26.4 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Maamulka Khalifa Haftar oo mamnuucay Soomaalida iyo muwaadiniinta 3 dal oo kale

Benghazi (Caasimada Online) — Maamulka ka dhisan bariga Libya ayaa Talaadadii mamnuucay in muwaadiniinta Soomaaliya, Sudan, Eritrea iyo Itoobiya ay galaan dhulka Libya, tallaabo uu sarkaal ka tirsan maamulkaasi ku sheegay mid “dib loogu habeynayo” nidaamka soo gelitaanka ajaaniibta dalkaas.

Wareegto kasoo baxday maamulka fadhigiisu yahay magaalada Benghazi ayaa lagu sheegay in “muwaadiniinta Sudan, Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya laga mamnuucay inay soo galaan dhulka Libya, iyaga oo adeegsanaya dhammaan dekedaha dhulka, badda iyo hawada.”

Maamulka Benghazi ee uu hoggaamiyo Osama Hamad ayaa xulufo la ah taliyaha militariga bariga Libya Khalifa Haftar, kaas oo gacanta ku haya bariga dalkaas iyo qeybo ballaaran oo ka mid ah koonfurta Libya.

Libya ayaa weli u kala qeybsan labo maamul oo iska soo horjeeda, iyadoo dowladda caalamku aqoonsan yahay ee uu hoggaamiyo Abdulhamid Dbeibah ay fadhigeedu yahay magaalada Tripoli. Dbeibah ayaa xukunka ku yimid hannaan ay Qaramada Midoobay taageertay sanadkii 2021.

Sarkaal ka tirsan maamulka bariga Libya ayaa wakaaladda Reuters u sheegay in go’aankan uu qeyb ka yahay dadaal lagu “habeynayo soo gelitaanka ajaaniibta ee Libya,” balse faahfaahin dheeraad ah kama bixin sababta si gaar ah loogu bartilmaameedsaday afartan dal ee Afrikaan ah.

Go’aanka ayaa ka reebaya xubnaha safaaradaha iyo qunsuliyadaha rasmiga ah ee dalalkaas, iyo sidoo kale xubnaha qoysaskooda. Waxaa sidoo kale laga reebay shaqaalaha ka howlgala waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada la xiriira, haddii ay haystaan oggolaanshaha lagama maarmaanka ah iyo qandaraasyo shaqo oo sharci ah oo ay ka heleen hay’adaha ku shaqada leh.

Libya ayaa muddo sanado ah ahayd waddo muhiim ah oo ay isticmaalaan muhaajiriinta ka imanaya dalal ay ka jiraan dagaallo, saboolnimo iyo xasillooni-darro, kuwaas oo doonaya inay Yurub uga gudbaan badda Mediterranean-ka.

Tan iyo markii la riday hoggaamiyihii Libya Muammar Gaddafi sanadkii 2011, kaddib kacdoon ay taageereen dalalka NATO, dalkaas ayaa galay qalalaase siyaasadeed iyo mid amni. Khilaafka kooxaha hubeysan iyo maamullada iska soo horjeeda ayaa sii xoogaystay sanadkii 2014, taas oo dalka u kala qeybisay bariga iyo galbeedka.

Xog ay Qaramada Midoobay uruurisay horaantii sanadkan ayaa muujineysa in Libya ay ku sugan yihiin in ka badan 900,000 oo muhaajiriin ah, kuwaas oo badankood ka yimid dalal Afrikaan ah.

Maxay DF ka tiri go’aanka ay QM kasoo saartay Ahlu Sunna Waljamaaca?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanka kasoo baxay Qaramada Midoobay ee Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca looga saaray liiska xadgudubyada loo gaysto carruurta, xilliyada colaadaha.

Warbixin sanadle ah oo kasoo baxday QM oo ku saabsan carruurta iyo colaadaha hubeysan, ayaa si rasmi ah loogu xaqiijiyay in Ahlu Sunna looga saaray liiska dhinacyada ku lugta leh xadgudubyada carruurta ee xilliyada dagaallada.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo iyadu ka qayb-qaadatay dadaallada la sameeyay ayaa soo dhaweysay go’aanka Qaramada Midoobay, waxayna sheegtay in arrintan lagu gaaray geeddi-socod, qiimeyn iyo wada-tashiyo ay ka qeyb qaateen hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,

Ahlu Sunna ayaa muddo ku jirtay lifaaqyada warbixinnada Qaramada Midoobay ee carruurta iyo colaadaha hubeysan, basle waxaa hadda la xaqiijiyay in ururkaasi aanu hubeysneyn, isla markaana xubnihiisii ay ku milmeen hay’adaha amniga Qaranka Soomaaliyeed.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka;-

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa warbixinta sannadlaha ah ee Qaramada Midoobay (A/80/723-S/2026/357) ee ku saabsan Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan, taas oo si rasmi ah u xaqiijisay in ururkii Ahlu Sunna Waljamaaca (ASWJ) laga saaray liiska dhinacyada ku lugta leh xadgudubyada carruurta xilliyada colaadaha hubeysan. ASWJ, oo muddo ku jirtay lifaaqyada warbixinnada Qaramada Midoobay ee Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan, ayaa laga saaray liiska kadib markii la xaqiijiyay in ururkaasi aanu mar dambe u jirin koox hubeysan oo madaxbannaan, isla markaana xubnihiisii ay ku milmeen hay’adaha amniga Qaranka Soomaaliyeed.

Go’aankan muhiimka ah wuxuu ka tarjumayaa horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dib-u-habeynta hay’adaha amniga, xoojinta dowladnimada iyo hirgelinta waajibaadka la xiriira ilaalinta carruurta. Sidoo kale, wuxuu caddeyn u yahay dadaallada wadajirka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah ee ku aaddan xaqiijinta ilaalinta carruurta xilliyada colaadaha hubeysan.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa hormuud ka ahayd dadaalladii iyo wada-hadalladii farsamo ee horseeday dib-u-eegista xaaladda Ahlu Sunna Waljamaaca, iyadoo soo gudbisay codsi rasmi ah oo lagu waafajinayo qiimeynta Qaramada Midoobay iyo xaqiiqooyinka ka jira Soomaaliya. Xaqiijintan waxaa lagu gaaray geeddi-socod qiimeyn, daraasayn, xog-ururin, xaqiijin iyo wada-tashiyo ay ka qeyb qaateen hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada kale ee caalamiga ah.

Wasaaraddu waxay uga mahadcelinaysaa Qaramada Midoobay, UNICEF, hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Dowlad-goboleedka Galmudug, iyo dhammaan saaxiibbada caalamiga ah taageerada iyo wada-shaqeynta ay ka geysteen guushan muhiimka ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta carruurta, dhowrista xuquuqda aadanaha, hirgelinta Siyaasadda Qaranka ee llaalinta Rayidka, iyo dhismaha hay’ado amni oo masuul ah, isla markaana waafaqsan heerarka iyo waajibaadka caalamiga ah.

Trump oo ka Jawaabay tallaabada Aqalka Senate-ka ee dagaalka Iiraan

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo qoraal xasaasi ah soo saaray ayaa si deg-deg ah uga jawaabay ansixinta qaraarka lagu xadidayo awoodihiisa ee dagaalka Iiraan, kaas oo ay soo saareen odayaasha Aqalka Senate-ka Mareykanka, fiidnimadii Talaadada.

Trump oo qoraal soo geliyay bartiisa bulshada ayaa shaaca ka qaaday in go’aanka Aqalka Senate-ka uu kusoo aaday xilli xun, isla markaana qaraarkooda uu yahay mid aan macno badan lahayn.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in uusan ku faraxsaneyn go’aanka soo baxay, isaga oo dhanka kale farriin cad u diray dowladda Iiraan.

Farriinta uu Trump ku baahiyay bartiisa bulshada ayaa u qornayd sidan:-

“Waxaan Iiraan geliyay meel ay si buuxda cadaadis ugu jirtay, diyaar u ahayd inay dib u laabato, oo ay ku dhowaad wax walba na siiso. Markii ugu horreysay muddo tobanaan sano ah, Iiraan waxay ixtiraam badan u haysay dowladda Mareykanka iyo madaxweynaheeda, oo ah aniga. Laakiin Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa go’aansaday waqtigii ugu xumaa, iyadoo cod aan macno lahayn lagu qaaday Xeerka Awoodaha Dagaalka, inay farriin u diraan dowladda ugu weyn adduunka ee maalgelisa argagixisada in Mareykanku uusan ku faraxsanayn tallaabooyinka aan ka qaadayo oo aan joojiyo. Waxay taageero u fidinayaan cadowga.

Afar ka mid ah Jamhuuriyiinta laga badiyay ayaa codkooda ku biiriytay Dimuqraadiyiinta, ‘Maxay codkani ka dhigan tahay?’ Senetaradani waxay shaqadayda ka dhigeen mid adag, laakiin shaqada waan qaban doonaa, wax kasta haa igu qaadato, sababtoo ah taasi waa waxa aan had iyo jeer sameey”!

Sida aan horey u sheegnay, Aqalka Senate-ka Mareykanka oo ay Jamhuuriyiintu ku leeyihin aqlabiyadda, ayaa Talaadadii taageeray hindise sharciyeed lagu joojinayo tallaabada milatari ee Mareykanka uu ka qaadayo Iiraan, laakiin weli ma cadda saameynta uu sharcigan ku yeelan doono dagaalka, gaar ahaan iyadoo maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka gorgortamayo heshiis nabadeed oo uu la galayo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Aqalka Senate-ka ayaa u codeeyay 50-48 si ay u taageeraan qaraarka wadajirka ah, kaas oo horey u ansixiyay Aqalka Wakiilada horraantii bishan.

