DFS oo xilalka ka qaaday 4 General iyo saraalkil kale + Magacyadooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federalka ee Soomaaliya, ayaa xil ka qaadis ku sameysay afar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka ammaanka, ka gadaal markii lagu eedeeyay in ay wax ka qaban waayeen ammaanka Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha xil ka qaadista lagu sameeyay, ayaa waxay kala yihiin Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir General Maxamed Yuusuf Cumar “Madaale”, Taliyaha Hawlgelinta ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Axmed Xasan Maalin, Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir G/sare Cali Maxamed Cali iyo Taliye Ku Xigeenka Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir G/dhexe Cawle.

Sabtidii, ayaa waxaa waraaqaha lagu finishay Saraakiishaan la gaarsiiyay Xafiisyada ay ka hawlgalaan, iyadoo G/dhexe Cawle loo sheegay in lagu bedelay Sarkaal magaciisa lagu soo koobay Cabdi Madoobe, kana soo jeeda Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha kale ee xil ka qaadista lagu sameeyay, ayaan la magacaabin xubnihii kale ee bedeli lahaa, laakiin waxay si KMG ah ay u siin hayn doonaan xilalka laga xayuubiyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si weyn kaga dhiidhiyay madaafiicdii toddobaadkii hore lagu harqiyay Magaalada Muqdisho, laguna muujinaayay inaanay Dowladdu waxba ka qaban karin amni darada Caasimada.

Xil ka qaadista lagu sameeyay xubnahaan, ayaan ku ekaan doonin tallaabada lagu ciqaabaayo Saraakiisha ammaanka ee Dowladda, iyadoo la hadalhaayo in Saraakiil ay ku daba feeli doonaan Saraakiishaasi. Haddii aan isbedel laga dareemin ammaanka Caasimada.

Dhanka kale waxaa Axadii shalay dib Magaalada Muqdisho ugu soo noqday Taliyaha Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Koofi, oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Addis Ababa.

Isha: Dhacdo