25 C
Mogadishu
Monday, July 7, 2025

US-EU standoff imperils new AU mission in Somalia

MOGADISHU, Somalia – A new, scaled-down African Union peacekeeping mission in Somalia, crucial to the fight against Al-Shabaab militants, is facing a severe financial crisis from its inception, caught in a funding dispute between its principal historic backers, the United States and the European Union.

The African Union Support and Stabilization Mission for Somalia (AUSSOM), which officially launched on July 1 to replace the preceding ATMIS force, is operating without a secured budget. The impasse threatens to undermine Somalia’s fragile security gains and leaves peacekeepers in a precarious position with hundreds of millions of dollars in existing payment arrears.

The core of the dispute lies in how to fund the multinational force. The European Union, which has poured approximately €2.7 billion ($2.9 billion) into peacekeeper stipends since 2007, has grown weary of shouldering the primary financial burden.

Brussels has paused its funding, advocating for a new model where 75% of the mission’s costs are covered by United Nations assessed contributions, as outlined in UN Security Council Resolution 2719. The remaining 25% would come from voluntary donations.

However, Washington has firmly blocked this path, effectively vetoing the mechanism’s application for Somalia.

A burden on US taxpayers

The US administration, continuing a stance from the Trump administration, has resisted the UN funding model, citing concerns over a lack of accountability and potential corruption in the use of funds. The US has been a major contributor to the Somali security effort, providing around $2.5 billion since 2007.

The opposition is championed by figures like Senator Jim Risch, a ranking member of the Senate Foreign Relations Committee. He recently introduced legislation to block US funds from being used under the Resolution 2719 framework for AUSSOM.

“Funding schemes like UNSCR 2719 allow other parties to evade payment and shift the burden to US taxpayers, while giving the UN an excuse to ignore its failures,” Risch said in a statement. His proposed bill calls for stringent auditing and accountability measures before any such funding is approved.

For years, the EU has been the financial backbone of AU missions in Somalia. Its broader spending on security and development in the Horn of Africa exceeds €4 billion. But the reliance on its funds has become unsustainable, according to officials.

“The EU notes that the UN Security Council was unable to agree on the implementation of the framework established by resolution 2719,” an EU spokesperson told EUobserver, despite “broad international support” for the measure.

While the spokesperson affirmed that “the EU will continue to play its part in ensuring Somalia’s security,” the level and nature of that support remain undefined, leaving a massive hole in the mission’s budget.

 Downsized mission, mounting debts

AUSSOM begins its mandate with a significantly reduced footprint. The force is composed of 12,626 military and police personnel, a sharp decrease from the 18,000 under its predecessor, the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS).

The mission’s projected budget is estimated at $832.5 million through June 2030. Compounding the challenge is a legacy of debt. According to reports, peacekeepers are already owed approximately $150 million in arrears from the previous mission, a situation that saps morale and strains the resources of troop-contributing countries like Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia, and Djibouti.

In a desperate search for funds, the African Union has appealed to Gulf powers with strategic interests in the region, including Qatar, the United Arab Emirates, and Saudi Arabia, but these efforts have yet to yield significant commitments. Other nations, including China, South Korea, and Japan, have collectively pledged a total of just $5.6 million.

This financial paralysis comes at a critical moment. The Al-Qaeda-linked Al-Shabaab group, though pushed out of major urban centers, still controls vast swathes of rural southern and central Somalia. The group remains a potent threat, continuously launching attacks against civilian and government targets.

The funding crisis jeopardizes the Somali government’s ongoing offensive, which relies heavily on the logistical and military support of the AU force.

Without a predictable and sustainable funding stream for AUSSOM, the hard-won gains against the Islamist insurgency could be reversed, potentially plunging the Horn of Africa nation back into wider conflict. The international community’s failure to resolve the deadlock leaves the future of Somali stability hanging by a thread. 

DF oo tallaabadii u horeysay u qaaday dhammeystirka maamulka SSC-Khaatumo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo wareegto soo saartay ayaa maanta magacowday guddiga farsamo ee dhammeystirka maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, sida lagu caddeeyay qoraal kasoo baxay xafiiska Wasiir Cali Xoosh.

Guddiga u magacaabay wasiirka ayaa ka kooban illaa siddeed xubnood, waxaana guddoomiye looga dhigay Dr Axmednuur Maxamed Cabdi, halka guddoomiye ku xigeen uu yahay Mudane Cabdinaasir Xaaji Maxamed.

Sidoo kale waxaa guddigan xubno ka ah Axmed Shire Axmed (Garoon), Carafaat Cali Maxamed, Axmed Yuusuf Maxamud, Rufaci Maxamed Salaad, Maxamuud Saciid Nuur iyo Faadumo Cabdi Cali.

“Guddigu wuxuu shaqayn doonaa laga bilaabo taariikhda magacaabista – illaa inta laga dhammeystirayo dhismaha maamulka Dawlad-goboleedka SSC-Khaamtumo” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxay xafiiska wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.

Guddigan ayaa sidoo kale mas’uul ka noqon doono talo-bixinta iyo fududeynta ku saabsan dardargelinta iyo dhammeystirka maamulka Dawlad-goboleedka SSC-Khaamtumo.

Sidoo kale wuxuu ka shaqeyn doonaa isku xirka farsamo ee hay’adaha heer federaal iyo heer dawlad-goboleeda ee dhammeystirka maamulka Dawlad-goboleedka SSC-Khaamtumo..

Waxaa kale oo uu waajibaadkiisu noqon doonaa soo diyaarinta warbixinno joogta ah oo la garsiiyo wasaaradda iyo hay’adaha qaybta ah dhismaha maamulka Dawlad-goboleedka SSC-Khaamtumo.

SSC ayaa waxaa hadda u furmay dhabo cusub, iyada oo shirkii Golaha Wadatashiga ee markii u horeysay qeybta ka aheyd lagu go’aamiyay in la dhammeystiro hanaanka dowladnimo ee SSC-Khaatumo, iyada oo loo xil-saaray Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya, taas oo haatan bilowday howshii dhameystirka.

DF oo maxkamadeyneysa ganacsade la baxsaday canshuurta 5% VAT Tax

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa muddeysay kiis ciqaab ah oo la xiriira canshuur la baxsi oo uu eedaysane ka yahay Maxamuud Cabdulqaadir Maxamuud, sida ku cad warqad ay maxkamaddu soo saartay.

Ninkaan ayaa lagu eedaynayaa in uu la baxsaday canshuurta Dowladda ee %5 VAT Tax, taas oo dowladda ay waayihii dambe ku soo rogtay akoonada ganacsiyada gaarka ah.

“Makamaddu iyada oo gudanaysa waajibka saaran ee ku xusan qodobada 75, 89 XHCS, waxay muddaysay Gal-dacwadeedka Ciqaabta ah ee summaddiisu tahay MGB/DCL/345/2025 maalinta Axada ah ee Taarikhu tahay 03/08/2025 saacadduna tahay 10:00 Subaxnimo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Maxkamadda ayaa fartay Xafiiska Xeerilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Qareenka difaaca eedaysanaha in ay kasoo qayb galaan dhagaysiga Dacwadda, isla taariikhada iyo saacadda sare ku xusan.

Sidoo kale maxkamadda ayaa fartay in dhinacyadaasi ay la yimaadaan dhammaan cadaymaha ay rabaan in ay u isticmaalaan kiiskaan.

Canshuurtaan la isku heysto ee %5 VAT Tax, ayaa sanad Kahor lagu soo rogay ganacsiyada, taasi oo saaran qofka wax iibsanaya, balse dowladdu ay ka jaraneyso akoonka wax iibsadaha.

Ganacsatada waxaa ku waajib ah in lacagaha wax looga iibsanayo la marsiiyo akoonada ay dowladdu la socoto dhaqdhaqaaqooda, si canshuurta %5 VAT Tax looga jaro.

Dowladda ayaa xiri jirtay ganacsatada la ogaado inay iibka badeecadaha lacagaha ka soo xarooda ay marsiiyaan lambarro gaar ah, si canshuurta dowladda ay uga badbaadaan, balse hadda waxaa muuqata in arrintaas la isku maxkamadeynayo.

Inkastoo ganacsatadu ay diidmo ka muujiyeen markii lasoo rogay canshuurtaan, hadana waxaa lagu qanciyey in ay saaran tahay dadka wax iibsanaya, taasi oo u muuqata in weli ganacsatada qaar ay u hoggaansami la’yihiin.

