Sawirro: Marwada madaxweynaha oo xarriga ka jirtay mashruuc muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa shalay laga billaabay mashruuc cusub, kaasoo lagu doonayo in teendhoyin loogu dhiso dadka laga soo tarxiilo dalka Sacuudiga ee ka soo daga garoonka caalamiga ee diyaaradaha Aadan Cabdulle.

Mashruucan ayaa waxaa xarigga ka jartay marwada madaxweynaha Sahra Cumar Xasan, taasoo sheegtay in muhiim ay tahay muwaadiin Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dal kale in isagoo aan waxbo heesan laga soo dajiyo garoonka diyaaradaha.

Waxaa mashruucan dowladda Soomaaliya ka caawainaya Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) taasoo ballan qaaday in ay bixineyso dhaqaalaha ku baxaya mashruuca cusub.

Hey’adda ayaa sheegtay teendhooyinka laga dhisaayo gudaha garoonka in loogu talagalay siddii loo heli lahaa meelo ay seexdaan dadka la soo tarxiilo ee garoonka laga soo dajiyo iyo kuwa laga soo musaafuriyo dalal uu Sacuudiga ka mid yahay ee aan awoodin inay hoteello ka kireystaan gudaha magaalada, sida uu sheegay mas’uul ka tirsan IOM.

teendho6

Marwo Sahra Cumar Xasan oo ka hadashay goobta laga dhusaayo teendhooyinka ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay tix-gelin gaar ah siineyso dadka musaafurka ah, taasi oo ay xustay inay tahay waajib saaran.

Intii ay socdeen howlaha mashruucan lagu soo bandhigaayay, ayaa waxaa garoonka ka soo degtay diyaarad ay saaran yihiin laga soo tarxiilay Sacuudiga, waxaana la kulantay Marwada madaxweynaha taasoo u qeybisay lacago iyo raashiin ay sii isticmaalaan inta magaalada ay ku sugan yihiin.

Qaar badan oo dadkan ayaa u sii safra gobalada dalka iyo waddamada dariska, balse badankood ma ahan kuwa wax heesta.

teendho3

teendho51

teendho4o Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com