30.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

DF Soomaaliya oo ku biireysa nidaam caalami ah oo la xiriira duulista hawada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA) ayaa si rasmi ah u bilaabay tijaabada nidaamka Billing and Settlement Plan (BSP) ee Soomaaliya, taas oo loo arko mid wax weyn ka beddeli karta hab-maaliyadeedka duulista hawada dalka.

Nidaamkan ayaa la filayaa inuu si buuxda u dhaqan-galo dhammaadka bisha May 2026. Hirgelinta BSP ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku doonayso inay ku casriyeyso waaxda duulista hawada, isla markaana kor loogu qaado isku-xirka caalamiga ah ee dalka.

Dowladda ayaa sidoo kale rajaynaysa in tallaabadan ay gacan ka geysan doonto kobcinta dhaqaalaha iyo soo jiidashada maalgashi cusub.

Marxaladda tijaabada ah ee hadda socota waxaa ka qayb qaadanaya afar shirkadood oo wakaaladaha safarka ah iyo dhowr shirkado diyaaradeed oo ka hawlgala gudaha Soomaaliya. Shirkadahaas waxaa ka mid ah Ethiopian Airlines, oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee ka shaqeeya suuqyada Afrika.

Marka nidaamkan si buuxda loo hirgeliyo dhammaadka bisha May, waxaa la filayaa inay ka faa’iidaystaan in ka badan 300 oo wakaaladood oo safar iyo shirkado diyaaradeed oo dalka ka hawlgala. Tani waxay si weyn u fududayn doontaa habka iibka tikidhada iyo kala xisaabtanka maaliyadeed.

Nidaamka BSP waa hannaan caalami ah oo si gaar ah loogu talagalay inuu mideeyo oo fududeeyo lacagaha u dhexeeya shirkadaha diyaaradaha iyo wakaaladaha iibinta tikidhada. Waxa uu meesha ka saaraa caqabado badan oo hore uga jiray habraacyada lacag-bixinta.

Sidoo kale, BSP wuxuu ka shaqeeyaa dabagalka iibka tikidhada, maamulka lacagaha, iyo hagaajinta nidaamka maaliyadeed ee shirkadaha diyaaradaha, taas oo sare u qaadaysa hufnaanta iyo kalsoonida dhinacyada kala duwan ee ganacsiga.

Sannadkii 2025 nidaamka BSP wuxuu maareeyay in ka badan 700 milyan oo macaamil ganacsi ah oo ka kala dhacay 180 waddan, iyadoo wadarta lacagaha la maareeyay ay gaartay 242 bilyan oo doolar, sida lagu xusay warbixin rasmi ah.

Si kastaba, arrintan ayaa ka dhigan in dalka uu galay marxalad isbeddel ballaaran oo ku aaddan adeegyada duulista hawada, isagoo xusay in isku-xirka gudaha iyo dibadda uu laf-dhabar u yahay dib u soo kabashada dhaqaalaha, sida uu sheegay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya.

Ciidankii ugu horreeyay ee Masar oo si weyn u qalabeysan oo ku soo wajahan Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Cutubkii ugu horreeyay ee Ciidanka Masar ee qaybta ka noqonaya howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa kusoo wajahan Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin kala duwan oo si dhow ula socda qorshaha daabulista ciidamadan.

Masar ayaa la sheegay inay Soomaaliya usoo dirayso ciidan gaaraya 1,410 askari, kuwaas oo wata gaadiid iyo qalab ka duwan kuwa ay isticmaalaan ciidamada kale ee ka tirsan howlgalka AUSSOM ee haatan ka socda dalka.

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in ciidamadan ay yihiin kuwo si gaar ah loo tababaray, isla markaana leh xirfado sare oo ku aaddan howlgalada amni ee ka socda Soomaaliya, iyadoo la filayo inay door muuqda ka qaataan sugidda amniga.

Xukuumadda Qaahira ayaa horay usoo bandhigtay gaadiid gaashaaman iyo ciidamo si heer sare ah u qalabeysan, kuwaas oo lagu soo bandhigay gudaha dalka Masar bilooyin ka hor, inkasta oo aan markaas si rasmi ah loo shaacin ujeedada loo diyaarinayay.

Waxaa sidoo kale dhowaan si rasmi ah u bilaaban doonto daabulista ciidamada, gaadiidkooda iyo agabkooda ciidan, iyadoo la diyaariyay qorshe dhameystiran oo ku aaddan howlgalka ay ka fulinayaan Soomaaliya.

Goobaha ay ciidamadan ka howlgalayaan ayaa horay loo qiimeeyay, kadib markii khubaro ka socotay Masar ay booqashooyin ku tageen meelo kala duwan oo dalka ah, si loo hubiyo diyaar-garowga howlgalka cusub.

Ka qaybgalka Masar waxaa oggolaaday Midowga Afrika dabayaaqadii 2024-kii, kaddib wadahadallo lala yeeshay mas’uuliyiinta Soomaaliya, waxaana si rasmi ah loogu meel mariyay heshiis amni oo laba geesood ah oo la saxiixay bishii Janaayo.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dalka Masar kula kulmay Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi, halkaas oo ay Qaahira ku ballan-qaadday inay kordhinayso tababarka iyo hubeynta ciidamada Soomaaliya, ayna soo saartay digniin ka dhan ah tallaabooyinka loo arko inay halis gelinayaan amniga Badda Cas.

Si kastaba, ka qaybgalka howlgalka xasilinta Soomaaliya waa mid ay Masar ku muujinayso garab-istaagga ay la garab taagan tahay Muqdisho, sidoo kalena qayb ka ah istiraatiijiyaddeeda ballaaran ee Badda Cas.

Loolanka Turkey iyo Israa’iil ee Soomaaliya oo xoogeystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dalalka Turkiga iyo Israa’iil ayaa si weyn u xoojinaya loollanka ay ugu jiraan gacan-ku-heynta istaraatiijiyadeed ee Geeska Afrika, iyadoo xukuumadda Ankara ay sii qoto dheereyneyso heshiisyada rasmiga ah ee dhanka tamarta iyo milateriga ee ay la gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka Israa’iil ay u weecatay dhanka maamulka Somaliland.

Turkiga ayaa si adag u xaqiijiyay awooddiisa gudaha Soomaaliya, isagoo dowladda federaalka la saxiixday heshiisyo waaweyn oo lagu baarayo shidaalka iyo gaaska ee ku jira berriga iyo baddaba, waxaana taas barbar socda joogitaan milateri oo ballaaran iyo saldhigga ugu weyn ee tababarka ciidamada ee uu ku leeyahay dalkiisa dibaddiisa.

Dhanka kale, Israa’iil ayaa xiriir dhow la sameysatay maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland, kaddib markii ay dhowaan ku dhawaaqday inay u aqoonsatay dowlad madax-bannaan.

Tallaabadan ayaa dhalisay caro xooggan, waxaana si adag u diiday dowladda Soomaaliya iyo dalal dhowr ah oo Carbeed, kuwaas oo ku sifeeyay mid sharci-darro ah oo carqaladeynaysa xasilloonida gobolka.

Sidoo kale, Tel Aviv ayaa wadda qorsheyaal ay saldhig milateri uga dhisaneyso meel u dhow Gacanka Cadmeed, si ay isha ugu hayso dhaq-dhaqaaqa kooxda Xuutiyiinta Yemen, uguna xaqiijiso marinkeeda muhiimka ah ee Badda Cas.

Turkiga oo adkeystay booskiisa Soomaaliya

Horraantii sanadkan, Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay diyaar u tahay in la bilaabo hawlgalladii ugu horreeyay ee qodista shidaalka badda, iyadoo markab nooca qodista ah oo ay leedahay dowladda Turkiga uu horraantii April soo gaaray xeebaha dalka, siu u howshaas u billaabo.

Tallaabadan ayaa daba socota sahmintii uu sanadkii hore si guul leh u dhammaystiray markabka cilmi-baarista Turkiga ee Oruç Reis, kaas oo xog muhiim ah oo dhanka 3D-ga ah ka soo ururiyay xirmooyinka shidaalka ee badda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa inay leedahay kayd shidaal oo badda ku jira oo gaaraya ugu yaraan 30 bilyan oo fuusto iyo qiyaastii 6 bilyan oo mitir kuyuubik oo gaaska dabiiciga ah, inkastoo inta badan kaydkaas uusan ahayn mid wali si dhab ah loo soo saaray marka la barbar dhigo dalalka horay shidaalka ugu caan baxay ee Afrika, sida Liibiya iyo Nigeria.

Tan iyo sanadkii 2011, Turkiga ayaa noqday mid ka mid ah xulafada ugu dhow ee Muqdisho, isagoo bixinaya gargaar bani’aadannimo, tababarro milateri iyo maalgashi balaaran oo dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ah.

Bishii Diseembar 2025, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaciyay in xukuumaddiisu ay qorsheyneyso inay xarun hawada sare ah (spaceport) ka dhisto Soomaaliya.

Warar dambe ayaa xaqiijiyay in Turkigu uu sahminayo dhismaha xarun ballaaran oo isugu jirta goob laga rido dayax-gacmeedyada iyo suurtagalnimada gantaallada, taas oo barbar socota qorsheyaal lagu dhisayo saldhig ciidamada badda ah.

Horraantii 2026-ka, diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee dalkaas ayaa iyagana la geeyay gudaha Soomaaliya.

Bishii Febraayo 2026, Turkiga ayaa sidoo kale soo daabulay taankiyo lagu sameeyay Mareykanka oo noocoodu yahay M48 iyo M60, kuwaas oo dhex maray waddooyinka Muqdisho iyagoo ku jira kolonyo ammaan ah, kaddib markii laga soo dejiyay markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Turkiga.

Taankiyadan ayaa la sheegay in la geeyay si ay u sugaan amniga xarumaha Turkiga ee deegaanka Warsheekh, oo qiyaastii 37 mayl waqooyi kaga beegan caasimadda, halkaas oo Ankara ay ka dhiseyso xarunta dayax-gacmeedyada.

Dhanka kale, Turkiga ayaa dhowaan dib u furay saldhiggiisa milateri ee ku kacay 50-ka milyan ee dollar ee ku yaalla Muqdisho, isagoo sii xoojinaya doorkiisa qaybta amniga Soomaaliya iyo taageerada uu siiyo tababarka ciidamada Xoogga Dalka, oo ay ku jiraan guutooyinka gaarka ah ee ka qayb qaadanaya hawlgallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab.

Israa’iil oo indhaha ku haysa Somaliland

Dhinaca kale, Israa’iil ayaa diiradda saartay maamulka gooni-isu-taagga ah ee Somaliland ee waqooyi galbeed Soomaaliya, kaas oo xeebihiisu ay dhanka Gacanka Cadmeed ka eegaan dalka Yemen.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa dabayaaqadii sanadkii 2025 ku dhawaaqay in xukuumaddiisu ay aqoonsatay Somaliland, isagoo go’aankaas ku sifeeyay mid “ku saleysan ruuxda heshiisyadii Abraham (Abraham Accords).”