Kulan xasaasi ah oo u socda mucaaradka iyo kooxda C6+

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan gaar ah oo u dhexeeyo wakiilada beesha caalamka iyo xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee ay ku mideysan yiiin siyaasiyiinta mucaaradka ayaa haatan ka socda xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa goordhow fumrmay, waxaana looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka weli ka taagan hannaanka doorashooyinka.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in kulanka uu si gaar ah u dhex-marayo ergada beesha caalamka ee C6+ iyo xubno kamid ah Madasha Samatabixinta, iyada oo shirkan uu daba socdo labadii kulan ee dhex-maray Madaxweyne Xasan iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xubnaha mucaaradka ayaa wakiilada beesha caalamka ee C6+ la wadaagaya halka ay mareyso xaaladda, maadaama illaa iyo haadda aan wax heshiis ah laga gaarin ajandayaashii ay ka doodayeen labada dhinac.

Sidoo kale ilo xog ogaal ah ayaa innoo sheegay in mucaaradka ay beesha caalamka hodhigayaan in Madaxweynaha aysan dhab ka ahayn in si rasmi looga heshiiyo arrimaha la isku hayo ee la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddalka dastuurka KMG ah.

Beesha caalamka ayaa haatan wadda dadaallo dheeraad ah, waxaana ujeedka ugu wayn uu yahay in dhinacyada Soomaalida ay heshiis wadar ogol ah gaaraan ka hor dhammaadka muddo xileedka Madaxweyne Xasan, si dalka ay uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Kulankan wuxuu kusoo aadaya, iyadoo oo shirkii u dambeeyay Khamiistii ay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta mucaaradka isku mari waayeen mid ka mid ah afarta qodob ee ajandaha kulanka. Xubnaha mucaaradka ayaa soo jeediyay in cutubka afaraad ee wax-ka-beddelka dastuurka laga laabto oo sidii hore loogu celiyo.

Qodobkan ayaa noqday mid dood culus dhalisay, oo sabab u noqotay in shirka lagu kala tago; hase ahaatee, waxaa markii dambe la isla gartay in dib la isugu soo laabto oo dhinacyadu ay soo wada tashadaan.

Mucaaradka waxay doonayaan in gebi ahaanba qodobkaas meesha laga saaro, oo lagu celiyo sidii uu awal u ahaa in madaxweynaha ku yimaado doorasho baarlamaani, halka Madaxweynuhu uu weli ku adkeysanaya wax-ka-beddelka dastuurka iyo hab-ka-doorasho ee muranka dhaliyay, , taas oo sii adkaynaysa in xal la gaaro khilaafka gudaha ee taagan.

Si kastaba ha ahaatee, wada-hadallada mucaaradka iyo madaxweynaha ayaa la filayaa in maalmahan ay sii socdaan, iyadoo Xasan Sheekh uu wajahayo cadaadis caalami ah oo ku qasbaya in uu xal ka gaaro tabashada mucaaradka.

Mareykanka iyo Midowga Yurub oo isku mari la’ arrin culus oo ku saabsan Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf u dhexeeya Mareykanka iyo Midowga Yurub oo ku saabsan maalgelinta Hawlgalka Cusub ee Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa sababay in hawlgalku uu noqdo mid aan lahayn dhaqaale la hubo iyo deymaha miisaaniyadeed oo is biirsaday — inkastoo si rasmi ah loo daah-furay 1-dii Luuliyo.

Hawlgalkan cusub ayaa loo xil saaray la dagaallanka kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan Al-Shabaab, oo ah kooxda argagixisada ah ee ka talisa inta badan koonfurta Soomaaliya.

Midowga Yurub wuxuu ku bixiyay €2.7 bilyan oo uu ku bixinayay mushaaraadka ciidamada nabad ilaalinta ee ka qayb qaatay hawlgalladii is xigxigay ee lagula dagaallamayay Al-Shabaab tan iyo 2007-dii. Tani waxay qayb ka tahay kharash guud oo ka badan €4 bilyan oo uu Midowga Yurub ku bixiyay Geeska Afrika, kaasoo ay ku jiraan hawlo kala duwan sida ciidankiisa badda ee Badweynta Hindiya, hawlgalka tababarka milateri ee Soomaaliya, iyo barnaamijyo lagu doonayo in lagu fahmo sababaha xagjirnimada dhalinyarada ee Somaliland iyo Kenya.

Laakiin dulqaadkii Brussels wuu sii yaraanayay. Midowga Yurub wuxuu hakiyay maalgelintiisii, isagoo sugaya codsi ah in 75 boqolkiiba kharashka hawlgalka lagu maalgeliyo Qaramada Midoobay, halka 25-ka boqolkiiba ee soo harayna laga helo tabarucaad iskaa wax u qabso ah. Codsigan wuxuu qayb ka yahay qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2719.

Si kastaba ha ahaatee, soo jeedintaas maalgelinta ah waxaa diidmada qayaxan ee Veto-da u adeegsaday maamulka Trump, kaasoo joojiyay maalgelinta isagoo ku andacoonaya musuqmaasuq ka jira qaabka ay dawladda Soomaaliya u isticmaasho lacagaha. Washington ayaa ilaa hadda hawlgallada ku bixisay $2.5 bilyan (€2.12 bilyan).

Dhanka Washington, Jamhuuriga Jim Risch, oo ah guddoomiyaha Guddiga Xiriirka Dibadda ee Aqalka Sare, ayaa soo bandhigay sharci uu ku dalbanayo in la dammaanad qaado hanti-dhawrka iyo la xisaabtanka ku saabsan kharashka hawlgalka.

“Qorshayaasha maalgelinta sida kan UNSCR 2719 waxay u oggolaanayaan dhinacyada kale inay ka baxsadaan bixinta kharashka oo ay culeyska ku saaraan canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka, iyagoo Qaramada Midoobay siinaya marmarsiiyo ay isaga indha-tirto fashilkeeda,” ayuu yiri Risch.

“Midowga Yurub wuxuu xusay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu awoodi waayay inuu isku raac ka gaaro hirgelinta qaab-dhismeedka lagu aasaasay qaraarka 2719 (2023) ee lagu maalgelin lahaa AUSSOM iyadoo la adeegsanayo dhaqaalaha la ururiyo ee Qaramada Midoobay, inkastoo uu jiray taageero ballaaran oo caalami ah oo loo muujiyay habkan maalgelinta,” ayuu afhayeen u hadlay Midowga Yurub u sheegay EUobserver.

“Midowga Yurub wuxuu sii wadi doonaa inuu kaalintiisa ka qaato sugidda amniga Soomaaliya,” ayuu raaciyay afhayeenku.

Heshiiska ku saabsan qaab-dhismeedka hawlgalka, oo markii hore ka koobnaan doona 12,626 askari iyo boolis ah, taasoo hoos u dhac ku ah tiradii hore ee ahayd 18,000 oo askari, ayaa la gaaray bishii Janaayo kaddib bilooyin la isku mari la’aa tirada saxda ah ee ay bixinayaan dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Miisaaniyadda AUSSOM waxaa la filayaa inay gaarto $832.5 milyan laga bilaabo hadda ilaa Juun 2030, waxaana Midowga Afrika uu lacag ka raadsaday dalalka Qatar, Imaaraadka Carabta, iyo Sacuudi Carabiya, oo dhammaantood ah quwado siyaasadeed oo saameyn ku leh Geeska Afrika, si uu u helo kaalmooyin kale oo aan ahayn tan Midowga Yurub iyo Mareykanka.

Weli tallaabadan midho dhal ma noqon, halka dalalka Shiinaha, Kuuriyada Koonfureed, iyo Japan ay wadar ahaan bixiyeen $5.6 milyan. Sidoo kale, ciidamada nabad ilaalinta waxaa lagu leeyahay deymo gaaraya $150 milyan.

Daawo: Guddoomiye degmo oo ka hadlay shacabka ‘sida qasabka loo diiwaangelinayo’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee degmada Kaxda Cabdiweli Xasan Nuur oo maanta si rasmi ah xilka u wareejiyay ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan isdiiwaangelinta dadweynaha ee ka socota magaalada Muqdisho.

Cabdiweli Xasan Nuur oo uu todobaadkii hore xilka qaaday guddoomiye Muungaab ayaa qaylo dhaan afka furtay, wuxuuna ka hadlay shacabka caasimada ee ‘sida qasabka ah loo diiwaangelinayo’ doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filayo inay ka dhacaan Soomaaliya.

Guddoomiyihii hore ee degmada Kaxda ayaa usoo jeediyay guddoomiyaha lasoo magacaabay Cabdirisaaq Maxamed Sheekh Cabdullaahi in aanu shacabka soo qasbin, isla markaana diwaangelintu ay noqoto mid ay raalli ka yihiin shacabka ku dhaqan Kaxda.