Ra’yi ururinta ayaa muujinaysa walaac sii kordhaya oo ku saabsan dagaalka Iiraan, walaacyadaas oo xitaa dareemayaan qaar ka mid ah xubnaha Jamhuuriyiinta taageersan Mr. Trump.

Dagaalkan, oo bilaabmay Febraayo 28, isla markaana aanay taageersaneyn inta badan dadweynaha Mareykanka, ayaa weli waxaa socda heshiiskiisa rasmiga ah.

Daaawo: Gabadhii lagu dhibaateeyay Muqdisho ‘oo la waayay’

0

Muqdisho (Caasimad Online) – Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab oo maanta shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa ka hadashay arrimo ku aadan falkii lagu dhibaateeyay gabar ku sugneyd goob fagaare ah oo ku taalla Muqdisho, laguna soo dhaweynayay mid kamid gabdhaha isticmaala baraha bulshada oo kusoo laabatay caasimada.

Muuqaalka gabadha yar oo ku baahay baraha bulshada ayaa muujinayo wiilal dhalinyaro ah oo ku xadgudbayo gabadha, waxaana ka dhashay caro xoogan.

Marwo Jawaahir Baarqab ayaa shaaca ka qaaday in ay raadiyeen gabadha la dhibaateeyay balse ay waayeen, iyada oo su’aal ka keentay sida ay wax u dheceen.

Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegtay in dhacdadan ay u eeg-tahay mid lasoo abaabulay oo laga leeyahay dano gaar ah.

“Gabadhii dhibka ku dhacay waxaan ka raadinay gobolka Banaadir meel walba ka raadinay waan la’nahay marka ma iyaga ayaa gabadha soo abaabulay oo qorshe ay wadeen ayay ahayd? waayo falka dhacay iyo hadalkooda ayaa isku xigsaday,” ayay tiri guddoomiyaha haweenka ee gobolka Banadir.

Sidoo kale waxay jawaab adag siisay gadhihii mudaharaadka dhigay u dacwooday beesha caalamka. “Gabdhahaas tacaddiga, dulmiga iyo beenta sheeganaayo iyo Xalane ayaan u dirsaneynaa beesha caalamka la hadleynaa waddankan beel caalam kama talisee waxay caawisaa bulshada Soomaaliyeed”.

Dhinaca kale, waxay farriin u dirtay laamaha amniga Soomaaliya oo ay ugu baaqday inay tallaabo deg-deg ah ka qaadaan gabdhaha siyaasadeynaya kiiskan ee baraha bulshada ka wada ololaha xooggan.

“Waxaan rabnaa laamaha amniga in tallaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadaan gabdhahaas, gabar rabta iyadoo qaawan inay Liido isku soo duubto oo xeebaha ay tagto oo Jasiiro tagto, haddana rabto inay xijaab soo qaadato oo boor kale Feminist keento qof ka yeelaayo ma jirto,” ayay markale tiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ciidamada Booliska Soomaaliya ay weli baadi goob ugu jiraan raggii ka dambeeyay falkaasi, si cadaaladda loo horkeeno dambiileyaasha.

Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa dhankeeda baaris ku haysa dhacdada, waxayna sheegtay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo lagu helO inay ku lug lahayd falka lagu dhibaateeyay gabadha yar.

Daawo: DF oo war kasoo saartay shacabkii lagu laayay Ari-Caddeeye

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya,Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo wareysi kooban siiyay Telefishinka Soomaali Cable ayaa ka hadlay dagaalka ka dhacay deegaanka Ari-Caddeeye ee gobolka Sool, kaas oo lagu xasuuqay dad badan oo shacab ah ayna ku jiraan dad Birmageydo ah.

Wasiir Cali Xoosh ayaa falka ka dhacay ku tilmaamay wax aan la aqbali karin, isla markaana aan u fiicneen Waqooyi Bari iyo guud ahaan Soomaali.

“Deegaanka Ari-Caddeeye fidno ayaa ka dhacday oo aan u fiicneyn deegaanka iyo Soomaali aad iyo aad ayaan uga xunahay wixii dhacay waana wax aan u fiicneen qalbiga daahirka ah” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu tacsi u diray ehellada dadka lagu dilay Ari-Caddeeye oo maanta aas wadareed loo sameeyay, isaga oo kuwa dhaawaca ah u rajeeyay caafimaad buuxa.

“Waxaan Alle uga baryeynaa in intii ku dhimatay uu Eebbe u naxariisto intii ku dhaawacantana uu u booga dhayo,” ayuu mar kale Wasiir Cali Xoosh.

Dhinaca kale, bayaan goor sii horreysay kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo lagu cambaareeyay dhacdadan ayaa baaq loogu diray beelaha labada dhinac oo loogu baaqay inay joojiyaan dagaallada dhexdooda ah iyo in lasii huriyo colaadda ka taagan duleedka magaalada Laascaanood.

“Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda, iyadoo dhinacyada ay khusayso loogu baaqayo inay ka hormariyaan nabadda, wada noolaanshaha iyo ilaalinta Xasiloonida shacabka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xaaladda deegaanka ayaa haatan deggan, kadib dagaal shalay halkaas ka dhacay oo sababay dhimashada in ka badan 20 ruux iyo dhaawaca tobannaan kale, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoonaan karo.

Dagaalka ayaa galaaftay nolosha dad rayid ah, iyadoo qaar ka mid ah dadkii ku dhintay maanta la aasay, halka dhaawacyada qaar loo qaaday goobo caafimaad oo ku yaalla deegaannada u dhow, gaar ahaan Laascaanood.

Wararka haatan laga helayo Ari-Caddeeye ayaa sheegaya in dadka ku dhintay dagaalka ay ku jireen haween, carruur iyo dad da’ ah, taas oo sare u qaadday walaaca laga qabo saameynta uu dagaalku ku yeeshay shacabka rayidka ah ee ku nool degmada.

Dhanka kale, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee degmada Ari-Caddeeye ayaa wada dadaallo lagu qaboojinayo xaaladda, iyagoo ku baaqaya in la joojiyo colaadda iyo falalka aargoosiga ah ee keeni kara dagaallo hor leh.

Dagaalka ka dhacay degmada Ari-Caddeeye ayaa ku soo beegmaya xilli gobolka Sool ay marar kala duwan ka dhacayeen xiisado iyo dilal la xiriira aanooyin hore iyo khilaafaad deegaan, iyadoo shacabka deegaanku ay ka cabsi qabaan in xaaladdu mar kale faraha ka baxdo haddii aan xal degdeg ah laga gaarin.

Wafdi iyo ciidamo ay dirtay DF oo gaaray Dhuusamareeb + Ujeedka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo galabta ka ambabaxay Muqdisho ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wafdigan ayaa hordhac u ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo lagu wado inuu berri gaaro magaalada Dhuusamareeb. Sidoo kale xubnaha wafdiga ee lagu soo dhaweeyay halkaas waxaa kamid ah ilaalada gaarka ah ee Ra’iisul wasaaraha.

Qaban qaabada soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale hadda laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb, oo uu ka bilaabi doono kulamo, sida ay soo sheegayaan Wariyeyaal ku sugan deegaannada Galmudug.

Dhanka kale, ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay meelaha muhiimka ah ee caasimada, si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa gud, una sugaan amniga Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa.

Waxaa sidoo kale, magaalada haatan ku sugan Agaasimaha Hay’adda NISA, Mahad Salaad oo wada-hadallo dhowr wareeg ah la galay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), kuwaas oo looga hadlay xiisadda siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in dadaallada socda uu sidoo kale ka qayb-geli doono Ra’iisul wasaare Xamza, si loo qanciyo Qoor Qoor, kadibna doorasho qof iyo cod ah looga qabto deegaannada Dowlad-goboleedka Galmudug.

Wada-hadalladan ayaa lagu soo warramayaa in is-faham hordhac ah laga gaaray, isla markaana dhamaystirkooda uu goobjoog noqon doono Xamza, iyada oo kadib qorshuhu yahay in doorasho toos ah laga qabto Galmudug.

Villa Somalia ayaa dooneysa in isbeddel siyaasadeed laga sameeyo Galmudug, isla markaana doorashada madaxtinimada Galmudug ee la qabanayo bisha July lagu doorto musharrax ka imaan doona urur-siyaasadeedka JSP. Waxaa aad loo hadal hayaa in musharraxaasi noqon karo ganacsade Liibaan Axmed Xasan, haddii uusan isbeddelin mowqifka taageerada madaxtooyada ee ku aaddan ninkaas.

Si kastaba, ha’ahaatee, dadka reer Galmudug ayaa isha ku haya xiisadda taagan, oo ay garowsan yihiin inay khatar dhab ah ku tahay jiritaanka Galmudug, isla markaana ay sii kala fogeyn karto bulshada maamulkaasi.

Soomaaliya oo garab istaag wayn u muujisay Qatar kadib..

0

Doha (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay qaraxii xoogganaa ee ka dhacay xarunta ugu weyn ee dalka Qatar ee lagu sifeeyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG), taas oo ku taalla Aagga Warshadaha ee Ras Laffan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa marka hore u tacsiyeeysay dowladda iyo shacabka Qatar, maadaama waxyeelo uu gaystay qaraxaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac intaba.

