Warbixin cusub: Jermalka oo ciidamo u soo diraya dalka Soomaaliya, Sabab?

Berlin (Caasimada Online) War lagu qoray Wargeyska There Spiegel ayaa lagu sheegay in dowladda Jermalka ay qorsheeneyso ciidamo ay u soo dirto Soomaaliya, kuwaasoo ka qayb qaata tababarka la siinaayi ciidamada Soomaaliya.

Wargeyska oo soo xiganaya afhayeen u hadlay wasaarada gaashandhigga ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin tababbarayaal kuwaasoo u tagi doonaa Soomaaliya siddii ay qab uga qaadan lahaayeen mashruuc uu wado Midowga Yurub oo lagu doonayo in lagu horrumariyo ciidamada Soomaaliya.

Afhayeenka u hadlay wasiirka gaansdhigga ayaa sheegay qorshaha ciidamada loogu diraayo Soomaaliya uu dhammaad yahay balse kaliye ay dhimman tahay in baarlamaanka dalkaas uu meel mariyo.

Waa markii ugu horreysay oo ciidamo Germalka ka socdo loo soo diraayo Soomaaliya, waxaana horrey u jirtay qorshe ay shaaciyeen Midowga Yurub oo ah in howlaha lagu tababbaraayo ciidanka Soomaalida loo raraayo dalka Soomaliya maadama horrey loogu tababbarri jiray dalka Uganda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com