SIdoo kale wuxuu ku taliyay in qof weliba loo daayo fikirkiisa, oo haddii aanu ogoleyn diiwaangelinta laga daayo in lasoo afduubo ama lasoo juujuubo, sida uu hadalka u dhigay.

“Gudoomiyaha cusub waxaa laga rabaa in dadka aan lagu qasbin isdiiwaangelinta socota ee doorashooyinka aniga intaan joogay qofna ma qasbin dadka haddii lagu qancin waayo fikirka hala iska dhaafo” ayuu yii guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Kaxda.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Qof bani’aadan ah inaad fikirkiisa kusoo qancisid meesha keentid isaga oo raalli ah oo uu isdiiwaangeliyo ayaa la’iska rabaa”

Dhinaca kale waxa uu ballan qaaday inuu la shaqeyn doono guddoomiyaha cusub ee beddelay, kaas oo sii hoggaamin doono maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

“Waxaa kula dardaarmayaa odayaasha degmada iyo bulsha weynta kale in guddoomiyaha ay garab istaagaan, kalana shaqeeyaan howsha culus ee loo soo magacowday” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalmihii u dambeeyay ay aad usoo kordheen cabashada kasoo yeereysa qaar kamid ah shacabka ku dhaqan gudaha caasimada oo sheegayay in si xoog ah lagu geynayo goobaha diiwaangelinta, si u qaataan shahaadada, taas oo ay marar badan digniino kasoo saareen siyaasiyiinta mucaaradka ee dalka.

Mucaaradka oo shaaciyey caqabad la xiriirta Jubaland iyo A/Madoobe oo ka hortimid

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa mar kale Khamiistii shir ku yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan guddiga dowladda ee wadahadallada u xil saaran iyo Madasha Samatabixinta ee mucaaradka.

Afhayeenka Madasha mucaaradka ee Samatabixinta, Danjire Daahir Maxamuud Geelle oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in muhiimadda kulanka uu ahaa in diiradda la saaro afar qodob oo xasaasi ahaa.

Mr. Geelle ayaa farta ku fiiqay in kulankii hore waxyaabaha lagu ballamay ay ka mid ahayd in madaxda madasha ay la xiriiraan madaxda maamul-goboleedyada maqan ee Puntland iyo Jubbaland, arrintaasina ay fuliyeen oo ay Madaxweynaha uga warbixiyeen.

“Waxaa lagu ballamay inta aan shirka labaad la isugu soo laaban in aan la xiriirno labada maamul-goboleed ee maqan, oo aan ka shaqeyno sidii ay ku imaan lahaayeen. Dabcan howshii aan isku ogeyn oo Madaxweynaha naga rabay, maadaama baryahan ay kala xanaaqsanaayeen labadaas maamul waan la xiriirnay, Madaxweynaha warbixin ayaan ka siinay in xaalku fiican yahay, arrimahanna ay soo dhaweynayaan,” ayuu intaa ku daray.

Afhayeenka Madasha Samatabixinta, Daahir Maxamuud Geelle, wuxuu carabka ku dhuftay in caqabadda ka hortimid marka laga hadlayo labada maamul ee maqan ay tahay arrinta Jubbaland.

“Caqabado ayaa ka jira xagga Jubbaland, oo marna xagga duulimaadka ama cunaqabateyn ayaa saaran tahay, marna mashariicdii ayaa ka xanniban, marna madaxweynihii Jubbaland ayaa dacwo ka taalla,” ayuu yiri Mr. Geelle.

Maxaa la isku fahmay, maxaase la isku fahmi waayay?

Qaar ka mid ah qodobada muhiimka ahaa ee labada dhinac ay ka wadahadleen shalay ayaa la isku fahmay.

Mucaaradka ayaa sheegay in la isku fahmay qodobo ay ka mid yihiin ‘amniga iyo la-dagaalanka argagixisada’.

“Afartii arrimood ee aan sheegay laba ka mid ah waan isku waafaqnay oo waan isla meel dhignay, kuwaas oo ah arrimaha amniga iyo la-dagaalanka argagixisada dalka sidii looga qaban lahaa iyo arrimaha midnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Afhayeenka Madasha Samatabixinta.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa xusay in qodobka aan la isku fahmin uu yahay qodobka dastuurka oo uu sheegay inuu muhiim u ahaa wadahadalka.

“Arrimaha dastuurka ayaan isla meel dhigi waynay,” ayuu intaa ku raaciyay.

Danjire Daahir Geelle ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda marka ay qaadayso tallaabo ka baxsan dastuurka ay tahay inay kala tashato dhinacyada kala duwan.

“Sideedaba dowladda markay qaadayso tallaabo ka baxsan dastuurka waxay u baahan tahay inay heshiis ka gasho marka dastuurka la beddelayo ama wax lagu darayo, ama laga dhimayo, ama muddada xilka markay dhammaato halka la aadayo. Arrimahaas dowladda waxay u baahan tahay inay dadka kala arrinsato,” ayuu yiri Mr. Geelle.

Maxay ka tiri dowladda?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkan wejiga labaad uu ku qabsoomay jawi wanaagsan.

“Shirkii wadahadalka ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta oo galay wareeggii labaad, ayaa maanta oo ay bishu tahay 3-da Luulyo 2025 waxaa shir iskugu yimid Madaxweynaha JFS, xubnaha guddiga dowladda u xil saaran wadahadallada iyo Madasha Samatabixinta,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Bayaan ay dowladda soo saartay ayaa sidoo kale lagu sheegay in wareegga saddexaad ee shirka lagu ballamay 20-ka Luulyo.

“Shirka oo ku qabsoomay jawi aad u wanaagsan, falanqeyn dheer kadib waxaa la isku waafaqay in la isku soo laabto 20-ka Luulyo 2025 si loo sii ambaqaado arrimihii laga wadahadlay,” ayuu bayaanka intaa raaciyay.

Shirkan ayaa horey loogu baaqay, iyadoo gogosha u fidisay dowladda federaalka, waxaana ka hor inta uusan bilaaban wareeggii koowaad uu dhowr mar baaqday.

Siyaasiyiinta ku mideysan madasha Samatabixinta oo uu guddoomiye u yahay madaxweynihii dowladdii ku meel-gaarka ahayd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa labadii kulan ee ugu dambeeyay ka qeyb galay.

Waxaa xusid mudan in maamullada Puntland iyo Jubbaland ay diideen ka qeybgalka kulamada ay dowladda gar-wadeenka ka tahay.

Arrimaha dastuurka iyo doorashada ayaa ah qodobada ugu muhiimsan ee ay labada dhinac ee mucaaradka iyo dowladda isku hayaan.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal maanta ka socda xadka…

0

Moqokori (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraado ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal culus oo haatan ka socda deegaano dhaca xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaas oo u dhexeeyo ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu ka socdaa aagga degmada Moqokori, gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Gumarre, waxaana qaaday ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Macawiisleyda Hiiraan, sida ay innoo sheegeeno dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada huwanta ay beegsadeen goob ay isku uruursanayeen dagaalyahanada Al-Shabaab, kadib markii ay ka war heleen inay abaabulayaan weerar culus oo ay ku qaadaan fariisimaha ciidamada ee ku yaalla halkaasi.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday inay cagta mariyeen Al-Shabaabkaiiku sugnaa goobta ay weerareen, ayna ka hortageen dhagar ay maleegayeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay dileen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku sugnaa bannaanka degmada Moqokori oo ah halka uu dagaalka ka dhacay, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid kacsan.

Dhanka kale ciidamada Dowladda iyo kuwa Macawiisleyda beesha Xawaadle ayaa haatan wada abaabul looga hortagayo duulaanka Al-Shabaab, Saraakiishaas waxaa ka mid ah xildhibaan Cabdiqaadir Maxamuud Owbakar oo ka tirsan barlamaanka Hirshabeelle, kuna sugan difaacyada hore ee degmada Moqokori.

Al-Shabaab ayaa isku dayeysaa inay isku fidiso xadka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaase difaac adag uga jira Macawiisleyda iyo Xoogga dalka.

Todobaadkii hore Al-Shabaab waxaa u suurtagashay inay qabsadaan deegaanka Ceel-Qooxle oo ku dhaw maagalada Moqokori, kaas oo ah deegaan istiraatiiji ah, waxaana looga baxay xeelad dagaal, sida ay saraakiishu sheegeen.

Si kastaba, waxaana haatan dalka ka socda guluf culus oo ka dhan ah kooxa argagixisada, waxaana iska kaashanaya Dowladda Federaalka iyo Saaxibad Caalamiga ah.

