Dhageyso: Prof Samatar: Haddaan R/W nala siin wax is-beddel ah ma jiro

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed barana ka ah mid ka mid ah Jaamacadaha kuyaala dalka mareykanka ayaa ka hadlay xaaladad siyaasadeed ee xilligan ka jirta Somalia.

Wuxuu sheegay in Saameyn weyn aaney ku leheen Siyaasadda Somalia dadka asal ahaan kasoo jeeda deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Somaliland .

Samatar ayaa madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’isul wasaarihiisa ku tilmaamay kuwo aanan wax ka badan siyaasadda dalka , waxaana shacabka dega gobolada waqooyi ee dalkeeena Somalia uu ku sheegay inay yihiin kuwo ka warqaba xaalka jira diyarna u ah inay aayahooda ka tashadaan sda uu sheegay.

“Madaxweyne Xassan sheekh iyo RW-ha waxaa ay sameeyeen waa wixii horey ay u sameyeen Dowladihii ka horeyey, waxaana ay saa u sameynayaa in la yiraahdo dadkii Dirta ahaa wey jooga oo Awood qeybsiga dalka ayey wax ku leeyihiin ayey aniga iila egtahay, laakin hadii ay arinkaasi dhab tahay Ra’iulwaraha maxaa ay u noqon wayeen beesha DIR ama qof ka soo jeeda beelaha reer Waqooyiga, hala weydiiyo Madaxweyne Xassan Sheekh iyo RW-ha” ayuu Axmed Ismaacil Samatar yiri mar uu arinkaasi ka hadlayey.

Halkan ka dhageyso Samatar iyo warbixin la xiriirta

18629

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com