“Dowladda Soomaaliya waxay tacsida iyo murugada la  wadaagaysaa Dowladda iyo shacabka Qatar, sidoo kale qoysaska ay dhibaatadu saameysay, waxayna dhaawacyada u rajaynaysaa caafimaad degdeg ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa garab istaag wayn u muujisay dowladda Qatar, waxayna sheegtay inay la qaybsaneyso murugada dhacdadaasi.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay garab istaag iyo taageero buuxda u muujineysaa  Dowladda walaalaha ah ee Qatar, kaddib dhacdadii ka dhacday xarun gaas oo ku taalla Aagga Warshadaha ee Ras Laffan,” ayaa mar kale yiri warsaxaafadeedka.

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku geeriyooday, dhowr iyo toban kalena way dhaawacmeen, kaddib qarax ka dhacay xarun gaas oo ku taalla Aagga Warshadaha ee Ras Laffan, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta dalkaasi.

Wasiirka Tamarta ee Qatar, Sacad Al-Kaabi, oo ka hadlay masiibadan, ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay xarunta weyn ee Ras Laffan uu ka dhashay “cilad farsamo”, wuxuuna meesha ka saaray inuu ahaa weerar ka yimid dhinac cadow ah. Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dhoofinta gaaska LNG ee Qatar aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin dhacdadan.

Sidan dalalka kale ee ku yaalla Khaliijka, Qatar ayaa horay ula kulamay weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo uga yimid dhinaca Iiraan, intii uu socday dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil oo dhinac ah iyo Iiraan.

Qaraxan ayaa yimid xilli shaqaaluhu ay dib u bilaabayeen hawlgallada xarunta gaaska, taas oo hawlaheeda la hakiyay kadib weerarkii Iiraan ay qaaday bishii Maarso ee sannadkan.

 

Wasiir Aadan Barre oo kasoo muuqday maxkamad ku taal Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa maanta soo gaaray Maxkamadda Kilimani ee magaalada Nairobi, halkaas oo lagu dhageysanayo xukun la xiriira dacwad maxkamadeed oo ka dhalatay mashruuca dhismaha xarun karantiil oo loogu talagalay cudurka Ebola.

Ducaale ayaa lagu helay dembi maxkamadeed kaddib markii maxkamaddu ay ku eedeysay inuu iska indho tiray amar hore oo lagu joojiyay dhismaha xarun go’doon oo leh 50 sariirood, taas oo laga dhisayo saldhig ciidan oo ku yaalla magaalada Nanyuki, qiyaastii 140 kiiloomitir waqooyi kaga beegan Nairobi.

Bishii hore, Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa amar ku bixisay in la hakiyo mashruuca ilaa laga dhageysanayo dacwad ay gudbisay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Katiba Institute, oo ka digtay in xaruntu ay keeni karto “khatar weyn oo degdeg ah” oo ku wajahan caafimaadka dadweynaha.

Si kastaba, garsoore Patricia Nyaundi ayaa Isniintii sheegtay in wasiirka caafimaadku uu ogaa amarka maxkamadda, isla markaana uu oggolaaday in shaqada mashruucu sii socoto. Garsooruhu waxay sheegtay in dowladda aysan ka baxsan karin fulinta amarka maxkamadda iyadoo dib u magacaabaysa ama dib u qeexaysa mashruuca socda.

“Amarka maxkamaddu ma ahayn martiqaad hal-abuur leh, balse wuxuu ahaa amar waajib ah oo la fuliyo,” ayay tiri garsoore Nyaundi, iyadoo intaas ku dartay in Ducaale uu si buuxda u fahmay in dhismaha xarunta Nanyuki la joojiyay.

Xarunta karantiilka ayaa loogu talagalay muwaadiniinta Mareykanka ee looga shakiyo inay qaadeen cudurka Ebola ee ka dillaacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, waxaana mashruuca maalgelinaya dowladda Mareykanka.

Qorshahan ayaa dhaliyay mudaaharaadyo xooggan oo ka dhacay magaalada Nanyuki, halkaas oo ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen kaddib markii boolisku isku dayeen inay kala eryaan dadkii dibadbaxa dhigayay.

Dadka dhintay waxaa ku jiray Sylvester Muigai Ndung’u oo ahaa arday 17 jir ah oo dugsiga sare dhigta, kaas oo markhaatiyaal ay sheegeen in madaxa laga toogtay, inkastoo boolisku ay sheegeen inay sugayaan natiijada baaritaanka meydka.

Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa ku dooday inaysan jebin amarkii maxkamadda, iyadoo sheegtay in shaqada socota ay tahay mashruuc ay dowladda Kenya si madax-bannaan u fulinayso si looga hortago halista Ebola.

Dhanka kale, Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa si cad u difaacay mashruuca xarunta karantiilka, isagoo sheegay in dowladda Mareykanka ay codsi rasmi ah u gudbisay Kenya, isla markaana diidmada codsigaasi ay noqon lahayd “mid aan bani’aadamnimo ahayn.”

Ruto ayaa sidoo kale ugu baaqay siyaasiyiinta iyo shacabka inay ka fogaadaan siyaasadeynta arrimaha la xiriira cudurka Ebola, isagoo ku tilmaamay arrintaasi mid aad u xasaasi ah.

Waa sidee xaaladda Ari-Caddeeye kadib dagaalkii cuslaa ee ka dhacay?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa saaka deggan xaaladda degmada Ari-Caddeeye ee gobolka Sool ee dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya kadib dagaal shalay halkaas ka dhacay oo sababay dhimashada in ka badan 20 ruux iyo dhaawaca tobannaan kale, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Dagaalka ayaa galaaftay nolosha dad rayid ah, iyadoo qaar ka mid ah dadkii ku dhintay ayaa la aasay, halka dhaawacyada qaar loo qaaday goobo caafimaad oo ku yaalla deegaannada u dhow.

Wararka laga helayo Ari-Caddeeye ayaa sheegaya in dadka ku dhintay dagaalka ay ku jireen haween, carruur iyo dad da’ ah, taas oo sare u qaadday walaaca laga qabo saameynta uu dagaalku ku yeeshay shacabka rayidka ah ee ku nool degmada.

Ilo kala duwan oo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in weerarka ka dhacay Ari-Caddeeye uu daba socday dilal hore uga dhacay qaybo ka mid ah gobolka Sool, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin sababta rasmiga ah ee horseeday iska horimaadka.

Saraakiisha hay’adaha ammaanka ee maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa la sheegay inay yeesheen kulamo la xiriira xaaladda amni ee degmada iyo sidii loo xakameyn lahaa xiisadda. Hase yeeshee, ilaa hadda wax war ah kama aysan soo saarin go’aannada laga gaaray ama tallaabooyinka la qorsheynayo.

Dhanka kale, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee degmada Ari-Caddeeye ayaa wada dadaallo lagu qaboojinayo xaaladda, iyagoo ku baaqaya in la joojiyo colaadda iyo falalka aargoosiga ah ee keeni kara dagaallo hor leh.

Dagaalka ka dhacay degmada Ari-Caddeeye ayaa ku soo beegmaya xilli gobolka Sool ay marar kala duwan ka dhacayeen xiisado iyo dilal la xiriira aanooyin hore iyo khilaafaad deegaan, iyadoo shacabka deegaanku ay ka cabsi qabaan in xaaladdu mar kale faraha ka baxdo haddii aan xal degdeg ah laga gaarin.

DF Soomaaliya oo war kasoo saartay isfahamka laga gaaray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay isfahamka iyo is-afgaradka (memorandum of understanding) u dhexeeya dowladaha Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay is-afgaradkan u aragto tallaabo wanaagsan oo lagu yareynayo xiisadaha, laguna xoojinayo wada-hadallada, laguna adkeynayo xasilloonida gobolka.

“Dowladda Soomaaliya waxay ku bogaadinaysaa labada dhinac inay doorteen diblomaasiyad iyo wada-xaajood si loo dhimo xiisadaha loona horumariyo nabadda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay dadaallada wax-ku-oolka ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, dowladda Qatar, Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Jamhuuriyadda Türkiye, kuwaas oo taageeray horumarkan diblomaasiyadeed.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay aqoonsan tahay doorka muhiimka ah iyo dadaallada Madaxweyne Donald Trump ee lagu hormarinayo nabadda.

Soomaaliya waxay rajaynaysaa in isfahamkan lagu dhaqan-geliyo niyad wanaagsan, islamarkaana uu gacan ka geysto ilaalinta nolosha dadka rayidka ah, sugidda xorriyadda maraakiibta iyo isu-socodka badda, iyo ka hortagga sii kordhaya ee xiisadaha.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa taageeradeeda ku aaddan diblomaasiyadda, ixtiraamka sharciga caalamiga ah, iyo xallinta khilaafaadka si nabad ah.

Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa dhammaan dadaallada lagu horumarinayo nabadda, amniga iyo xasilloonida Bariga Dhexe, Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

Qorshaha ay ku dhowaaqeen mucaaradka: Ma tanaasul doorasho mise caqabad kale?

Mucaaradka Soomaaliya ayaa soo bandhigay mowqif u muuqda isbeddel weyn oo ku yimid khilaafka doorashooyinka dalka, kaddib sanado ay si adag uga soo horjeedeen qorshaha dowladda federaalka ee doorasho qof iyo cod ah.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu taageersan yahay hannaan doorasho toos ah oo ku-meel-gaar ah, taas oo marka hore u muuqan karta tallaabo siyaasadeed oo loogu dhowaanayo xal dhexdhexaad ah.

Hase yeeshee, arrintu intaas way ka murugsan tahay.

Su’aasha taagan ayaa ah in mucaaradku uu runtii soo bandhigay tanaasul siyaasadeed oo dhab ah, iyo in kale uu aqbalay keliya erayga “doorasho toos ah”, balse uu ku xiray shuruudo ka dhigi kara qorshaha mid adag, haddii aysanba suuragal ka dhigin, in dowladda federaalku aqbasho.