Isbitalka Dalmar oo ballaarin iyo casriyeyn ku sameeyay qeybta kelyo-sifeynta (Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si rasmi ah loo daahfuray dib-u-habeyn, ballaarin iyo casriyeyn lagu sameeyay qeybta kelyo-sifeynta (Dialysis Unit) ee Isbitaalka takhasusiga iyo tacliimiga ah ee Dalmar, taasoo ujeedadeedu tahay in lagu daboolo baahida sii kordheysa ee dadka qaba cudurrada kelyaha.

Munaasabadda furitaanka ayaa si weyn loo agaasimay iyadoo ay kasoo qayb-galeen dhaqaatiir sare, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, madaxda Jaamacadda Benadir, maamulka sare ee Isbitaalka Dalmar iyo mas’uuliyiin kale oo lagu casuumay.

Qeybta cusub ee la ballaariyay ayaa ka kooban ilaa 10 sariirood oo cusub, qalab casri ah oo lagu sameeyo sifeynta dhiigga (hemodialysis machines), iyo dhisme loo habeeyay si waafaqsan heerarka caalamiga ah ee caafimaadka.

Sidoo kale qeybta cusub ayaa leh dhisme gaar ah oo loogu talagalay raaxada bukaanka iyo ilaalinta nadaafadda. Waxaa sidoo kale qeybta lagu daray nidaam koronto-degdeg ah, qaboojiye guud, iyo xarun lagu kaydiyo daawooyinka muhiimka u ah bukaanka kelyaha qaba.

Tan iyo markii la ballaariyay qeybta cusub, tirada bukaannada heli kara adeegga kelyo-sifeynta maalin kasta ayaa labanlaabantay, taasoo si weyn hoos ugu dhigtay waqtiga sugitaanka ee bukaannada.

Dhakhtarka kelyaha, ahna hormuudka qeybta kelyo-sifeynta ee Isbitaalka Dalmar ayaa ka waramay muhiimadda ay leedahay ballaarintan cusub.

“Soomaaliya waxaa sanad kasta ku soo badanaya bukaannada u baahan kelyo-sifeynta sababo la xiriira cudurrada kelyaha oo sare u kacay. Waxaan aragnay baahi daran oo ay qabaan muwaadiniinta, waxaana go’aansannay inaan si buuxda u casriyeyno una ballaarinno adeeggeenna. Maanta waxaan heysannaa qalab la tartamaya isbitaallada heer caalami,” ayuu yiri Dr. Caraale.

Guddoomiyaha guud ee Isbitaalka Dalmar, Prof. Dr. Cabdirisaaq Axmed Dalmar ayaa sheegay in mashruucan uu yahay mid muddo dheer lagu howlanaa oo ugu dambeyn mira-dhalay, isagoo xusay in qeybta kelyo-sifeynta la furay bishii Janaayo sanadkii 2022 balse haatan lagu sameeyay dib-u-habeyn iyo ballaarin, iyadoo markii hore lagu bilaabay afar mashiin balse hadda, dadaal badan kadib, la gaarsiiyay ilaa 10 mashiin, markii la arkay baahida caafimaad ee bulshada oo sii kordheysa.

“Farxad ayay noo tahay maanta inaan daahfurno dib-u-casriyeyn iyo ballaarin lagu sameeyay qeybta kelyo-sifeynta ee Isbitaalka Dalmar kadib markii aan qiimeynay baahida sii kordheysa ee bulshadu u qabto taasoo nagu dhiirrigelisay inaan qaadno tallaabadan. Isbitaalka Dalmar wuxuu ku dadaalayaa inuu noqdo mid hoggaan u noqda bixinta adeegyada caafimaadka tayo leh,” ayuu yiri Prof. Dalmar oo sidoo kale ka mid ah bareyaasha kuliyadda dhakhtarnimada ee Jaamacadda Benadir.

“Ballaarintan cusub waa mid ka tarjumeysa dadaalkayaga joogtada ah ee ah in qof walba oo Soomaaliyeed uu helo daryeel caafimaad oo hufan laguna kalsoonaan karo,” ayuu yiri Prof. Dalmar oo amaanay dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha qeybta kelyaha sida hufan ee ay bukaannada ugu adeegaan, isagoo ku booriyay inay dadaalkooda sii labanlaabaan.

Munaasabadda waxaa sidoo kale hadallo dhiirrigelin ah ka jeediyay Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Xasan (Biday) oo amaanay furitaanka qeybtaan cusub iyo dadaalka maamulka Isbitaalka Dalmar ugu jiro sidii bulshada looga haqabtiri lahaa baahiyaha caafimaad ee jira, isagoo xusay in ardayda barata caafimaadka ee Jaamacadda Benadir ay ka faa’iideysan doonaan qeybta cusub ee kelyo-sifeynta si ay ugu kororsadaan khibrad iyo aqoon ay mustaqbalka bulshadooda ugu adeegaan, maadaama labada hay’adood uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer oo ku saabsan isdhaafsiga aqoonta, khibradaha iyo cilmi-baarista.

Senator Prof. Dr. Cusmaan Cusmaan Maxamuud (Dufle), guddoomiyaha guddiga adeegga bulshada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa muujiyay taageeradiisa buuxda ee horumarka Isbitaalka Dalmar.

“Maanta waxaan ku faraxsanahay inaan aragno hay’ad caafimaad Soomaaliyeed oo si madax-bannaan u horumarinaysa adeeggeeda. Kelyo-sifeyntu waa adeeg nololeed, ma aha adeeg la sugi karo. Waxaan ku bogaadinayaa maamulka Isbitaalka Dalmar sida ay uga go’an tahay horumarinta adeegyada caafimaadka iyo badbaadinta nolosha dadka la ildaran saameynta cudurrada raaga sida kelyo-sifeynta oo ah adeegyada caafimaad ee loogu baahida badan yahay dalka,” ayuu yiri Dr. Dufle oo maamulka sare ee Isbitaalka Dalmar ugu hambalyeeyay guulaha ay ka gaareen horumarinta adeegyada caafimaadka.

Mas’uuliyiinta isbitaalka ayaa sidoo kale shaaciyay inay qorsheynayaan in adeeggan la gaarsiiyo gobollada kale ee dalka, iyadoo la sameyn doono xarumo-hoosaadyo la xiriira qeybta dhexe ee Isbitaalka Dalmar.

Waxaa sidoo kale lagu dhawaaqay qorshe lagu tababarayo kalkaaliyeyaal caafimaad iyo dhaqaatiir ku takhasusay cudurrada kelyaha, si loo buuxiyo baahida khubarada caafimaad ee dalka ka jirta.

Ballaarinta iyo casriyeynta qeybta kelyo-sifeynta ee Isbitaalka Dalmar waxay noqonaysaa tallaabo taariikhi ah oo dhiirrigelin karta isbeddel weyn oo ka dhaca adeegyada caafimaad ee Soomaaliya, waana tusaale cad oo muujinaya sida iskaashiga maamulka caafimaadka iyo dhaqaatiirta uu u horseedi karo isbeddel dhab ah oo lagu horumarinayo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Tallaabadan waxay ka dhigan tahay in qof kasta oo qaba cudurrada kelyaha, uusan u safri doonin dibadda si uu u helo adeeg caafimaad oo lagu kalsoonaan karo, taasoo ka tarjumaysa ujeedada Isbitaalka Dalmar— in caafimaad tayo leh lagu helo gudaha waddanka.

Qorshe xasaasi ah oo ay damacsaneyd Eritrea oo guul-darreystay + Sababta

Geneva (Caasimada Online) – Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa diiday isku day ay Eritrea ku doonaysay inay ku joojiso baaritaan madax bannaan oo lagu hayay tacaddiyo loo geystay xuquuqda aadanaha, tallaabadaas oo lagu ammaanay inay muhiim u tahay ka hortagga isla-xisaabtan la’aanta.

Codsi naadir ah oo ay Eritrea ku doonaysay in meesha laga saaro waajibaadka wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan diiwaanka xuquuqda aadanaha ee dalkeeda ayaa lagu guuldarraystay maalintii Jimcaha, waxaana oggolaaday afar cod oo kaliya, halka 25 ay diideen, 18 kalena ay ka aamuseen.

Tallaabada ay qaadday Eritrea ayaa la yaab ku noqotay goobjoogayaal badan, waxayna noqotay mid ka mid ah marar dhif ah oo dal baaritaan firfircoon lagu hayo uu isku dayo inuu cod rasmi ah ku joojiyo dabagalkaas.

Hay’adda Human Rights Watch ayaa soo dhoweysay natiijada, iyadoo ku tilmaantay “farriin muhiim ah oo muujinaysa in beesha caalamka aysan ku kadsoomin dadaallada Eritrea ay ku doonayso inay kaga weeciso dareenka ama ku sumcad dilayso warbixinnada madaxa bannaan ee xuquuqda aadanaha ee laga diyaariyo xaaladda adag ee dalkaas.”

