DHAGEYSO: Xog cusub oo laga bixiyey xaaladda madaxweyne Xasan Sheikh

Muqdisho (Caasimada Online) Kaddib markii shalay galab ay soo baxeen warar sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu safar degdeg ah ugu ambabaxay dalka Turkiga, ayaa waxaa arrintaas ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxtooyada ahna la-taliyaha madaxweynaha Injineer Cabdiraxmana Cumar Cusmaan “Yariisow” ayaa u sheegya VOA in walaac uusan ka jirin xaaladda caafimaad ee madaxweynaha, balse uu u tagay uun taxaddar.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha uu aaday Turkiga Baaritaan caafimaad, laakin ma sheegin baaritaankaas caafimaad nooca uu yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarkiisa laga qarixiyay saxaafadda, waxaana taas ay keentay shaki badan.

Madaxweynaha oo meel fagaaro lagu arko waxaa ugu dambeysay Jimcihii xilligaas oo uu ka qaybgalay aaska ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Waraysiga hoos ka dhagayso.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com