Nairobi (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay guud ahaan dalka Kenya, boqolaal kalena waa la xiray, intii ay socdeen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeeday oo dhacay maalintii Isniinta, sida ay sheegeen koox u doodda xuquuqda aadanaha iyo booliska, waxaana wararku intaa ku darayaan in iska horimaadyo ay dhexmareen booliska iyo dibadbaxayaasha oo isugu soo baxay duleedka caasimadda Nairobi.
Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha ee Kenya (KNCHR) ayaa sidoo kale ku eedeeyay booliska inay la shaqeeyaan kooxo dambiilayaal ah, xilli ciidamo farabadan oo ammaanka ah la geeyay bartamaha magaalada Nairobi, taasoo keentay inay cidla ahaato ka hor mudaharaadyada sanadlaha ah ee lagu xusayo Maalinta Saba Saba.
Banaanbaxyadan oo magacoodu ka dhigan yahay “Toddobo Toddobo,” waxaa lagu xusaa 7-dii Luulyo, 1990-kii, markaasoo shacabka Kenya ay u kaceen inay dalbadaan in dib loogu soo celiyo nidaamka xisbiyada badan, kadib sanado badan oo uu xukun kaligii-talisnimo ah ku maamulayay madaxweynihii xilligaas, Daniel arap Moi.
War-saxaafadeed ka soo baxay, guddiga KNCHR wuxuu ku sheegay “inay diiwaan geliyeen toban qof oo dhimasho ah iyo sagaal iyo labaatan dhaawac ah” oo ka kala dhacay 17 gobol oo dalka ka tirsan, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeri ah.
Dhanka kale, warbixin uu soo saaray Booliska Qaranka (NPS) gelinkii dambe ee Isniintii ayaa tirada dhimashada ku sheegay 11 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 52 askari oo boolis ah iyo 11 qof oo rayid ah.
Laga soo bilaabo duhurnimadii, wakaaladda wararka ee AFP waxay goobjoog ka ahayd iska horimaadyo goos-goos ah oo dhex marayay kooxo ka tirsan booliska rabshadaha ka hortaga oo sunta dadka ka ilmaysiisa ku furayay dad isku soo baxay oo tiro yar, iyadoo qaar ka mid ah dadweynihii isku soo baxay ay dhagxaan ku tuurayeen booliska, isla markaana ay ku kaceen bililiqo iyo burburin hantiyeed.
Dhallinyarada Kenya, oo ka niyad jabsan fadhiidnimada dhaqaale, musuq-maasuqa iyo tacaddiyada booliska, ayaa mar kale ka qayb galaya dibadbaxyo bishii hore isu beddelay bililiqo iyo rabshado, kuwaasoo sababay dhimashada tobanaan qof iyo burbur soo gaaray kumanaan ganacsi.
Dibadbaxayaashu waxay ku eedeeyaan mas’uuliyiinta inay bixiyaan lacag si ay u kireystaan kooxo hubaysan oo kharribayaal ah si ay u sumcad dilaan dhaq-dhaqaaqooda, halka ay dowladdu mudaharaadyadii bishii Juun ku tilmaantay “afgembi la isku dayay.”
– ‘Kooxo wejiga soo duubtay’ –
Isniintii, waddooyinka bartamaha magaalada Nairobi way xasilloonaayeen kadib markii boolisku ay jidadka waaweyn ku xireen baro-koontarool, iyagoo xaddidayay gelitaanka goobihii udub-dhexaadka u ahaa isu-soo-baxyadii hore.
Ganacsiyo badan ayaa xirnaa maalintaas oo dhan.
“Weligeey ma arag bartamaha magaalada oo sidan oo kale ah,” ayuu yiri Edmond Khayimba, oo ah 29 jir ka shaqeeya ilaalada, isagoo la hadlayay AFP.
In kasta oo bartamaha magaaladu uu cidla aheyd, haddana kooxo ayaa isugu soo baxay duleedyada magaalada galabnimadii, iyadoo weriyeyaal ka tirsan AFP ay goobjoog ka ahaayeen labo qof oo dhaawacmay, iyo sidoo kale bililiqo iyo burburin hantiyeed.