Jawaabta su’aashaas waxay ku urureysaa hal erey oo siyaasadda Soomaaliya muddo dheer ku xoogganaa: 4.5.

War-saxaafadeedkii mucaaradka ee 20-kii June ayaa lagu sheegay in hannaanka ay soo jeedinayaan uu isku dheelli-tirayo “xaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed u leeyihiin inay si xor ah oo toos ah u doortaan wakiilladooda, iyadoo la ilaalinayo nidaamka saami-qaybsiga beelaha ee 4.5”.

Oraahdaas waa mid siyaasiyan culus. Waxay mucaaradka siinaysaa fursad uu ku yiraahdo: waan oggolnahay in shacabka si toos ah u codeeyaan. Laakiin isla markaas waxay codka shacabka ku xiraysaa nidaam beeleedkii muddo ka badan labaatan sano lagu maamulayay awood-qaybsiga Soomaaliya.

Si kale haddii loo dhigo, mucaaradku hadda si cad uma oranayo maya doorasho toos ah. Wuxuu oranayaa haa — balse shuruudo beddeli kara micnaha doorashada tooska ah lafteeda.

Haa, balse shuruud leh

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, doorasho qof iyo cod ah waxay u noqotay udub-dhexaadka ajandaha siyaasadeed iyo kan dib-u-habeynta doorashooyinka.

Villa Somalia waxay marar badan ku celisay in Soomaaliya ay tahay inay ka gudubto doorasho dadban oo ay hoggaamiyaan odayaal, ergo, siyaasiyiin iyo daneeyayaal awoodda ku dhex wareejiya qolal xiran.

Dowladdu waxay sidoo kale ku faantay doorashooyinkii tooska ahaa ee ka dhacay Muqdisho iyo Koonfur Galbeed, iyadoo ku doodday in tijaabooyinkaas ay muujinayaan in hannaan codbixin dadweyne ah laga hirgelin karo dalka.

Fariinta dowladda ee arrintan waa mid fudud: shacabka ha codeeyaan.

Balse mowqifka cusub ee mucaaradka ayaa farriintaas ka dhigaya mid aan sidii hore u sahlaneyn.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed hadda wuu oran karaa isaguna wuu taageersan yahay xaqa shacabka ee codbixinta tooska ah. Laakiin marka uu taageeradaas ku xiro 4.5, heshiis siyaasadeed iyo hannaan ku-meel-gaar ah, wuxuu ka fogaanayaa inuu si buuxda u aqbalo khariidadda doorasho ee dowladda.

Halkaas ayay muhiimadda isbeddelka mucaaradka ku jirtaa. Ma aha aqbalid buuxda oo qorshaha Villa Somalia ah. Waa isku day lagu qeexayo qorshe kale oo loogu yeerayo doorasho toos ah, balse ka duwan midka dowladda.

Caqabadda 4.5

Nidaamka 4.5 wuxuu Soomaaliya uga soo baxay xaalad dagaal sokeeye iyo baahi loo qabay in awoodda siyaasadeed lagu dejiyo hannaan beeleed lagu wada jiro. Wuxuu saami siman siinayaa afarta beelood ee waaweyn, halka beelaha laga tirada badan yahay la siiyo nus-saami.

Dad badan oo Soomaaliyeed waxay nidaamkan u arkaan mid duug ah, caddaalad-darro ah, kana hor imaanaya fikradda muwaadinimada casriga ah. Si kastaba, 4.5 weli si qoto dheer ayuu ugu dhex jiraa heshiiska siyaasadeed ee dalka.

Mucaaradku wuxuu ku doodi karaa in Soomaaliya aysan diyaar u ahayn in hal mar laga guuro 4.5. Dal weli wajahaya amni-darro, kalsooni-darro u dhexeysa dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyo khilaafyo siyaasadeed oo aan xal laga gaarin, waxaa la oran karaa in si degdeg ah loogu boodo doorasho toos ah oo buuxda ay abuuri karto xasillooni-darro cusub.

Taasi waa doodda tanaasulka.

Laakiin waxaa jira akhris kale oo ka adag: 4.5 wuxuu qorshaha mucaaradka u beddeli karaa caqabad siyaasadeed.

Doorasho toos ah waxay asal ahaan awoodda siinaysaa codbixiyaha. Nidaamka 4.5-na wuxuu awoodda ku sii haynayaa qoondooyin beeleed hore loo sii xaddiday.

Haddii muwaadiniintu codeeyaan, balse kuraastu weli ku xiran tahay saami beeleed go’an, awood intee le’eg ayuu codbixiyuhu dhab ahaan leeyahay?

Haddii natiijada doorashada khasab looga dhigo inay la jaanqaaddo 4.5, ma doorasho toos ah baa mise waa cod dadweyne oo lagu dhex xiray qaab siyaasadeed horay loo sii xiray?

Taasi ma aha su’aal farsamo oo keliya. Waxay taabaneysaa xudunta khilaafka doorasho ee dalka.

Imtixaanka dastuurka

Mowqifka mucaaradka wuxuu sidoo kale wajahayaa imtixaan dastuuri ah.

Qaab-dhismeedka cusub ee dastuurka Soomaaliya wuxuu dalka u jiheynayaa doorashooyin ku saleysan qof iyo cod. Wuxuu tilmaamayaa in Baarlamaanka Federaalka, goleyaasha wakiillada dowlad-goboleedyada iyo goleyaasha deegaanka ay si toos ah u doortaan muwaadiniinta.

Dastuurku wuxuu sidoo kale ka hadlayaa xuquuq codbixin oo siman, cod qarsoodi ah, doorasho xor iyo xalaal ah, maamul doorasho oo madax-bannaan iyo tartan xisbiyeed.

Waa run in dastuurku aqoonsan yahay baahida loo qabo matalaad caddaalad ah, oo ay ku jiraan beelaha laga tirada badan yahay iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Laakiin si cad uguma magacaabayo 4.5 inuu noqdo hannaanka lagu dhisayo doorashooyinka.

Halkaas ayay dowladda iyo baarlamaanku ka heli karaan dood adag.

Marka mucaaradku 4.5 ku daro qorshihiisa doorasho toos ah, kaliya kama hadlayo wax ka beddel ku saabsan waqtiga doorashada ama habka fulinta. Wuxuu u muuqdaa inuu soo jeedinayo hannaan aan si fudud ula jaanqaadi karin jihada dastuuri ah ee baarlamaanku ansixiyay, madaxweynuhuna saxiixay.

Taasi waxay qorshaha ka dhigeysaa mid adag in lagu iibiyo magaca tanaasul fudud.

Villa Somalia, aqbalidda qorshahan waxay u ekaan kartaa in dib loo furayo heshiis dastuuri ah oo ay dowladda sanado ku bixisay inay meel mariso. Mucaaradka, haddii qorshihiisa la diido, wuxuu fursad u helayaa inuu dowladda ku eedeeyo inay diidday wadahadal iyo xal siyaasadeed.

Sidaas darteed, 4.5 ma aha keliya shardi yar oo lagu lifaaqay qorshaha. Wuxuu noqon karaa caqabadda ugu weyn ee dhex taalla labada dhinac.

Qaab doorasho oo kale

Caqabaddaas waxay sii caddaataa marka la eego qodobbada hordhaca ah ee laga helayo qorshaha mucaaradka.

Sida ay sheegayaan faahfaahin ay wadaageen ilo lagu kalsoon yahay oo mucaaradka ka tirsan, iyadoo weli la sugayo qorshaha oo dhammeystiran, hannaanka la soo jeedinayo wuxuu muwaadiniinta u oggolaanayaa inay si toos ah u doortaan xildhibaannada, balse iyadoo la ilaalinayo matalaadda 4.5 ee labada aqal ee baarlamaanka.

Qorshuhu wuxuu sidoo kale soo jeedinayaa in xisbiyada siyaasadda laga saaro hannaanka, iyadoo lagu doodayo in Soomaaliya aysan weli lahayn xisbiyo qaran oo si dhab ah u dhisan.

Waxaa kale oo lagu soo waramayaa in mucaaradku doonayo codbixin warqad ah, iyadoo kombiyuutarrada laga saarayo habka doorashada, iyo in doorashada lagu qabto hal maalin oo dalka oo dhan ah.

Qodobbada kale ee la sheegay waxaa ka mid ah guddi doorasho oo laba heer ah, kana dhasha heshiis wadajir ah, afar deegaan-doorasho oo laga sameeyo dowlad-goboleed kasta, iyo in hirgelinta lagu billaabo Galmudug iyo HirShabeelle muddo u dhexeysa saddex illaa lix bilood.

Haddii qodobbadaas lagu xaqiijiyo qorshaha buuxa ee mucaaradka, mowqifku ma noqonayo oo keliya wax ka beddel yar oo lagu sameeyay khariidadda doorasho ee dowladda.

Wuxuu noqonayaa naqshad doorasho oo gebi ahaanba ah mid kale.

Taasi waa arrin muhiim ah, sababtoo ah dastuurku wuxuu xisbiyada siyaasadda iyo guddiga doorasho ee madax-bannaan dhigayaa xudunta hannaanka doorasho.

Hannaan ilaalinaya 4.5, meesha ka saaraya xisbiyada, isla markaana abuuraya qaab cusub oo lagu heshiiyo guddiga iyo maamulka doorashada, wuxuu la kulmi karaa iska caabin siyaasadeed iyo mid dastuuri ah oo xooggan.