Hindisaha Eritrea ayaa ku dooday in xadgudubyada lagu eedeeyay aysan ahayn kuwo nidaamsan, waxayna ku sababeysay “caqabado dhinaca awoodda ah” oo ay la wadaagaan dalalka kale ee soo koraya. Balse dalalka Yurub ayaa kaga jawaabay qaraar kale oo lagu kordhinayo muddada xilhaynta wakiilka muddo sannad ah, kaasoo si fudud ku meel maray.

Warbixintii ugu dambaysay ee uu soo saaray bishii Juun, Maxamed Cabdelsalaam Baabikir, oo ah wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u magacawday ahna qareen u dhashay Suudaan oo ku takhasusay xuquuqda aadanaha, ayaa sheegay in Eritrea aysan muujin “wax horumar ah oo la taaban karo” oo ku aaddan la xisaabtanka.

Wuxuu tixraacay baaritaankii Qaramada Midoobay ee 2016-kii oo lagu ogaaday in “xadgudubyo nidaamsan, baahsan oo waaweyn oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha… oo ka dhacay Eritrea iyadoo ay mas’uul ka tahay Dowladda… ay gaarsiisnaan karaan dembiyo ka dhan ah aadanaha.”

Warbixintii 2016-kii, Guddiga Baarista Qaramada Midoobay (COI) ee Eritrea ayaa sheegay in dowladda Madaxweyne Isaias Afwerki ay gashay dembiyo fool xun tan iyo markii ay xornimada qaadatay rubuc qarni ka hor, oo ay ku jirto “addoonsiga” 400,000 oo qof.

Qaar badan oo ka mid ah xadgudubyadaas ayaa la sheegay inay la xiriiraan barnaamij adag oo qasab ah oo adeeg qaran ah oo ka jira dalkaas ku yaalla Geeska Afrika ee aadka u qarsoon, kaasoo dad badan ay u arkaan wax aan suurtagal ahayn in laga baxsado, uuna guddigu (COI) barbar dhigay addoonsi cimri dherer ah.

Joojinta baaritaanka oo horseedi karta ‘isla-xisaabtan la’aan’

Hay’adda DefendDefenders, oo ah urur u dooda xuquuqda aadanaha oo ka dhisan Afrika, ayaa sheegtay in doorka Baabikir uu weli muhiimad weyn u leeyahay dhibbanayaasha iyo qurba-joogta Ereteriyaanka ah.

“Khabiirku wuxuu door lama huraan ah u ciyaarayaa, maahan oo kaliya dhibbanayaasha iyo kuwa ka badbaaday xadgudubyada Eritrea, laakiin sidoo kale qurba-joogta Eritrea,” ayuu yiri ururku qoraal uu soo saaray.

Midowga Yurub ayaa ka digay in joojinta waajibaadka wakiilka ay horseedi doonto “in isla-xisaabtan la’aanta iyo caburintu ay si aamusnaan ah u sii qoto dheeraadaan.”

Wakiilka Eritrea, Habtom Zerai Ghirmai, ayaa si kulul u weeraray go’aanka, isagoo ku eedeeyay Midowga Yurub inay muujinayaan “maskax gumaysi cusub oo iska dhigaya badbaadiye.”

Wuxuu intaas ku daray, “Kordhinta joogtada ah ee waajibaadka Wakiilka Gaarka ah waa gef ka dhan ah caqliga iyo caddaaladda.”

Iiraan, Suudaan iyo Ruushka – oo dhammaantood ay Qaramada Midoobay ku hayso baaritaanno u gaar ah – ayaa taageeray hindisaha Eritrea. Shiinaha ayaa sidoo kale taageeray tallaabadaas, isagoo ku dooday in waajibaadyada noocaan ah ay yihiin ku takrifal lagu hayo kheyraadka caalamiga ah.

 

Xogta dagaal ciidamada Itoobiya ku qabsaday BAAY

0

Diinsoor (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Baay, kaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay xoogagii weerarka qaaday iyo ciidamada Itoobiya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado, isla markaana la’isku adeegsaday hub culus, kaas oo dhaliyay khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay dagaalkan waxa ay sheegtay in dishay askar ka tirsanaa ciidamada Itoobiya, sidoo kalena ay gubtay qaar kamid kolonyada gaadiidka ee ay wateen.

Dhankooda  ciidamada Itoobiya ayaa adeegsaday madaafiic, iyaga oo duqeeyay goobaha laga soo weeraray, waxaana ay sheegeen inay iska difaaceen maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa sidoo kale saaka ka baxay saldhiggooda, iyaga oo kadib howlgallo ka sameeyay aagga degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Illaa iyo hadda ma jirto cid xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ee dagaalkan, marka laga tego sheegashada labada dhinac ee ku aadan weerarka iyo iska horimaadka xigay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamadaItoobiya iyo kuwa Xoogga dalka oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Diinsoor ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro ku hayay Al-Shabaab oo todobaadyadii lasoo dhaafay beegsatay saldhigyo ay degmadaas ku leeyihiin ciidanka Itoobiya ee qayta ka ah AUSOOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee jooga halkaasi.

Inta badan gobollo Baay iyo Bakool ayaa waxaa ka dhaca dagaallo iyo weeraro toos ah oo ay gaystaan maleeshiyada Khawaarijta oo go’doomin ku haya degaannada Koonfur Galbeed

Sawirro: Musiibo dad badan ay ku dhinteen oo ku habsatay gobolka Texas ee Mareykanka

San Antonio (Caasimada Online) – Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay daadad mahiigaan ah oo Jimcihii aroortii hore ku dhuftay koonfurta-bartamaha gobolka Texas ee Mareykanka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta iyadoo weli la la’yahay in ka badan 20 gabdhood oo ku jiray xero xagaaga loo aado.

“Waxaan xaqiijinnay dhimashada 13 qof,” ayuu yiri Guddoomiyaha Booliska Degmada Kerr, Larry Leitha, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada, kaddib markii daadad ba’an ay ku dhufteen gobolka oo ku yaal waqooyi-galbeed ee San Antonio, isagoo ka digay in khasaaraha uu intaas ka badan karo. Qaar ka mid ah dadka dhintay waxay ahaayeen carruur, sida uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Texas, Dan Patrick.

“Qiyaastii 23 gabdhood” ayaa la la’yahay oo ka tirsanaa xerada Camp Mystic oo ku taalla hareeraha Webiga Guadalupe, kaasoo biyihiisu ay habeen qura kor u kaceen 26 fiit (sideed mitir) muddo 45 daqiiqo gudahood ah, ayuu raaciyay Patrick.

“Taasi macnaheedu maaha in ay lumeen, waxaa laga yaabaa inay geed saaran yihiin, ama ay go’doon ka yihiin isgaarsiinta,” ayuu yiri.

Patrick wuxuu akhriyay farriin ka timid agaasimaha xerada xagaaga, oo ay ku sugnaayeen ilaa 750 qof oo u joogay fasaxa dheer ee maalinta xorriyadda ee 4-ta Luuliyo, taasoo sheegaysay in xerada ay soo gaartay “heer musiibo ah oo daadad ah.”

“Ma haysanno koronto, biyo iyo Wi-Fi,” ayaa lagu yiri farriinta.

Saraakiisha gobolka iyo kuwa deegaanka ayaa uga digay dadka deegaanka inay u safraan aaggaas oo ay ku yaallaan goobo dalxiis oo ku teedsan webiga, iyadoo daraasiin waddooyin ahna ay yihiin “kuwo aan la mari karin.”

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay guryo iyo geedo ay qaadayaan daadadkii habeenkii ku dhuftay deegaanka, kuwaasoo ka dhashay roobab mahiigaan ah oo gaarayay 12 inji oo hal habeen da’ay — taasoo u dhiganta saddex meelood meel roobka celcelis ahaan ka da’a degmada Kerr sannadkii.

Guddoomiyaha Gobolka Texas, Greg Abbott, ayaa bartiisa X ku wadaagay muuqaal muujinaya mid ka mid ah dhibanayaasha oo samatabixiye uu diyaarad helikobtar ah kasoo laadlaadiyay uu kasoo badbaadinayo geed dushiis, xilli ay biyaha daadadku si xowli ah hoostiisa uga socdeen.

‘Waji kale oo soo socda’

“Hawlgallada samatabixinta cirka ee sidan oo kale ah ayaa socda habeen iyo maalin. Ma joogsan doonno ilaa qof walba la helo,” ayuu yiri.

Freeman Martin, oo ah agaasimaha waaxda badbaadada dadweynaha ee gobolka, ayaa sheegay in daadadkani ay yihiin “dhacdo khasaare ballaaran leh.”

