Britain oo soo saartay digniin xoogan oo ku wajahan dalka Soomaaliya

London (Caasimada Online) Dowladda Britain ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay uga digtay muwaadiniinteeda u safarta Soomaaliya.

Warbixintan oo uu soo saaray xafiiska arrimaha dibadda ee UK, ayaa lagu sheegay in la helay warbixino muujinaya in kooxaha aragagixisada ay wadaan qorshayaan ay ku beegsanayaan ajaaniibta ku sugan Soomaaliya.

Xafiisak xayaa ka codsaday muwaadiniinta Ingiriiska ah in ay ka soo baxaan Soomaaliya, maadama xilligan aan la isku haleen karin dhinaca ammaanka.

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in ay jirto halis joogta ah oo ka imaaneysa argagxisada, sida; afduub ay u geystaan dadka ajnabiga ah ee ku sugan Soomaaliya iyo deegaannada maamulka Somaliland.

Warbixinta waxaa kaloo lagu shegeay in weerarrada argagixisada ah ay noqon karaan kuwo xilli kasta dhici kara oo aan loo meel dayin, gaar ahaan in la weerarro karo goobaha ay dadku ay ku badan yihiin.

Goobaha sidda weyn looga digay waxaa ka mid ah xafaladaha ay qabtaan madaxda dowladda iyo goobaha ay sida joogtada ah u tagaan ajaaniibta.

Digniinta ka timid dowladda Ingiriiska ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dhawaan digniin noocan oo kale ay soo saartay dowladda Maraykanka.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa laga deyrinayaa, iyadoo shaley lee ahayd markii baabuur laga soo buubiyay waxyaabaha qarxa lagu weerarray kolanyo ay la socdeen saraakiil ka socda QM gaar ahaan laanta qoxootiga UNHCR.

Caasimada Onlin

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com