Go’aankan ayaa caro xooggan ka dhex abuuray dowladda Soomaaliya iyo dalal dhowr ah oo Carbeed oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya, Falastiin, Masar, Kuweyt, Ciraaq, Urdun iyo Qatar, kuwaas oo dhammaantood diiday aqoonsigaas, kuna tilmaamay sharci-darro khatar gelinaya xasilloonida gobolka iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Turkiga ayaa isna dhaliilay tallaabadaas, iyadoo Madaxweyne Erdogan uu aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ku tilmaamay mid “sharci-darro ah oo aan la aqbali karin,” isagoo markii dambena intii uu ku guda jiray booqasho uu bishii Febraayo ku tagay Itoobiya—oo ah mid ka mid ah xulafada ugu weyn ee Israa’iil ee Geeska Afrika—sheegay in go’aankaasi “uusan dan ugu jirin” gobolka.

In kasta oo ay jiraan dhaleeceynahaas, warbixin bishii Maarso ay baahisay warbaahinta Bloomberg ayaa lagu sheegay in Israa’iil ay baarayso qorsheyaal ay saldhig milateri uga dhisanayso maamulkaas si ay ula socoto una bartilmaameedsato kooxda Xuutiyiinta Yemen, iyadoo ka faa’iideysanaysa halka istaraatiijiga ah ee uu kaga yaallo meel u dhow marinka Bab el-Mandeb.

Isagoo difaacaya tallaabadan, Shiri Fein-Grossman, oo ah madaxa Machadka Xiriirka Israa’iil iyo Afrika, ahna xubin horay uga tirsaneyd Golaha Amniga Qaranka Israa’iil, ayaa u sheegay warbaahinta i24 News: “Qof kastaa wuxuu eegayaa khariidadda, wuxuuna fahmayaa waxa ay Israa’iil halkan ka raadinayso. Aqoonsiga Somaliland wuxuu Israa’iil siinayaa goob istaraatiijiyadeed oo u dhow Xuutiyiinta Yemen, wuxuuna ku soo beegmayaa xilli Israa’iil ay u baahan tahay saaxiibo badan intii suurtagal ah.”

Hadalladeedu waxay ka turjumayaan xisaabaadka istaraatiijiyadeed ee Israa’iil, balse waxba kama beddelin maqaamka lagu muransan yahay ee gobolka iyo mowqifka adag ee Soomaaliya ee ah in Somaliland ay tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah dhulkeeda madax-bannaan.

Xiisadda Ankara iyo Tel Aviv oo xoogeysatay

Marka laga soo tago arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland, xiisadda u dhexaysa Turkiga iyo Israa’iil ayaa si weyn ugu qoto dheeraatay arrimaha Gaza, Suuriya iyo awood-sheegashada ballaaran ee gobolka, taas oo bannaanka soo dhigtay loollan juquraafi-siyaasadeed oo isa soo taraya oo u dhexeeya labadan quwadood ee milateri.

Wargeyska Middle East Eye ayaa ku warramay in Ra’iisul Wasaare Netanyahu uu si weyn u xoojiyey hadalladiisa adag ee ka dhanka ah Turkiga, xilli Ankara ay kordhinayso saameynta ay ku leedahay bariga badda Mediterranean-ka iyo Afrika, gaar ahaan aagagga Qubrus iyo Greece.

Qoraal uu soo dhigay barta X, ayuu Netanyahu ku eedeeyay Madaxweyne Erdogan inuu “xasuuqayo muwaadiniintiisa Kurdiyiinta ah” iyo inuu “hooy siinayo nidaamka argagixisada Iiraan iyo wakiilladiisa.”

Turkiga ayaa si adag uga jawaabay eedeymahan, iyadoo mas’uuliyiinta Ankara ay Netanyahu ku sifeeyeen inuu yahay “Hitler-kii xilligan,” iyagoo soo xiganaya hawlgallada milateri ee Israa’iil ay ka waddo Gaza iyo guud ahaan gobolka Bariga Dhexe.

Gabagabadii, in kasta oo Soomaaliya ay weli tahay masrax furan oo salka ku haya heshiisyada rasmiga ah ee tamarta iyo milateriga ee Turkiga, xiriirka Israa’iil ay la yeelatay maamulka gooni-isu-taagga ah ee Somaliland ayaa weji cusub ku soo kordhiyay loollanka xasaasiga ah ee ka taagan Geeska Afrika.

Khilaafkan ayaa ka turjumaya halgan ballaaran oo loogu jiro awood iyo saameyn oo ka soo bilowda Badda Cas ilaa Bariga Dhexe, iyadoo labadan dal ay raadinayaan saldhigyo istaraatiijiyadeed si ay u xoojiyaan cududdooda iyo saameyntooda goboleed.

Imaaraadka oo wada qorshe ka sii dari doona xiisadda kala dhaxeysa Sacuudiga

Washington (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta ayaa olole adag ugu jira in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu xisbiga Islaax ee dalka Yemen u aqoonsado urur argagixiso, tallaabo la filayo inay sii huriso xiisadda u dhexaysa Abu Dhabi iyo dowladda Sacuudi Carabiya oo ah taageeraha ugu weyn ee xisbigaas.

Ilo-wareedyo ka kala tirsan Mareykanka, Sacuudiga iyo Yemen ayaa u sheegay warbaahinta Middle East Eye in Abu Dhabi ay afartii bilood ee la soo dhaafay ku cadaadinaysay Washington in xisbiga Islaax lagu daro liiska Argagixisada Caalamiga ah ee sida gaarka ah loo calaamadeeyay (SDGT).

Tani ayaa timid kaddib markii Imaaraadku uu maamulka Trump u sheegay in go’aankii bishii Janaayo lagu diiwaangeliyay saddex garab oo ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin uusan ahayn mid ku filan.

Horraantii sanadkan, Washington ayaa ururro argagixiso u aqoonsatay laamaha Ikhwaanul Muslimiin ee dalalka Masar, Urdun iyo Lubnaan. Imaaraadka ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid taageeraysa dadaallada caalamiga ah ee la-dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta Imaaraadka ayaa si hoose uga carooday in go’aankaasi uusan gaarin yoolkoodii muddada dheer ee ahaa in gabi ahaanba ururka Ikhwaanul Muslimiin iyo dhammaan laamihiisa la mamnuuco, waana olole ay Abu Dhabi in ka badan toban sano ka wadday caasimadaha Mareykanka iyo Yurub.

Sarkaal Mareykan ah oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in Imaaraadku uu si dhab ah u aaminsan yahay in maamulka Trump uu mar uun qaadi doono tallaabadaas adag.

In kasta oo aan la ogeyn in mas’uuliyiinta Imaaraadka iyo dhiggooda Mareykanka ay ka wada hadleen waqtiga rasmiga ah ee arrintan, haddii Aqalka Cad uu xisbiga Islaax ku daro liiska SDGT, waxay qasbaysaa in hay’adaha maaliyadda ee Mareykanku ay xayiraan hanti kasta oo xiriir la leh xisbiga, xubnihiisana waxaa laga mamnuucayaa inay galaan dalkaas.

Sarkaalka Mareykanka ayaa xusay in haddii Imaaraadku uu ku guuleysto in xisbiga lagu daro liiska aadka u adag ee Ururada Argagixisada Shisheeye (FTO), ay taasi kicin karto caro xooggan oo ka timaada dhanka Sacuudiga, maadaama liiskaasi uu dhigayo in dacwad lagu soo oogi karo cid kasta oo gudaha Mareykanka ama dibaddiisa ku taageerta xisbiga Islaax.

Ilo xog-ogaal ah oo u dhashay Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in Boqortooyadu ay si weyn ula socoto in Imaaraadku uu doonayo in la mamnuuco dhammaan laamaha Ikhwaanul Muslimiin, gaar ahaan xisbiga Islaax, kaas oo ay Abu Dhabi u aragto garabka ugu halista badan sababo la xiriira miisaankiisa siyaasadeed iyo doorkiisa dalka Yemen.

Xisbiga Islaax oo la aasaasay in ka badan soddon sano ka hor, ayaa fariimihiisa siyaasadeed isugu dara mabaadi’da Islaamiga ah, dhaqanka qabiilka iyo qiyamka muxaafidka ah. In kasta oo inta badan lagu tilmaamo mid fikir ahaan ku dhow Ikhwaanul Muslimiin, xisbigu wuu beeniyaa xiriir kasta oo uu la leeyahay ururkaas, wuxuuna u dhaqmaa sidii urur siyaasadeed oo Yemeni ah oo madax-bannaan.

Labo xubnood oo ka tirsan Golaha Madaxtooyada Yemen (PLC) oo ka kooban siddeed xubnood ayaa ka tirsan xisbiga Islaax. Waxaa ka mid ah guddoomiyaha gobolka Marib, Suldaan Cali Al-Carada, iyo Cabdullaahi Al-Calimi Bawaasiir, kuwaas oo fadhiya golaha uu Sacuudigu taageero.

Hase yeeshee, Imaaraadka ayaa dhowr jeer ku eedeeyay xisbiga inuu xiriir la leeyahay Ikhwaanul Muslimiin, isagoo isku dayay inuu siyaasad ahaan iyo milateri ahaanba u karantiilo isagoo taageeraya xoogagga ka soo horjeeda ee dalkaas ka jira sida Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta (STC).

In kasta oo Sacuudiga iyo Imaaraadku ay dagaalka Yemen si wadajir ah isbaheysi ahaan ugu galeen, yoolalkooda istaraatiijiyadeed ayaa si weyn u kala weecday tan iyo xilligaas. Xiisadda labada dal oo soo jiitamaysay ayaa si weyn u qaraxday bishii Diseembar markii Sacuudigu uu xoog ku kala diray golaha STC, isagoo waday qorshe uu Imaaraadka iyo wakiilladiisa kaga saarayo dalkaas.

Sidoo kale, Badda Cas dhinaceeda kale, labada dal ayaa isku haya isku-dhaca dalka Suudaan, halkaas oo Riyadh, Ankara iyo Qaahira ay taageeraan ciidamada milateriga, halka Abu Dhabi ay gacan siiso ciidamada RSF.

Sida uu xaqiijiyay sarkaalka Sacuudiga ah, kaddib digreetadii madaxweyne Trump ee bishii Nofembar lagu bartilmaameedsaday laamo ka tirsan Ikhwaanul Muslimiin, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa billowday inay xiriir la sameyso dhinacyada ay khuseyso gobolka si looga wada-tashto in xisbiga Islaax liiska madow lagu daro iyo in kale.