Ilaa 500 oo shaqaale samatabixin ah iyo 14 diyaaradood oo helikobtarro ah ayaa la geeyay goobta, iyadoo Ciidanka Qaranka Texas (Texas National Guard) ay direen kooxo gurmad ah, waxaana sidoo kale hawlgalka ku biiray Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Maraykanka (US Coast Guard).

“Roobkii wuu yara joogsaday, laakiin waxaan ognahay inay jirto waji kale oo soo socota,” ayuu ka digay Martin, isagoo sheegay in roobab kale ay ku dhufan doonaan deegaannada ku xeeran San Antonio iyo Austin.

“Kama war qabin daadadkan inay imaanayaan,” ayuu yiri garsooraha degmada Kerr, Rob Kelly, subaxnimadii Jimcaha, isagoo intaa ku daray in gobolka ay “daadadku si joogto ah uga dhacaan.”

“Kani waa dooxada webi ee ugu khatarta badan dalka Mareykanka,” ayuu raaciyay, isagoo ula jeeday Webiga Guadalupe ee dhex mara gobolka.

Sadaaliyeyaasha cimilada ayaa digniin daadad ah u diray degmada Kerr, iyagoo ku boorriyay dadka ku nool agagaarka webiga Guadalupe inay “u guuraan meelaha sarsare.”

Bartamihii bishii Juun, ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay daadad la mid ah oo ku dhuftay magaalada San Antonio kaddib roobab mahiigaan ah oo halkaas ka da’ay.

Eritrea oo diyaarisay qorshe halis badan iyo Itoobiya oo uga dacwootay Mareykanka

Addis Ababa (Caasimada Online) –Dowladda Itoobiya ayaa cabasho ka dhan ah Eritrea u dirtay dowladda Mareykanka, iyadoo ku eedeysay Eritrea inay diyaarinayso dagaal weyn oo ka dhaca gudaha Itoobiya, kaas oo la qorsheeyey inuu qarxo saddexda bilood ee soo socda.

Warbixin cusub oo ay baahisay Addis Standard ayaa sheegaysa in Itoobiya cabasho rasmi ah u dirtay Mareykanka, taas oo ku saabsan in Eritrea ay wado diyaar-garow dagaal oo ballaaran oo laga fulin doono gudaha Itoobiya.

Sida lagu sheegay warbixinta, Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, ayaa qoraal arrintan la xiriira u diray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio.

Sidoo kale, Dowladda Itoobiya waxay u aragtaa tallaabooyinka ka imaanaya dhanka Eritrea, kuwo keeni kara xasilooni darro weyn oo ka dhalata gudaha dalkeeda, sida ku cad cabashada ay u gudbiyeen Mareykanka.

Inkastoo dhanka Eritrea aan la helin wax war ah oo rasmi ah, haddana xiriirka labada dal ayaa xumaa tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii Tigray, kaas oo iyagoo xulufo ah ay galeen.

Dowladda Itoobiya waxay sidoo kale ka codsatay Mareykanka inuu arrintan si dhab ah u eego, isla markaana uu Eritrea ku cadaadiyo inay joojiso wax kasta oo keeni kara colaad cusub.

26 June 2025, Wasaaradda Warfaafinta Eritrea ayaa eedeymaha Itoobiya ku tilmaamtay marin habaabin ay wado Itoobiya, ayna ku dabooleyso qorshe duulaan ah iyo in Itoobiya ay aad u raadineyso marinka biyood iyo deked, iyada oo caddeysay in hadii awoodo militari loo baahdo ay isticmaali doonto.

Daawo: Fiqi oo u hanjabay ganacsatada qaar kadib markii la ogaaday in ay si hoose…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo galabta Muqdisho uga qeyb galay kulan loogu duceeyey halyeeyadii u shahiiday halganka xoreynta Soomaaliya ayaa farriin adag u diray ganacsatada weli dhaqaalaha siisa Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmahaan bilowday cadaadis ay ku dabageleyso ganacsatada, si kooxda Al-Shabaab looga hor istaago inay dadka ka aruursadaan lacagaha ay u yaqaanaan Zakawaadka oo xiliyadaan oo kale ay aad u uruuriyaan.

“Inkasta oo dowladdu Akoomo badan xirtay oo dad maxkamadeysay, haddana Ganacsato ayaa u dhuumanaya Al-Shabaan oo ugu taga goobaha ay joogaan, iyagoo siinaya lacago lagu gado hubka iyo qaraxyada dadkeenna iyo askarteena lagu dilayo,” ayuu yiri Wasiir Fiqi

Wasiirka Gaashaandhigga oo sii hadlayey ayaa yiri “Ganacsadow lacagtaada haku bixin dhibaateenta shacabka, ogowna in falkasta oo khawaarijta ku gaysato wixii aad siisay aad adigana danbigaas qeyb ka tahay.”

Wasiir Fiqi ayaa aad ugu mahadceliyey dhallinyaradii soo abaabushay kulankaan loogu duceeyey halyeeyadii u dhintay xornimo raadintii Soomaaliya iyo kuwa hadda la dagaalamaya Khawaarijta ee u dhimanaya in mar kale ay Soomaaliya ka xorowdo argagixisada.

“Waxaan soo wadnaa barnaamij la yiraan da’yarta iyo difaaca, waxaan dooneynaa in da’yarta, wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska xoogga ay saaxiib noqdaan, wax badan ayaan ka faa’iideysa doonaa dhalinyarada,” ayuu yiri Fiqi.

Masuuliyiin kale oo Wasiir Al-Cadaala uu ka mid yahay ayaa ka hadlay kulankaas, isagoo yiri, “Dhallinyarada Soomaaliyeed hadii aan la kicin dhibka aan ku jirno marnaba kama bixi doono, sidoo kale Culimada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in Masaajida ay ka sheegaan kuwa dalkeena iyo diinteena suuban weerarka ku ah.”

Hoos ka daawo Wasiir Fiqi

Saciid Deni oo Imaaraadka ku wareejinaya dekedda…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa dekedda Garacad ee gobolka Mudug ku wareejinaya shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta, taasoo qorsheyneysa maalgelin ballaaran oo dekeddaasi lagu sameeyo.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo xaqiijiyay arrintaan ayaa sheegay in muddo ay socdeen wada-hadallo farsamo oo la xiriiray wareejinta maamulka dekedda.

“Dekedda Garacad oo muhiim ahayd waxa muddaba socday wada-hadal dhinaca farsamada ah oo shirkadda Wadaagsin iyo shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo doonaysa in ay la wareegto dekedda Garacad, si ay maalgelin ugu samayso dekedda,” ayuu yiri Saciid Deni.

Waxa uu intaas kusii daray “Hadda waxa la dhammeystiray dhamaan arrimihii farsamada, waxaana rajeynayaa in hirgelinta heshiiskaasi ay si deg-deg ah u bilaabato.”

Dekedda Garacad aya waxaa haatan gacanta ku haysa shirkad Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Wadaagsan.

Sidoo kale, Madaxweynaha wuxuu sheegay in uu jiro qorshe lagu dhisayo waddo muhiim ah oo isku xiri doonta dekedda Garacad iyo kastamka Tuury-dibi ee degmada Galdogob, taasoo sahli doonta badeecadaha ganacsi ee loo raro Itoobiya.

Si kastaba, Imaaraadka ayaa hore gacanta ugu hayay dekedda magaalada Boosaaso, taas oo weli aysan dhammeystiran dhismaheeda.

Somalia oo fulisay tallaabo looga saarayo liiska uu ku daray madaxweyne Trump

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa daah-furtay nidaam casri ah oo ku shaqeeya biyometrigga oo lagu maareeyo xuduudaha, kaasoo ay taageereyso dowladda Maraykanku, wuxuuna awood u siinayaa mas’uuliyiinta inay si toos ah (real-time) ula socdaan socotada iyagoo is-barbardhigaya liisaska caalamiga ah ee dadka laga digtoonaado.

Dalka Soomaaliya oo Maraykanku u aqoonsaday inuu yahay ‘goob ay argagixisadu gabbaad ka dhigato’ kaddib markii ay si weyn u kordheen dhimashada ka dhalanaysa weerarada Al-Shabaab, ayaa ka mid ah waddamada ay saameysay xayiraaddii fiisaha ee uu soo rogay Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.

Nidaamkan oo lagu magacaabo Nidaamka Amniga ee Isbarbardhigga iyo Qiimeynta Aqoonsiga Shaqsiyeed (PISCES), oo helaya taageero farsamo oo ka socota Maraykanka, ayaa lagu rakibay dhammaan garoomada diyaaradaha ee waaweyn ee Soomaaliya si dib-u-habeyn loogu sameeyo nidaamka socdaalka ee dalka oo muddo dheer la daalaa-dhacayay.

