Turkey-ga oo jaray lacagtii uu siin jiray dowladda madaxweyne Xasan Sheikh

Muqdisho iyo Istnabul (Caasimada Online) – Turkiga ayaa joojiyey taageeradii miisaaniyadda tooska ahayd (Lacagta kaashka), ee uu siin jiray dowladda Somalia, waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka Reuters.

Turkiga, ayaa dowladda Somalia ku caawin jiray lacag kaash oo toos ah, si ka beddelan dalalka reer galbeedka, oo ballaayiin dollar mar kasta u ballan qaado Somalia, bale aan u siin si toos ah.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga, ayaa u sheegay Reuters in dalkiisa uu dhammaadkii sanadkii 2013 joojiyey lacagtii uu tooska usiin jiray dowladda Somalia.

Ma cadda lacagta kaashka ah ee Turkey uu siiyey dowladda Somalia sanaddii 2013, hase yeeshee dowladda ayaa sanadkaas miisaaniyaddeedu waxa ay ahayd 110 milyan oo dollar.

Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Somalia, Cabdisalaam Cumar ayaa shaaca ka qaaday in intii uu xilkaas hayey ay dowladda Turkiga siin jirtay dowladda Somalia 4.5 milyan oo dollar, bil kasta.

“Waxaan bil kasta tagi jiray safaaradda Turkiga ee Muqdisho, waxaana kasoo qaadi jiray 4.5 milyan oo dollar, oo ah lacagta boqol boqolka” ayuu yiri Cabdisalaam.

Sarkaal ka tirsan dowladda Somalia, ayaa u xaqiijiyey Caasimada Online in Turkiga uu joojiyey lacagtii kaashka ahayd ee uu siin jiray Somalia, sanaddii 2013, waxaase uu sheegay inay rajeynayaan inay dib u billaabato.

Si kastaba, sarkaal ka tirsan dowladda Turkiga, ayaa ku warramay in dowladdiisa aysan iminka wax qorshe ah ka lahayn inay dib u billowdo lacagtii kaashka ahayd oo ay siin jirtay dowladda Somalia.

Sarkaal ka tirsan ha’yadda TİKA (Turkish Cooperation and Coordination Agency), “Hay’adda isku-xirka iyo wada-shaqeynta Turkiga”, ayaa xaqiijiyey in mashruucyada kale ee Turkiga uu ka wado Somalia, uusan saameyn go’aanka lagu joojiyey lacagtii kaashka ahayd ee la siin jiray dowladda Somalia, ayna sii socon doonaan.

Dowladda Somalia, oo markii ay xilka qabatay si aad ah ay ugu han weyneyd beesha caalamka, ayaa hadda waxaa muuqata in cago jiid loo muujinayo, sababo la xiriira madaxweynaha oo koox gaar ah gacanta u geliyey awooddii dalka, diiday tallooyinka shacabka, wax-qabad la’aan iyo fadeexaddii ay sababtay Yussur Abraar, markii ay iska casishay xilka guddoomiyaha Bankiga Dhexe.

Sarkaal Turkiga u hadlay, ayaase sheegay in go’aanka Turkiga uusan wax xiriir ah la lahayn waxa ka socda Somalia, taa beddelkeedna markii horeba ballan qaadka Turkiga ee dowladda uu ahaa hal sano oo kaliya, uuna idlaaday.

Diblomaasiyiin reer galbeed ah, ayaa sheegaya inaysan diyaar u ahayn inay buuxiyaan booska uu baneeyey Turkiga, oo culeys dhaqaale saari doona dowladda Xasan Sheekh.

Halkan ka aqri Warbixinta Reuters: Biggest donor Turkey stops direct budget support to Somalia

Caasimada Online
Xafiisyada Istanbul iyo Muqdisho
Caasimada@live.com