Maamulka Trump ayaa la sheegay inuu su’aalo u diray mas’uuliyiinta Sacuudiga iyo xisbiga Islaax qudhiisa si ay uga baaraan-degaan go’aankooda. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho wada-tashiyadaas gudaha ah.

Ilaa hadda, xisbiga Islaax kama uusan hadlin ololaha laga wado, balse xubin ka tirsan xisbiga ayaa sheegay in aysan la yaabin dhaqdhaqaaqa Abu Dhabi. Mas’uulkan oo codsaday inaan la magacaabin sababo la xiriira dilal qorsheysan oo dhowaan soo batay dalkaas, ayaa xusay in xisbigu uu ku guda jiro iska-caabbinta eedeymahan, uuna Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka kala xiriiro dhinac saddexaad.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in Islaax uu yahay xisbi Yemeni ah oo aan wax xiriir ah la lahayn Ikhwaanul Muslimiin, in kasta oo uu xusay inay soo dhoweynayaan taageerada Ikhwaanku siinayo Falastiin.

Cabdullaahi Al-Arian, oo ah bare-sare oo ka tirsan Jaamacadda Georgetown ee dalka Qatar, ayaa tilmaamay in in kasta oo Riyadh iyo Abu Dhabi ay labaduba Ikhwaanul Muslimiin u aqoonsadeen urur argagixiso, haddana Imaaraadku uu qaatay siyaasad adag oo “eber-dulqaad ah” marka ay timaado la-tacaalidda laamaha ururkaas, isagoo aan eegayn faa’iidooyinka siyaasadeed ee muddada gaaban.

Wuxuu raaciyay in Imaaraadku uu leeyahay ajande qoto dheer oo ku dhisan aragti fikir, taas oo aan laga dhex arkin dhanka Sacuudiga oo iyagu kooxahan u adeegsada dano istaraatiijiyadeed iyo xeelado siyaasadeed oo xilligaas taagan.

Safaaradda Imaaraadka ee Washington iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaan wali wax jawaab ah ka bixin codsiyo warbaahintu u dirtay oo la xiriira arrintan.

Soomaaliya oo qaabeynaysa mustaqbalkeeda fagaarayaasha caalamka – Sidee?

Siyaasadda caalamiga ah, goobaha uu dal ku leeyahay kursi ama ka mid noqoshada hay’adaha caalamiga ah ayaa inta badan la mid ah muhiimada waxa uu yiraahdo.

Muddo tobannaan sano ah, Soomaaliya waxay inta badan ahayd dal laga hadlo marka laga doodayo amniga caalamka, balse si dhif ah ayay uga qayb qaadan jirtay go’aan ka gaarista arrimahaas. Maanta, xaqiiqadaas si weyn ayay isu beddelayaa, iyadoo leh miisaan astaan iyo mid wax-ku-ool ah.

Doorashadii dhowaan Soomaaliya loogu doortay Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika (AU PSC), iyo xubinnimada ay ku leedahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC), waxay muujinayaan isbeddel weyn oo ku yimid jihada diblomaasiyadeed ee dalka.

Muddo dheer, Soomaaliya waxay ahayd dal laga hadlo oo keliya goobaha ugu muhiimsan ee amniga caalamka, balse hadda waxay noqotay mid ajandaha miiska saaran dejinaysa.

Isbeddelkan ma aha oo kaliya guul hab-raac ah, balse wuxuu muujinayaa biseylka hay’adaha diblomaasiyadda iyo amniga Soomaaliya, iyo dib-u-dhiska kalsoonida caalamiga ah ee dalka, kaddib tobannaan sano oo colaad iyo jilicsanaan dowladeed ah.

Intii lagu jiray soddonkii sano ee la soo dhaafay, go’aannada la xiriira amniga Soomaaliya waxaa inta badan lagu gaari jiray qolal aysan joogin ama codkoodu aad u liitay.

Waddamo shisheeye ayaa ka doodi jiray faragelinta, cunaqabateynta, waajibaadka howlgalada nabad ilaalinta, iyo jawaabaha bini’aadantinimo, halka Soomaaliya ay la daalaa-dhaceysay xasillooni darro gudaha ah.

Xubinnimada Golaha Ammaanka ee QM iyo Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika ayaa si aasaasi ah u beddeshay xaaladdaas. Labadan gole ma aha kuwo astaan kaliya ah; waxay gaaraan go’aanno waajib ah, waxay ansixiyaan qaraarro, waxay oggolaadaan howlgalada nabad ilaalinta, waxayna saameeyaan qaab-dhismeedka sharciga caalamiga ah.

Inkastoo arrintani u muuqan karto mid fudud, haddana saameynteedu waa mid aad u qoto dheer, maadaama Soomaaliya ay hadda qayb ka tahay go’aan ka gaarista siyaasadaha saameeya amnigeeda iyo horumarkeeda.

Ka-qaybgalkaas wuxuu xoojinayaa dhismaha dowladnimada siyaabo kala duwan. Wuxuu kordhinayaa awoodda hay’adaha diblomaasiyadda, wuxuu sare u qaadaa daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka iyadoo lala jaanqaadayo heerarka caalamiga ah, wuxuuna Soomaaliya si dhow ugu xiraa shuruucda iyo dhaqamada diblomaasiyadeed ee caalamka.

Soomaaliya waxay ka gudbaysaa heer ay ahayd dal qaata go’aannada caalamiga ah, una gudbaysa dal ka qayb qaata dejintooda. Doorka ay ku leedahay labadan gole wuxuu sidoo kale leeyahay muhiimad matalaadeed oo ka baxsan xuduudaheeda.

Iyadoo xubin ka ah UNSC iyo AU PSC, Soomaaliya waxay heshay boos diblomaasiyadeed oo naadir ah, iyadoo mar qura matalaysa danaha qaaradda Afrika, dunida Carabta iyo Islaamka, iyo sidoo kale dalalka ugu liita dhinaca horumarka (LDCs).

Arrimaha ay daneynayaan dalalkan ayaa inta badan hoos u dhici jiray marka la barbar dhigo danaha waddamada awoodda leh, balse hadda Soomaaliya ayaa u istaageysa matalaaddooda.

Khibradda ay Soomaaliya u leedahay dib-u-dhiska hay’adaha kaddib colaadaha, maareynta isbeddellada adag ee amniga, iyo isu dheellitirka madaxbannaanida iyo iskaashiga caalamiga ah, waxay u saamaxeysaa inay u dooddo nafteeda iyo sidoo kale mabaadi’da guud sida nabad loo dhan yahay, horumar waara oo la xiriira amniga, iyo ka-qaybgal siman oo go’aan qaadashada caalamiga ah.

Nabad caalamka, nabad gudaha Hindisaha siyaasadeed ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee 2022, oo ahaa “Soomaaliya oo la heshiisay nafteeda, isla markaana la heshiisay dunida”, ayaa si isa soo taraysa uga muuqda xubinnimada cusub ee dalka.

Aragtidan ayaa muujineysa waxtarkeeda, maadaama ka-qaybgalka Soomaaliya ee go’aan qaadashada nabadda caalamiga ah uu la jaanqaadayo dadaallada xasillinta gudaha.

Kuraasta ay Soomaaliya ku leedahay UNSC iyo AU PSC waxay si toos ah u xoojinayaan geeddi-socodka dhismaha dowladnimada. Ka-qaybgalka firfircoon ee dejinta nabadda caalamiga ah wuxuu sidoo kale taageerayaa sida arrimaha amniga iyo nabadda gudaha loo maareynayo.

Sanad go’aan leh: 2026 Sanadka 2026 wuxuu xambaarsan yahay fursad gaar ah, maadaama Soomaaliya ay isku mar xubno uga tahay AU PSC iyo UNSC, taas oo siinaysa madal diblomaasiyadeed oo aan horey u jirin.

Doorkan laba-geesoodka ah wuxuu u oggolaanayaa inay noqoto buundo isku xirta nidaamyada amniga ee heer gobol iyo heer caalami. Waxay hubin kartaa in mudnaanta amni ee Soomaaliya ay ka muuqato go’aamada Midowga Afrika, isla markaana mudnaanta Afrika ay ka muuqato qaraarrada caalamiga ah.

Sidoo kale, waxay u tarjumi kartaa ballanqaadyada caalamiga ah tallaabooyin goboleed oo la jaanqaadi kara duruufaha gudaha.

Arrintani kuma koobna diblomaasiyadda iyo doodaha siyaasadeed, balse waxay fursad u tahay in la gaaro isbeddel dhab ah oo taabanaya nolosha maalinlaha ah ee shacabka Soomaaliyeed, sida la dagaallanka argagixisada, taageerada xasillinta, gargaarka bini’aadantinimo, maalgelinta horumarka, amniga cimilada, iyo nidaamyo siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Mustaqbalka oo ku dhisan ka-qaybgal Saameyn weyn waxay la timaaddaa mas’uuliyad weyn. Xubinnimada golayaashan waxay u baahan tahay joogteyn iyo u hoggaansanaan heerarka caalamiga ah.

Soomaaliya waxay hadda diyaar u tahay inay dhex marto jawigan adag ee diblomaasiyadeed, iyadoo isku dheellitiraysa danaha qaranka iyo waajibaadka amniga caalamiga ah.

Haddii Soomaaliya sii waddo jihadan, saameynteeda caalamiga ah ayaa sii xoojin doonta hay’adaha gudaha, taas oo markeeda kordhin doonta awooddeeda mustaqbalka.

Joogitaanka Soomaaliya ee heerarka ugu sarreeya ee maamulidda amniga caalamiga ah iyo kan gobolku wuxuu astaan u yahay guul weyn oo ka mid ah safarkeeda dheer ee dib-u-soo kabashada iyo xasilloonida.

Waxay ka tarjumeysaa sannado badan oo dadaal diblomaasiyadeed, dib-u-dhis hay’adeed, iyo soo celinta kalsoonida caalamiga ah. Sidoo kale, waxay muujineysaa mustaqbal ay Soomaaliya si isa soo taraysa ugu qeexmi doonto xasillooni halkii ay ka ahaan lahayd qalalaase.

Dal mar ku sugnaa hareeraha go’aan qaadashada caalamiga ah, isbeddelkan wuxuu yahay mid taariikhi ah oo rajo leh, kana dhigan in Soomaaliya ay ka gudbeyso go’doon una gudbeyso ka-qaybgal firfircoon.

Jiilka cusub ee Soomaaliyeed ee ku koray maqalka in dalkoodu horumar gaari karin, guulahan diblomaasiyadeed waxay siinayaan sheeko cusub oo dhiirrigelin leh, kalsooni soo celinaysa, isla markaana dib u dhiseysa rajada mustaqbalka qaranka.

Caqabadaha weli way jiraan, balse Soomaaliya waxay maanta ku jirtaa meel ay si wanaagsan uga gudbi karto, iyadoo aan ahayn daawade keliya, balse ah dal si firfircoon u qaabeeya mustaqbalkiisa. Tani sidoo kale waa qayb ka mid ah siyaasadda difaaca diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, oo ku dhisan iskaashi caalami ah iyo isku-tiirsanaan wadajir ah.