Rajada Soomaaliya ee ah laga qaado xayiraadda fiisaha

Nidaamkani wuxuu si degdeg ah u aqoonsanayaa aqoonsiyada been abuurka ah iyo dhaq-dhaqaaqyada safarrada ee shaki gelin kara, isagoo gacan ka geysanaya in la fududeeyo isu-socodka rakaabka sharciga ah, isla markaana kor u qaadaya amniga qaranka.

“Waxaan rajeynayaa in habkan cusub uu Soomaaliya ka saari doono liiska xayiraadda socdaalka ee Trump waqti dhow, marka uu nidaamku si buuxda u shaqo galo,” ayuu Mustaf Duhulow, agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo xuduudaha Soomaaliya, u sheegay The Africa Report waraysi gaar ah oo uu siiyay.

Nidaamku wuxuu leeyahay teknoolajiyad casri ah oo lagu hubinayo socotada si toos ah, taasoo ay ka mid yihiin aqoonsiga wajiga, aqrinta faraha, iyo iskaanka baasaboorka oo ku xiran liisaska dadka laga digtoonaado ee heer qaran iyo heer caalamiba.

Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa kormeeraysay hirgelinta mashruucan, iyadoo tababarro xirfado farsamo ah siisay saraakiisha socdaalka Soomaaliya, sidoo kalena ka taageertay horumarinta kaabeyaasha. Waxay kaloo ka qaadatay kaalin la-talin ah.

Daah-furkan ayaa ku soo beegmay xilli ay xukuumaddii Trump ay soo rogtay xayiraado dhanka socdaalka ah oo saameeyay muwaadiniinta Soomaaliyeed, taasoo ah dib-u-dhac muujinaya baahida ay Soomaaliya u qabto inay si weyn u casriyeyso nidaamkeeda maareynta socdaalka.

“Tani waa bilowga wax runtii gaar u ah xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka. Waxaa na horyaalla shaqo badan, waxaana diiradda saaraynaa inaan kala shaqayno Soomaaliya sidii loo xaqiijin lahaa dal deggan oo ammaan u ah muwaadiniintiisa,” ayuu yiri Bob Flannery, la-taliyaha barnaamijka la-dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya ee safaaradda Maraykanka.

Shaqo waqtigeeda ku socota

Wargeyska The Africa Report wuxuu fursad u helay inuu goob joog ka noqdo sida uu nidaamkani u shaqeeyo intii lagu guda jiray booqasho lagu tagay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Saraakiisha socdaalka ayaa isticmaalayay xogta biyometrigga si toos ah, iyagoo u barbardhigayay keydka xogta caalamiga ah.

Shamsa Cali, oo haysata dhalashada Finland, ayaa sheegtay inay markii ugu horreysay fiisaha elegtarooniga ah (e-visa) ka codsatay iyadoo joogta gurigeeda. “Fiisaheyga si degdeg ah ayaan ku helay, haddana waxaan joogaa garoonka diyaaradaha iyadoo aan wax dhibaato ah la kulmin,” ayay tiri.

Shamso oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya, waxay ka mid tahay kumannaankii qof ee dalka uga cararay dagaallada sokeeye. “Waa markii iigu horreysay ee aan Soomaaliya soo booqdo tan iyo markii aan ka qaxay 2010-kii, balse weli waxaa jira raadadkii xanuunka lahaa ee maalmahaas,” ayay tiri Shamsa.

“Inkastoo ay wax badan isbeddeleen oo horumar la sameeyay, oo ay ku jiraan nidaamyadan casriga ah ee garoonka yaalla, haddana weli waxaan xoogaa ka walwalsanahay amniga dibadda, maadaama aan u imid inaan soo booqdo hooyaday oo halkan ku nool,” ayay raacisay.

Sugidda amniga xuduudaha oo weli caqabad ah

Walwalkeedu ma ahan mid aan sal lahayn. Sannado badan, xuduudaha Soomaaliya waxay ahaayeen kuwo u nugul in si xun looga faa’iidaysto. Hubinta liidata ee dokumiintiyada, laaluushka iyo kontorool la’aanta ka jirtay goobaha muhiimka ah ee laga soo galo dalka ayaa fursad siisay Al-Shabaab.

Arrimahani waxay awood u siiyeen kooxda, oo uu Maraykanku u aqoonsaday argagixiso tan iyo 2008-dii, inay si sharci-darro ah ku soo geliyaan hub iyo badeecooyin, ayna dalka soo galaan iyagoon wax hubin ah marin.

Kaabahan dhijitaalka ah ee cusub waxaa loogu talagalay inuu taas wax ka beddelo, sida uu sheegay Ilyaas Maxamed, oo ah falanqeeye dhinaca amniga ah oo Soomaali ah. “Inkastoo Soomaaliya ay weli si weyn ugu dhex jirto waddamada dhibaatooyinku ka jiraan, heerka la oggolaado socdaalkeeda ayaa si tartiib ah u soo hagaagaya,” ayuu yiri.

Nidaamkan cusub ee biyometrigga ah wuxuu hiigsanayaa in lagu xakameeyo tahriibka iyo ka ganacsiga dadka ee ka dhaca xuduudaha muhiimka ah, oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha, dekedaha, iyo goobaha kontorool ee dhulka—waana qayb ka mid ah dadaal ballaaran oo lagu soo celinayo amniga socdaalka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dowladda.

In kasta oo nidaamkan cusub uu tusaale u yahay horumar la gaaray, haddana waxaa weli jira caqabado. Al-Shabaab waxay weli gacanta ku haysaa deegaanno badan oo miyi ah, sidoo kale musuq-maasuqa ka jira hay’adaha dowladda ayaa weli ah mid jira.

Si kastaba ha ahaatee, Mustaf Duxulow wuxuu muujiyay rajo wanaagsan. “Waa inuu sii jiraa iskaashiga ilaa aan ka gaarayno isku-filnaansho. Waxaan ku kalsoonahay inaan gaari doonno awooddaas annagoo kaashanayna saaxiibadeenna caalamka, oo uu ku jiro Maraykanku,” ayuu yiri.

Fiqi oo sheegay inay burburtay rejadii mucaaradka ee teendhada Xalane kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in sii socoshada hanaanka doorasho qof iyo cod iyo diiwaan-gelinta ka socota maamullada ay god dheer ku rideyso rejadii mucaaradka ee ku laabashada teendhadii Afisyoone.

Is-diiwaangelinta codbixiyaasha ayaa shalay si rasmi ah uga bilaabatay maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, taasoo ay daah-fureen hoggaamiyayaasha labada maamul, Axmed Qoor-Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen.

Fiqi ayaa sheegay in tallaabadan ay soo xirayso albaabkii kuwii Shakiga gelinayay dhabnimada qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah.

“Tallaabadani waxay duufaan burburisay ku furtay rajadii siyaasiyiinta qaarkood ay ku xirayeen teendhadii Xalane in dib loogu noqonayo, waxayna shacabka siisay rajo ay cidda matalaysa ku soo doortaan ayagoo sharfan,” ayuu yiri Wasiir Axmed Fiqi.

Waxa uu intaas kusii daray “Bogaadin iyo mahadcelin ballaaran Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo Soohdimaha.”

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay bilowdeen wada-hadallo u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta mucaaradka, isla markaana ay dhinacyadu isku mari la’yihiin wax ka beddelka dastuurka iyo hanaanka doorasho.

Xubnaha mucaaradka ayaa soo doonaya in cutubka afaraad ee wax ka bedelka dastuurka laga laabto oo sidii hore lagu celiyo. Qodobkan ayaa shalay noqday mid dood culus dhaliyay, oo sababi gaaray in shirka lagu kala tago, hase ahaatee waxaa markii dambe la isla gartay in dib la isugu soo laabto laabatanka bisha oo dhinacyadu ay soo wada tashtaan.

Itoobiya oo ku dhowaaqay dhameystirka biyo-xireenka Nile iyo Abiy oo Masar u sheegay…

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa Khamiistii sheegay in biyo-xireenka koronto oo muranka dhaliyay ee laga dhisay Webiga Nile uu hadda dhammaaday, taasoo guul weyn u ah dalkiisa, xilli uu khilaaf kala dhexeeyo dalka Masar oo ku saabsan qaybsi caddaalad ah oo biyaha ah.

