“Anigoon waxba sameyn ayay 15 saac i jirdilaayeen nabad sugida” waxaa yiri..

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa xabsiga laga sii daayay seddax wariye oo labo ka mid ah ay ahaayeen agaasimayaal Idaacad, kuwaasoo muddo labo cisho u xirnaa hey’adda nabad sugida dowladda.

Waxaa ka mid ah Maxamed Barre Fiyoore oo ah mulkiilaha iyo agaasimaha Idaacadda Danan ee magaalada Muqdisho, wuxuu ka hadlay sababaha loo xiray iyo jirdil loo geestay intii uu xirnaa.

Isagoo la hadlaayay BBC-da ayuu Fiyoore sheegay in isaga si gooni ah loo jirdilay looguna geestay tacadiyo xooggan sidda uu yiri.

“Anniga nabrahan iga muuqda waxaa ii geestay ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugida oo iga watay meel ku dhow KM4, dabadeed waxa ay anniga, Ibraahim Yare oo ah agaasimaah Idaacadda Haatuf iyo Injineer Muxydiin oo ah injineer caan ah nagu xireen Godka Jilacow, markii aan halkaas ku jiray hal maalin anniga waxaa la ii badalay xabsi kale, waxaana la ii geestay jirdil xooggan” ayuu yiri.

Wuu sii hadlay “Anniga waxaan u heestaa in si gaar ah la ii ugaarsanayay, waxaana aan sheegayaa haddii wax la ii geesto in ay ka mas’uul yihiin taliyaha nabad sugida gobalka Banaadir Koofi iyo Cabdidheere oo ah ninka i soo xiray oo isna ka tirsan nabad sugida, waana qorshayaal toos ah oo lagu doonayo in lagu aamusiyo Idaacadeeda” ayuu yiri Agaasimaha Idaacadda Danan.

Waxaa kaloo uu sheegay Idaacadda in shaley ay soo weerarreen seddax nin oo hubeysan kuwaasoo si qasab ah ku amray in la damiyo, waan waan kaddib maanta ayaa la soo daayay ayuu yiri.

Waxaa lagu eedeeyay agaasimaha Idaacadda Danan in uu sawirro ka qaaday dhaawaca guddoomiye ku xigeenka ammaanka gobalka Shabeellaha Hoose oo toddobaadkan qarax miino ku dhaawacmay meel ku dhow KM4 magaalada Muqidsho,”Anniga waxaan sawirro qaaday goobta qaraxa uu ka dhacay, cid na dhahday siddaas wax u sawirra, Idaacadeedana waxa ay soo bandhigtay wixii meesha ka dhacay” ayuu ku doodday.

Soomaaliya waxa ay kamid tahay waddamada lagu dhibaateeyo suxufiyiinta Soomaaliya, sannadkii horre 18-suxufi ayaa lagu dilay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka

Caasimada@live.com