W/Q: Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, oo ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya

Pakistan oo la soo xiriirtay dowladda Soomaaliya kadib markii laga afduubtay 11 qof

Islamabad (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa Khamiistii xaqiijisay inay xiriir dhow la leedahay dowladda Soomaaliya, kaas oo salka ku haya dhibaatada la haystayaasha u dhashay Pakistan ee saaran markab shidaal oo la afduubtay.

Toddobaadkii hore, kooxo burcad badeed hubeysan ayaa xeebaha Soomaaliya ka qafaashay markab shidaal qaada, iyagoo afduub ahaan u haysta 11 badmaax oo u dhashay dalka Pakistan iyo kabtankii markabka oo u dhashay dalka Indonesia.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan, Tahir Andrabi, oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee toddobaadlaha ah, ayaa xaqiijiyay in burcad badeeddu ay sidoo kale wada-hadallo kula jiraan milkiilaha markabka.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa xaqiijinaya in Dowladda Soomaaliya ay ballan-qaaday wadashaqeyn buuxda oo ay la yeelato Pakistan, si loo badbaadiyo loona hubiyo soo laabasho nabad-qabta oo ay helaan badmaaxayaasha laga qafaashay markabka shidaalka ee Honour 25.

Ilo-wareedyadan ayaa muujinaya in Soomaaliya ay si rasmi ah u bixisay dammaanad-qaad qoraal ah oo ay ku taageerayso hawlgallada samata-bixinta la haystayaasha. Dowladda Pakistan ayaa walaacan si toos ah ugala hadashay mas’uuliyiintii Soomaaliya markii ay soo baxday in burcad badeeddu ay la wareegeen kow iyo toban muwaadin oo u dhashay dalkeeda.

Dadaallo is-daba-joog ah ayaa xilligan socda kuwaas oo lagala shaqeynayo dowladda Soomaaliya si loo fududeeyo sii deynta shaqaalahaas. Dhanka kale, qoysaska la haystayaasha ayaa codsi degdeg ah u diray Ra’iisul Wasaaraha dalka, Shehbaz Sharif, iyo Taliyaha Ciidamada Badda, Admiral Naveed Ashraf, iyagoo ka baryay in tallaabo wax-ku-ool ah la qaado si eheladooda dib loogu soo celiyo iyagoo nabad qaba.

Afduubyada dib uga soo cusboonaaday xeebaha Soomaaliya ayaa dib u soo nooleeyay walaaca laga qabo in ay soo rogaal celiyaan weeraradii burcad badeedda fursad-doonka ah ee ka dhici jiray Badweynta Hindiya.

Weeraradii burcad badeedda ee xeebaha Soomaaliya ayaa heerkoodii ugu sarreeyay gaaray sanadkii 2011-kii, xilligaas oo kooxo hubeysan ay weeraro ka fuliyeen masaafo aad u fog oo gaareysa ilaa 3,655 kiiloomitir gudaha badda.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay cirka isku shareertay xiisadda gobolka, isla markaana carqalado xooggan ay ku yimaadeen marinnada maraakiibta ganacsiga, oo uu ku jiro marinka muhiimka ah ee Hormuz.

Isagoo ka hadlayay go’doominta marinkaas, Andrabi wuxuu sheegay inuu yahay waddo halbowle u ah ganacsiga badda iyo shixnadaha shidaalka ee caalamka, wuxuuna ku celiyay taageerada dalkiisa ee ku aaddan in si degdeg ah dib loogu soo celiyo isu-socodkii caadiga ahaa ee badda gobolka. “Xirnaanshaha marinka Hormuz wuxuu saameyn ba’an ku yeelanayaa adduunka oo dhan,” ayuu raaciyay.

Wuxuu si qoto dheer u sharraxay in furitaanka marinka Hormuz uu yahay mid lagama maarmaan u ah tamarta, ganacsiga, iyo saadka badeecadaha, isagoo yiri, “Waxaan rajeyneynaa in wada-xaajoodyadu ay mira-dhalaan, waddadii ganacsigana dib loo soo celiyo.”

“Waxaan arrintan kala xiriirnay dhinacyada ay khuseyso. Marka ay timaado wada-xaajoodyada, talooyin cusub iyo kuwo horeba miiska ayay saaran yihiin. Waxaan rajeyneynaa in nabadi ay hirgasho,” ayuu yiri Andrabi, isagoo tixraacayay dadaallada la doonayo in leeskugu soo dhaweeyo aragtiyada Mareykanka iyo Iiraan, lana soo afjaro cadaawadda iyo iska-hor-imaadka u dhexeeya labadaas dal.

Wasiir Nadara oo kormeer lama filaan ah ku tegay safaaradda Koonfur Afrika + Sawirro

0

Johannesburg (Caasimada Online) – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali (Nadara) ayaa maanta booqasho ku tegay safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika.

Booqashada wasiir ku-xigeenka ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda ay ku dooneyso in lagu xoojiyo kormeerka howlaha safaaradaha dalka dibaddiisa iyo kor u qaadista tayada adeegyada la siiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka waxaa ku wehliyay safarkan agaasimaha waaxda qurbo-joogta Soomaaliyeed, Ibraahim Guure Maxamed, oo door muhiim ah ka qaata xiriirka iyo adeegyada loo fidiyo jaaliyadaha dibadda ku nool.

Intii ay socotay booqashada, wasiir ku-xigeenka ayaa si dhow u kormeeray dhismaha safaaradda oo dib u habeyn lagu sameeyay, isaga oo u kuurgalay xaaladda guud ee xarunta iyo habsami u socodka shaqooyinka maalinlaha ah.

Mas’uuliyiinta safaaradda, oo uu hoggaaminayay Ku-simaha Safiirka ahna safiir ku-xigeenka safaaradda, Ismaaciil Cabdulle Soomane ayaa si diirran u soo dhaweeyay wafdiga, waxayna warbixin ka siiyeen adeegyada ay bixiyaan iyo howlaha socda.

Wasiir ku-xigeenka ayaa bogaadiyay horumarka muuqda ee laga gaaray safaaradda, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta adeegyada diblomaasiyadeed iyo qunsuliyadeed ee loo fidiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika.

Ugu dambeyn, waxa uu wasiirku xaqiijiyay sida ay wasaaraddu uga go’an tahay casriyeynta safaaradaha dibadda iyo horumarinta adeegyada diblomaasiyadeed, si ay ula jaanqaadaan baahiyaha muwaadiniinta iyo kobaca guud ee adeegyada dowladda Soomaaliya.

U.S. turn to Eritrea dents Somaliland’s Washington pitch

Hargeisa, Somalia — A reported US push to reopen ties with Eritrea has dealt a fresh strategic blow to Somaliland, the breakaway region of Somalia, by undermining the argument Hargeisa has tried to sell for months in Washington: that the self-declared republic is the most useful new American partner on the Red Sea.

The Wall Street Journal reported that the Trump administration is exploring a reset with Eritrea, including the possible easing of some sanctions. The shift comes as Washington reassesses Red Sea security amid Iranian pressure on maritime routes and persistent Houthis threats near the Bab al-Mandeb.

At the very moment Somaliland has been marketing Berbera as an answer to US anxieties over shipping lanes, the administration appears to be studying a different route through a recognised state with a long Red Sea coastline.

That shift matters because Somaliland’s recent diplomacy has rested heavily on geography.

Its officials and supporters have argued that Berbera’s port, long runway and position near the Gulf of Aden make it a natural alternative to Djibouti as US concerns deepen over the Red Sea, Yemen and Iran.

But if Washington is now considering Eritrea instead, then Somaliland’s claim to be uniquely placed begins to look much weaker.

Eritrea offers a strategic coastline without forcing the United States into the legal and diplomatic complications of openly embracing a breakaway region that is part of Somalia.

Within the state system

The problem for Somaliland is not only that Eritrea has entered the picture. It is that the broader US signal has become less favourable to Hargeisa’s central message.

Fox News reported on April 13 that a State Department spokesperson reaffirmed US recognition of the sovereignty and territorial integrity of the Federal Republic of Somalia, including Somaliland. Separately, an AFRICOM spokesperson said Washington is not seeking to establish new basing.

Those are not minor details. They strike directly at the two ideas that have powered Somaliland’s campaign: that the United States could soon want Berbera for military purposes, and that strategic urgency might push Washington closer to political recognition.

The significance of that position is greater because the United States already has a major military platform in the region.

Camp Lemonnier in Djibouti remains the primary base of operations for the US Africa Command in the Horn of Africa. That means Washington is not looking for an entry point from scratch. It already has one.

The issue is whether it wants additional leverage and flexibility as the Red Sea grows more volatile. If Eritrea can offer part of that through state-to-state engagement, Somaliland becomes less essential to US planning than its advocates have suggested.

That is the deeper strategic setback for Hargeisa. Somaliland has tried to argue that the Red Sea crisis has made it unavoidable. The Eritrea track suggests the opposite.

Washington may still see value in Somaliland’s geography, but it is also showing that it prefers to test options that do not immediately trigger a recognition dispute, a clash with Mogadishu or a broader regional backlash over borders in the Horn of Africa.

In hard geopolitical terms, Eritrea offers the United States a route to greater Red Sea access without forcing a decision on Somaliland’s status.

Mogadishu’s regional backers

For Somalia’s federal government, this is a political and diplomatic gain.

Mogadishu’s core argument has long been that outside powers can pursue shipping, security, and Red Sea interests without infringing on Somali sovereignty.

The current US posture appears to support that case rather than weaken it. Washington has not endorsed a new base in Somaliland and has restated Somalia’s territorial integrity. It is reportedly examining Eritrea through official channels rather than moving toward a break with the established regional order.

The timing also works in Mogadishu’s favour because Somalia is backed by three regional powers with weight in Washington: Saudi Arabia, Egypt and Türkiye.

Turkish President Tayyip Erdogan said in February that Israel’s recognition of Somaliland would benefit neither Somaliland nor the Horn of Africa. A Saudi-Turkish joint statement issued the same month reaffirmed support for the sovereignty, territorial integrity and unity of Somalia.

Egypt has taken the same line. Last week, President Abdel Fattah al-Sisi received Trump adviser Massad Boulos in Cairo.

The Egyptian presidency said Boulos conveyed President Donald Trump’s appreciation and stressed the importance of continued coordination and consultation between Cairo and Washington.

That does not prove Saudi Arabia, Egypt or Türkiye dictated Washington’s Eritrea thinking. But it does suggest the White House has strong reasons to factor in the preferences of three regional powers aligned with Mogadishu and carrying real weight in its wider Middle East diplomacy.