Tani micnaheedu ma aha in mucaaradku uusan xaq u lahayn inuu soo jeediyo. Laakiin waxay ka dhigan tahay in dowladda iyo baarlamaanku ay aad ugu adkaan doonto inay aqbalaan, haddii aysan dib uga laaban qaab-dhismeedkii ay sheegeen in dalka horey u ansixiyay.

Imtixaanka dhabta ah

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu sheegay inuu faahfaahinta, mabaadi’da hagaya iyo habraacyada fulinta ee qorshihiisa soo bandhigi doono marka la galo wadahadallo siyaasadeed oo rasmi ah.

Taas waxay ka dhigan tahay in wejiga dhabta ah ee qorshahan la ogaan doono marka mucaaradku miiska keeno qoraalkiisa oo dhammeystiran.

Ilaa waqtigaas, war-saxaafadeedka mucaaradku wuxuu furan yahay laba fasiraad.

Midda koowaad, wuxuu noqon karaa bilow tanaasul dhab ah, oo shacabka siinaya cod toos ah, isla markaana ilaalinaya isu-dheellitirka jilicsan ee siyaasadda Soomaaliya.

Midda labaad, wuxuu noqon karaa dhaqaaq siyaasadeed oo si taxaddar leh loo qaabeeyay, kaas oo mucaaradka ka dhigaya dhinac dabacsan, balse Villa Somalia hor dhigaya caqabad cusub oo adag in la aqbalo.

Dowladdu iyaduna waxay wajaheysaa imtixaan. Haddii ay dhab ka tahay in doorasho toos ah noqoto dib-u-habeyn qaran, waa inay muujisaa in hannaanku uusan ahayn waddo lagu kordhinayo muddo xileedka hadda jira ama lagu hareer marinayo mucaaradka.

Laakiin mucaaradku isaguna wuxuu wajahayaa imtixaan u gaar ah. Wuxuu aqbalay erayga “doorasho toos ah”.

Marka uu eraygaas ku xiro 4.5, isla markaana uu soo jeediyo hannaan ka saari kara xisbiyada siyaasadda, dibna u qaabeyn kara maamulka doorashada, waa inuu caddeeyaa in waxa uu wado yahay tanaasul shaqeyn kara — ama uu yahay qaab cusub oo lagu sii dheereynayo khilaafkii hore.

Khasaaraha qarax ka dhacay xarunta gaaska Qatar

0

Doha (Caasimada Online) – Ugu yaraan 13 qof ayaa ku geeriyooday, dhowr iyo toban kalena way ku dhaawacmeen kadib markii qarax xooggan uu ka dhacay xarunta ugu weyn ee dalka Qatar ee lagu sifeeyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG), sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta dalkaas.

Wasiirka Tamarta ee Qatar, Sacad Al-Kaabi, oo ka hadlay masiibadan, ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay xarunta weyn ee Ras Laffan uu ka dhashay “cilad farsamo”, wuxuuna meesha ka saaray inuu ahaa weerar ka yimid dhinac cadow ah. Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dhoofinta gaaska LNG ee Qatar aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin dhacdadan.

Sida dalalka kale ee ku yaalla Khaliijka, Qatar ayaa horay ula kulantay weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo uga yimid dhinaca Iiraan, intii uu socday dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil oo dhinac ah iyo Iiraan.

Qaraxan ayaa yimid xilli shaqaaluhu ay dib u bilaabayeen hawlgallada xarunta gaaska, taas oo hawlaheeda la hakiyay kadib weerarkii Iiraan ay qaaday bishii Maarso ee sannadkan.

“Tani waxay ahayd shil caadi ah, mana ahayn fal kharbudaad ama weerar cadow. Wax-soo-saarka warshadda waxaa si ku meel gaar ah loo joojiyay tan iyo bishii Diseembar 2025 sababo la xiriira dayactir degdeg ah, waxaana dib loo bilaabay laba maalmood ka hor oo keliya,” ayuu yiri Al-Kaabi.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in dadka ku dhintay qaraxa ay dhammaantood u dhasheen Hindiya iyo Pakistan, halka xaaladda dadka dhaawacmay aysan mas’uuliyiintu weli faahfaahin ka bixin.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Qatar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in aanu jirin wax gaas ah oo ku daatay goobta, islamarkaana aanay jirin khatar ku wajahan badqabka guud ee dadweynaha.

Shirkadda QatarEnergy oo maamusha xarunta, ayaan bixin faah-faahin ku saabsan goobta saxda ah ee uu qaraxu ka dhacay iyo baaxadda rasmiga ah ee khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay. Wasiir Al-Kaabi oo sidoo kale ah madaxa fulinta ee shirkadda ayaa sheegay in la furay baaritaan rasmi ah si loo ogaado sababta dhabta ah ee qaraxa.

“Arrintani marnaba saameyn kuma yeelan doonto dhoofintayada aan u dirno suuqyada caalamka,” ayuu ku adkeystay wasiirku.

Shirkadda QatarEnergy ayaa sheegtay in kooxaha gurmadka degdegga ah ay si dhaqso leh uga hawlgaleen goobta markii uu qaraxu ka dhacay xarunta gaaska ee Barzan, isla markaana lagu guuleystay in dabka la xakameeyo.

Magaalada warshadaha ee Ras Laffan, oo qiyaastii 80 kiiloomitir waqooyi kaga beegan caasimadda Doha ayaa hoy u ah xarunta ugu weyn ee dhoofinta gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG) ee caalamka, iyadoo soo saarta ku dhowaad shan meelood meel sahayda LNG-da adduunka.

Bishii Maarso 2026, dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday in xaruntan warshadeed uu soo gaaray “khasaare weyn” kadib weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo ay Iiraan ku qaaday.

Aas-aasaha Friends of Zion oo sheegay in uu Trump kala hadlayo aqoonsiga Somaliland

Jerusalem (Caasimada Online) – Aasaasaha hay’adda Friends of Zion (Saaxiibada Sahyuuniyadda), Dr. Mike Evans, ayaa sheegay inuu doonayo inuu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kala hadlo muhiimadda ay Washington u leedahay inay aqoonsi rasmi ah siiso maamulka Somaliland, xilli hoggaamiyaha maamulkaas, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, lagu guddoonsiiyay abaal-marin magaalada Qudus.

Evans ayaa hadalkaas ka sheegay munaasabad lagu qabtay xarunta Friends of Zion Heritage Center, halkaas oo Cirro lagu siiyay abaal-marinta Friends of Zion Award, kaddib markii maamulka Somaliland uu furay xafiis diblomaasiyadeed oo uu ugu yeeray safaarad, kaas oo ku yaalla magaalada Qudus ee la haysto.

“Waa waqtigii la barakeysan lahaa dhammaan dowladaha barakeeya Israel,” ayuu yiri Evans. “Somaliland waxay muujisay saaxiibtinimo dhab ah oo ay u hayso dowladda Yuhuudda, waxaana doonayaa inaan madaxweyne Donald Trump kala hadlo muhiimadda aqoonsi rasmi ah oo Mareykan ah loo siiyo Somaliland.”

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli xiriirka Somaliland iyo Israel uu noqday mid si weyn looga hadal-hayo gobolka, gaar ahaan kaddib markii Israel ay qaaday tallaabooyin ay ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay maamulka Hargeysa, taas oo dowladda federaalka Soomaaliya si adag uga hortimid, maadaama ay u aragto faragelin lagu sameynayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Munaasabadda lagu qabtay Jerusalem waxaa ka qeyb galay diblomaasiyiin, ganacsato, hoggaamiyeyaal ka tirsan kaniisadaha taageera Israel iyo marti sharaf kale oo ka kala timid dalal kala duwan.

Cirro, oo ka hadlay munaasabadda, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay abaal-marinta la guddoonsiiyay, isaga oo ku tilmaamay mid muujinaysa xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Israel.

“Sharaf weyn ayay ii tahay inaan helo abaal-marinta Friends of Zion,” ayuu yiri Cirro. “Aad ayaan ugu faraxsanahay, waana uga mahadcelinayaa aqoonsigan.”

“Abal-marintan waxay astaan u tahay saaxiibtinimada sii koreysa iyo xiriirka xoogeysanaya ee Somaliland iyo Israel. Waxaa naga go’an inaan sii qoto-dheereyno xiriirka ka dhexeeya dadkeenna, isla markaana aan dhisno mustaqbal ku saleysan iskaashi, is-ixtiraam iyo saaxiibtinimo,” ayuu raaciyay.

Evans ayaa isna sheegay in go’aanka Somaliland ee ah inay xafiis ka furato Jerusalem uu dirayo farriin siyaasadeed oo cad.

“Xilli Israel ay wajahayso caqabado amni iyo diblomaasiyadeed oo adag, saaxiibtinimada dhabta ahi waxay leedahay muhiimad gaar ah,” ayuu yiri Evans.

Waxa uu intaas ku daray in Cirro uu muujiyay “hoggaan, geesinimo iyo aragti” ku aaddan horumarinta xiriirka Israel iyo Somaliland.

“Go’aanka lagu furay safaaradda Jerusalem wuxuu dirayaa farriin cad oo saaxiibtinimo, is-ixtiraam iyo iskaashi ah,” ayuu yiri.

Friends of Zion Award ayaa horay loo siiyay hoggaamiyeyaal caalami ah oo ay hay’addu ku ammaantay taageerada ay u muujiyeen Israel iyo dadka Yuhuudda. Waxaa dadka horey u helay ka mid ah madaxweyne Donald Trump, madaxweynihii hore ee Mareykanka George W. Bush iyo madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence.