Masar ayaa muddo dheer ka soo horjeedday biyo-xireenka, sababo la xiriira walaac ay ka qabto inuu yareyn doono saamigeeda biyaha Webiga Nile. Dowladda Masar ayaa ku tilmaantay biyo-xireenka, oo loo yaqaano Biyo-xireenka weyn ee dib-u-curashada Itoobiya (Grand Ethiopian Renaissance Dam), mid khatar ku ah jiritaankeeda, sababtoo ah dalkan oo ah kan ugu dadka badan dunida Carabta ayaa si buuxda ugu tiirsan Webiga Nile si uu biyo u siiyo beeraha iyo dadkiisa oo ka badan 100 milyan oo qof.

Wadahadallo sannado badan dhex marayay Itoobiya iyo Masar ayaan weli horseedin heshiis, waxaana weli taagan su’aalo ku saabsan inta biyo ah ee ay Itoobiya usii deyn doonto dhanka hoose haddii ay abaari dhacdo.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, oo khudbad u jeedinayay xildhibaannada maalintii Khamiista, ayaa sheegay in dowladdu ay “isu diyaarinayso caleema-saarkiisa rasmiga ah” bisha Sebteembar.

“In kasta oo ay jiraan kuwa aaminsan in la carqaladeeyo inta ka horreysa xilligaas, waxaan mar kale xaqiijinaynaa ballanqaadkeenna: biyo-xireenka waa la caleema-saari doonaa,” ayuu yiri.

Abiy wuxuu sheegay in dalkiisu “ay ka go’an tahay sidii loo xaqiijin lahaa in horumarkeena uusan ku imaanin khasaaraha walaalaheenna Masar iyo Suudaan.”

“Waxaan aaminsannahay horumar la wadaago, tamar la wadaago, iyo biyo la wadaago,” ayuu yiri. “Barwaaqada mid ka mid ah waa inay ka dhigan tahay barwaaqo loo wada siman yahay.”

Itoobiya iyo Masar ayaa sannado badan isku dayayay inay heshiis ka gaaraan biyo-xireenkan oo ku kacay $4 bilyan, kaasoo Itoobiya ay bilowday dhismihiisa sannadkii 2011. Xiisadda ka dhalatay biyo-xireenka, oo ah kan ugu weyn Afrika, ayaa mar gaartay heerkii ugu sarreeyay, taasoo keentay in qaar ka mid ah falanqeeyayaashu ay ka baqdaan in labada dal ay ku dagaallamaan.

Laakiin Itoobiya waxay heshay taageero diblomaasiyadeed oo ay ka heshay waddamada webigu ka soo bilowdo sida Uganda, oo xarun u ah iskaashi goboleed oo ka kooban 10 waddan, kuwaasoo sannadkii hore saxiixay heshiis ku saabsan isticmaal caddaalad ku dhisan oo loo adeegsado kheyraadka biyaha ee Dooxada Webiga Nile.

Heshiiska iskaashigan, oo loo yaqaano Hindisaha Dalalka Dooxada Nile (Nile Basin Initiative), ayaa dhaqan galay bishii Oktoobar iyadoo aysan ansixin Masar iyo Suudaan.

Biyo-xireenkan oo ku yaal Webiga Niilka Buluugga ah (Blue Nile) meel u dhow xudduudda Suudaan, wuxuu billaabay inuu koronto dhaliyo sannadkii 2022. Mashruucan ayaa la filayaa inuu ugu dambeyn soo saaro in ka badan 6,000 oo megawatt oo koronto ah, taasoo laba jibaar ka badan wax-soo-saarka hadda ee Itoobiya, ayna ku filan tahay inay dalkan Bariga Afrika ee ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof ka dhigto mid dhoofiya tamar saa’id ah.

Biyo-xireenku wuxuu ku yaal qiyaastii 500 oo kilomitir (311 mayl) waqooyi-galbeed ee caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Dhererkiisu waa 1,800 mitir, jooggiisuna waa 175 mitir, waxaana ku xiran keyd-biyood qaadi kara ilaa 74 bilyan oo mitir kuyuubik oo biyo ah, sida uu sheegay qandaraaslaha ugu weyn ee dhisayay.

Itoobiya waxay ku adkaysanaysaa in biyo-xireenku yahay horumar muhiim ah oo ka caawin doona in malaayiin muwaadiniinteeda ah laga saaro saboolnimada, isla markaana uu ka dhigi doono dalka mid weyn oo dhoofiya tamarta.

Ma aysan suurtagelin in si degdeg ah looga helo faallo dalka Masar, oo muddo dheer ku doodaysay xuquuqdeeda biyaha Nile iyadoo cuskanaysa shuruudaha heshiis laga dhaxlay xilligii gumeysiga.

Heshiiskan oo dhex maray Masar iyo Boqortooyadii Ingiriiska ayaa siinayay dalalka dhanka hoose ee Masar iyo Suudaan xuquuqda biyaha Nile, iyadoo Masar ay qaadanaysay saamiga ugu badan.

Heshiiskaas, oo markii hore la saxiixay 1929-kii, laguma xisaabtamin dalalkii kale ee ku teedsanaa dooxada webiga, kuwaasoo dalbanayay heshiis ka caddaalad badan.

Masar oo walaac ka muujisay xaaladda Soomaaliya – Maxaa soo kordhay?

0

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty ayaa muujiyay walaaca dowladda Masar ka qabto xaaladda amni ee weli ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan khatarta amni ee ka imaanaysa kooxaha argagixisada, sida Al-Shabaab.

Wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in si nidaamsan oo deg-deg ah loogu guuro AUSSOM, si loo ilaaliyo guulihii laga gaaray amniga loogana hortago firaaq amni oo ay kooxuhu ka faa’iideystaan.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa adkeeyay in howl-galka cusub ee AUSSOM uu u baahan yahay maalgelin joogto ah si uu u fuli karo waajibaadkiisa, loona xaqiijiyo in guulaha laga gaaray amniga aysan dib u dhicin.

Wuxuu sheegay in haddii aan la helin taageerada dhaqaale ee loo baahan yahay, ay taasi curyaamin doonto awoodda AUSSOM, taasoo saameyn xun ku yeelan karta nabadda gobolka Geeska Afrika iyo caalamkaba.

Wasiirka ayaa si gaar ah u tilmaamay in xaaladdu ay halis gelin karto ganacsiga badda ee caalamiga ah, isla markaana ay kor u qaadi karto khatarta argagixisada haddii aan si buuxda loo taageerin qorshaha amni ee cusub.

Wasiirka oo ka qeyb-galayay kulanka Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ee heer wasiir oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga ayuu Wasiirka wuxuu muujiyay taageerada buuxda ee Masar ay u hayso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, midnimada, xasilloonida, iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

Wuxuu sidoo kale uga mahad-celiyay Dowladda Federaalka dadaalka ay ku bixisay sugidda amniga iyo dhisidda hay’adaha dowliga ah, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo lagu xaqiijinayo xasiloonida iyo dowlad wanaagga.

Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa ku cel-celiyay in Masar ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ayna diyaar u tahay in ay ka qeyb qaadato xoojinta awoodda hay’adaha amniga si mas’uuliyadda amni loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed si tartiib tartiib ah.

Beesha Isaaq oo sheegtay in lagu takooro Kenya, dalabna u dirtay madaxweyne Ruto

Nairobi (Caasimada Online) – Beesha Isaaq ayaa si weyn uga cabatay takoor ay sheegtay in ay kala kulmeyso dowladda Kenya, iyagoo sheegay in aan beeshaasi wax metelaad ah ku lahayn hay’adaha dowladda.

Beesha ayaa arrintan ku soo bandhigtay shir ay ku yeesheen magaalada Nairobi, halkaas oo ay kaga codsadeen dowladda Madaxweyne William Ruto in ay wax ka qabato cabashadooda.

Qaar ka mid ah masuuliyiintii shirka ka hadlay ayaa sheegay in beesha Isaaq muddo dheer ka mid ahayd bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kenya, balse aanay helin wax metelaad ah oo muuqda.

Sidoo kale waxay codsadeen in dowladda Kenya ay ku darto liiska beelaha la aqoonsan yahay ee fursadaha helaya, si loola simo beelaha kale ee Soomaaliyeed.

Dhowr qabiil oo Soomaaliyeed ayaa si joogto ah xilal sare uga hela dowladda Kenya, halka beesha Isaaq aanay weligeed wax xil ah ka qaban dowladda Kenya.

Beesha Isaaq waxay ku baaqday in la siiyo aqoonsiga iyo xuquuqaha kale ee ay beelaha kale heleen, si loo helo cadaalad bulsho iyo mid siyaasadeedba.

Si kastaba, arrintan ayay beeshu ku tilmaantay mid xaq-darro ah oo u baahan in si deg-deg ah wax looga qabto si beesha loo siiyo xuquuq la mid ah mida beelaha kale.