Egypt, Türkiye and Saudi Arabia are all important players in the broader regional effort to contain escalation involving Iran and the United States.

In that context, Washington may not need to be lobbied directly on every Horn of Africa file to take their views seriously. It may simply judge that on matters touching the Red Sea, Gulf security and the Horn, their preferences carry strategic value.

Wider regional contest

The UAE sits on the other side of that equation. Abu Dhabi has long had a strategic stake in Somaliland through Berbera and its wider commercial and security footprint in the Horn.

Somalia moved in January to annul all agreements with the United Arab Emirates, including port deals and defence and security cooperation, accusing Abu Dhabi of undermining Somali sovereignty. DP World’s major investment in Berbera, however, remained in place.

That rupture matters because it reinforced the view in Mogadishu that Somaliland’s external push was not unfolding in isolation, but alongside Emirati interests built up over years of investment and influence in Berbera.

That wider regional contest sharpens the contrast now facing Washington.

On one side stand Saudi Arabia, Egypt, and Türkiye, all publicly aligned with Mogadishu on Somalia’s territorial integrity and all important to US regional calculations.

On the other is an Emirati footprint that expanded through Berbera and helped make Somaliland more attractive to outside powers in the first place.

Against that backdrop, a US turn toward Eritrea looks even more damaging to Somaliland’s case. It suggests Washington is looking for Red Sea leverage without taking on the political baggage attached to Somaliland’s disputed status.

Geography is not enough

None of this means Somaliland has lost all strategic relevance. Berbera still has obvious military and commercial value. US officials may continue to quietly assess it, and Somaliland will keep arguing that its relative stability and location make it an attractive partner.

But the latest reporting has changed the balance of the story.

The US military is publicly saying it is not seeking new basing. The State Department is publicly restating Somalia’s territorial integrity. And the administration is reportedly examining Eritrea as a way to strengthen its Red Sea posture through a recognised state rather than a breakaway region.

For Somaliland, that is a sobering message. Strategic geography can open doors, but it does not, by itself, override the logic of recognition, existing military infrastructure, and regional diplomacy.

For Mogadishu, however, the picture is far more encouraging. Washington is pursuing Red Sea security through Djibouti, Cairo and now possibly Eritrea, while keeping close to regional powers that back Somalia’s unity. That makes it much harder for Somaliland to argue that America needs to go through Hargeisa first.

Guddiga doorashooyinka oo si adag uga horyimid magacaabistii shalay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si adag uga horyimid tallaabo kasta oo ka hor imanaysa dastuurka cusub iyo sharciga doorashooyinka qaranka, xilli uu shalay guddoomiyaha gobolka Banaadir uu magacaabay guddoomiye degmo.

Guddiga doorashooyinka ayaa caddeeyay in golayaasha deegaanka ee ku soo baxay doorashadii 25-ka December 2025, loona dhaariyay xilkaas 2-dii April 2026 ay yihiin golayaal rasmi ah oo ka tirsan maamulada degmooyinka gobolka Banaadir.

Xubnahan ayuu guddigu sheegay inay u dhiman tahay oo kaliya inay iska dhex doortaan guddoomiyaasha degmooyinka iyo ku-xigeennadooda si ay ula wareegaan xilka iyo waajibaadka loo igmaday.

“Guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ee hadda xilka haya waxay ku jiraan marxaladda xilgaarsiinta, mas’uuliyadooduna waxay ku egtahay inta laga soo dooranayo guddoomiyaasha iyo ku-xigeennada degmooyinka, sida kor ku xusan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed uu caawa soo saaray guddiga doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa lagu yiri: “Talaabo kasta ee Maamul oo kahor imaaneysa Dastuurka JFS iyo sharciga doorashooyinka qaranka waa mid aan sal sharci lahayn, waxaana aan ka badaleynin dhamaystirka dhismaha maamulada degmooyinka gobolka Banaadir.”

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa shalay guddoomiye cusub u magacaabay degmada Dayniile, taas oo hadal-hayn badan dhalisay, isla markaana keentay in guddigu caawa kasoo saaro war-saxaafadeed.

“Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha cusub ee Degmada Dayniile, Mudane Cabdiraxmaan Macallim Xuseen, in uu mudnaan siiyo horumarinta degmada, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga ah,” ayaa lagu yiri wareegtada magacaabista ee kasoo baxday xafiiska Duqa Muqdisho.

Screenshot

Somalia pledges help as pirates hold Pakistani crew hostage

Islamabad, Pakistan — Somalia has pledged to work with Pakistan to secure the release of 11 Pakistani sailors held aboard the hijacked oil tanker Honour 25, officials and diplomatic sources said Thursday.

Pakistan’s Foreign Office said Islamabad remained in contact with Somali authorities after armed pirates seized the tanker near Somalia last week and took the Pakistani crew members and the vessel’s Indonesian captain hostage.

Foreign Office spokesman Tahir Andrabi said the pirates had also contacted the ship’s owner.

Diplomatic sources told Somalia Today that Somalia had given written assurances that it would support efforts to rescue the crew and ensure their safe return. 

Sources say Mogadishu pledged full cooperation after Islamabad raised the case directly with Somali authorities.

Families plead for action

Six armed men seized the tanker on April 21 off the Somali coast, according to maritime and security reports.

The vessel had 17 crew members on board, including the Indonesian captain and 11 Pakistanis, several of them from Karachi.

A video that surfaced after the hijacking appeared to show crew members crammed into a small space in poor conditions, deepening fears among families who say they have received little direct information about their relatives.

Second engineer Syed Hussain Yousaf, who left Karachi in January, is among those on board.

His wife, Amreen Yousaf, said she last spoke properly to him on the day the pirates seized the tanker.

“After that, we lost contact for two days,” she said.

His daughter Batool said the uncertainty had affected her schooling and left the family desperate for answers.

“We feel very worried and don’t know what will happen,” she said.

Pakistan’s Maritime Affairs Minister Junaid Anwar Chaudhry has sought a detailed report on the hijacking and directed authorities to intensify efforts to recover the crew.

The ministry said it remained in constant contact with relevant agencies and had asked the Foreign Office to begin urgent diplomatic engagement with Somalia.

Sindh Governor Nehal Hashmi said the families had approached his office and insisted the government had not forgotten the hostages.

“They are not abandoned; the government stands with them,” he said, adding that Pakistan’s embassy was in “full contact” with relevant parties.

Piracy fears return

The Honour 25 incident has renewed concern that Somali pirate networks, once largely contained by international naval patrols, are again probing gaps in maritime security.

The European Union Naval Force’s Operation Atalanta confirmed this week that it was monitoring the Honour 25 and another hijacked vessel, the merchant ship Sward.

It said the Honour 25 reported a piracy incident on April 21 and that a Japanese maritime patrol aircraft later confirmed the tanker’s location inside Somali territorial waters.

Atalanta said its assets reached the pirated tanker on April 25 and remained in the area. It added that the vessel posed no threat to other ships.

The EU force said it also maintained direct contact with Somali forces and continued to exchange information on the piracy cases.

The Maritime Security Centre Indian Ocean said authorities were investigating three piracy-related incidents: the Honour 25, a dhow hijacked on April 25, and the Sward, seized on April 26.

It urged vessels within 150 nautical miles of the Somali coast between Mogadishu and Hafun to maintain heightened vigilance.

Somali piracy peaked in 2011, when gunmen launched attacks across the Indian Ocean, sometimes thousands of kilometres from the Somali coast.

International naval patrols, armed guards and tighter industry security measures later drove attacks down sharply. But recent hijackings have revived fears that armed groups are exploiting reduced patrol coverage and wider turmoil in nearby shipping lanes.

Pressure on shipping routes

The crisis comes as global shipping faces pressure from several fronts, including tensions in the Strait of Hormuz and continued insecurity in the Red Sea and the Gulf of Aden.

Andrabi said Pakistan wanted maritime flows restored and warned that disruption in the Strait of Hormuz would affect countries far beyond the region.

“The closure of the Strait of Hormuz affects the entire world,” he said.

He said the world needed the strait to remain open for energy, trade and the movement of goods, adding that Islamabad stayed in contact with relevant parties and hoped negotiations would succeed.

“We hope the negotiations will succeed and the trade route will be restored,” Andrabi said.

“We are in contact with the relevant parties on the matter. Regarding negotiations, both new and old proposals are on the table. We hope peace will prevail,” he added, referring to efforts to ease tensions between the United States and Iran.

For the families in Karachi, however, the immediate concern is not the wider geopolitics of maritime security, but the fate of the sailors still trapped aboard the Honour 25.

They have appealed to Prime Minister Shehbaz Sharif and Naval Chief Admiral Naveed Ashraf to act urgently and bring the crew home, as Pakistani and Somali officials continue efforts to secure their release.

Pakistan oo jebisay go’doominta Mareykanka ee Iran – Maxay tallaabo qaaday maanta?

Islamabad (Caasimada Online) – Pakistan ayaa furtay lix waddo oo cusub oo ah kuwa isku-gudbinta dhulka oo loogu tala-galay badeecadaha u socda Iran.

Tallaabadan ayaa si rasmi ah u abuuraysa marin dhinaca berriga ah oo mara dalkaasi, xilli kumannaan konteenarro ay ku xanniban yihiin dekedda Karachi sababo la xiriira go’doominta ay Mareykanku saareen dekedaha Iran iyo maraakiibta isku dayaya inay maraan Marinka Hormuz.

Wasaaradda Ganacsiga Pakistan ayaa 25-kii Abriil soo saartay wareegtada nidaamka isku-gudbinta vadeecadaha ee dhulka Pakistan ee 2026, kaas oo dhaqangelay isla markiiba.

Wareegtadan ayaa ogolaanaysa in badeecadaha ka imanaya dalalka saddexaad la marsiiyo Pakistan, laguna gaarsiiyo Iran dhinaca waddooyinka berriga. Ku dhawaaqistan ayaa ku soo aadday xilli Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi uu booqasho ku tagay Islamabad si uu wadahadallo ula yeesho Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif iyo Taliyaha Ciidanka Asim Munir.

Tani waa tii ugu dambeysay ee xiriirro diblomaasiyadeed ah, iyadoo Pakistan ay doonayso inay dhexdhexaadiso sidii loo soo afjari lahaa dagaalka labada bilood u dhexeeya Washington iyo Tehran.

Wasiirka Federaalka ee Ganacsiga, Jam Kamal Khan ayaa hindisahan ku tilmaamay “tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca horumarinta ganacsiga gobolka iyo kor u qaadista doorka Pakistan ee marin ganacsi oo muhiim ah.”

Iran weli si fagaare ah ugama hadlin tallaabadan, su’aal ay shabakadda Al Jazeera u dirtay safaaradda Iran ee Islamabad ayaana weli aan wax jawaab ah laga bixin. Wareegtadan cusub ma khusayso badeecadaha asal ahaan ka yimaada India.