Si kastaba, tallaabada cusub ee maamulka Somaliland ayaa kusoo aadeysa iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya ay horey uga digtay xiriir kasta oo dibadeed oo lala sameeyo Somaliland oo ka baxsan hannaanka dowladda dhexe, maadaama Somaliland ay tahay qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mareykanka oo 5 maalin oo xiriir ah Somalia ka sameeyey…

Muqdisho (Caasimada Online) — Mareykanka ayaa si degdeg ah u kordhiyey duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya, kadib muddo ka badan bil oo aysan jirin weerarro cirka ah oo si rasmi ah loogu dhawaaqay, taas oo muujineysa in Washington ay sare u qaadayso howl-galladeeda militari ee ka dhanka ah kooxaha jihaadiga ah ee ka dagaalama Geeska Afrika.

Taliska Mareykanka ee Afrika, AFRICOM, ayaa shaaciyey in ciidamada Mareykanka ay shan maalmood gudahood, intii u dhexeysay 14-ka illaa 19-ka June, fuliyeen duqeymo xiriir ah oo lala beegsaday Al-Shabaab, kuwaas oo dhammaantood lagu sheegay inay ka dhaceen koonfurta Soomaaliya, islamarkaana lagu fuliyey wadashaqeyn lala yeeshay dowladda federaalka Soomaaliya.

Weerarrada ayaa ka dhacay dhowr goobood oo kala duwan. AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyn dhacday 14-kii June ay ka dhacday deegaanka Kurtunwaarey oo qiyaastii 117 kiilomitir koonfur-galbeed kaga beegan Muqdisho. Maalintii xigtay iyo 16-kii June, duqeymo kale ayaa lagu qaaday aagga Route 109, oo ku dhow 73 kiilomitir waqooyi-galbeed uga beegan garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.

18-kii June, weerar kale ayaa lagu beegsaday gobolka Jubbada Hoose, meel qiyaastii 76 kiilomitir waqooyi-galbeed kaga beegan Kismaayo, halka 19-kii June duqeyn kale laga fuliyey Welmaro, oo ku taalla qiyaastii 103 kiilomitir waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.

AFRICOM ayaa qoraallo isku dhow ku sheegtay in duqeymahan ay qeyb ka yihiin dadaal lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab ee ay ku halis gelin karto ciidamada Mareykanka, muwaadiniinta Mareykanka ee dibadda jooga iyo saaxiibbada Washington.

“AFRICOM, iyadoo garab taagan dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxay sii wadaysaa tallaabooyinka lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab ee ay ku halis gelin karto ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniinteena dibadda ku sugan,” ayuu talisku ku yiri mid ka mid ah bayaannadiisa.

Taliska ayaa intaas ku daray in aysan shaacin doonin faahfaahin ku saabsan cutubyada iyo agabka loo adeegsaday howl-gallada, sababo la xiriira “ammaanka howl-gallada socda”.

AFRICOM ma aysan shaacin khasaaraha ka dhashay duqeymahaas, kuwaas oo ahaa kuwii ugu horreeyey ee si rasmi ah Mareykanku uga dhawaaqo Soomaaliya tan iyo 6-dii May, markaas oo duqeyn lagu qaaday garabka kooxda Daacish ee Soomaaliya, gaar ahaan buuraha Golis ee koonfur-bari kaga beegan Boosaaso.

AFRICOM oo beenisay hakad

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa beeniyey in muddadii duqeymaha la waayey ay ahayd hakad ku yimid howl-gallada. AFRICOM ayaa wargeyska Stars and Stripes u sheegtay in duqeymaheedu ku dhisan yihiin xog iyo natiijooyin la beegsanayo.

“Weerarradeennu waa kuwo ku saleysan xog, natiijana laga doonayo,” ayuu talisku yiri. “Waxaan diiradda saarnaa inaan ka faa’iideysanno fursad kasta oo aan ku helno dadaallada la-dagaallanka argagixisada.”

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeymaha ay ujeeddadoodu tahay taageeridda ciidamada Soomaaliya, kuwaas oo weli si weyn ugu tiirsan saaxiibbada caalamiga ah marka ay timaaddo awoodda cirka, sirdoonka iyo tababarrada gaarka ah.

“Soomaaliya waxay sii wadday dadaalladeeda ka dhanka ah xubnaha argagixisada ee dalkooda ku sugan, waxayna awoodday inay meesha ka saarto hoggaan sare oo ka tirsan Al-Shabaab,” ayuu yiri talisku.

Saraakiil Soomaali ah ayaa u sheegay Somalia Today in howl-gallada June ay ku jireen dhaq-dhaqaaqyo dhulka ah oo ay fuliyeen ciidamada Soomaaliya, oo ay ku jiraan kumaandooska Danab, oo ah cutub gaar ah oo Mareykanku tababaray, iyo ciidamo ka tirsan Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Danab ay 14 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ku dileen Kurtunwaarey. Si kastaba, warar maxalli ah oo ka yimid deegaanka ayaa sheegay in ay jireen khasaare rayid ah, iyadoo dhinacyaduna ay bixiyeen sheegashooyin is khilaafsan. Lama helin ilo madax-bannaan oo xaqiijin kara tirada khasaaraha.

Al-Shabaab ayaa inta badan beenisa khasaaraha ay dowladdu sheegto, waxayna ku eedeysaa ciidamada dowladda iyo saaxiibbadooda in howl-galladoodu ay waxyeello u geystaan shacabka. Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa Al-Shabaab ku eedeysa inay adeegsato goobaha rayidka ah si ay ugu dhuumato dagaalyahannadeeda ugana qorsheyso weerarro.

Duqeymo sanadkan xawaare ku socda

Weerarradii ugu dambeeyey ayaa tirada duqeymaha uu AFRICOM si rasmi ah uga dhawaaqay Soomaaliya sanadkan ka dhigaya 68 weerar, kuwaas oo lala beegsaday Al-Shabaab iyo garabka Daacish ee Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah.

Tiradaas ayaa muujineysa in ololaha militari ee Mareykanka ee Soomaaliya uu sanadkan ku socdo xawaare ka sarreeya kuwii hore. Sanadkii 2025, Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyey ku dhowaad 125 duqeyn, xilli maamulka Donald Trump uu si weyn u ballaariyey howl-gallada cirka kadib muddo uu hoos u dhacay xilligii madaxweyne Joe Biden.

Tirada ugu badan ee duqeymo ah ee AFRICOM hore uga fuliyey Soomaaliya waxay ahayd 63 weerar sanadkii 2019, taas oo ka dhigan in heerka haatan socda uu ka mid yahay kuwii ugu sarreeyey ee la diiwaangeliyo.

Kordhinta duqeymaha ayaa timid kadib amar ka soo baxay xoghayaha difaaca Mareykanka Pete Hegseth, kaas oo saraakiisha AFRICOM siiyey awood ballaaran oo ay ku ansixin karaan duqeymaha, sida ay sheegeen warbixinno militari oo Mareykan ah.

Hegseth, oo horraantii 2025 ka hadlayey duqeymo lala beegsaday Daacish-ta Soomaaliya, ayaa sheegay in Washington “mar walba diyaar u tahay inay hesho oo ay ciribtirto argagixisada halista ku ah Mareykanka iyo xulafadiisa”.

Su’aalo ka dhashay hufnaanta  

Ballaarinta duqeymaha ayaa mar kale dhalisay su’aalo la xiriira hufnaanta howl-gallada iyo khasaaraha shacabka.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo kuwa kormeera colaadaha ayaa muddo dheer ku dhaliilayey AFRICOM inay bixiso macluumaad kooban oo ku saabsan bartilmaameedyada iyo khasaaraha ka dhasha duqeymaha.

Baaritaan uu bishan daabacay wargeyska The Guardian ayaa sheegay in dad rayid ah, oo ay ku jiraan carruur, ay ku dhinteen duqeyn Mareykanku November 2025 ka fuliyey Jamaame. Saraakiisha Mareykanka si cad uma aysan aqbalin eedeymahaas.

“Haddii ujeeddadu tahay in la burburiyo Al-Shabaab, waxaa si cad u muuqata in duqeymahan aysan si gaar ah waxtar u lahayn,” ayuu David Sterman, oo ah falanqeeye ka tirsan xarunta New America, u sheegay wargeyska.

Saraakiisha Mareykanka ayaa ku doodaya in duqeymuhu ay qeyb ka yihiin dadaal ballaaran oo looga hortagayo in Al-Shabaab iyo Daacish-ta Soomaaliya ay halis geliyaan muwaadiniinta Mareykanka, ciidamada Soomaaliya iyo xulafada gobolka.

Al-Shabaab ayaa ku dhowaad labaatan sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya ee ay caalamku taageeraan, waxayna weli ka mid tahay faracyada ugu awoodda badan ee Al-Qaacida. Kooxda ayaa saameyn ku leh deegaano badan oo miyiga koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ah, waxayna fulisaa qaraxyo, dilal qorsheysan iyo weerarro culus oo isku dhafan.

Kooxda ayaa sidoo kale weerartay bartilmaameedyo xiriir la leh Mareykanka, oo ay ku jirto weerarkii 2020 ka dhacay deegaanka Manda Bay ee Kenya, kaas oo lagu dilay saddex Mareykan ah.

Dhanka kale, Washington ayaa xoojineysa joogitaankeeda gobolka. Mareykanka ayaa sanadkan bilaabay mashruuc lagu dayactirayo garoonka diyaaradaha ee Manda Bay, kaas oo ku kacaya 70 milyan oo dollar, isla markaana muhiim u ah howl-gallada Geeska Afrika.

