maxkamadda dambiyada caalamiga ee ICC.

Xafiiska dacwad oogaha maxkamaddaasi ayaa sheegay in Kenya ay ku gacan seyrtay dalab uga yimid maxkamadda oo ahaa in ay soo gudbiso macluumaadka ku saabsan xisaabaabta Bangiga iyo wicitaanka taleefoonnada Kenyatta.

Githu Muigai, ayaa sheegay in shaacinta macluumaadkaasi ay xadgudub ku tahay destuurka dalkiisa.

Uhur Kenyatta ayaa loo haystaa dambiyo ka dhan ah aadanaha oo la sheegay in la gaystay kaddib doorashadii muranka dhalisay ee sanadkii 2007-da.

Dhagaysiga dacwadda Uhuru

Uhuru waa uu diiday eedeymahaas.

Dacwad oogaha maxkamadda ICC-da Fatou Bensouda ayaa haatan codsatay in dib loogu dhigo dhagaysiga dacwadda Uhuru.

Waxay sheegtay in aanay hayn caddaymo ku filan oo horey loogu sii wado dhagaysiga dacwaddan.

Dadkii marqaatiga ka ahaa dacwadda Uhuru Kenyatta ayaa la sheegayaa in qaarna ay dhinteen qaar kalena ay diideen inay madaxweynaha ku marqaati furaan.

Madaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto ayaa isaguna dacwad taas la mid ah uga socotaa maxkamadda ICC

Isha: BBC