Wareegto gaar ah oo ay horay u soo saartay Wasaaradda Ganacsiga bishii May 2025, kaddib dagaalkii xagga cirka ahaa ee dhexmaray India iyo Pakistan bishaas, ayaa mamnuucaysa in wax badeecad ah oo India ka timaada la marsiiyo Pakistan noocuu doono ha ahaadee, sharcigaasina weli waa uu dhaqangalsan yahay.

Waddooyinka iyo nidaamyada cusub

Lixda waddo ee la cayimay ayaa isku xiraya dekedaha waaweyn ee Pakistan—Karachi, Port Qasim, iyo Gwadar— iyo laba bar-kantarool oo ku yaalla xadka Iran, oo kala ah Gabd iyo Taftan. Waddooyinkan ayaa sii mara gobolka Balochistan, iyagoo dhex maraya magaalooyinka Turbat, Panjgur, Khuzdar, Quetta iyo Dalbandin.

Waddada ugu gaaban oo ah marinka Gwadar–Gabd ayaa soo gaabinaysa waqtiga safarka ee xadka Iran, oo ka dhigaysa inta u dhaxaysa laba ilaa saddex saacadood, marka la barbar dhigo 16 ilaa 18 saacadood oo ay qaadato in xadka Iran laga gaaro Karachi, oo ah dekedda ugu weyn Pakistan.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in waddada Gwadar–Gabd ay dhimi karto kharashka gaadiidka boqolkiiba 45 ilaa 55 marka loo eego kharashka dekedda Karachi. Balse Iran, shirkadaha u soo dira badeecadaha dalkeeda, iyo gaadiidleyda kaleba, dhammaan waddooyinka soo gala dhulka Iran maanta waa xulashooyin muhiim ah, iyadoo marinkii ugu weynaa ee xagga badda oo ay dhaqan ahaan isticmaali jireen Marinka Hormuz uu go’doomiyay Ciidanka Badda Mareykanka.

Marin ka dhashay colaad

Dagaalka hadda u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ayaa bilowday 28-kii Febraayo, markaas oo ciidamada Mareykanka iyo Israa’iil ay weeraro ku qaadeen Iran.

Toddobaadyadii xigay, Iran ayaa xaddidday isu-socodka ganacsiga ee Marinka Hormuz, oo ah marin-biyood cidhiidhi ah oo qiyaastii shan-meelood-meel (1/5) saliidda iyo gaaska adduunka ay maraan xilliyada nabadda, taasoo carqaladeysay mid ka mid ah halbowlayaasha ugu muhiimsan ganacsiga adduunka.

Pakistan ayaa garwadeen ka noqotay xabbad-joojin dhacday 8-dii Abriil, waxayna martigelisay wareeggii ugu horreeyay ee wadahadallo toos ah oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iran 11-kii Abriil, kuwaas oo ka dhacay Islamabad. Wadahadalladaas oo socday ku dhawaad maalin dhan ayaa ku dhammaaday heshiis la’aan.

Laba maalmood kaddib, Washington ayaa go’doomin dhinaca badda ah saartay dekedaha Iran, taasoo ceejisay marinadii badda ee Tehran. Wareeggii labaad ee wadahadallada ayaa tan iyo markaas xayiran. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa baajiyay booqasho qorshaysnayd oo ay ergooyinka gaarka ah ee Steve Witkoff iyo Jared Kushner ku tegi lahaayeen Islamabad dhammaadkii usbuucii hore.

Iran ayaa meesha ka saartay wadahadallo toos ah oo lala yeesho Washington inta ay go’doomintu sii socoto, inkastoo Araghchi uu u sheegay mas’uuliyiinta Pakistan in Tehran ay sii wadi doonto ka qaybqaadashada dadaallada dhexdhexaadinta Islamabad “ilaa natiijo laga gaarayo”.

Amarkan cusub ee isu-socodka ayaa u muuqda mid ah jawaab dhaqaale oo toos ah oo laga bixinayo is-mari-waagaas. In ka badan 3,000 oo konteenarro oo ku wajahnaa Iran ayaa ku xayirnaa dekedda Karachi dhowr maalmood, iyadoo maraakiibtu ay awoodi waayeen inay qaadaan xamuulka.

Caymiska halista dagaalka ee maraakiibta ayaa sare u kacay min 0.12 boqolkiiba ee qiimaha markabka ka hor colaadda, isagoo gaaray ilaa 5 boqolkiiba, taasoo ka dhigtay in shixnadaha badda ee loo dirayo gobolkaas ay aad u qaaliyoobaan hawl-wadeenno badan.

Isbeddelka dhaq-dhaqaaqa gobolka

Marinkan cusub ayaa sidoo kale muujinaya isbeddel iyo in laga sii fogaanayo Afghanistan, kaas oo xiriirkii uu la lahaa Pakistan uu aad u xumaaday.

Labada dhinac ayaa isku dhacay bishii Oktoobar 2025, sidoo kalena dib u dagaallamay bilihii Febraayo iyo Maarso ee sanadkan, iyadoo iska horimaadyo yaryar ay weli ka sii socdaan xuduudaha waqooyi-galbeed iyo koonfur-galbeed.

Isgoysyada Torkham iyo Chaman ayaa gabi ahaanba joojiyay inay u shaqeeyaan sidii waddooyin ganacsi oo la isku halleyn karo tan iyo markii ay xiisaduhu cirka isku shareereen, taasoo xaddidday marinadii berriga ee Pakistan ay ku tegi jirtay suuqyada Bartamaha Aasiya.

“Tani waa isbeddel xagga nidaamka ah. Xiriirka Pakistan ay la leedahay Taliban-ta Afghanistan, oo ah awoodda dhabta ah ee maamusha Kabul, ma laha badhan dib-u-dejin (reset switch),” ayuu yiri Iftikhar Firdous, oo ah la-aasaasaha joornaalka The Khorasan Diary, isagoo la hadlay Al Jazeera.

“Kabul waxay horay isku dayaysay inay yareyso ku-tiirsanaanteeda Pakistan iyadoo u weecatay dhanka Iran iyo Bartamaha Aasiya, laakiin tallaabadan ayaa gabi ahaanba qaacidada rogaysa.

Pakistan hadda waxay gebi ahaanba iska indho-tiri kartaa Afghanistan marka ay timaado ganacsiga u socda dhinaca galbeed. Saameynta ay arrintani ku yeelanayso muhiimadda iyo dakhliga isu-gudbinta ee Kabul waa mid istaraatiiji ah, isla markiibana ma muuqanayso, balse waa mid dhab ah,” ayuu raaciyay.

Minhas Majeed Marwat, oo ah aqoonyahan iyo falanqeeye dhinaca siyaasadda juqraafiyadeedka oo ku sugan Peshawar, ayaa ku baaqay taxaddar.

“Afghanistan oo go’doon la geliyo waa Afghanistan aan xasiloonayn, Pakistan-na way ka warqabtaa, in ka badan waddamada kale, kharashka ay arrintaas leedahay,” ayay ku qortay madasha X 27-kii Abriil.

“Fursadda halkan ka jirta waa mid dhab ah. Sidaas oo kalena halistu waa dhab. Amniga xuduudaha waqooyi-galbeed iyo koonfur-galbeed ayaa weli ah isbeddelka fashilin kara wax walba. Pakistan si wanaagsan ayay isku taagtay, balse weli si nabad ah isuma taagin. Labadaas waa waxyaabo kala duwan.”

Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo maanta ansixiyay…

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta yeeshay shir muhiim ah oo uu guddoomiyey Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha guud ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo si qoto dheer looga dooday arrimaha amniga, horumarinta mashaariicda iyo adeegyada bulshada.

Intii uu socday kulanka, xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno kala duwan ka dhageystay wasaaradaha, kuwaas oo la xiriiray xaaladda amni, adeegyada aasaasiga ah iyo baahiyaha ka jira deegaanada kala duwan ee maamulka.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale si rasmi ah u ansixiyey laba siyaasad oo muhiim u ah horumarka gobolka, kuwaas oo kala ah Siyaasadda Guriyeynta iyo Siyaasadda Fasaxa Dhismaha, kuwaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Howlaha Guud.

Labadan siyaasad ayaa loogu tala-galay in lagu xoojiyo qorsheynta magaalooyinka, kor loogu qaado tayada dhismayaasha, iyo in la habeeyo nidaamka oggolaanshaha dhismaha si loo helo nidaam hufan oo casri ah.

Sidoo kale, golaha ayaa ka dooday sida loo dardargelin karo hirgelinta siyaasadaha cusub, si ay si toos ah uga qayb qaataan kobaca dhaqaale iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee Koonfur Galbeed.

Golaha Wasiirrada ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay fulinta iyo dabagalka siyaasadaha la ansixiyey, si loo dardar-geliyo horumarka, loona hagaajiyo bilicda iyo qorsheynta magaalooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

SOOMAALIYA oo dhoolatus ciidan la sameysay Turkiga, Mareykanka iyo 7 dal oo kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa ka qeyb-galay dhoolatus milateri oo caalami ah, kaas oo ka fhacay dalka Turkiga, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka lagu casuumay.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa lagu faahfaahiyay dhoolatuskan, waxaana lagu sheegay in ay ka qeyb-galeen dalal dhowr ah oo ay ku jiraan Soomaaliya, Mareykanka, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Talyaaniga, Cameroon, Liibiya, Pakistan, Suuriya iyo Sacuudi Carabiya.

Dhoolatuskan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah tababarada milateri ee ugu ballaaran ee ay martigeliso Turkiga, iyadoo diiradda lagu saaray is-dhexgalka iyo iskaashiga ciidamada kala duwan ee dalalka ka qeyb galaya.

Intii uu socday dhoolatuska, ciidamada ayaa soo bandhigay xeelado dagaal oo kala duwan, kuwaas oo isugu jira adeegsiga madaafiicda culus, hoobiyeyaasha, tababarka toogashada iyo ku boodista daladaha (baarashuud).

Sidoo kale, waxaa qeyb ka ahaa tababaro lagu baranayo baaritaanka iyo ka saarista miinooyinka, kuwaas oo muhiim u ah sugidda amniga goobaha dagaalka iyo ilaalinta shacabka.

Cutubyada ka qeyb galaya ayaa sidoo kale qaatay tababaro la xiriira ka hortagga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (diyaarado aan duuliye lahayn), adeegsiga doomaha dheereeya iyo farsamooyin kale oo casri ah oo lagu horumarinayo awoodda ciidamada.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in dhoolatuskan uu isugu jiray mid lagu fuliyay dhulka, badda iyo cirka, iyadoo dhammaan ciidamada ka qeyb galay ay si nabad ah ku dhammeysteen howlaha loo qorsheeyay.

Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay waday dadaallo ballaaran oo lagu dib u dhisayo laguna casriyeynayo Ciidanka Qalabka Sida, si ay u yeeshaan awood ay ku difaacaan dalka, isla markaana uga qeyb qaataan howlaha iyo tababarada milateri ee caalamiga ah.



Ujeedka shir ay beesha caalamka qeyb ka tahay oo ka dhacay xafiiska R/wasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay madasha isku xirka howlaha ka hortagga fikirka xagjirka ah oo ay soo qaban-qaabisay xarunta TUBSAN.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada ka hortagga fikirka xagjirka ah iyo dardargelinta wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dhallinyarada, si looga hortago marin-habaabinta kooxaha argagixisada.

Ra’iisul wasaare ku-Xxigeenka ayaa xusay in xukuumadda Dan-Qaran ay guulo la taaban karo ka gaartay amniga iyo la dagaallanka argagixisada, isagoo adkeeyay muhiimadda sii xoojinta barnaamijyada wacyigelinta bulshada.

“Dowladdu waxa ay ka go’an tahay sugidda amniga iyo dhismaha jiil ka madaxbannaan fikirrada xagjirka ah,” ayuu yiri Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, bulshada rayidka ah iyo saaxiibada caalamka ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu cirib-tiri karo xagjirnimada.

Madasha waxaa ka qeyb-galay wakiillo ka socday beesha caalamka iyo hay’adaha daneeya arrimaha ka hortagga xagjirnimada, kuwaas oo bogaadiyay dadaallada dowladda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay qorshayaal cusub oo lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha amniga iyo bulshada si loo kordhiyo wacyigelinta heer deegaan.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta ka qeyb-galay shirka ayaa isku raacay in la dardar-geliyo barnaamijyada dhalinyarada loogu abuuro fursado shaqo iyo waxbarasho si loo yareeyo sababo keeni kara xagjirnimo.

Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso amniga iyo xasilloonida dalka.

Daawo: Sanbaloolshe oo si kulul ugu jawaabay wasiir Fiqi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee (NISA) Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo xalay ka qayb-galay kulan ay xubnaha mucaaradka la yeesheen odayaasha dhaqanka ayaa si kulul ugu jawaabay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi.

Sanbaloolshe oo ka hadlay magaca uu Fiqi u bixiyay mucaaradka ee “Madasha Calaacalka” ayaa ugu jawaabay in isaguba markii uu ahaa mucaaradka uu calaacali jiray, sidoo kalena uu caaytami jiray, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in calaacalka mucaaradka uu ka dhashay cabsi ay ka qabaan in dalku galo mugdi, maadaama aan weli laga heshiin nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa, iyada oo uu dhamaaday muddo xileedkii dowladda.

“Madashaan nin Fiqi la yiraahdo wuxuu u baxshay Madasha Calaacalka, laakiin isaga markii uu mucaaradka ahaa waana caaytami jiray, waana calaacali jiray hadda nimankan waa calaacalaan bis” ayuu yiri Agaasimihii hore ee NISA.

Waxaa kale oo uu intaas sii raaciyay “Dowladdu waxay leedahay nimanka mucaaradka hub uruursi ayay ku jiraan waa masabid, taas beddelkeed dowladda iyadaa duulaan ku ah mucaaradka”..

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo marar badan Wasiir Fiqi uu weerar qaawan ku qaaday xubnaha mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqyada ka wada magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay inay yihiin kuwa fadhiid ah oo diidan in dalka la gaarsiiyo doorashooyin ay ka qayb-galaan shacabka.

“Maxay yiraahdeen nimankii madasha calaacalku doorasho qof iyo cod ah ma rabno, haddii teenna la yeeli waayana waxaanu ka xignaa dagaal. Aniguna waxaan ku leeyahay; haddii aad dagaalamaysid guri aad leedahay ma dumayaa? ganacsi aad leedahay ma joogsanayaa? wiil aad dhashay se ma dhaawacmayaa ama dhimanayaa, adigu furinta ma tagaysaa? Waa maya intuba!”. ayuu horay yiri Wasiirka Gaashaandhigga oo weeraray mucaaradka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheyso xaalad hubanti la’aan ah, iyada oo weli la’isku fahmi la’yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurkii 2012-kii, maadaama ay si cad u diideen mucaaradka dalka, Jubbaland iyo Puntland.

Dagaal ka qarxay xaafadda Iskuul Buluusiyo oo sababay dhimasho iyo dhaawac

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad culus ayaa maanta ka taagan xaafadda Iskuul Buluusiyo ee degmada Xamarjajab, kadib markii saaka ay weerareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo burburin ka bilaabay halkaas.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in saaka ay xaafadda gudaha usoo galeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo wata gaadiidka dagaalka iyo Cagaf-Cagafyo, waxaana kusoo baxay askar Boolis ah oo qoysaskooda ay dagan yihiin xaafadda, kuwaas oo ay isku dhaceen, kadibna ay israsaaseeyeen.

Hooyo kamid ah dadka deegaanka oo la hadashay Shabelle Tv ayaa xaqiijisay in goobta ay ku dhinteen laba carrruur ah, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo soo saaray dad kale oo shacab ah. Waxaa kale oo lasoo wariyay in dhaawac ahaan ay u geeriyootay haweeney Xaamilada aheyd oo goobta laga qaaday.

“Laba canug oo saqiir ah waa dhinteen halna waa dhaawac anaga oo ogeyn ayaa xabado nagula furay dadna waa dhinteen kuwana waa dhaawacmeen” ayay tiri hooyo kamid ah dadka deegaanka oo ka warbixisay xaaladda.

Sidoo kale waxay intaas ku dartay in dowladooda ay soo weerartay, isla markaana iyaga oo jiifa la dul keenay ciiidan iyo Cagafto, sida ay hadalka u dhigtay.

“Dowladda awood ayay noo sheegatay wax aan ku guurnana ma haysano alaabteyda laamiga ayay daadsan tahay” ayay mar kale tiri hooyada.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada Xamarjajab oo ku aadan xiisadda oo weli laga dareemayo aagga Iskuul Buluusiyo ee magaalada Muqdisho.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana socda dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo, iyadoo goobta ay tageen saraakiil ka tirsan laamaha amniga.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa meelo badan oo kamid ah caasimada waxay ka sameysay burburin iyadoo maalmihii u dambeeyay cagta la mariyay xaafado ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Imaaraadka oo war soo saaray xilli la sheegay in uu isaga baxayo Jaamacada Carabta

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dib u eegis ku samaynaysa doorkii iyo taageeradii ay siin jirtay ururada heer gobol iyo kuwa caalamiga ah ee ay xubinta ka tahay, in kastoo aysan xilligan diyaar u ahayn inay isaga baxdo uroro horleh, sidaas waxaa xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Imaaraadka Arbacada, maalin un kaddib markii ay xukuumadda Abu Dhabi ku dhawaaqday inay isaga baxday ururka dalalka dhoofiya shidaalka ee OPEC.

Sarkaalkan oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa tilmaamay in dalkiisu uu guud ahaan qiimayn ku wado faa’iidada iyo waxtarka uu ku qabo ka mid ahaanshaha ururadaas.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay si weyn u soo baxayeen warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in Abu Dhabi ay ka bixi karto ururada kale ee gobolka, oo ay ku jiraan Jaamacadda Carabta iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC). Tani ayaa daba socota go’aankii lama filaanka ahaa ee ay uga baxday ururka OPEC iyo isbaheysiga OPEC+, kaas oo si rasmiga ah u dhaqangelaya 1-da bisha May ee foodda inagu soo haysa.

Bixitaanka Imaaraadka, oo ka mid ahaa waddamada ugu wax-soo-saarka badan ururkaas, ayaa sii ballaarinaya khilaafka iyo is-maandhaafka u dhexeeya isaga iyo dalka deriska ah ee Sacuudi Carabiya oo ah awoodda ugu weyn ee hagta dalladda OPEC.

Abu Dhabi iyo Riyadh oo horay u ahaa xulufo aan la kala dhex gelin karin, ayaa haatan u muuqda kuwo uu u dhexeeyo xafiiltan hoose oo salka ku haya arrimo dhowr ah, kuwaas oo isugu jira siyaasadda shidaalka, arrimaha juquraafi-siyaasadeed ee gobolka, iyo weliba loollanka loogu jiro soo jiidashada maalgashiga iyo xirfadlayaasha shisheeye.

Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah dib-u-qiimayn ballaaran oo ay xukuumadda Abu Dhabi ku samaynayso isbaheysiyadeeda tan iyo markii uu qarxay dagaalka Iiraan. Imaaraadka ayaa dhaliil xooggan u soo jeediyay Golaha Khaliijka, isagoo ku sifeeyay jawaabtoodii ku aaddanayd colaadda mid aad u liidata.

“Waa run in dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijku ay dhanka saadka iska taageereen, balse marka la eego dhanka siyaasadda iyo milateriga, waxaan aaminsanahay in mowqifkoodu ahaa kii ugu liitay taariikhda,” ayuu yiri Anwar Gargash, oo ah mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka, xilli uu Isniintii ka hadlayay shir ka dhacay dalkaas.

Wuxuu intaas raaciyay: “Mowqifkaas tabarta yar waxaan ka filayay Jaamacadda Carabta igumana noqon lahayn layaab, balse marnaba kama filayn Golaha Khaliijka aad ayaanan ula yaabay.”

Gargash ayaa horay u sii tilmaamay in Imaaraadku uu si qoto dheer u “shaandhayn doono” xiriirradiisa heer gobol iyo heer caalamiba, si uu u ogaado cidda dhabta ah ee la isku halleyn karo, isagoo dib-u-eegistaasna ku lammaaniyay tallaabooyin lagu xoojinayo awoodda dhaqaale iyo maaliyadeed ee dalkiisa.

“Madax-bannaanida istaraatiijiyadeed waxay ahaan doontaa doorashada joogtada ah ee Imaaraadka,” ayuu carabka ku adkeeyay.

Imaaraadka Carabta oo ah xudun weyn oo ganacsi iyo maaliyadeed oo ku taalla gobolka, isla markaana ka mid ah xulafada ugu muhiimsan ee Washington, ayaa qaatay siyaasad arrimo dibadeed oo geesinimo leh, wuxuuna awood iyo saameyn ballaaran ku yeeshay qaybo badan oo ka mid ah Bariga Dhexe iyo qaaradda Afrika.

Kaddib markii ay weeraro kala kulantay dagaalka Iiraan, xukuumadda Abu Dhabi ayaa sii xoojisay xiriirka ay la leedahay Mareykanka iyo Israa’iil, iyadoo Israa’iilna uu heshiis diblomaasiyadeed dhexmaray sanadkii 2020-kii oo loo yaqaan Heshiisyadii Ibraahim (Abraham Accords).

