XILDHIBAAN sheegay war cusub oo la xiriira bixitaanka ciidamada Kenya

Nairobi (Caasimada Online) Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo hoggaamiye u ah howlaha guud ee baarlamaanka Kenya ayaa xaqiijiyay ciidamada Kenya in aysan ka bixi doonin magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobalada Jubbooyinka.

Isagoo la hadlaayay BBC-da ayuu sheegay Aadan Barre ciidamo kooban 200 oo askari in lagu reebi doono magaalada Kismaayo kuwaas oo la shaqeyn doono ciidamo ka socda dalka Sierra Leone iyo boolis ka socda Nigeria kuwaasoo tababbar siinaya ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba.

“Ciidamada Kenya waxa ay ka mid yihiin AMISOM, waxa ay xoreeyeen Kismaayo, marka hadda waxa ay aadayaan gobalada kale ee Jubbooyinka si ay u xoreeyaan magaalooyinka Jilib, Jamaame iyo Bu’aale’ ayuu yiri Xildhibaan Aadan Barre.

Wuxuu sheegay oo kale xildhibaanka in maamulka KMG ah ee ka dhisan Kismaayo ay aqoonsatahay dowladda Soomaaliya,QM iyo Midowga Afrika.

“Annigoo u hadlaya Kenya iyo baarlamaanka, waxaan xaqiijinayaa ma jirto dan aan ku heesano arrimaha Soomaaliya iyo Jubbooyinka, dadka waxaas sheegayana waa kuwa ka shaqeenayaa uun fikrad qaldan, Soomaaliya oo nabad ah waxa ay muhiim u tahay, Kenya, Uganda iyo Burundi” ayuu yiri Aadan Barre.

Hadalka xildhibaan Aadan Barre Duceele ayaa ku soo beegmayaa iyadoo Midowga Afrika uu shaley sheegay in ciidamada Keny oo qayb ka ah kuwa AMISOM ay sii joogi doonaan magaalada Kismaayo iyo Gobalada Jubbooyinka.

Ciidanka Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay la safteen garab ka mid ah dhinacyadii ku dagaallamay magaalada sannadkiii horre.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com