Dibadbaxayaal isugu soo baxay waddo weyn ayaa ay isku dhaceen boolis ka hor istaagayay inay soo galaan magaalada, waxaana dadkaas oo tiro yar ay ku dhawaaqayeen: “Ruto waa inuu tagaa,” oo ah hal-ku-dheg caan ah oo looga soo horjeedo Madaxweyne William Ruto, iyo “wantam,” oo macnaheedu yahay “hal xilli.”
Mar kale, wakaaladda AFP waxay aragtay bililiqo iyo burburin hantiyeed oo ka dhacaysay agagaarka.
War-saxaafadeedkeeda, guddiga KNCHR wuxuu ku xusay joogitaanka “kooxo dambiilayaal ah oo sitay hub aan casri ahayn, sida jeedallo, budad, baangado, warmo, qaansooyin iyo fallaaro” intii ay socdeen dibadbaxyada ka dhacayay tiro gobollo ah, oo ay ku jirto Nairobi, halkaasoo “kooxahan wejiyada soo duubtay lagu arkay iyagoo ka garab shaqeynaya saraakiisha booliska.”
Faallo uu siiyay AFP, afhayeenka Booliska Qaranka (NPS), Michael Muchiri, ayaa sheegay in hadallada KNCHR ay “marar badan ka maran yihiin xaqiiqada.”
Afhayeenku wuxuu sidoo kale ku celiyay in Booliska Qaranka (NPS) “uusan waligiis la shaqeyn doonin shakhsiyaad loogu yeero ‘daba-dhilifyo’ ama dambiilayaal,” isagoo adeegsanaya magaca loo yaqaan ragga hubaysan ee lacagta lagu siiyo inay carqaladeeyaan bannaanbaxyada.
Muchiri ayaa warbixin dambe ku sheegay in 567 qof lagu xiray intii ay dibadbaxyadu socdeen, balse ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.
Kipchumba Murkomen, wasiirka arrimaha gudaha, ayaa sheegay in dibadbaxyadii ugu dambeeyay “ay soo dhex galeen dambiilayaal doonayay inay abuuraan fowdo iyo burbur.”
Qoraal uu soo dhigay barta X, wuxuu ku sheegay in joogitaanka saraakiisha boolisku uu “si weyn u yareeyay” bililiqada iyo rabshadaha, balse wuxuu ballanqaaday in dadkii ka dambeeyay “la baari doono lana maxkamadayn doono.”
– ‘Ruto waa inuu tagaa’ –
Baraha bulshada iyo rajada dhaqaale ee sii kordhaysa ayaa sii huriyay carada laga qabo sinnaan la’aanta ka jirta dalka, halkaasoo qiyaastii 80 boqolkiiba dadku ay ku xayiran yihiin shaqooyin aan rasmi ahayn oo mushahar yar.
Laakiin tallaabooyinka adag ee ay qaadeen booliska – ugu yaraan 80 qof ayaa ku dhintay dibadbaxyo dhacay tan iyo bishii Juun ee sanadkii hore, halka tobanaan kalena si sharci-darro ah loo xiray – ayaa dad badan ka cabsi geliyay inay waddooyinka isugu soo baxaan.
“Wixii uu dalka u ballanqaaday, ma fulinayo,” ayuu yiri Onsomu.
Tan iyo markii la doortay 2022, Ruto wuxuu isbahaysi aan sal adkeyn la yeeshay hoggaamiyaha mucaaradka ugu weyn, Raila Odinga, taasoo meesha ka saartay inuu jiro musharrax cad oo kula tartami kara doorashada xigta ee 2027.
Laakiin tallaabo kasta oo rabshad wadata waxay sii hurisaa qalalaase hor leh, sida ay tiri dhaqdhaqaaqe Nerima Wako.
“Mar kasta oo dadku mudaharaad soo abaabulaan, dad badan baa la dilaa, taasina waxay sii hurinaysaa rabshadaha xiga,” ayay tiri.
Dibadbaxii hore ee dhacay 25-kii Juun – oo loogu talagalay in lagu xuso sannad-guuradii bannaanbaxyadii dhimashada badnaa ee dowladda looga soo horjeeday ee sanadkii hore – ayaa isu beddelay rabshado, waxaana ku dhintay 19 qof, sida ay sheegeen kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha.