Imaaraadka ayaa u arka xiriirka uu la leeyahay Israa’iil mid u ah gacan-qabasho uu ku ballaarin karo saameyntiisa gobolka, isla markaana waddo gaar ah oo uu u sii maro awoodda iyo maamulka Washington.

Mucaaradka oo maanta soo bandhigay saddex qodob oo ay ku haystaan Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka dalka oo xalay kulan xasaasi ah la yeeshay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa kala hadlay tabashadooda, gaar ahaan arrimo ay isku hayaan iyaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Mucaaradka ayaa shirkan kusoo bandhigay qodobo culus oo dhaliyay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka, una baahan in xal waar laga gaaro.

Xildhibaan Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Xasan Sheekh ay ku haystaan dastuurkii oo la beddelay, dhul boobka socda iyo hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka.

“Farmaajo waxa isku haynay doorashada oo keliya, iskuma haysan dastuur, dhul iyo wax kale toona, laakiin Xasan waxaan isku haynaa dastuurkii oo iskiis u beddelay, dhulkii dadka oo uu qaatay iyo doorashadii dalka”. ayuu yiri Warsame.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray haddii wax laga beddalayo nidaamka Federaalka ama dastuurka dalka, loo baahan yahay heshiis wadar ogol ah.

“Haddii aan Federalka ka guureyno dad badan oo Soomaaliyeed ayuu dhibaaye ama haddii 4-sano 5-sano lagu baddalayo waxaas oo dhan waxay u baahan yihiin ka heshiin”. ayuu mar kale yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dhanka kale, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa odayaasha dhaqanka ka codsaday in ay kaalin muuqata ka qaataan xal u helidda xaaladda taagan, isla markaana ay dalka badbaadiyaan, maadaama uu wajahayo marxalad adag oo u baahan dhex-dhexaadin iyo wada-hadal dhab ah.

Odayaasha oo intooda badan Muqdisho u yimid ka qayb-galka caleema saarkii Ugaaska Murusade ayaa habeen hore la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh oo isna ay kasoo dhageysteen aragtiidiisa, wuxuuna ku adkeystay in dalka uu ka qabanayo doorashooyin qof iyo cod ah, si looga gudbo doorasho dadban.

Koox cusub oo la ogaaday in ay ka dambeyso weerarada xeebaha Soomaaliya

Boosaaso (Caasimada Online) – Saraakiil amni ayaa sheegay in weeraradii burcad badeednimo ee dhowaan ka dhacay xeebaha Soomaaliya ay fuliyeen koox cusub oo ah “dambiilayaal fursad-doon ah”, taasi oo ka sii dareysa halis shirkadaha maraakiibta ee caalamka ku keentay khasaare dhaqaale oo u dhigma balaayiin doolar.

Falalka burcad badeednimada ayaa faraha ka baxay xeebaha Soomaaliya sanadihii 2000-meeyadii, iyadoo heerkii ugu sarreeyay gaartay sanadkii 2011-kii, markaas oo la diiwaangeliyay boqollaal weerar.

Si kastaba ha ahaatee, khatartaas ayaa si weyn hoos loogu dhigay kaddib markii ciidamo badeed oo caalami ah la geeyay gobolka, isla markaana shirkadaha maraakiibta ganacsiga ay la yimaadeen xeelado cusub oo ay isku difaacaan. Balse toddobaadkii la soo dhaafay gudahiisa, waxaa la afduubtay markabka shidaalka qaada ee HONOUR 25 iyo markabka sibirka qaada ee SWARD, waana dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee la diiwaangeliyo bilooyin kaddib.

Sida uu wakaaladda wararka ee AFP u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan laamaha amniga ee maamul-goboleedka Puntland ee waqooyi-bari Soomaaliya, qabsashada markabka SWARD waxaa fuliyay koox ka hawlgasha degmada xeebeedka Garacad.

Deegaankan ayaa aad uga xiga dhanka koonfureed xarumaha caadiga ah ee ay burcad badeeddu ku xooggan yihiin, kuwaas oo u badan saddexda magaalo xeebeed ee Xaafuun, Bandar Beyla iyo Eyl, halkaas oo la rumeysan yahay in la geeyay markabka kale ee shidaalka ee HONOUR 25.

Kooxdan cusub ayaa inta badan ka kooban “dhallinyaro miyi ah” oo ka soo jeeda deegaan “hubku uu iska dhex yaallo”. Waxaa dhaq-dhaqaaqooda kiciyay saboolnimo baahsan iyo caro ay ka qabaan kalluumeysiga sharci-darrada ah ee ay wadaan maraakiib shisheeye oo ka kala yimid dalalka Shiinaha, Yemen, Iiraan iyo waddamo kale.

“Ku dhawaad qof kasta oo ku nool deegaankan waa sabool, qof kastana waa hubeysan yahay. Kalluumeysiga sharci-darrada ah, gaar ahaan kan ay wadaan maraakiibta xaaqaha ah, ayaa xaaladda ka dhigaya mid ka sii darta,” ayuu sarkaalku u sheegay AFP.

Wuxuu intaas raaciyay digniin adag oo ah in haddii aan kooxahan laga hortagin, ay isku beddeli karaan ururro la mid ah kuwa haatan dagaalka kula jira dowladda, isagoo ula jeeday kooxaha Islaamiyiinta ah ee Al-Shabaab iyo Daacish oo sanado badan dagaal kula jira dowladda federaalka Soomaaliya.

Sida inta badan looga bartay Soomaaliya, xaaladda ayaa waxaa sii murjinaya arrimaha qabiilka, oo udub dhexaad u ah siyaasadda iyo bulshada dalka.

Sarkaal labaad oo ka tirsan amniga Puntland ayaa u sheegay AFP in kooxda afduubatay markabka SWARD ay dhammaantood ka soo wada jeedaan hal beel iyo jifo hoose. Tani ayaa si weyn u adkeynaysa tallaabooyin kasta oo ay dowladda iyo laamaha amnigu qaadi karaan, maadaama loo arki karo weerar ka dhan ah qabiilkaas guud ahaan.

“Raggan saaran markabka waxay ka soo jeedaan jifooyin gaar ah, taas oo ka duwan jifada uu ka soo jeedo madaxweynaha Puntland. Sidaas darteed, haddii aan weerar qaadno oo qaar ka mid ah ay waxyeello soo gaarto, waxay horseedi kartaa dilal aano qabiil ah oo dhexmara dadka deegaanka,” ayuu sharraxay sarkaalka labaad.

Wuxuu xusay in wada-xaajoodku uu yahay xalka ugu wanaagsan ee lagu dajin karo xaaladdan xasaasiga ah, inkastoo uu qiray in arrintaasi ay sidoo kale gacan siinayso dhiirigelinna u tahay burcad badeedda. Ilaa iyo haatan, xukuumadda Puntland ayaan wax war-saxaafadeed ah ka soo saarin afduubyadan.

Dhanka kale, falanqeeye Jethro Norman oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Caalamiga ah ee Denmark (Danish Institute for International Studies), ayaa sheegay in soo rogaal-celinta burcad badeednimadu ay dhibaatooyin waqti dheer ah u keeni karto bulshada deegaanka.

Isagoo la hadlayay AFP ayuu yiri: “Qoysaska qaar ayaa laga yaabaa inay helaan lacag caddaan ah oo muddo gaaban ah. Balse saameynta ballaaran ee ka dhalanaysa ayaa ah inuu kor u kaco qiimaha cuntooyinka dibadda laga keeno iyo gaar ahaan shidaalka, in caqabad lagu noqdo kalluumeysiga sharciga ah, iyo in suurtagal ay tahay in la kordhiyo ciidamada badda ee shisheeye ee ilaaliya xeebaha, taas oo dhib ku noqonaysa nolosha caadiga ah ee badda.”

Norman ayaa carabka ku adkeeyay in beesha caalamku ay tahay inay wax badan ka qabato sidii looga hortagi lahaa maraakiibta shisheeye ee sida sharci-darrada ah uga dhex kalluumeysta gobolka, kuwaas oo caro iyo uur-kutaallo ku abuuraya dadka deegaanka.

“Puntland waxay sanado badan qeylo-dhaan ka muujinaysay kalluumeysiga sharci-darrada ah ee shisheeyaha,” ayuu yiri falanqeeyaha. Wuxuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay: “Illa iyo inta beesha caalamku ay si toos ah dhaqaale iyo qalab ugu taageerayso hay’adaha Puntland ee ilaaliya xeebahan, xal lagama gaari doono khatarta taagan xilligan iyo dhaqaalaha siyaasadeed ee quudiya dhibaatadan.”

 

 

 

DF oo wafdi culus u dirtay degmada Luuq + Ujeedka

0

Luuq (Caasimada Online) – Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay, iyaga oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus.

Wafdigan ayaa waxaa horkacayo wasiir ku ixgeenka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Ducaale oo deegaan doorashadiisu tahay magaaladaas, isaga oo ka warbixiyay socdaalkiisa.

Ducaale ayaa shaaca ka qaaday in kulamo wada tashi ay ka bilaabi doonaan Degmada Luuq, kuwaas oo ku aadan xaaladda murugsan ee ka taagan degmadaas, maadaama muddo dheer ay ka taagan tahay colaad xooggan.

Wasiirka ayaa xusay inay nabadeyn ka sameyn doonaan degmada, isla markaana ay isku keeni doonaan waxgaradka deegaanka, si bulshada ay ugu noolaato amni buuxa.

“Waxaan u nimid inaan wada tashano maadaama deegaan doorashadeyda ay halkan tahay dalkana isbeddelo iyo caqabado ay ka jiraan, muhiimadda waa inaan talooyin wadajir ah gaarno kuwaas oo qaas u ah degmadan Luuq, gaar ahaan colaaddii sokeeye ee magaaladan muddada labada sano kasoo jirtay aadna waa uga xumahay”. ayuu yiri Wasiir Cabdirashiid Maxamed Ducaale.

Waxaa kale oo uu ku daray “Intaan ka badan dagaal sokeeye ma socon karo dadkan gogoshooda waa nabad, haddii nabad la waayo horumar ma jiraayo”.

Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay inay dib boorka uga jafi doonaan ciidamada Xoogga dalka ee jooga halkaasi, si ay u howlgalaan una helaan xuquuqaad uu sheegay inay muddo dheer ka maqan yihiin.

“Arrinta labaad waxay tahay inaan dib u habeyn ku sameyno ciidamada qalabka sida ee halkan jooga oo uu dayac badan ka jiro xaquuq la’aan ay hayso si walba haku dhacdo arrimahaan qaaska u ah degmadan ayay kamid yihiin”. ayuu mar kale yiri wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada.

Luuq ayaa kamid ah degmooyinka Gedo ee ay muddada dheer colaadaha ka jiraan, waxaana haatan halkaas ka howlgala ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga iyo maamul taabacsan dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Marar badan ayay magaaladu ka dhaceen dagaal beeleedyo iyo kuwa kale u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Jubbaland.