Sidoo kale, cutubyada howl-gallada gaarka ah ee Mareykanka ee Soomaaliya ayaa raadinaya la-taliyeyaal ka caawiya fahamka dhaqanka, siyaasadda, taariikhda, caadooyinka deegaanka iyo isku xirnaanta beelaha, si ay ciidamadu si dhow ugu fahmaan duruufaha gudaha.

Hase yeeshee, falanqeeyayaal ayaa sheegaya in duqeymo cirka ah oo keliya aysan jabin karin Al-Shabaab, haddii ciidamada Soomaaliya aysan awoodin inay haystaan dhulka ay dib u qabsadaan, isla markaana aan xal loo helin khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland oo ay ka dhaceen qayb weyn oo ka mid ah dagaalladii ugu dambeeyey.

Somaliland oo amartay in deegaanadeeda ka baxaan dadka kasoo jeeda koonfurta

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa ku amray dhammaan ajaanibta sida sharci-darrada ah ku jooga deegaannadeeda inay muddo toban maalmood gudahood ah kaga baxaan, iyadoo tallaabadan ku tilmaantay mid lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida guud ee Somaliland.

Amarkan waxaa ku dhawaaqay Wasiir-u-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), oo sheegay in laamaha ammaanka la faray inay si taxaddar leh u fuliyaan qorshaha la xiriira dadka ajaanibta ah ee aan sharciyeysneyn.

Wasiirka ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka loo xil-saaray inay muddada 10-ka maalmood ah gudaheeda ka shaqeeyaan hirgelinta amarka, isaga oo shacabka ugu baaqay inay laamaha ammaanka ku wargeliyaan cid kasta oo ay ka shakiyaan.

“Waxa la farayaa laamaha ammaanka inay si taxaddar leh u maareeyaan arrimaha dadka ajaanibta ah si ay muddo 10 maalmood ah uga baxaan dalka oo dhan. Shacabka waxaan farayaa inay laamaha ammaanka ku wargeliyaan cid kasta oo ay ka shakiyaan. Waxa aynu ilaalinaynaa amnigeenna, waana masuuliyad saaran qof kasta,” ayuu yiri Wasiir-u-dawlaha.

Maamulka Somaliland ayaa ajaanib u aqoonsan dadka aan ka soo jeedin deegaannadeeda, oo ay ku jiraan Soomaalida ka timaadda deegaannada kale ee dalka, sida koonfurta Soomaaliya.

Wasiir Cabdirashiid ayaa sheegay in Somaliland ay heshay dareen iyo indho caalami ah, isla markaana la filayo inay yimaadaan maalgashadayaal badan, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid muhiim ka dhigaysa xoojinta amniga iyo ilaalinta xasilloonida.

Hase yeeshee, wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in shacabka aanay gacantooda ku qaadan fulinta sharciga, isla markaana aanay cidna su’aalo weydiin karin ama tallaabo ka qaadi karin dadka ajaanibta ah, maadaama arrimaha la xiriira ajaanibta sharci-darrada ah ay u xilsaaran yihiin xukuumadda iyo hay’adaha socdaalka.

Wasiir-u-dawluhu wuxuu sidoo kale sheegay in dadka ajaanibta ah ee si sharci ah ku jooga Somaliland ay nabad ku sii joogi doonaan, halka kuwa aan haysan sharciyaddana laga doonayo inay si nabad ah uga baxaan deegaannada Somaliland.

Somaliland ayaa hore dhowr jeer u soo saartay awaamiir iyo digniino la xiriira joogitaanka ajaanibta sharci-darrada ah, iyadoo qaar ka mid ah dadkaas xilliyo kala duwan la siiyay sharciyo ay ku shaqeystaan kuna degganaadaan Somaliland, halka kuwo kalena laga dalbaday inay waafajiyaan joogitaankooda shuruucda socdaalka, iyadoo qaarna laga masaafuriyay dalka.

Faah-faahinta is-rasaasayn ka dhacday magaalada Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Birmadka Booliska Puntland iyo ciidamo watay saddex gaari oo tikniko ah, kuwaas oo la sheegay inay taabacsan yihiin siyaasi Maxamuud Mashruuc kana yimid gobolka Bari ayaa galabta ku dagaallamay kantaroolka bari ee magaalada Garoowe.

Is-rasaasaynta labada dhinac ayaa la sheegay inay ka dhalatay xiisad ka taagneyd kantaroolka, taas oo si degdeg ah isu beddeshay gacan ka hadal hubeysan.

Inta la xaqiijiyay, iska horimaadka ayaa sababay dhaawaca ugu yaraan laba ka mid ah ciidamadii la socday Maxamuud Mashruuc, kuwaas oo markii dambe ka baxay goobta dagaalka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada Maxamuud Mashruuc ay dib u gurasho sameeyeen, iyagoo la sheegay inay gaareen agagaarka tuulada Sin-ujiif ee gobolka Nugaal.

Siyaasi Maxamuud Mashruuc ayaa ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ee sida weyn uga soo horjeeda maamulka Saciid Deni, isla markaana lagu eedeeyo inuu xiriir la leeyahay dowladda federaalka Soomaaliya, inkastoo aanu arrintaas si rasmi ah u caddayn.

Dhinaca kale, Puntland ayaa saaka kantaroolka bari ee Garoowe geysay ciidamo ka tirsan Birmadka Booliska Puntland, iyadoo horey ciidamo loogu sii daabulay kantaroollada koonfureed iyo waqooyi ee magaalada.

Tallaabadan ayaa imanaysa xilli maamulka Puntland uu kordhiyay adkeynta ammaanka gudaha magaalada Garoowe, gaar ahaan kantaroollada laga soo galo caasimadda maamulka.

Golaha wasiirrada Puntland ayaa toddobaadkii hore ku amray hay’adaha ammaanka in aan gobollada Puntland isaga gudbi karin ciidamo ka amar qaata dowladda federaalka Soomaaliya, amarkaas oo sii kordhiyay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa labada dhinac.

Xasan Sheekh oo dallacsiiyay saddex sarkaal oo ku shahiiday furimaha hore

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dallacsiiyay saddex sarkaal oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), kuwaas oo ku geeriyooday dagaallo ka dhacay gobollada Baay iyo Jubbada Hoose.

Dallacaaddan ayaa loo sameeyay si sharafeed, iyadoo madaxda dowladda ay ku ammaaneen saraakiishan doorkii ay ka qaateen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo hoggaamintii ay u sameeyeen ciidamada ku sugnaa furimaha hore.

Saraakiisha la dallacsiiyay waxaa ka mid ah Gaashaanle Dhexe Yoonis Aadan Xasan, oo ahaa taliyihii hore ee Guutada 9-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka XDS. Madaxweynaha ayaa u dallacsiiyay darajada Gaashaanle Sare.

Sidoo kale, Gaashaanle Cali Cadow Maxamed, oo ahaa taliyihii hore ee Guutada 8-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka XDS, ayaa loo dallacsiiyay darajada Gaashaanle Dhexe, sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda.

Labadan sarkaal ayaa ku geeriyooday dagaal culus oo dhowaan ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, xilli ay hoggaaminayeen howl-gallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo ka socday deegaannada ku dhow magaaladaas.

Sarkaalka saddexaad ee la dallacsiiyay ayaa ah Dhamme Ibraahim Shuuriye Nuur, oo ahaa taliyihii Hurinta Gaarka ah ee Ciidanka Danab ee ka howl-gala gobollada Jubooyinka. Madaxweynaha ayaa u dallacsiiyay darajada Dhamme.

Ibraahim Shuuriye ayaa ku geeriyooday howlgal ciidan oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ciidamada Danab ay ka wadeen howl-gallo lagu beegsanayay dagaalyahannada Al-Shabaab ee ku sugan deegaannada gobolkaas.

Dallacaaddan sharafeed ayaa ku soo aadeysa xilli dowladda federaalka ay sii waddo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo madaxda dowladda ay marar badan ballanqaadeen in la maamuusi doono saraakiisha iyo askarta naftooda ku waaya difaaca dalka iyo howl-gallada lagu sugayo amniga.

Israa’iil oo la sheegay inay ciidamo geysay maamulka Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Israa’iil ayaa ciidamo tiro yar u dirtay Somaliland horraantii sanadkan, sida uu wargeyska Middle East Eye u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo dhalisay dood ku saabsan heerka xiriirka amni ee u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland.

Sarkaalkan oo magaciisa la shaacin sababo la xiriira xasaasiyadda arrinta ayaa sheegay in Israa’iil ay ciidamo u dirtay Somaliland kadib markii ay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland bishii December, isla markaana ay dib u soo cusboonaadeen xiisadaha u dhexeeya Israa’iil iyo Iiraan dabayaaqadii bishii Febraayo.

Sida uu sheegay sarkaalku, ku dhowaad 50 askari ayaa la geeyay gudaha Somaliland, kuwaas oo la sheegay inay qayb ka yihiin qorsheyaal amni iyo iskaashi militari oo u dhexeeya labada dhinac.

Warbixinta Middle East Eye ayaa intaas ku dartay in xogaha sirdoon ee la helay ay muujinayaan in inta badan ciidamadaas laga soo xulay askar Israa’iiliyiin ah oo asal ahaan ka soo jeeda Afrika, gaar ahaan kuwa leh asal Itoobiyaan, si aan si fudud loogu aqoonsan ama ugu dhex milmaan bulshada deegaanka.

Wargeyska ayaa sheegay inuu xiriir la sameeyay ciidamada Israa’iil si uu uga helo faah-faahin ku saabsan eedeymahaas, hase yeeshee saraakiisha milatariga ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan arrinta, iyagoo sheegay inay khusayso hoggaanka siyaasadda ee dalkaas. Sidoo kale, Middle East Eye ayaa sheegay inuusan wax jawaab ah ka helin maamulka Somaliland.

