Abaaro dad iyo duunyo xaalufiyay oo laga soo sheegay gobolka Gedo

Baardheere (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya degmooyin fara badan oo ku yaalla gobalka Gedo, ayaa sheegaya in halkaas ay dhowr qof oo u badan carruur ay ugu geeriyoodeen biyo la’aan.

Guddoomiyaha deeganka Gerileey ee gobalka Gedo, Aar Maxamuud Maxamed oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dhowr qof ay u dhinteen oon daran oo ka jirra deeganka.

Wuxuu sheegay in labadii sanno ee la soo dhaafay ay abaaro xooggan ka jireen deeganno badan oo ku yaalla Gedo kuwaasoo dad iyo duunyo meertay.

Mar la weydiiyay in ay jiraan hey’addo gargaar oo gobalka soo gaaray.

Wuxuu sheegay in wax hey’addo ah aaney gobalka soo gaarin kuwaasoo caawinaya dadka ku dhibaateesan deegannada ay abaarta ay ku dhufteen.

Wuxuu kaloo dowladda ku eedeeyay in ay gaabisay in ay dadkaas ceelal u qodaan sidda uu yiri “Dhowr jeer ayaan ugu baaqnay in ceelal nooqdaan ilaa hadda wax jawaab ah kama heyno dowladda oo waxa ay ka badin la’dahay Muqdisho” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay haddii aan gargaar degdeg ah loo soo dirin dadka ku dhibaateesan degmooyin fara badan oo ku yaalla iyo laga cabsi qabo in abaarta ay ku faafto gobalka oo dhan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com