Dhanka kale, Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz ayaa Arbacadii sheegay in Israa’iil iyo Somaliland ay muddo sannado ah si qarsoodi ah uga wada shaqeynayeen arrimo amni. Hadalkan ayuu ka sheegay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Warbixin hore oo ay daabacday CNN, iyadoo soo xiganaysa ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegtay in Somaliland ay Israa’iil siisay goob militari oo dheeraad ah oo loo adeegsan karo joogsiga diyaaradaha duullimaadyada fog.

Hase yeeshee, Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali ayaa Arbacadii si cad u beeniyay in Israa’iil ay saldhig militari ku leedahay Somaliland, isagoo sheegay in aanay jirin wax saldhig ah oo Israa’iil ku leedahay deegaannada maamulka Somaliland.

Wasiirku ayaa qiray in Israa’iil ay taageero siiso Somaliland, isla markaana ay gacan ka geysato tababarka qaar ka mid ah ciidamada booliska iyo milatariga. Arrimahan ayaa ku soo aadaya xilli uu sii xoogeysanayo xiriirka amni iyo istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland, iyadoo aan weli si rasmi ah loo caddeyn heerka dhabta ah ee iskaashiga labada dhinac.

Si kastaba, xiriirka Israel iyo Somaliland ayaa si degdeg ah u kordhay bilihii u dambeeyay, kadib markii Israel ay bishii December ku dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland, tallaabo ay dowladda Soomaaliya si adag uga hortimid.

Muqdisho ayaa sheegtay in Somaliland ay tahay qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna tallaabada Israel ku tilmaamtay “weerar ula kac ah” oo lagu qaaday madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Intii uu socday safarka wafdiga Somaliland ee Israel, Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz, ayaa sheegay in Israel iyo Somaliland ay muddo sanado ah lahaayeen iskaashi qarsoodi ah.

“Sanado badan waxaan si qarsoodi ah uga wada shaqeynaynay howlgallo taxane ah oo weli sir ahaan doona,” ayuu yiri Katz, sida lagu sheegay hadal ka soo baxay xafiiskiisa.

“Hadda waxaan dooneynaa inaan iskaashigeenna amni gaarsiino heerar cusub, si ay uga faa’iideystaan labada dhinac iyo xasilloonida gobolka,” ayuu raaciyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa in heshiis kasta oo militari, diblomaasiyadeed ama ganacsi oo la xiriira maamulka Somaliland uu u baahan yahay oggolaanshaha dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho, maadaama gobolkaas uu yahay qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska oo ku dhawaaqay is-casilaadiisa kadib cadaadis…

London (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Midowday ee UK, Keir Starmer, ayaa ku dhawaaqay Isniinta maanta inuu xilka ka tegi doono sidoo kalena hoggaanka xisbiga Shaqaalaha (Labour) iyo xilka ra’iisul wasaarenimo, taasoo soo afjaraysa jahawareer siyaasadeed, isla markaana furaysa tartan lagu beddelayo siyaasadda xiligaan ee UK..

Go’aankan ayaa ka dhashay cadaadis xooggan oo saarnaa ra’iisul wasaaraha, kadib markii xisbiga Labour uu khasaare xoogan kala kulmay doorashooyinkii deegaanka ee dhacay bishii May, iyo waliba mucaaradad sii kordhaysa oo uu kala kulmayay xildhibaannada xisbigisa oo ka horyimid hoggaankiisa iyo qorshe-siyaasadeedkiisa.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo ay ka yar tahay labo sano ka dib markii Starmer uu xisbiga Labour u horseeday mid ka mid ah aqlabiyaddii ugu weynayd ee baarlamaaniga ah ee ay helaan doorashadii guud ee 2024.

Haddal uu ka jeediyay banaanka aqalka looga arrimiyo dalka ee 10 Downing Street ayuu Starmer wuxuu ku sheegay inuu xilka sii hayn doono ilaa inta uu ka dhammaanayo tartanka hoggaanka, taasoo uu sheegay inay gacan ka geysan doonto xil-wareejin nidaamsan.

Duqii hore ee magaalada Greater Manchester ee xisbiga Labour, Andy Burnham, ayaa guul weyn ka soo hooyay doorasho gaar ah oo dhacday 18-kii June, taasoo laga yaabo inay waddada u xaarto inuu u tartamo hoggaanka xisbiga iyo xilka ra’iisul wasaaraha UK.

Ra’iisul wasaaare Starmer wuxuu sheegay in gelitaanka 10 Downing Street ay ahayd daqiiqaddii ugu sharafta badnayd noloshiisa, isagoo intaa raaciyay in muddadii uu xafiiska joogay dib loo soo celiyay sumcaddii Britain ee caalamka, la xaqiijiyay maalgashi, lana horumariyay xuquuqda shaqaalaha.

Si kastaba ha ahaatee, Starmer wuxuu qirtay in xubnaha kale ee xisbiga Labour ay tan iyo markaas weydiinayeen inuu yahay qofka ugu habboon ee xisbiga ku hoggaamin kara doorashada guud ee soo socota.

Ku dhawaaqista iscasilaada Starmer kadib Lacagta Pound-ka ayaa la arkayay iyadoo 0.19% hoos ugu dhacday lacagta Dollar-ka, iyadoo lagu kala iibsanayay qiimo aad u jaban.

Si kastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaare Starmer wuxuu dhowaanahan aad u danaynayay inuu dejiyo suuqyada, isagoo iska fogeeyay hadalladii hore ee uu ku sheegay in UK ay “ku xiran tahay suuqyada dammaanadda.

UK ayaa mudo afar sano ah xilalka isaga kala danbeeyeen afar ra’iisul wasaare cusub, haddii xilka uu banneeyana Mr Starmer waxaa xafiiska imaan doono kii shanaad muddo afar sano ah, iyadoo la magacaabi doono gole wasiirro oo dejin doona barnaamij siyaasadeed oo cusub.

Sawirro: Kullan looga hadlayay ka hortaga cunsurinimada oo ka dhacay Holland

0

Zwolle (Caasimada Online) – Jaaliyadda Soomaalida Netherlands ee SFON ayaa magaalada Zwolle ee dalka Holland ku qabatay shirweyne looga hadlayay la-dagaallanka cunsuriyadda iyo nacaybka sii kordhaya ee loo qabo dadka soo-galootiga ah.

Kulankaas waxaa ka soo qeyb galay wakiillo ka socday Dowladda Hoose ee Zwolle, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, hay’adaha xuquuqul-insaanka, saraakiil matalayay booliska, iyo hay’adda ugu weyn ee ka hortagga cunsuriyadda, oo loo yaqaan Discriminatie.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray hannaan looga hortegi karo cunsuriyadda iyo nacaybka loo qabo qaxootiga iyo ajaaniibta, gaar ahaan dadka asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya iyo qowmiyadaha kale. Muddooyinkii dambe waxaa dalka Holland ku soo badanayay xadgudubyo lagula kaco dadkaas.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida SFON, Abdiadir Ali Nuune, oo ugu horreyn u mahadceliyay ka soo qeyb-galayaashii shirka, ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga hortago xadgudubyada lagula kaco dadka asal ahaan ka soo jeeda ajaaniibta, oo ay Soomaalidu ka mid tahay.

Guddoomiye Nuune ayaa sidoo kale sheegay in muddooyinkii dambe xubno ka tirsan Baarlamaanka Holland ay doodahooda ku saleeyaan nacaybka qaxootiga, taas oo uu sheegay inay dhiirrigelin u noqotay kooxaha naceybka faafiya, isla markaana ay ku dhiirradeen inay gubaan xeryaha qaxootiga.

Wuxuu ku tilmaamay arrintaas mid aan la aqbali karin, isagoo bulshada ku boorriyay inay ka feejignaadaan falalka noocaas ah. Hase yeeshee, wuxuu xusay in dadka Holland aan looga baran dhaqamada noocaas ah.

Sidoo kale, kulanka waxaa ka hadashay xubin sare oo ka socotay hay’adda la-dagaallanka cunsuriyadda ee Discriminatie. Waxay sharraxday sida ay u soo korortay cunsuriyaddu muddooyinkii dambe, iyo meelaha ugu badan ee lagu diiwaangeliyay, sida goobaha waxbarashada, shaqada iyo waddooyinka.

Waxay sidoo kale u mahadcelisay Jaaliyadda Soomaalida SFON, oo ay ku ammaantay diyaarinta munaasabaddan muhiimka ah.

Waxaa kaloo kulanka ka hadlay sarkaal ka socday booliska, kaas oo sheegay in cunsuriyaddu ay sharci ahaan ka mamnuuc tahay dalka, balse ay weli dhacaan falal la xiriira. Wuxuu sharraxay sida qofka la kulma cunsuriyad uu booliska ugu soo wargelin karo, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta jaaliyadda iyo booliska.

Kulanka ayaa si weyn loogu falanqeeyay saameynta ay cunsuriyaddu ku yeelato dadka qaxootiga ah, iyadoo si gaar ah loo soo hadal qaaday qaxootiga ka yimaada Afrika iyo Bariga Dhexe. Waxaa sidoo kale la isbarbar dhigay xaaladdooda iyo qaxootiga ka yimaada dalalka kale ee Yurub, sida Ukraine, kuwaas oo aan inta badan la kulmin heerka cunsuriyadda ay wajahaan dadka Afrikaanka ah iyo kuwa Bariga Dhexe ka soo jeeda.